SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Wararkii: Oct 19, 2006

  • Sheekh Cabdi Qani Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa rajeyneynaa in Maxkamado Islaami ah ka hirgalaan Puntland..
  • Madaxwaynaha DFKMG, C/laahi Yusuf Axmed, oo Nairobi Soo Gaaray...
  • Madaxwaynaha DFKMG oo Addis ababa kula kulmay maamulka somaliland..
  • Kooxda Contact Group oo maanta la filayo in ay isa soo hor fariisiyaan..
  • Ciidamo ka socda Maxaakiimta islaamiga oo ka ambabaxay...
  • Warar ku saabsan Barre Hiiraale iyo halka uu ku sugan yahay..
  • Sadex nin oo ganacsato soomaaliyed ah oo lagu gubay dalka south afrika

Sheekh Cabdi Qani Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa rajeyneynaa in Maxkamado Islaami ah ka hirgalaan Puntland..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Waxaa maalmahan magaalada Muqdisho soo gaaray culima’udiin ka yimid maamul gobaleedka Puntland kuwaas marti u ahaa golaha Maxaakiimta Islaamiga, waxaana intii ay joogeen Magaalada Muqdisho kulamo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah oo ay isla soo qaadeen is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya, iyo sidi is bedelkaasi loo gaarsiin lahaa maamul Gobaleedka Puntland.

Sheekh Cabdi Qani Qorane iyo Sheekh C/llaahi Max’ed Faarax oo u waramayey warbaahint ayaa waxay sheegeen in ay Muqdisho u yimaadeen sidii ay walaalahooda ula qaybsan lahaayeen nasriga Illaahey siiyey isla markaana ay u eegi lahaayeen xaaladda Muqdisho, waxayna sheegeen in Dadweynaha ku nool Maamul Gobaleedka Puntland ay diyaar u yihiin in deegaanadooda la hirgiliyo Maxaakiim Islaami ah.

“Dadku waa ay bislaadeen, waxaana rajeyneynaa in iyagoo aan dhiig ku daadan in is bedelka ka dhacay Muqdisho uu gaaro maamul Gobaleedka Puntland” ayey yiraahdeen Sheekh Cabdi Qani Qorane iyo Sheekh C/llaahi Max’ed Faarax. [Warar dheeraad ah hoos ka akhri]

Culumo reer Puntland ah oo  Nairobi ka dhoofay oo  Magaalada Muqdisho Maxaakinta islaamiga ah  kula Kulmay.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
Faa Faahin Somali Talk /20 October.2006
 
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia ayaa waxaa ka dhacay kulan dhex maray Culumaa'udiin reer Puntland ah oo iyagu aqoon yahano iyo siyaasiyiin isugu jiray kana dhoofay magaalada Nairobi maalintii Axada ahayd.
 
Culumadaan ayaa waxaa ka mid ahaa Sheikh C/laahi Maxamed Farax oo dalka Sudan wax ku soo bartay si wayna looga yaqaan magaalada Galkacyo iyo waliba Shiekh C/qani qorane, Maxamuud Sheikh C/ladiif Muse Nuur, culumadan iyo maxaakinta islamiga ah ee somaliyed ayaa kulan albaabada u xiran yihiin ku yeeshay magaalada muqdisho oo diirada lagu saaray sidii ku dhaqanka shareecada EEBE looga hirgalin lahaa deegaanada Puntland ee waqooyi bari somalia oo laga soo bilaabo 1998kii bishii Ausgto laga dhisay maamulka Puntland oo isagu nabadii iyo kala danbtaytii soo celiyay balse ay dadku wali u baahan yihiin ku dhaqanka kitaabka una hanqal taagayaan.
 
Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa waxaa markii uu dhamday saxaafada shirjaraid u qabtay Sheikh  C/qani Qorane isagoo sheegay in ay ka wada hadleen maxaakimnta islaamiga ah ee somaliyeed arimo la xiriira marka hore warbixin in ay ka dhagaystaan ku aadan maxaakiimta islaamiga ah iyo waliba in markaasi ay ka wardoonaan arimaha isbadalada ka dhacay magaalada muqdisho iyo waliba in laga hirgaliyo ku dhaqanka shareecada islamiga gobolada Puntland ee somalia.
 
Sheikh C/laahi Maxmed Faarax oo ka mid ah culumadaan kana mid ah aqoonyadaha Puntland ee wax ku soo bartay dalka Sudan ayaa isagu u waramay saxaafada muqdisho waxaa u sheegay in maxaakiimta islaamiga ah si nabad ah oon dhiig ku daadan ay ku tagaan gobolada puntland isagooo si adag u dhaliilay hadalada ka soo yeera maamulka Puntland iyo somaliland ee ah "cadow ayaa weerar lagu soo ah" .
 
Shiekha ayaa waxa uu beeniyay in in ay magalada muqdisho u tageen ka mid noqshaha Golaha Shuurada Maxakinta islaamiga ah ee somaliyed iyado ay soo baxayso warar arintaasi sheegaya ayaa si adag uu u beeniyay Sheikh C/laahi Maxamed Faarax.

Madaxwaynaha DFKMG, C/laahi Yusuf Axmed, oo Nairobi Soo Gaaray...

 
Galabnimadii Arbacada ee shalay ahayd ayaa waxaa Nairobi caasimada kenya soo gaaray madax waynaha DFKMG, C/laahi Yusuf Axmed oo lagu waday inoo tago magaalada Baydhabo balse safar aan la filayn ayaa uu dhanka magaalada Nairobi ugu soo weecday.
 
Garoonka Diyaaradaha ee Joma Kenytta ee Nairobi ayaa markii oo ka soo dagay isla markiiba waxaa magalada Nairobi kulamo kala duwan kula qaaday madax ka tirsan dawlada kenya iyadoo ay ku soo dhaweeyeen Nairobi ka dib imaanshihiisa xubno isugu jira dawlada somalia iyo waliba dawlada kenya.
 
Madaxwaynaha DFKMG ayaa soo dhamaystay booqasho dawr maalin ah oo uu ku joogay dalka Ethiopia Addis Ababa soo gaba gabeeyay iyadoo la filayay in oo shalay galab ku laabto Baydhabo balse Nairobi u soo baqoolay.
 
Ilo ku dhaw dhaw xafiiska madaxwaynaha oo ku sugan Nairobi ayaa waxay noo sheegeen in magaalada Nairobi uu kula shirayo hayadaha beesha caalamka iyo waliba dawlada kenya madax ka tirsan oo uu ka mid yahay madaxwaynaha kenya Kibaki.
 
Inta badan dawlada somalia madaxdeeda ayaa Nairobi u yimaada hawlo la xiriira arimaha somalia iyadoo ay ku leeyihin xafiisyo KMG ah oo ay ku shaqeeyan iyadoo ay tahay Nairobi halka laga askumay dawlada somalia ee baydhabo dagan, madax waynaha DFKMG ayaa Nairobi waxaa ugu danbeeyey 6tii bishii hore ka dib markii uu ka qayb galay shirkii madaxda IGAD ee Ethiopia, Kenya, somalia, Sudan iyo Uganda ay ka soo qayb galeen . 

Madaxwaynaha DFKMG oo intii uu joogay Addis ababa kula kulmay maamulka somaliland madax ka tirsan si qarsoodi ah.
 
Sida laga soo xigtey wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka laga magac baxay somaliland waxaa kulmay madaxwaynaha DFKMG C/laahi Yusuf Axmed ka hor intii uusan ka soo dhoofin magaalada Adis ababa maalintii isniitii wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland  Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Ma jiraan warar xaqiijinaya jiritaanka kulankaas iyo waxyaabihii ay labada dhinac kaga wada hadleen.
Hase yeeshee, sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah oo ku dhow-dhow magaalada Addis Ababa, waxa uu kulankaasi ahaa mid labada dhinac kaga arrinsanayeen guud ahaan arrimaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaanna dhaqdhaqaaqa ay Soomaaliya ka wadaan Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho.

Warku waxa uu intaa ku daray in kulanka labada dhinac iskula soo qaadeen sidii talo iyo mowqif midaysan uga yeelan lahaayeen awoodda xoogagga Maxkamadaha ah ee liddiga ku ah labadooda maamulba, isla markaana ay wadajir uga samaysan lahaayeen awood caabidda Maxaakiimta Muqdisho, kuwaas oo maamulka Somaliland iyo xukuumadda Cabdillaahi Yuusuf u arka in ay daba-dhilif u yihiin Maraykanka iyo Itoobiya.

Kulanka Cabdillaahi Yuusuf iyo weftiga Somaliland ayaa waxa wararkaasi sheegeen in uu ahaa mid qabsoomiddiisa hore loo sii qorsheeyey oo ay ka shaqaysay xukuumadda Addis Ababa.

Xubnaha weftiga Somaliland oo dalka ka ambabaxay Sabtidii toddobaadkan, ayaa ujeeddada safarkooda Itoobiya waxa ay ku sheegeen in uu yahay mid la xidhiidha arrimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee mandaqadda iyo saameynta ay ku yeelan karaan Somaliland, kuwaas oo ay tilmaameen in ay kala soo xaajoon doonaan masuuliyiinta dawladda Addis Ababa iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye iyo weliba ururo caalami ah, waxa ay ku soo beegantay saacado yar kadib markii Cabdillaahi Yuusuf iyo wefti uu hoggaaminayey ay isla gelinkii dambe ee Sabtidii magaalada Baydhabo ka qaadday diyaarad khaas ah oo ay dawladda Itoobiya u dirtay. [Sida laga soo xigtay warbaahinta Hargeysa]

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

SomaliTalk Nairobi kenya
Faa Faahin Somali Talk /20 October.2006

Kooxda Contact Group oo maanta la filayo in ay isa soo hor fariisiyaan..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Kooxda Contact Group oo qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa u soo jeedisay Dowladda Federaalka ah iyo Maxaakiimta Islaamiga ah in ay fuliyaan go’aanadii ka soo baxay shirkii Khartuum, waxay u soo jeediyeen labada dhinac ay muujiyaan dulqaad iyo dabacsanaan, taas oo ay sheegeen inay lagu baajin karo dagaal dhexs mara labada dhinac.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo gaaray maalintii shalay ahayd Nayroobi ayaa kulan gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Kooxdaasi waxayna isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu sheegay inaysan marnaba hor fariisan doonin Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ku eedeeyay inay jabiyeen heshiiskii khartuum.

Maanta ayaa la filayaa in wafdi ka socda golaha Maxaakiimta oo uu horkacayo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maxaakiimta Porf, Ibraahim Xasan Caddow inay gaaraan Magaalada Nayroobi si ay ula kulmaan kooxda Contact Group wara ayaase sheegaya in golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka ay kooxdaani isa soo hor fariisin doonto.

Ciidamo ka socda Maxaakiimta islaamiga oo ka ambabaxay...

Ciidamo aad u xoogan oo wata Tikniko fara badan kana tirsan golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa u dhaqaaqay dhinaaca iyo deegaanka Bu’aale, iyadoo lagu waramey inay ciidamadaasi ay ka tageen Magaalada Kismaayo.

Ciidankaan ayaa la sheegay inay ka hor tagi doonaan maleeshiyada uu wato Col. Barre Hiiraale oo iyagu soo siqaya degmda Bu’aale ee Gobalka J/dhexe. Ciidanka Maxaakiimta oo isku qaybiyey labo qaybood aya waxaa la sheegay in koox ay soo gaartay degmada Jilib, kooxda kalana lama garanayo halka ay u dhaqaaqeen, wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in ay qaybtaasi ay si toos ah u tagi doonto degmada Bu’aale.

Warar ku saabsan Barre Hiiraale iyo halka uu ku sugan yahay..

Wararka naga soo gaaraya Degmada Bu’aale ee Gobalka J/hoose waxay sheegayaan in Ciidmada Barre Hiiraale ii ku sii siqaya Bu’aale ay shalay sameeyeen dib u gurasho lamina garanayo waxa keenay dib u gurashadaasi, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in Barre Hiiraale uu taakuleyn ka sugayo Dowladda Federaalka ah.

Waxaa la filayaa in maanta Barrre la gaarsiiyo saanad hub ah oo ka tageysa Degmada Diinsoor, iyadoo wararka ka imaanay Bu’aalana ay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ay magaaladaasi ka bilaabatay qax, sidoo kale ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan Bu’aale ayaa lagu waramay inay adkeenayaan difaacooda, waxaana la sheegay in ay shalay gaartay saanad hub ah oo ka tagtay Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Sadex nin oo ganacsato soomaaliyed ah oo lagu gubay dalka south afrika

Sedex Nin oo soomali ah ayaa lagu gubay Magaalada PORTELEZABIT oo ka mid ah Magaalooyinka ay dagan yihiin soomalida ganacsatada ah ee ku sugan dalka south afrika Sedexdan Nin oo Sawiradoodu ay ka muuqdaan dhaawac culus ayaa waxa ay hada ku jiraan Cisbitaalka edexadn nin ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Yare, Maxamed Muumin Iyo Cali Cadaw

Sedexdan nin ayaa waxa lagu magacaabaa YUUSUF YARE . MAXAMED MUUMIN iyo CALI CADAW oo waqtigaasi ku jiray meheradaha ay ka ganacsanayeen isla markaana ay ahayd waqti habeen ah oo ay jiifeen Goobtooda ganacsiga  

 Sidoo kale Waxuu  warku uu intaas ku darayaan in laba kamid ah ragaasi ay xaaladooda aad u liidato qaar kamida soomaalida ku dhaqan gobolkaasi oo aanu  la xidhiidhay  ayay noo xaqiijiyey  in kooxahaasi budhacad ah ee south afrikaanka ahi ay dhaceen dukaankaasi dabadeedna ay dabqabadsiiyeen iyagoo ragaasina gudaha dukaanka lagu soo xidh xidhay 

 Si kastaba ha ahaate Soomalida ku dhaqan wadanka south africa ayaysan jirin cid  u dooda oo kala hadasha Dowlada South Africa Iyadoo ay maalamhan danbe ay sii badanayaan  ugaadhsiga ganacsatada soomaalida ahi. 

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com
002521-580916

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2006

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"
»Digil & Mirifle oo Baydhabo ku soo dhaweynaya maxkamadaha
»C/llaahi Yuusuf oo fariin soo gaarsiiyey Digil iyo Mirifle..
»Beesha Sade: Gen Cali Madoobe wax lug ah kuma lahayn..
»Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa Barre Hiiraale oo isu jira
»Munaasabad lagu xusayey Maalinta Saboolnimada adduunka
»Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay Xarardheere...
»C/laahi Yuusuf Axmed iyo Meles Zenawi oo shir yeeshay..
»Markii labaad oo ay haween Soomaaliyeed ay Deeq lacageed
»Gen. Cali Madoobe oo gaashaanka u daruuray inuu..
»Jaamacadda Carabta oo beenisay hadal ka soo yeeray...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 18


Markii labaad oo ay haween Soomaaliyeed ay Deeq lacageed oo ka soo direen W/Ameerika oo la gaarsiiyey qoysas u badan agoon iyo kuwo dhibaateysan...

 

Deeq ka koobneyd Lacag gaareysa $1800 oo haween Soomaaliyeed oo ku nool dalka Maraykanka ay  soo direen ayaa maanta loo gaarsiiyey qoysaska caruur Soomaaliyeed oo ku agoontoobay dagaaladii dhowaan ka dhacay magaaalada Muqdisho iyo kuwa dhibaateysan munaasabad ka dhacday xarunta Markaska dacwada Ummul-Qura oo ku yaala degmada Hodan ee magaaladan Muqdisho.

 

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo haweenka soo diray deeqdaasi ay u soo mariyeen  dadkaasi agoonta ah iyo kuwa dhibaateysan  ayaa sheegay in haweenkan ku nool dalka Maraykanka ay lacagtan ugu talo galeen sidii ay ugala qeyb qaadan lahaayeen munaasabada ciida Soonfureed farxadna ula ciidi lahaayeen qaar ka tirsan walaalahood agoonta ah ee ku dhibaateysan magaaladan Muqdisho iyo dadka kale ee tabaaleysan, isagoo xusay in lacagtan oo dhameyd illaa $1800 oo Dolar lagu sarifay boqolkii dolar 13,70,000, taasoo  cadadeeda guudna ka dhigtay 24,600,000 (Labaatan iyo afar Milyan iyo lix boqol oo kun Sh.So) ah.

 

 

“Deeqdan waxaa idin soo diray haween walaalihiin ah oo ku dhaqan W/Ameerika, kuwaasoo ka damqaday dhibaatada xiliggan heysata dadka Soomaliyeed gaar ahaan agoonta, waxaan u rajaynaynaa haweenka Muslimaadka ah ee ee deeqdan soo diray inuu ILAAHEY Siiyo bedel qeyr qaba, baaqigoodana u barakeeyo” ayuu yiri Abwaan Bacadle. 

 

Lacagtan ayaa ilaa shan milyan oo ka mid ah waxaa  qoo qeybiyey qoysas dhibaateysan oo marti ah oo goobta soo xaadiray, waxaana lacagtaasi inta ka hartay loo qeybiyey qoysas agoon ah oo iyagu dhibaato gaar ah qaba marka laga reebo Shan milyan iyo Afar boqol oo Sh.So ah oo lagu wareejiyey maamulaha Markaska dacwada Ummu-Xafsa Aamina C/raxmaan si ay gaarsiiso  isla qoysaska agoonta ee dhibaatada gaarka ah ay ka muuqato oo iyagu diiwaan gashanaa, hase ahaatee goobtaasi aan soo xaadirin.

 

Aamina C/kariim oo ka mid ah mas’uuliyiinta markaska dacwada ee Ummu-Xafsa ayaa u mahad celisay haweenkii muslimaadka ahaa ee deeqdaasi soo gaarsiiyey qoysaska caruurta Soomaaliyeed ee aabayaashood ay ku geeriyoodeen dagaaladii ka dhacay magaaladan Muqdisho, iyadoo xustay in deeqdan ay ku soo beegantay xili ay si weyn ugu baahnaayeen qoysaskaasi oo isla markaana ay soo dhowdahay munaasabadii ciida Soonfureed, waxayna ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibeda intaba iney u naxariistan agoonta Soomaaliyeed oo ay sheegtay iney ILAAHEY agtiisa maalinta Qiyaame ajir iyo xasanaad fara badan oo aan la soo koobi karin uga helayaan.  

Ma’ahan markii ugu horeysay ee haweenkan Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka  deeqo lacageed soo gaarsiiyaan agoonta iyo dadka tabaaleysan ee ku ku jira xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaala qeybaha kala gedisan ee magaladan Muqdisho, waxayna dhowaanahanba soo gaarsiinayeen deeqo kala duwan dadka ku dhaqan goobahaasi oo iyagu si aad ah ugu baahnaa duruufo lixaad lehna ay uga muuqdeen, iyadoo haweenkan Soomaaliyeedna deeqaha la gaarsiinayo dadkaasi u soo marinayey abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somalia

002521576666

002521653623
Oct 18, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD