SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

  MA HADHO!!

Qeybtii 1aad 

 

Ma hadho, Daabacaaddii 1aad

Haldhaa Publishing

Borlänge, Sweden December 2005
ISBN-
978-91-85514-01-4

GUJI HALKAN...

Waa sheeko xiiso iyo xanuunba leh. Waxay ka koobantahay 4 qeybood oo midkastaa ay tahay buug gaara. Sheekadan sida aad ka dhadhansan kartaanab magaceedu wa asheeko murugo iyo xanuunba leh, waa sheeko ha hadlaysa hab dhaqnkii soomaalida iyo sida ay qabiilka isugu yasayeen, sida ay gabdhah u duudsiyi jireen, kaalinta uu geel kaga jiray nolosha bulshada soomaaliyeed iyo dhibaatooyinkii gumaysiga xabashida uu u geystay soomaalida ku hoos nool iyo kuwa kalaba.

Waxaan filayaa akhristoow inaad sheekadan ka heli diintid murti, xikmad farshaxnimo qoraaleed lagu dheehay.

Qoraha sheekan qora Mohamed-deeq Abdi-madar ”Haldhaa” waa markii ugu horreeysay ee uu qoro sheeko ku saabsan nolosha miyiga oo uusan isagu aqoon u lahayn sheeko mooyaanee. Waxaanse filaayaa taasi inyasan ka reebin inuu idiin soo bandhigo sheekadan dhiiga iyo dhuuxa dhaqaajinaysa.

Haddii ana wax yar ka soo min-guuriyo sheekdana ”Ma hadho” 

 

Dhaqane iyo reerkooda iyo weliba reeraha la yaallay oo idil saaka waa u subax baas. Waa maalin madoow, oo diiwaankeeduna uu madoowyahay. Khadda diiwaanka lagu qorayna waa dhiig aan go’ayn, oo weliba lagu qoray far aad iyo aad u waawayn. Baroorta, ba’ayeeyda, balan balayeeyda iyo gablamayeeydaba waa mid astaan u noqotay subaxaas. Naxdinta, murugada, ciilkaambiga iyo bishin qaniinkana wehel bay u ahayd.

 

     Raggu ciil buu dhulka la qodayaa. Dumarkuna baroor bay miciinsanayeen. Caruuruhuna hadba oohinta iyo baroortay wax ku darsanayeen, waloow aysan badidoodba ogayn siday wax u dhaceen.

 

Badbaado Allaa lehee, saaka wey indho xuntahay. Ha indho xumaatee mid sidaas looga tagayo maahan. Xaggee loo ciirsada? Xagga Rabbi mooyee ciirsi kale ma jiro. Rabbi isagaa sharka iyo khayrkaba qadara. Isag uunbaana laga magan galaa. Xal kalaana ma jiro. Haddana lama odhan Rabbi magan gal oo iska fariiso. Waa in sababihii lala yimaadoo oo xeelad la kaashadaa.

 

Markalaba ha tashadaanee, maanta muruguda, calool xumada, hundhudhka, tiiranyada, urugada, uurkutaallada, taaha, laxawga, iyo ilinta kulul ee indhahooda ka soo daadanaysa, xaggee bay iska geeyaan?.

 

Carruurtii caano lama siin, raashin loo kariyaan warkiiba daa. Horta inay jiraan yaaba og?!. Qalbigee xusuusannkara. La arag inay ooyayaan oo ay qaylinayaan oo weliba ildaranyihiinee, yaase kala garan kara murugada iyo naxdinta inay la ooyayaan iyo inay gaajo la ooyayaan?!. Yeyse intaas ka filan?! Qalibgee bayse ku soo dhacday?! Markalaba mooyiyee maanta kanshe looma hayo. Kanshe cuntadooda lagu xusuusto iyo kanshe wax lagu siiyaba.

 

GUJI HALKAN...

Mohamed-Deeq Abdi-madar "Haldhaa"
Borlänge, Sweden 
haldhaa35@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2006