SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Axmed Cabdi Geelle
Nairobi, Kinya
axmedlibaax@hotmail.com



Axmed Cabdi Geelle

DALIIL 

Maansadan la yiraahdo DALIIL waxaa tiriyey Abwaan Axmed Cabdi Geele oo deggan magaalada Nairobi ee waddanka Kenya. Daliil waa maansadii 42aad ee ee silsiladda Doodwanaag waxayna taxanaha ku soo biirtay 19kii Nofeembar 2005.  

Axmed waa curiyihii maansadii Darwiish oo ahayd maansadii 32aad. 

     DALIIL 

Axmed Cabdi Geelle
Nairobi, Kenya
             

  1. ma dhamaanin dooddii
  2. wanaag loogu magacdaray
  3. Anna daabaddaan koray
  4. Weli faraskii kama degin
  5. Jeer aan daliishado
  6. Daruuraha cirkoo da’ay
  7. Dhulkana doog ka soo baxay
  8. Xooluhu ku darareen
  9. Dumarka iyo caruurtii
  10. Diihaalku soo maray
  11. Ku soo daalay gaajadu
  12. Farxad iyo damaashaad
  13. Dugsiyada la joogaan
  14. Furi maayo duubkoo
  15. Faraskayga kama dego.
  16.  
  17. Jeer aan daliishado
  18. Dadkan kala shakiyayee
  19. Shaydaan kala dilayoo
  20. Deris iyo walaalo ah
  21. Dirirtii sokeeyiyo
  22. Dulmigay sameeyeen
  23. Deeqsiga Ilaahay
  24. Dembi dhaaf si wada jira
  25. Uga doona keligii
  26. Furi maayo duubkoo
  27. Faraskayga kama dego.
  28.  
  29. Jeer aan daliishado
  30. Dawlad caadiloo wacan
  31. Diinta iyo shareecada
  32. Dastuur nooga yeeshoo
  33. Xaqa dibadda yaallaa
  34. Dadka uu u siman yahay
  35. Furi maayo duubkoo
  36. Faraskayga kama dego.
  37.  
  38. Jeer aan daliishado
  39. Calankii la duugaye
  40. lagu daray xabaaluhu
  41. Xamar dacalladeediyo
  42. Gobollada dalkoo idil
  43. Isagoo dul sudhanoo
  44. Sida dayaxa oo kale
  45. Shacabkeennu daawado
  46. Furi maayo duubkoo
  47. Faraskayga kama dego.
  48.  
  49. Jeer aan daliishado
  50. Xooggii dalkee tegey
  51. Diyaaraadka samadiyo
  52. Dabaabaadka guuxee
  53. Goobaha dagaalkiyo
  54. Efenteri dirays xidhanoo
  55. U midaysan daafaca
  56. Furi maayo duubkoo
  57. Faraskayga kama dego.
  58.  
  59. Jeer aan daliishado
  60. Heeryada dusheenniyo
  61. Duudkeenna saarani
  62. Iyadoo na daysoo
  63. Sharaftaynu duugniyo
  64. Derejadaan lahaynoo
  65. Rabbi noogu deeqoo
  66. Dadku inagu kuunyaan
  67. Furi maayo duubkoo
  68. Faraskayga kama dego.
  69.  
  70. Jeer aan daliishado
  71. Dahabkiyo shidaalkiyo
  72. Khayraadka dihinoo
  73. Debeddaa la soo dhigay
  74. Deegaanku yahay qani
  75. Dawladaha shisheeyee
  76. Ina duudsiyaayaa
  77. Ina soo dalbaanoo
  78. Shaqo inaga doonaan
  79. Furi maayo duubkoo
  80. Faraskayga kama dego.
  81.  
  82. Jeer aan daliishado
  83. Wankeennii la diidiyo
  84. Dibigii la nacayoo
  85. Dekedaha ka dhoofoo
  86. Doonyuhu xambaaraan
  87. Furi maayo duubkoo
  88. Faraskayga kama dego.
  89.  
  90. Jeer aan daliishado
  91. Damalka iyo galoolkii
  92. Duunyadu ku noolayd
  93. Ee dabarka loo jarayoo
  94. Laga daayey goyntii oo
  95. Dib u soo cawaal baxay
  96. furi maayo duubkoo
  97. faraskayga kama dego.
  98.  
  99. Jeer aan daliishado
  100. Qaxootiga daluumaye
  101. Debedaha u kala kacay
  102. Iyadaan dalkuu tegey
  103. Ka dalbaynin geeddiga
  104. Dib u soo noqdeenoo
  105. Ay soo dalxiiseen
  106. Furi maayo duubkoo
  107. Faraskayga kama dego.
  108.  
  109. Jeer aan daliishado
  110. Dalkii gaalku iibshaye
  111. Shanta gees u kala diray
  112. Qaar deriska laga gaday
  113. Deyr qudha ku wada jira
  114. Calan keliya daafaca
  115. Furi maayo duubkoo
  116. Faraskayga kama dego.
  117.  
  118.  
  119. Jeer aan daliishado
  120. Cusbataalladii dumay
  121. Ee Digfeer u weynaa
  122. Oo dib loo hagaajoo
  123. La daweeyo maatada
  124. Digtoorradi ka dhoofaye
  125. Debedaha miciinsaday
  126. Diyaaraadka guuxiyo
  127. Ay doonyo keeneen
  128. Dekedaha ka soo degey
  129. Oo dantay lahaayeen
  130. Hawsha qaran ka doorbiday
  131. Oo daacadnimo iyo
  132. Dadaal yahay iskaashigu
  133. Furi maayo duubkoo
  134. Faraskayga kama dego. 
  135.  
  136. Jeer aan daliishado
  137. Dulmigan baahay ee jira
  138. Ee daalin xoog weyn
  139. Daciifka iyo miskiinkii
  140. Kaga diirto xoolaha
  141. inta xaqu dilaaciye
  142. Sida dayaxa soo bixi
  143. Furi maayo duubkoo
  144. faraskayga kama dego.
  145.  
  146. Jeer aan daliishado
  147. Daaraha Hargeysiyo
  148. Dekeddaa Berbera iyo
  149. Boorame dushiisiyo
  150. Daafaha kismaayoo
  151. Aan la isu diidayn
  152. Dadkuna uu is jecel yahay
  153. Dacartii qabiilkiyo
  154. Danaystuhu ku kala xidhay
  155. Oo laga dawooboo
  156. Dadku yahay walaaliyo
  157. Deris oodda wada yaal
  158. Furi maayo duubkoo
  159. Faraskayga kama dego.
  160.  
  161. Jeer aan daliishado
  162. Darwiishkii taleex iyo
  163. Daafaha Nugaaleed
  164. Qalcadaha difaaciyo
  165. Ka sameeyey daaraha
  166. Ee yidhi dadkaygow
  167. Dabkan aan shidaayaa
  168. Dawadiinna weeyee
  169. Daafaca dalkiinnoo
  170. Dakharka iyo dubaaqada
  171. Dacar how malaynina
  172. Qoobihii dagaalkee
  173. Lagu dilay gumaysiga
  174. Ee haadka duuliyo
  175. Ka dibiray waraabuhu
  176. Daribtii cadaawaha
  177. Taariikhda dunidani
  178. Dadka nagaga soocdee
  179. Diiwaanka noo galay
  180. Waa ka u da’weynoo
  181. Darwiish lagu xusuustaa
  182. Dariiqii xornimadiyo
  183. Dawladnimada keenoo
  184. Ina diirshay weeyee
  185. Ilaa dogobyaduu shiday
  186. Iyo duubcaddiisii
  187. Daljirkii dahsoonaa
  188. Dadaalkay sameeyeen
  189. Taariikhda lagu daro
  190. Furi maayo duubkoo
  191. Faraskayga kama dego.
  192.  
  193. Inta weli damiirkii
  194. Uu ku sii danbeeyow
  195. Digtoor iyo wadaadow
  196. Danaystaha qabiilkiyo
  197. Ku shaqaysta doqonkow
  198. Doodi waa dariiqeed
  199. Dadna waa is raacii
  200. Dawladi midnimadeed
  201. Diini waa ku dhaqankeed
  202. Dulmi waa ka cararkii
  203. Xaqna waa difaacii
  204. Dagaal waa balaayiyo
  205. Kii dumiyey qarankii
  206. Waa daruuro da’ayoo
  207. Soo saara dooggoo
  208. Iina deeqa nabadiye
  209. Ma doonnaa wanaagoo
  210. Balaayada ma diidnaa?
  211. Ma dhisnaa dalkeennoo
  212. Dadka ma u horseednaa
  213. Dawo lagu bogsoodoo
  214. Daacuunku kaga boxo? 
  215.  
  216. Inta weli damiirkii
  217. Uu ku sii danbeeyow
  218. Digtoor iyo wadaadow
  219. Inta daacada ahay
  220. Inta qaranki dumay iyo
  221. Ka diiraysa xumahaay
  222. inta dibadda joogtee
  223. Dawlado shisheeyoo
  224. Ku dhufteen dabayluhu
  225. Ugu deeqa lacageey
  226. Ilaah daayim weeyoo
  227. Ma dulmiyo dadkiisee
  228. Innagaa dulownoo
  229. Daayeerro noqonaye
  230. Inta aan Ilaahay
  231. Dabaylaha dhacaayiyo
  232. Badda inagu sii deyn
  233. Dukumdaakum naga dhigin
  234. Danbigaan samaynaa
  235. Buuraha dushoodiyo
  236. Buux dhaafshay dunidee
  237. Xaqa duudsigiisiyo
  238. Dulmi ma iska daynaa?
  239. Mise wayska daalaye
  240. Doqoni waa halkeedii?

-------------------------- 

    Dhamaad

 

-------------------------------

 Axmed Cabdi Geelle
Nairobi, Kinya
axmedlibaax@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Nov 27,2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD