SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII FEB 26, 2006

  • Warbixin dheer oo ku saabsan khudbadihii laga jeediyay kulankii Baarlamaanka ee Baydhabo..

  • Baydhabo sidii Loogu soo dhoweeyey waftigii Ra'iisul wasaaraha:

  • Qaar ka mid ah Wasiiradii Puntland oo kalsooni ka waayay Golaha Wakiilada..

  • Xildhibaan Caamir Axmed Zakeeti oo sheegay in Golaha Baarlamaanku uu ..

  • Qaybo ka mid ah ciidamadii isku hor fadhiyay Deegaanka Deyniile oo shalay la kala qaaday..

  • Madaxweyne Cali Cabadalla Saalax oo intii uu socday Kulanka Baarlamaanka ee Baydhabo la soo xiriiray..

  • Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo shalay heshiis rasmi ah ka gaaray dagaaladii dhawaan ku dhex maray...

  • Wakiilka Q/Midoobey ee Soomaaliya  oo uga digay Xildhibaanada Baarlamaanka in mar kale khilaf ka dhex dhasho

  • Xubnaha Baarlamaanka oo shalay si weyn uga carooday hadal uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka jeediyay kulanka Baarlamaanka...


Warbixin dheer oo ku saabsan khudbadihii laga jeediyay kulankii Baarlamaanka ee Baydhabo..

C/llaahi Yuusuf “Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in aanan isku koobin xilalka”

Cali Max’ed Geeddi “Mudadii aan kala maqneyn waxaan ku nooleyn xaalad laga naxo”

Waxaa maalintii shalay ahayd xaruntii hore ee ADC ee Magaalada Baydhabo ka furmay kulankii ugu horeeyay Baarlamaanka ee isugu yimaado dalka gudihiisa, waxaana kulankaasi ka qaybgalay ilaa iyo 211-Xildhibaan, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo madax ka socotay beesha caalamka.

Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Francois Fall oo isagu si weyn u soo dhaweeyay in Baarlamaanku uu kulan ku yeesho dalka gudihiisa, “khilaaf dambe oo soo kala dhex gala Dowladda Federaalka waxay keeni kartaa in beesha caalamka ay ka jeesato dib dambana aysan u taageerin Dowladda Federaalka”.

Waxaa kalloo ka hadlay wakiil ka socday Jaamacadda Carabta oo sheegay in Jaamacadda Carabta ay garab taagnaan doonto Dowladda Federaalka isagoo sheegay in Jaamacadda Carabt ay soo dhaweyneyso in Baydhabo uu kulan ku yeesho Golaha Baarla-maanka isagoo ku buuriyay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo dowladdaba in ay si cafiyaan una wada shaqeeyaan si daacadnimo ah.

Intii ay xafladdu socotay waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka maaweelinayay kooxda Ar-Laadii oo ka dhisan Magaalada Baydhao kuwaasoo qaadayay heeso qiiro leh oo dadka si aad ah u soo jiitay, waxaana hadalkii qaatay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka luntay waqti fara badan isagoo u soo jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay gacanta isa saaraan oo ay is cafiyaan.

“Waxaa marqaati maanta ka ahay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay yihiin geesiyaal doonaya in ay dalkooda ka saaraan dhibaatada” ayuu yiri Cali Max’ed Geeddi oo Xildhibaanada hortooda ka sheegay in Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda ay ku guuleysteen maant in ay heshiis dhex dhigaan beelihii ku dagaalamay Gobalada Dhexe. khudbad dheer oo qaadatay mudo saacado ah ayaa waxaa halkaasi ka jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf, waxa uuna sheegay in mudadii sanadka iyo barka ahayd ay Dowladdu ku jirtay xaalad laga naxo oo jahwareer ah, balse waxa uu sheegay in maanta uu si weyn ugu faraxsan yahay in Xildhibaanadii Baarlamaanka ay isugu yimaadaan kulan. “Shisheeye iyo Sokeeyaba ayaa dabindaabyo la taagnaa Dowladda, oo mar kasta abaabuliyay iska horkeen iyo dagaalo ” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Axmd. waxa uuna intaas sii raaciyay “maanta waxay taagan tahay xiligii SYL ee u halgamayay xoriyadda, balse markii uu helay xoriyadda ma dejisan barnaamij Dowladeed oo mudo dheer socda, anaga markii aan dhisnay Dowladda ma aynan degsan wax barnaamij ah oo dowladeed”, wuxuuna daba dhigay “waa nasiib daro in uu fashil ku yimaado qarannimadeenii, waxaana ka shaqeenayay dad tiro yar oo mar kasta u taagan colaad”.

C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay in maanta ay halkaan uga muuqato in uu hirgalay heshiiskii Cadan, wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada in aysan niyadda ka jabin oo isa saamaxaan, wuxuu kalloo u soo jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka in dadaal loo galo sidii loo heshiisiin lahaa Shacabka Soomaaliyeed, in loo howlgalo sidii hubka looga dhigi lahaa kooxaha maleeshiiyooyinka ah, wuxuu kalloo soo jeediyay sidii loo dhisi lahaa maamuladii Gobalada dalka isla markaana loo soo celin lahaa nidaamkii iyo kala dambeyntii.

C/llaahi Yuusuf waxaa kalloo uu afka ku dhiftay in Xildhibaanada looga baahan yahay in dala laga qaado cunaqabateynta hubka, in dib loo soo celiyo midnimadii ummadda Soomaaliyed, in la diyaariyo Dastuur Dimuquraadi ah, kaasoo ay shacabku afti ka dhiibtaan, in dib loo dhiso gudayadii Baarlamaanka iyo Dowladda, in Mudo tobaad gudahood ah la soo afjaro khilaafka u dhexeeya Labada Gole ee Dowladda, in uu Baarlamaankau howlgalno sidii uu u ansixin lahaa heshiisyadii ay Dowladdu gashay mudadii la kala maqnaa, in Dowladda ay hesho canshuur si ay howlaheeda ugu kabto, waxayna Abwaanada Soomaaliyeed yiraahdeen (Deeq dal kale kuu hayo lagu ciil baxo), wuxuu kalloo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xukumaddaba u soo jeediyay in Dowladda ay ka mid noqdaan shacabka Sodomaaliyeed oo iyagu isku koobin, waxaa kalloo uu beesha caalamka u soo jeediyay in ay ku taageeraan barnaamijka cusub ee Dowladda si ay Dowladdu mar kale cagaheeda isugu taagto.

Madaxweynu wuxuu Xildhibaanada u sheegay in ay la soo xiriireen Xildhibaano ku sugan Gobalada Dhexe oo uu sheegay in halkaasi ay ka wadaan dib u heshiisiin, isagoo sheegay in Beelihii ku diriray Gobalada Dhexe ee Sacad iyo Suleymaan ay gaareen heshiis rasmi ah, wuxuu kalloo u soo jeediyay Xildhibaanada ka maqan kal fadhiga in ay deg deg ku yimaadaan si ay uga qaybgalaan shirka Baarlamaanka. 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaaro@hotmail.com


Warkan hoose waxaa SomaliTalk.com soo garsiiyey xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, qaybta warbaahinta.

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa furay shirka, isaga oo madaxda qudbadaha ka jeediyay ku soo dhaweeyay ugu horeyntii.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa ku tala bixiyay:- 

  • 1 in goloyaasha dowladda loo sameeyo barnaamij dib u hishiisiin iyo is dhaxgal ah muddo aan ka yareyn hal todobaad. 
  • 2.in laga shaqeeyo, la isla meel dhigo arrimaha ku saabsan amniga qaranka oo aas aas u ah xasilinta dalka. 
  • 3, in la meel mariyo hishiisyadi dowliga ahaa ee dowladdu ay la gashay jihooyinka kala duwan ee aduunka kamid ah.
  • 4. in ahmiyad la siiyo sidii degdeg loogu abuuri lahaa dakhli ku yimaada qaab canshuur qaadis iyo ilo dhaqaale oo loo sameeyo dowladda dhexe.
  • 5. in goloyaasha loo dejiyo nidaamyada iyo baratakoolka iyo howl qeexidda.
  • 6. waxaan ku talinayaa in shacabka soomaaliyeed loo furo ka qayb qaadashada siyaasadda iyo hogaaminta dalkooda, sidaa daraadeed waa in barlamaanka tixgaliyaa mooshin lagu jideeynayo in madaxda dowladda laga soo xuli karo daweynaha soomaaliyeed ee aan barlamaanka ku jirin.

sidoo kale Madaxweynaha soomaaliya ayaa intaasi sii raaciyay in aan la qaadan karin oo aaney aqbali doonin in khilaaf kasta oo aan xalino uu naga dhex dhaliyo khilaaf kale kaasi oo isna markiisa na gilgila waqti qaali ahna naga lumiya. 

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf waxa uu mahad naq u soo jeediyay shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay dowladdu tagtay si qiira iyo bogaadin leh ugu soo dhaweeyay tan iyo intii ay u soo guurtay dalka, waxaa jiritaanka dowladda udub dhexaad u ahaa taageerada shacabka soomaaliyeed oo muruq iyo maalba leh ayuu hadalkiisa sii raaciyay, iyo samirka iyo biseeylka ay muujiyeen. 

kalsooni buuxda ku qaba in aan ku howl jirno badbaadintiina iyo sidii karaamadiina, iyo sharaftiina u soo noqon lahayd, waxaan shacabka soomaaliyeed ka codsanayaa in ay nabadda qaataan, oo ay soo afjaraan colaadaha sokeeye ee ka oogan gobolada qaarkood. 

madaxweynaha ayaa intaasi ku daray oo ku soo afjaray hadalkiisa in dowladdu ay ku raja weyntahay, oo ay ku dadaalayso hadii alle idmo sanadkan uu noqdo kii ugu dambeeyay oo umadda soomaaliyeed ay kaga baxdo dhibaatadii daba dheerayd ee 15kii tagtay ka dhacday dalka. 

Hadalka Ra'isul Wasaaraha: 

Ra'isul Wasaare Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu marka hore u mahad celiyay Barlamaanka, isaga oo ka hadlay muhiimadda kulankan taariikhiga ah, oo uu Ra'isul Wasaaruhu sawir guud oo uu ka bixiyay ku tilmaamay midkii looga gudbay dhibaatadii iyo khilaafkii dowladda dhexdeeda ka jiray tan iyo markii la dhisay. 

Mudane Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu ka hadlay qiimaha uu lahaa shirkii Cadan ama hishiiskii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale kulankii is afgaradka ahaa ee ay Madaxweynaha, Ra'isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka ay ku yeesheen Gaalkacyo taasi oo ay dadaal wada jir ah uga galeen sidii kulankan taariikhiga ah uu u dhici lahaa. 

Ra'isul wasaaraha ayaa farxad dheeri ah ka muujiyay in wixii ay ku naaloonayeen ee ahaa in mar un la isku yimaado ay maanta hayaan, meeshana ay ka baxday hishiisyadii inta ay madaxda soomaalidu sixiixto dabadeed aan la fulin oo hishiiska cadan maanta uu fulay dowladdana ay ka go'antahay sidii ay nabad iyo xasilooni ugu soo dabaali lahayd dalka. 

Beesha Caalamka waxa uu ugu baaqay in ay iyana doorkooda ciyaaraan oo ay kaalma dhaqaale la soo gaaraan soomaalida, gurmadka ay abaaraha ka geysteena waa uu uga mahad celiyay sida ay abaaraha ugu gurmadeen, lagana doonayo in sidii oo kale ay iyana dowladda ku gacan siiyaan fulinta howlaheeda. 

waxa uu ugu dambeyntii umadda soomaaliyeed ka dalbaday in ay iska cafiyaan dowladda dhexdeeda waqtigii uga lumay, maanta wixii ka dambeeyana ay diyaar u yihiin in ka dardar galiyo howlaha baaxadda leh ee dalka. 

Wakiilada Beesha Caalamka 

waxa ay ka wada mideysnaayeen tageeriddooda shirka, iyo in ay ka go'antahay in dowladda ay kala shaqeeyaan sidii ay howlaheeda qaran u qabsan lahaayeen. 

Xamaasadda kulanka 

mudanayaasha Barlamaanka ayaa u muuqday kuwa isku hilow qaba, oo ay ka muuqatay isku rabitaan iyo is cafin, waxana kulanka furitaanka uu ku dhamaaday jawi wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay ee dalka Soomaaliya.

Baydhabo sidii Loogu soo dhoweeyey waftigii Ra'iisul wasaaraha:

26 Feb.06: Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Prof cali Maxamed Geedi iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo, ayaa ka degay Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay, iyada oo si diiran loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada baydhaba. 

Waxaa Ra’isul wasaaraha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhaba ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan, Ra’isul Wasaare Ku-xigeenada Xukuumadda Soomaaliya, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Magaalada Baydhaba, Dadweyne aad u fara badan, oo kakala socday qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka, iyada oo dadweyne fara badan oo wata muuqaalada Ra’isul wasaarada oo ay ku hoos qoran tahay “mudane Ra’isul wasaare ku soo dhawoow Baydhaba Janaay” iyo hal haysyo kale oo ay ku muujinayaan soo dhaweynta Ra’isul wasaare Prof Cali Maxamed Geedi.               

Wafdiga la socday Ra’isul Wasaaraha waxaa kamid ahaa, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Prof C/Risaaq Cismaan Jurille, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Qaranka Mudane C/rishiid Maxamed Xidig, xildhibaano kale oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. 

Garoonka diyaaradaha sidoo kale waxaa buux dhaafiyay wakiilo sare oo ka socda Beesha Caalamka, oo uu horkacayo wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M u qaabilsan arrimaha soomaaliya François Lorency Fal, wakiilo ka socday Jaamacadda Carabta, safiiro ka socday beesha Caalamka, iyo diplomaadsiyiin kale oo fara badan, oo dhamaantood u yimid in ay goob joogayaal ka noqdaan kulanka Barlamaanka soomaaliya markii ugu horeysay uu ku yeelanayo gudaha dalka soomaaliyal 

Ra’isul wasaaraha ayaa gacan qaaday dhamaan madaxda ka tirsan goloyaasha qaranka ee saaka ku soo dhaweeyay magaalada Baydhaba, iyada oo loo galbiyay goobta sida gaarka ah looga diyaariyay magaalada Baydhaba ee la dejiyay Ra’isul wasaaraha. 

U jeedada safarka Ra’isul wasaaraha ayaa ku saabsan ka qayb galkiisa shirka aan caadiga ahayn ee Barlamaanka uu manta ku yeelanayo magaalada Baydhaba, kaasi oo noqonaya markii ugu horeysay ee Barlamaanka soomaaliya uu kulan ku yeesho gudaha dalka soomaaliya. 

Waxa uu si gaar gaar ah u qaabilay Ra’isul wasaaraha Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Fs, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo Shariif Xassan Shiikh Aadan, iyaga oo isla soo qaaday qaabka howlaha qaranka u yaal loo dar dar galiyo, islamarkaana sida loo wadayo shirka aan caadiga ahayn ee waqtiyada soo socda ka furmaya xarunta ADC-da ee Magaalada Baydhaba. 

Ra’isul wasaare Geedi ayaa dadaal dheer u galay sidii uu u qabsoomi lahaa shirka aan caadiga ahayn ee Barlamaanka ku yeelanayo magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay ee gudaha dalka Soomaaliya, iyada oo beesha Caalamka uu ka dhaadhiciyay qabsoomidda kulankan iyo in ay ku taageeraan dhaqaale, taasi oo aduun weynuhu uu soo dhaweeyay.

Waxana uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi uu ku cel-celiyay in ay xukuumadda geed dheer iyo mid gaaban ay u marayso sidii ay guud ahaan u soo celin lahayd qaranimadii soomaaliya iyo amaan iyo xasilooni lagu soo dabaalo dalka. 

Isha: C/rahman Dinari/Mohamed Yousof Ahmed
Xafiiska ra'iisul wasaaraha soomaaliya/Qaybta warbaahinta

Qaramada midoobey oo soo dhoweysey kulanka Baydhabo

Warsaxaafadeed ka soo baxay hay'adda qaramada midoobey ayey ku cadaysay in ay si weyn u soo dhoweysey kulanka ay magaalada baydhabo ay ku leeyihiin xubnaha barlamaanka Soomaaliya oo ah kulankii ugu horeeyey ee baarlamaanku ku yeesho gudaha Soomaaliya.

Qoraalka qaramada midoobey ay soo garsiiyey SomaliTalk.com waxa uu si weyn u soo dhoweeyey kulankaas. Qoraalka oo dhan ka akhri halkan | English | pdf


Wararka ee Soomaaliya: Feb 27,2006

Qaar ka mid ah Wasiiradii Puntland oo kalsooni ka waayay Golaha Wakiilada..

Fadhi ay ku yeesheen Magaalada Garoowe xubnaha Golaha wakiilada Puntland ayaa Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse waxaa uu horgeeyay Wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay Golaha Wakiilada ee Maamulka Puntlanad si uu kalsooni ugu helo. Markii la horgeeyay Golaha wakiilkada Wasiirada ayaa waxay halkaasi ka akhriyeen taariikh nololeedkooda iyo waxqabadkoodii, intaas kaddib ayaa waxaa Golaha Wakiiladu cod u qaadeen Golaha Wasiirada, iyadoo qaarna kalsooni la siiyay qaarna loo diiday, Waxaana ka mid ahaa wasiiradii kalsooniada helay:- Wasiirka Diinta Owqaafta  C/risaaq Yaasiin Cabdulle Geesood iyo kuxigeenkiisa Max'uud Faarax Max'ed (Beel-Daaje), Wasiirka Maaliyada Max'ed Cali Yuusuf (Gaagaab), iyo kuxigeenadiisa Yaasin Cartan Max'ed  iyo Yaasin Cali Cabdi,Wasiirka  Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare, iyo kuxigeenadiisa Axmed Aadan Carab iyo Cali Naaji, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq  Cali Siciid (Shaahdoon) iyo kuxigeenadiisa Col. Cabdi Yaasin Xirsi,  Aadan Axmed Cilmi iyo C/wali C/raxmaan Geyre, iyo Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Nuur Xasan Faarax.

Waxaa ka mid ah Wasiirada kalsoonida waayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Max’ed Cabdi Xaabsade iyo ku xigeenkiisa Ibraahim Cartan ISmaaciil (Xaaji-Bakiin), sidoo kale qaar ka mid ah Wasiirada ayaa weli dhiman , waxaana lagu wadaa in dhawaan la horkeeno Golaha Wakiilada si kalsooni loogu weydiiyo.

Dhinaca kale intii uu socday kulankaas ayaa waxaa ka carooday C/raxmaan Faroole oo ka mid ahaa Wasiiradii hore ee Maamulka kaddib markii uu ku qanci waayay qaabka loo qaadayay codeynta, sidoo kale Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa aad ugu mahadceliyay sida kalsoonida leh ee ay codku ugu qaadeen Golaha Wakiilada, waxa uuna sheegay in inta hartay uu si dhaqsi leh u soo magacaabi doono.  

Xildhibaan Caamir Axmed Zakeeti oo sheegay in Golaha Baarlamaanku uu ..

Xildhibaan Caamir Axmed Zakeeti oo u waramayay mid ka mid ah weriyaasheena ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in kulankii Baarlamaanka ee shalay uu ahaa mid furitaan ah, balse wixii maanta ka dambeeya uu goluhu guda geli doono Ajandayaashii loogu talagalay.

Waxaa kalloo uu sheegay in kulanka maanta uu noqon doono mid dib u heshiisiin ah oo dhex mara Xubnaha labada Gole oo la iska hilmaami doono wixii horey u dhex maray,.

Caamir waxa uu sheegay in kulanka shalay ay ka qaybgaleen ilaa 25 safiir oo ka kala socday beesha caalamka, qaarkood ayuu sheegay in ay shalay ka dhoofeen Magaalada Baydhabo kuwo kalana ay ku hareen si ay ula socdaan xaaladda Shirka.

Xildhibaan Caamir waxa uu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in ay ka soo baxaan kulanka Baarlamaanka natiijooyin wax ku ool ah oo ummadda Soomaaliyeed anfici doona, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay shacabka Gobalka Bay oo uu sheegay in ay ka dhabeeyeen hadafkoodii ahaa martigelinta iyo soo dhaweynta Mas’uuliyiinta Dowladda. 

Qaybo ka mid ah ciidamadii isku hor fadhiyay Deegaanka Deyniile oo shalay la kala qaaday..

Guddigii nabadeynta ee loo xilsaaray in ay dib u heshiisiin dhex dhigaan kooxihii ku dagaalamay agagaarka Deyniile ayaa shalay waxay ku guuleysteen wejigii hore ee kala qaadista ciidamada.

Markii hore waxay ku hor-mareen halkii ay ku sugnaayeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah oo ay aaga kaga jireen, halkaas ayaana si weyn loogu soo dhaweeyay, iyadoo taliyaasha ciidamada Maxaakiimta loo sheegay in la kala qaadayo ciidamada, si wanaagsan ayayna u soo dhaweeyeen, waxaana Ciidamadii ugu horeeyay laga qaaday Wasaaradda Gaashaan-dhiga, Xaafadda Raadaalka, waxaana la isugu keenay kulliyaddii Ciidamada ee Jaale Siyaad, waxayna u sii dhaafeen dhinaca Deegaanka Deyniile waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha maleeshiyada Max’ed Qanyare Mudane Garamgaram waxa uuna sheegay in ay soo dhaweenayaan heshiiska Ciidamada lagu kala qaadayo waxaana ciidamadii ku jiray aaga hore loo qaaday xeradii Dugsi Shanaad, maanta ayaa loo balansan yahay in wejiga labaad ee kala qaadista ciidamada loo howlgalo.  

Madaxweyne Cali Cabadalla Saalax oo intii uu socday Kulanka Baarlamaanka ee Baydhabo la soo xiriiray..

Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo ahaa madaxweynihii sida weyn uga soo shaqeeyay in uu heshiis dhex maro Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan lana socday halka uu marayay heshiiskaasi, ayaa maalintii shalay ahayd markii uu furmay kulankii Baarlamaanka waxa uu la soo xiriiray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana loo sheegay in kulanka Baarlamaanka uu furmay howshiina ay si wanaagsan u socoto, waxaana la sheegay in Cali Cabdalla Saalax ay arrintaasi aad u faraxgelisay, isagoo u rajeeyay kulanka Baarlamaanka in ay ka soo baxaan go’aano waxtar u noqda shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.   

Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo shalay heshiis rasmi ah ka gaaray dagaaladii dhawaan ku dhex maray...

Maalintii shalay ahayd ayaa Xildhibaano, Wasiiro, Waxgarad iyo Odayaal ka tirsan Beelaha Sacad iyo Suleymaan waxay soo gebagabeeyay wixii colaadaha ahaa ee u dhexeeyay labadaasi beelood, waxaana heshiiskaasi uu soo socday mudo dhowr bilood ah, waxaana aaqiritaankii labada beelood isugu tageen deegaanka gelinsoor waxaya shalay ku dhawaaqeen in ay furan tahay wadada isku xirta Muqdisho iyo Gabalada dhexe, waxaana wadadaasi horey u xiray dagaalkii u dhexeeyay labada beelood.

Heshiiskaan waxaa kalloo uu dhigayay in lakala qaado ciidamada, waxaana shalay la kala fogeeyay ciidankii ku sungaa deegaanka Gelinsoor, iyadoo maalinta berito ah iyana la kala qaadi doono ciidankii ku sungaa degmada Hobyo, waxaana heshiiskaan soo dhaweeyay dadweynaha ku nool Gobalada Dhexe iyo waliba Dowladda Federaalka.

Wakiilka Q/Midoobey ee Soomaaliya  oo uga digay Xildhibaanada Baarlamaanka in mar kale khilaf ka dhex dhasho

Wakiilka xoghyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Francois Fall oo shalay ka hadlayay furitaankii fadhiga baarlamaanka, ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay soo dhaweyneyso furintaanka kal fadhiga baarlamaanka oo uu sheegay in uu yahay mid ummadda Soomaaliyeed u horeseedaya nabad iyo dib u heshiisiin.

“Waxaan idiin sheegayaa haddii uu khilaaf kale mar kale yimaado in Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkuba ay kalsoonida idinka kala laaban doonto dib dambana idiin taageeri doonin” ayuu yiri Francois Fall oo sheegay in Qaramada Midoobey ay gacan siin doonto Dowladda Federaalka ,sidoo kale waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay gargaar u fidin doonto dadka Soomaaliyeed oo ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta, waxa uuna si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha oo uu sheegay in iyagu ay horseed u ahaayeen in maanta uu furmo kal fadhigaani. 

Xubnaha Baarlamaanka oo shalay si weyn uga carooday hadal uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka jeediyay kulanka Baarlamaanka...

Qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka oo intooda badan ahaa kuwii ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga carooday hadal uu Madaxweynuhu ka jeediyay kulankii Baarlamaanka ee shalay ka furmay Magaalada Baydhabo, wuxuuna Madaxweynuhu markaas uu ka codsaday xildhibaanada Baarlamaanka in ay gacan ka gaystaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka.

“Cunaqabteynta hubka oo Madaxweynuhu weli ku dhegan yahay waa mid ku hoos qasoon in dalka ay soo geliyaan ciidamo shisheeye” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo diiday in magaciisa la sheego, waxa uduna intaa raaciyay “anaga ayaa isku filan oo hubka iska qaadi kar, balse dowladu shisheeye hub nagama qaadi karaan”. Qaar ka mid ah Xildhibaanada waxay kalloo sheegeen in ay horey u soo arkeen dhibaatada ciidamo shisheeye waxayna si gaar ah u xuseen sanadkii 1993-dii oo ay Dowladda Mareykanku damacday in ay kooxihii maleeshiiyooyinka ahaa ay hubka ka dhigto taasina waxay keentay in ay sii korodho dhibaatadii Soomaaliya ka taagneyd xiligaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Feb 26, 2006

Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage oo Qabtay shir Jaraa’id
»Shiikh Aweys” Niman Ajnabi ah oo dalka jooga ma jiraan..
»Max’ed Dheere oo Warqad gaarsiiyay Isbahaysiga...
»C/llaahi Yuusuf oo uusan la socon Ra’isul Geedi oo gaarey..
»Roob ka da’ay shalay Magaalada Baydhabo…
»Xubno ka tirsan DFKM ah oo magaalada kismaayo..
»Finland oo dalkeeda dib u celinaysa dad Soomaaliyeed...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji...