SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKII  - FEBRAAYO 26, 2006


  • Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage iyo Max’ed Dheere iyo xubno kale oo  shalay shir Jaraa’id ku.

  • Shiikh Xasan Daahir Aweys” Niman Ajnabi ah oo dalka jooga ma jiraan waana hadal …

  • Max’ed Dheere oo Warqad qoraal ah soo gaarsiiyay Isbahaysiga

  • C/llaahi Yuusuf oo uusan la socon Ra’isul Geedi oo gaarey Baydhabo.

  • Roob ka da’ay shalay Magaalada Baydhabo…

  • Maanta oo la filayo in Magaalada Baydhabo uu ka furmo shirkii Baarlamaanka..

  • Maxkamadda Islaamiga ah ee Xararyeele oo sheegtey in aysan ku lug lahayn Dagaalka..

  • Dowladda Itoobiya oo dhex dhexaadineysa Beelihii ku diriray Deegaanka ..

  • xubno ka tirsan dowlada FKM ah oo Feb 25 ka anbabaxay magaalada kismaayo ayadoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo

  • Finland oo dalkeeda dib u celinaysa dad Soomaaliyeed...

Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage iyo Max’ed Dheere iyo xubno kale oo  shalay shir Jaraa’id ku....

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mai amiikhasaaro@hotmail.com 



Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Anigoo ku sugan Xafiiskeyga ayaa waxaa ii yimid gaari MARK-II, waxaana la igu wargeliyay in aan deg deg gaarigaan u raaco, markaas ayaa waxaa ku iri war xaggee loo socdaa, waxaana la igu jawaabay raggii isbahaysiga dhawaan ku dhawaaqay ayaa shir jaraa’di  qabanaya, waxaana ku iri halkee lagu qabanayaa?, deegaanka Deyniile ayay iigu jawaabeen, markaas ayaa waxaa ku iri “Halkee la marayaa”, yar ayaa soo booday oo igu yiri waxaa la marayaa deegaanka Gubta. Anagoo fara badan oo isugu jira kala duwan ayaa waxaa nalagu wareejiyay gaari kale oo Caasi ah oo markaas la soo kireeyay.

Markiiba waxaana u dhaqaaqnay dhinaca Deyniile, intii aan sii soconay ayaa gaarigii caasiga ahaa waxa uu naga galay Bacaad, waxaan riixno illaahay waa noo fududeeyay, haddana horey ayaa u dhaqaajinay mar aan meel dhexe mareyno ayaa mar kale Gaarigii Bacaad galay, inta aan ka wada degnay ayaa waxaa bilownay in aan bacaadkii daldalno, anagoo rafaadnay oo dhididiku naga da’ayo ayaan ka baxnay bacaadkii, waxaan socono waxaan ku soo dhacnay wado ku dhow halka uu degan yahay Max’ed Qanyare Afrax, markiiba Iridka hore ayaa nalaku celiyay, yarkii na horkacayay ayaa Tilfooni u diray gudaha, markiiba ninkii waaridiyaha ahaa ayaa lagu wargeliyay in uu na nafasaxo, markii aan gudaha u dhaadhacnay ayaa waxay indhahoodu qabteen Tikniko aad u fara badan iyo ciidan badan oo maleeshiyo ah oo markaasi loo qaybinayay Bariis lagu soo qaaday Bac.

Geed hoostii ayaa nalagu yiri fariista, markiiba duhur ayay ahayd waxaan u dhaqaaqnay Sallaaddii Duhur, markii aan ka baxnay salladdii ayaa waxaa nalagu yiri gudaha soo gala, gudaha markii aan galnay, ayaa waxaa kula kulannay xubnihii dhawaan aasaasay isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxaana goobta fadhiyay Max’ed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamuud Max’ed (Finish), Bashiir Raage Shiiraar, Cabdi Nuure Siyaad (Cadi Waal) iyo Bootaan Ciise Caalin, hase yeeshee Cabdi Rashiid Shire Il-Qaybte oo goobta ka maqnaa ayaa waxaa matalayay Wiilka C/Fitaax C/Rashiid Shire, markiiba waxayna nagu yiraahdaan waan deg degsan nahay ee dhaqsada, waxaana halkaasi laga akhriyay War-Saxaafadeed ay soo saareen. Markii uu war-Saxafadeedkii dhamaaday ayaa Max’ed Qanyare nagu yiri “suga waaxaa soo socda Max’ed Dheere oo Balcad soo maraya”, markii aan cabaar joonay oo imaanshihiisa sugi kari weynay ayaa soo dhaqaajinay, waxana la ii sheegay in Max’ed Dheere uu goor dambe yimid, wuxuuna shir deg deg ah la yeeshay xubnihii Isbahaysiga, lama oga wixii ka soo baxay kulankaasi. Bootaan Ciise Caalim, Muuse Suudi, Bashiir Raage iyo xubno kale oo la socday oo watay Tikniko aad u fara badan ayaa waxa ay mareen dhinaca Deegaanka Xamarweyne waxayna, waxayna u dhaqaaqeen dhinaca Deegaanka Madiina, waxayna halkaasi ka sii raacay Cumar Finish, waxayna ka soo dhaceen Ex.Control, markii ay marayeen Baar-Xaraf ayay la soo labaateen waxayna ku soo dhaceen wadada jayga ah ee gasha Deegaanka Deyniile. Isbahaysigu waa uu diiday in weriyaashu ay weydiiyaan war su’aalo ah, balse War-Saxaafadeedkii ay soo saareen waxa uu u qornaa sidatan:-

***

Waxaan 18/2/2006 ku dhawaaqnay Isbahaysi xoogan ee soo celinta nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada ajnabiga ah, isla markiiba waxaan na soo weeraray kooxo isku sheegaya Maxaakiim.

Haddaba waxaan nagu la dagaalameynaa waa shaqsiyaad lagu soo tababaray Afgaanistaan iyo Nin Suudaaneys ah oo ku dhuumaaleysanaya Xaafadaha Muqdisho, kuwa na soo weeraray, waa isla kuwii weeraray Garoonka Diyaaradaha Cisaley iyo Deegaanka Galgalato, waana kuwa qarinaya shaqsiyaadka dambiilayaasha ajnabiga ah oo doonaya in ay wadankeena u abuuraan dhi hor leh oo qaata sanooyin badan saameeyana fool xumana ku yeesha dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Anagu lama dirirsanin kama soo horjeedn Shaqsi, Qoys ama Qabiil mana dooneyno dhul balaarsi, hase yeeshee waan taganeynaa meeshii lagu sheeko in ay ku gambanayaan dambiilayaasha ajaanibta ah ee aan kor ku soo sheegnay si wadankeena looga nadiifiyo, waxaan ka codsaneynaa kuwa qarinaya  iyagana haya in ay iska soo gudbiyaan oo dhibaatadooda halkaas ku dhamaato, kaddibna aan u soo wada jeesanayo dib u dhiska wadankeena si wadajir ah, waxaan nahay Soomaali dhamaanteen waxaana dooneynaa in aan Ummadda wax u qabano.

Waxaan ka soo hojeednaa ajaanibta dooneysa inay dhaawac u gaystaan wadankeena Somaaliya gaar ahaan Magaalo madaxda  Muqdisho, waxaa kalloo ka soo horjeednaa maleeshiyooyinka argagixisada ajnabiga ah ee wadankeena imaaneysa si ay rabshado uga sameeyaan, waxaana ka soo horjeednaa warsahado lagu sameeyo Bambooyinka wax lagu qarxiyo ama miinooyinka Dadka, Xoolaha, Guryaha iyo Gawaarida lagu qarxiyo, taaso ah wax aad u fool xun oo aan ku jirin dhaqan dagaaleedka Soomaalida iyo waliba xeryooyinka argagixisada lagu tababaro. Waxaan nahay dad Islaam ah oo rumeysan Kitaabka Alle iyo Sunaddii Nabigeenka Muxumad  doonaya in ay ku dhaqmaan diinteena soo jireenka ah ee Islaamkaa lana qadariyo, ma nihin Wahaabiyiin ama firqo diineed oo siyaasad ku saleysan, waxaana aaminsan nahay in Ummadda Illaahay la nabadgelyo. Anagoo wada shaqeyneynaa awoodda Isbahaysigu way sii xoogeysaneysaa waxaana gacmo furan ku soo dhaweyneynaa Soomaalida kale ee dooneysa in ay nalaga qayb-qaataan ka qabashada dalka ajaaniibtaas dambiyada soo galay iyo dib u dhiska wadanka.

War-Saxafadeedkaan ragga ku saxiixnaa waxay kala ahaayeen, Max’ed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamuud Max’ed (Cumar Finish), Bootaan Ciise Caalim, Bashiir Raage Shiiraar, C/rashiid Shire Il-Qeyte, Cabdi Shukri Cali Xirsi, Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), iyo Ciise Cismaan Cali.

***

Shiikh Xasan Daahir Aweys” Niman Ajnabi ah oo dalka jooga ma jiraan waana hadal …

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Culuma’u-diinka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay War-saxafadeedkii shalay ay soo saareen Isbahaysiga la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada waxa uuna sheegay in War-Saxaafadeed-kaasi uu ahaa mid la doonayo in lagu marin habaabiyo Shacabka Soomaaliyeed, waayo dadka soo saaray waa kuwo aay ka wada dheragsan yihiin ummadda Soomaaliyeed maadaama ay mudo 15 sano ah ku hayeen dhibaato bulshada Soomaaliyeed.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in ay jiraan dad ajnabi ah oo ku jira Gudaha Magaalada Muqdisho sida ay ku andacoonayaan isbahaysiga.

Waxa uuna ku jawaabay “wax walba waxaa lagu raadiyaa xuuraansi iyo dabagal, ee ma ahan in dad aan joogin la yiraadho waxay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho sidaasna lagu baabi’iyo bulshada Soomaaiyeed” ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in ay soo dhaweeyeen heshiiskii xaband joojinta ahaa ee ay soo saareen waxgaradkii maalmahan ku shirayay Hotelka Nabadda.

Max’ed Dheere oo Warqad qoraal ah soo gaarsiiyay Isbahaysiga

Max’ed Dheere oo shalay la filayay in uu ka qaybgalo shir Jaraa’id oo ay qaban lahaayeen Isbahaysiga la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada ayaa ka maqnaa kaddib markii uu soo daahay, wuxuuna soo gaaray shalay 11-kii galabnimo, wuxuuna markiiba kulan la yeeshay Isbahaysiga ladagalanka Arggixisada. Kulankaas oo loo diiday saxaafadda ayaa waxa uu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen ilaa iyo hadda lama oga waxa ka soo baxay shirakasi, balse warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in ay u tabaabusheysanayaan sidii ay dagaal ugu qaadi lahaayeen Maxkamadaha Islaamiga ah oo ay sheegeen in ay gabaad u yihiin waxay ugu yeereen kooxo dambiilayaal ah. Max’ed Dheere ayaa la sheegay in uu soo gaarsiiyay Isbahaysiga warqad qoraal ah oo ka timid Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay Magaalada Nairobi kaddib markii uu doraad ka soo laabtay Max’ed Dheere Magaalada Nairobi. Max’ed Dheere oo ay la socdaan dhowr iyo labaatan tikniko ah ayaa waxay soo mareen wadada dheer ee Balcad, waxayna ka soo rogmadeen Ceel-Cirfiid, waxayna Deyniile ka soo galeen dhinaca waqooyi, waxanaa halkaasi kaga hortagay maleeshiiyooyin kale oo ka tirsan isbahaysiga. Max’ed Dheere isla xalay ayuu dib ugu laabtay Magaalada Jowhar waana markii ugu horeysay ee Max’ed Dheere uu soo maro wadada dheer ee Balcad, taana waxay ku timid heshiiska dhanka ka ah Maxkamadaha, waayo Max’ed Dheere iyo Muuse suudi waxaa u dhexeysay colaad aad u dheere iyadoo Marka uu Max’ed Dheere ku soo jeedo Magaalada Muqdisho kana imaanayo Magaalada Jowhar uu soo mari jiray dhinac xeebta. 

C/llaahi Yuusuf oo uusan la socon Ra’isul Geedi oo gaarey Baydhabo.

WARARKA SAWIR GACMEEDYADA
:::MAGACA ARGAGGIXISADA:::

Qaybtii 2aad: Soomaaliya iyo Gabbaad Ka Dhigashada Magaca Argaggixisada!!
Qaybtan waxay ku saabsan tahay: Yaa gabbaad ka dhiganaya Magaca Argaggixisada? Guji..
 
TACSI: Marxuum Yuusuf Xaaji Maxamuud oo ku geeriyoodey Boosaaso

1. Yousuf Mohamoud Said (Xanaf).

2. A/rashiid Omer Ismail.
3. A/risaaq Mohamed A/laahi.
4. Mohamed Salad Said.
5.  Eng. Isse Osman Farah.
6. Jama Omer Mohamed.
7. Omer Shire Yousuf.
8. A/kafi Mire Aadan.
9. Mohamoud Mire Jama.
10. Mohamed Abdi Said.
 
  Dhamaan dadka kor ku qoran  oo jooga wadanka India waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Marxuum Yuusuf Xaaji Maxamuud oo ku geeriyoodey magaalada Bosaso 24/02/2006 . Waxay ilaah ugu baryayaan in uu jaandii firdowdsa ka waraabiyo iyagana  samir iyo imaan ka siiyo. . aamiin aaamiin..
Qore:
yuusuf Mohamoud xanaf3@yahoo.com
 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo isagoo la filayo in uu ka qaybgalo kulana Baarlamaanka ee ka furmaya Magaaladaasi.

Soo dhaweyntiisa oo ay ka qayb-qaateen dad aad u fara badan oo ugu horeeyeen xubnaha labda Gole ee Dowladda ayaa waxa uu gacan qaaday Guddoomiyaha Baarla-maanka iyo xubnihii kale ee Dowladda, kaddibna waxaa loo soo galbiyay gurigii uu ka degi lahaa Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha intii uusan gaari gurigiisa ayaa waxa u la hadlay dadweynaha Magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu mar kale yimaado Magaalada Baydhabo isagoo ka qaybgalaya kulanka Baarla-maanka.

“Kulankaani waxa uu noqon doonaa mid lagu heshiisiiyo dhamaan xubnaha Dowladda, wuxuuna muhiimad gaar ah ugu fadhiyaa shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka in ay la yimaadaan tanaasul si loo helo qarannimadii Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo la filayay in uu shalay soo raaco Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa ka baaqsaday ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha uu ugau baaqsaday, balse warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha uu maanta gelinka hore uu tagi doono Magaalada Baydhabo.  

Roob ka da’ay shalay Magaalada Baydhabo…

Iyadoo dalka ay ka jirto abaar aad u daran ayaa maalintii shalay ahayd waxaa roob aan sidaasi u weyneyn balse dadku ay ku diirsadeen uu ka da’ay magaalada Baydhabo iyo daafaheeda.

Roobkaas oo biyo dhigay ayaa waxa uu rajo geliyay dadweynaha Magaalada Baydhabo oo iyagu ula dhibaateysnaa abaar iyo biyo  la’aan iyadoo maalintii shalay ahayd uu cirku ahaa mid rooban.

Xilliga Gu’ga la filo ayaa waxay ku beegan tahay 15-April, inta xiligaasi laga gaarayo hadduunsa Alle roob keenin waxaa Gobalada qaarkood soo wajahaya abaar aad u xun oo baabi’in karta dad iyo duunyo, waxaana abaaraha haatan ugu xun ka jiraan Gobalka Gedo oo saameysay dhaaan bulshada ku nool Gobalkaasi.   

Maanta oo la filayo in Magaalada Baydhabo uu ka furmo shirkii Baarlamaanka..

Maanta oo ku beegan 26-ka Feebaraayo waxaa Magaalada Baydhabo ka furmi doona kulankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka ee lagu qabto dalka gudihiisa mudo haatan laga joogo sanad ku dhawaad, waxaana Magaalada Baydhabo haatan ku sugan ku dhawaad labo boqol oo Xildhibaan kuwaas oo buuxiyay kooramkii uu ku furmi lahaa shirka.

Kulankaan ayaa waxaa ka qaybgali doona Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi madax ka tirsan beesha caalamka iyo martisharaf kale, waxaana kulankaani looga hadli doonaan arrimo fara badan oo horyaala Baarlamaanka.

Kulankaan oo uu shir Guddoomi doono Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa ilaa iyo haatan ka maqan xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka, gaar ahaan Hogaamiyaasha Siyaasadda ee Magaalada Muqdisho oo iyagu ku howlan qaarkood dagaal ay ugu magacdareen la dagaalanka Argagixisada, illaa iyo haddana lama oga in ay wax cudur-daar ah ka bixiyeen ka maqnaashaha kulanka, iyagoo maalintii shalay ahayd xitaa ay diideen in ay ka hadlaan kulanka Baarlamaanka ee Maanta ka furamaya Magaalada Baydhabo.   

Kulanka Baarlamaanka ee ka furmaya Baydhabo ayaa wax weyn ka bedelay magaalada ha noqoto ganacsigii, ha noqoto nabadgelyadii, iyadoo Magaalada ay buux dhaafiyeen dad fara badan oo qaarkood aan ahaynba Xildhibaano.

Hogaamiyaasha Siyaasad-da Muqdisho oo qoraal gaarsiiyey Shariif Xasan..

Hogaamiyaasha Siyaasada ee Magaalada Muqdisho una xuub siibtay Wasiirada dhawaana ku dhawaaqay qaarkood isbahaysi la magacbaxay la dagaalanka argagixisa ayaa warqad qoraal ah u gudbiyay oo ay ku leeyihiin waxaan ku maqannahay howlo muhiim ah sidaa darteed waxay sheegeen in aysan ka soo qaybgali karin shirka Baarlamanka oo maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo.

            Maqnaashahooda ayaa la sheegay in aysan waxba soo kordhinayn maadaama inta badan xildhibaanda ay haatan ku sugan yihiin Magaalada baydhabo uuna buuxsamayo kooramkii uu ku ansixmi lahaa fadhiga Golaha Baarlamaanka.

            Waxay sheegeen in ay taageersan yihiin in kulanka Baarlamaanka uu ka dhaco Baydhabo wixii go’aano ah ee ka soo baxa kulankaasina ay qaadan doonaan.

            Sidoo kale xildhibaano kale oo iyana ku howlan nabadeynta gobalada Dhexe ayaa ka baaqanaya kulankaasi oo ay ku jiraan Cismaan Xasan Cali Caato iyo xubno kale.

            In ku dhow 200 oo Xildhibaan ayaa haatan ku sugan Magaalada Baydhabo iyadoo maalintii shalay ahaydna uu Magaalada Baydhabo gaaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf halkaas oo si weyn loogo soo dhaweyay.      

Maxkamadda Islaamiga ah ee Xararyeele oo sheegtey in aysan ku lug lahayn Dagaalka..

Maalintii shalay ahayd ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Xararyaale ayaa waxa uu ka hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday  Magaalada Muqdisho ee u dhexeeya Maxkamadaha Islaamiga ah iyo isbahaysiga la dagaalanka argagixisada, waxa uuna Guddoomiyaha uu sheegay in hadafkii hore ee dagaalka laga weeciyay lagana dhigay waxa uu ugu yeeray qabiil sidaa darteed waxa uu sheegay in Maxkamadda Islaamiga ah ee Xararyaale aysan dagaalkaasi ku jirin.

“Maxkamadaha Islaamiga ah markii hore waxaa loo dhisay in ay bulshada ka qabtaan kooxaha burcadda ah ee ma ahayn in si kale loo rogo” ayuu yiri Shiikh Axmed oo sheegay in ay soo dhaweenayaan wada hadalada ay wadaan Odoyaasha ka soo kala jeeda labada dhinac, wuxu kalloo sheegay in ay ka qayb-qaadanayaan wixii nabadeyn ah oo lagu dhameenayo dagaalkaasi. 

Dowladda Itoobiya oo dhex dhexaadineysa Beelihii ku diriray Deegaanka ..

Shacabka Soomaaliyeed ayaa baaqyo nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya deegaanka Yamaarugle oo looga dalbanayo in ay dagaala joojiyaan oo ay khilaafka ku xaliyaan wada hadla iyo is afgarad, hase yeshee baaqyadaasi dheg jalaq uma siin waxaase markii dambe xoog ku soo galay Dowladda Itoobiya oo labada dhinac ku qasabtay in ay xabad joojin dhex dhigto.

Kulan saddex geesood ah ayaa waxa uu ku dhex marayaa labada dhinac waxgarad ka tirsan, iyadoo Dowladda Itoobiyana ay kulankaasi goob joog ka tahay.

Labada beelood ayaa Dowladda Itoobiya uga digtay in ay mar kale dagaal kael ay abaabulaan iyadoo sheegtay in ciddii bilowda dagaalka ay ka safan doonto.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la soo gebagabeeyo kulankaasi oo lagu wado in ay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah.

Dagaalkii ka dhacay deegaankaasi ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan, waxaana ku dhaawacmay tiro kale, sidood kale waxaa ku barakacay dad aad u fara badan, iyadoo dagaalkaasi uu ku soo beegmay xili deegaankaasi ay ka jirto abaar aad u daran oo saameysay dad iyo duunyo, iyadoo dadka qaarkood ay u kala qaxeen gudaha dalka Itoobiya iyo qaar u soo qaxay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana dadkii dhaawaca ahaa xoogooda la dhigay isbitaalo ku yaala Magaalooyinka Gaalkacyo, Guraceel iyo Cabud-Waaq.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mai amiikhasaaro@hotmail.com 

xubno ka tirsan dowlada FKM ah oo Feb 25 ka anbabaxay magaalada kismaayo ayadoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo

8 xubnood oo isugu jira wasiiro ku xigeeno iyo xildhibaano oo ka tirsan dowlada FKG ah ee somaliya kuna sugnaa magaalada kismayo ayaa Feb 25 waxaa ay ka anbanaxeen garoonka caalamiga ah ee magaalada kismayo ayagoo ku sii jeeda magaalada beydhabo ee xarunta gobolka baay halkaas oo lagu qabanayo shirkii ugu horeeyay ee ay dalka gudahisa ku yeeshaan masuuliyinta dowlada si wada jir ah .

Wafdigaan ka anbabaxay magaalada kismayo ayaa waxaa hogaamiyay wasiir ku xigeenka gaashaandhiga cumar dheere ayadoo ay socdaalka ku weheliyeen wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guriyeynta cabdi rixmaan yuusuf diriye (indho buur) iyo waliba xildhibaano kale waxaana ay xubnahaan maanta ka anbabaxay magaalada kismayo uu bixintaankodu ku wajahanyahay ama uu ku salaysanyahay in ay ka qeyb galaan shirka maalinta bari ah la filaayo in uu ka dhaco magaalada beydhabo.

Xubnahan ka anbabaxay magaalada kismayo ayanan waxaan socdaalkooda ku wehelin wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta ahna gudoomiyaha Isbahaysiga Dooxada jubba Barre hiraale iyo gudomiye ku xigeenka isbahaysiga ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacbiga ee dowlada FKGM ah mr yusuf mire seeraar, ilaa iyo hadana lama garanayo goorta ay bixi doonaan labadan xubnood iyo waliba sababaha ay oga hareen xubnahi ka tagay magaalada kismayo

cabdi khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com

Finland oo dib u celinaysa "Danbiilayaasha" Soomaaliyeed ee dalkeeda

Dawladda Dalka Finland ayaa sheegtay in laga yaabo in dib loo celiyo qaar kamid ah magangalyo doonka Soomaaliyeed ee wali aan haysan sharciyadda iyo dadka gala danbiyadda waaweyn ee burcadnimada oo inta badan lagu yaqaano dhalinyaradda Soomaaliyeed ee iyagoo yar yar la keenay dalkan.
 
Warbixintan oo Policeka Finland ay la kaashanayeen Waaxda socdaalka ayaa intaasi waxaa ay ku daraysaa in ay macquul tahay in dadkaasi lagu celiyo meelaha ay ka jirto xasiloonaanta ee dalkaasi soomaaliya oo ilaa hadda afka dhulka kula jira sababo la xiriira gudaha iyo dibadda.
 
Nin Soomaali ah ayaa dib looga celiyay dalka Finland oo la geeyay Magaaladda hargaysa halkaasi oo xaaladda amaan ay ka roontahay Soomaaliya inteeda kale, waxaana Hay'ada Qaxootiga ee UNHCR ay ka digtay in magangalyo doonka Soomaalida loo celiyo Koofurta iyo Bartamaha Somalia oo ay ka jiraan dhibaatooyin amaanka ah. 
 
Jaana Vuorio oo ah Madaxa Laanta Socdaalka ee Finland ayaa sheegtay in ay indho gaar ah ku eegi doonaan arimahan cusub ee la xiriira Soomaalida iyo dadka danbiilayaasha ah oo laga yaabo in dib loogu celiyo dalkoodii Soomaaliya, maadaama ay soo badanayaan dhalinyarada ku jira xabsiyadda ee loo haysto burcadnimada iyo in ay xooga ku dhacaan waxyaabaha fud fudud ee dadku ay wataan.
 
sanadkii la soo dhaafay 103 qof ayaa la siiyay sharciyadda daganaanshaha dalka Finalnd oo ah dal ay ku nool yihiin dadyowga Dalkan oo 5 million qiyaastii ah, waana dal dadka Soomaalidu ay ka dhex muuqdaan marka laga hadlayo Ajaanibta.

Finland waa meel aad u qaboow, waxaana Magaaladda oo dhan dhexdaadsan baraf xoogaystay oo is dul saar saaran, cimiladu qabowga waxaa mararka qaarkood ay gaartaa -30 , soomaalida ku noolna aad ayay uga gaashaantaan barafka oo aanay horay u aqoonin, laakiinse dantii ayaa baday.

 
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2006


 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD