SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GARGAAR

Calasey “Ninkaygii oo Kawaanle ahaa baa sidaan ii galay oo aan ku waayey labadeydii Gacmood”

Waxay u baahan tahay Gargaar Bani'aadanimo

English Version Read here.. Click

Mar aan booqday Xarunta Dalladda Haweenka Soomaaliyeed ee COGWO oo inta badan arurisa Xadgudubyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed ayaa mar aan booqdey Xaruntooda Magaalada Muqdisho  waxay indhahaygu qabteen  sawiro Gabdho isugu jira kuwa la kufsaday, kuwa la jirdilay, kuwa la afduubay iyo qaar kale oo si xun loo dhibaateeyey, waxayse indhayga si gaar ah u soo jiiteen gabar labadeedii gacnood laga gooyey oo aan si aad ah uga Murugoodey  markaas ayaa waxaan ku iri Masuuliyiinta Hay’adda COGWO  “War gabadhaan ayaa  u baahanahay warbixinteeda iyo waxa sidaas u galay”, isla markiiba waxa si deg deg ah la ii siiyey warbixinteedii oo ku qoran luuqadda Ingiriiska, isla markiiba waxaan ula soo dhaqaaqay xafiiskeyga waxaana go’aansaday inaan warbixintaas Turjumo si aan dhibaaatada gabadhaas haysata aan u gaarsiiyo dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ,gudihiisa iyo Hay’addaha Caalamiga si gabadhaas loo siiyo daryeel Caafimaad iyo gargaar Binu Aadanimo waxayna warbixintu ku bilaabanaysa sidatan.

Calasey Cali  Maxamed  waa gabar marka  uu ku dhacayey falka jirtey 20- sanno haatan waxay jirtaa 25 sanno waxay haysataa  hal canug oo yar, waxayna ku dhalatay Tuulada Ceelow ee Degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/dhexe,  Calasey waxay dhibaatada soo gaartay iyadoo ka  waramaysa  waxaay tiri “ dhibkani waxa uu i gaaray 26/6/2001, waxaan is  guursanay wiil aan ilmo Adeer nahay waxa uuna Arooskeenu ka dhacay Tuulada Ceelow ee Degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/dhexe, waxaana Arooskeena isugu soo baxay maalinkii iyo habeenkii la dhigay dadka Degaanka oo dhan oo ay ugu horeeyeen Odayaasha Dhaqanka, waxayna ii ahayd habeen farxadeed, arooskiina waxa uu ku dhamaaday si wanaagsan, habeen habeenada ka mid ah ayaan waxaan u baxay ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ah oo ka dhacaysay Tuulada Ceelow, waxaan ku so laabtay gurigii habeenkii Saq-dhexe, waxaa uu  ninkaygii habeenkaa ii garaacay si xoogan waxaana iga soo gaaray garaacistaas dhaawacyo dhowr ah, waxaan ku iri ninkayga dib dambe ugu laabanmaayo ee maanta i cafi, waxaana waqtigaas heshiis na dhexdhigay Qaraabada labada Qoys.

Calasey “ waxaan dib u bilaabay howshii guriga, intaas ka dib mar kale ayaan isku dhacnay aniga iyo ninkaygii waxaa uuna haddana ii garaacay si ka xun sidii hore, wuxuuna iigu hanjabay in uu idili doono haddii aan marka kale guriga ka tago,  Garaacistii joogtada ahayd waan Xamil kari waayey  waan xanaaqay caro darteed  waxaan  go’aansaday in aan gubo aqalka ninkayga oo ka samaysnaa Cooshado, waan gubay aqalkii kadibna waxaan u cararay guriga waalidkay”.

Calasey   “Dhowr maalmood ka dib waxaa dhacday in heshiis kale nala ka dhex sameeyo aniga iyo ninkayga,  heshiiskaas waxaan ku go’aansanay inaan iska cafino wixii dhibaato ah ee horey noo dhexmaray, sidoo kale waxaa dib loo dhisay aqalkii aan gubay waxaana dhisay waalidka labada reer, waxaana dib u bilownay nolol cusub, maaalmo ka dib ayaa anigoo saq-dhexe oo ay taariikhdu  ahayd  26/6/2001 hurdaya aqalka dhexdiisa ka war helay, istaag markii aan toosay, waxaan arkay ninkaygii oo i kortaagan oo i dhahaya istaag, waxaan weydiiyey sida wax u jiraan isla markiiba isagoo qaylinaya waxa uu igu boobay xarig, waxaan isku dayey inaan iska celiyo laakiin waa iga xoog badiyey markiiba tabartii ayaa iga dhamaatay, waxaan go’aansaday inaan isku dhiibo waxa uuna igu yir “caawo waa habeenkii aad weyn lahayd labadaada gacmood dib dambana uma gubi doontid aqalka”, waxaan ka codsaday inuusan gacmaha iga goynin,  laakiin nasiibdaro waa iga diiday waxa uuna soo qaatay middi wayn oo uu ku qali jiray xoolaha maadaama uu ahaa Kawaanle, waxaa uuna iga jaray gacanta Midig waxa uuna ku xijiyey gacanta Bidix, markii uu gacmaha iga gooyey waa miir daboolmay. waxaana dhageheeda ku soo dhacayey erayo ay ka mid ahaayeen “Mindhaa mar dambe Aqal igama gubtid” “Mindhaa mar dambe Aqal igama gubtid” subixii waxaa ii yimid waalidkay waxaana la iila cararay Isbitaalka Kaydsanay ee magaalada Muqdisho halkaas ayaana laygu daaweeyey, waxaana daaweynteedii gacan ka geystey hayadda GOGWO balse maanan helin ilaa iyo xiligaas wax gacmo Artificial ama Macmal ah oo aan ku xoogsado,  ka dib waxaan ka codsaday waalidkay inay iga furaan ninkaas ilaa nin iima noqdee nin gacmaha iga gooyey.

Ugu dambayntii Calasey Cali Maxamed  oo ah hooyo labada gacmood ka go’an lehna hal canug waxay ku nooshahay Tuulada Ceelow  ee Degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/dhexe rreerkooda wax ma haystaan waxayna ka soo jeedaa qoys faqri ah  waxayna ka codsanaysaa ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa iyo Hay’adaha Samafalka inay u fidiyaan gacan Bini’aadanimo , waxaan si gaar ah uga codsanayaa  shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adda arimahaas ka shaqeeya inay ii gurmadaan si aan u helo gacmo Macmal ah oo aan ku shaqaysto.

 Haddaba cid allaale iyo ciddii doonaysa inay gabadhaas caawiso ama gacan ka geysaneyso wax u qabashadeeda  waxay kala soo xiriiri karaan

Nuuro Xaaji Maxamed oo Madaxa Xog Ururinta Xadgudubyada loo geysto Haweenka ee GOGWO

Tel -2521-280889
2521-219533
2521-644512
E-Mail: nurtabella@yahoo.com
nurtabella@hotmail.com  

 Waxaa soo tebiyey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2006

English Version Read here.. Click

 



Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com