Baaq Guud oo ku Wajahan Aqoonyahanka
Soomaaliyeed.
Maxamed-Qadar
Cabdi Maxamed Siyaad (Afgooye).
Faculty of Agricultural Sciences.
University of Gezira. Sudan.
e-mail address:
siyaad93@hotmail.com
Run ahaantii erayga"Qabyaalad" oo ah waxa
kala dilay ummadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed ayaa saameynteeda sii
xumaaneysaa haddii ay ku dhex fiddo ardayda dhexdooda amaba ardayda
wacdigooda hadda uusan waxba iska beddelin, arrinta murugsan ee waddankana
faraha ayey kasii baxeysaa haddii lagu eegto sidaan oo aan loo istaagin wax
ka qabashada arrinta murugsan ee waddanka ka taagan oo aan filayo ineyan
cidaan aqoonyahaniinta aheyn sugeyso.
Run ahaantii aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa
gabay dowrkii ay ummadda uga baahneyd iney cayaaraan oo ah wax ka qabashada
arrimaha murugsan,toosinta qaladaadka dhaca maalin walba ama saacad walba
iyo jiheynta ummadda oo lagu jiheeyo fikradda qeexeysa dareenka
Soomaalinnimo, iskaashiga lagu tiigsanayo meelaha sare iyo waliba iney
ummadda Soomaaliyeed soo ceshato sharaftii ay ku dhex laheyd bulshada
caalamka oo haatan aan ognahay halka ay taallo.
Dhaqankii awoowayaasheen ayaa waxa uu ku
dhisnaa in shakhsiga Soomaaliga ah uu yahay qof isla qab weyn isla markaana
aaminsan fikradda ah rag wax la qeybsi taasoo hadda annaga aanan gacanta ku
heynin maadaama iskaashiga,wadatashiga,isu tanaasulidda,wax isu quuridda iyo
dareenka ah Soomaali asaageed wax ha la qeybsato ay intuba naga wada maqan
yihiin.
Ummadda Soomaaliyeed waxaa goob kasta
matala rag ayagu aan marnaba u qalmin iney hogaamiyaan ummad oo ayagu laf
ahaantood u baahan in la hago oo la tusiyo waddada saxda ah.
Waxaa in la is weydiiyo mudan maadaama ay
raggaan hogaamiyeyaasha isku sheegaya ay ku guuleysteen iney shacabka
duufsadaan kuna beer laxawsadaan qabyaaladda ayadoo shacabku natiijadeeda u
soo joogay muddo dheer, haddaba su'aashu waxa ay tahay maxaa loo waayey inay
aqoonyahannadu ayaguna kasbadaan ummadda oo ay ka badbaadiyaan dhibaatada
loo horseedayo, ayadoo aan wada ognahay in shacabku yihiin awoodda ay
isticmaalaan koox walba oo rabta iney wax jiheyso, marka maxaa qasbay inaan
shacabka awooddooda wax loogu qaban oo aan la jiheynin, taasi waxa ay
caddeyneysaa mas'uuliyad darro ay muujiyeen aqoonyahanka ama waxgaradka
Soomaaliyeed oo aan kasoo bixin halkii looga baahnaa, ummaddana ku eegtay
dayac iyo dandarro.
Intaasoo dhan waxaa kasii murugo badan
markaad aragto aqoonyahannada badankood oo ku fikrad ah amaba u fekeraya
sida hogaamiye kooxeedyada ama aad aragto ardayda oo ah awoodda maskaxeed ee
soo koreysa ee shacabka oo ayaguna isku baheysanaya qabiil una kala qoqoban
qeybo isku mucaarad ah taasoo kuu sawireysa-ka muwaadin ahaan-saadaal aan
qumaneyn oo complex kasii dhigi karta murugada, musiibadana sii badin karta.
Aqoonyahanka ama ardayga maskiinka ee Soomaaliga ah waa is soo hordhigi
karaa oo suureysan karaa halka uu waxqabadkiisa ku ekaan karo marka laga
hadlayo wax ka bedelidda xaaladda waddanka, laakiin waxaa iyana in la is
weydiiyo mudan ilaa iyo halkee ayey gaari kartaa saameynta ay aqoonyahanku
ku dhex yeelanayaan ummadda dhexdeeda ayagoo isku duuban hal mabda'na ku
mideysan oo ay u wehliso daacadnimo iyo shucuur waajib gudasho.
Ok. haddii aqoonyahan kasta amaba arday
kastaahi u fekero kaligaa maxaad qaban kartaa oo waajibka ku saarani maxuu
yahay kaligaa waa inuu sidoo is weydiiyaa hogaamiye kooxeedkaba yaa kaligii
u xilsaaray inuu ummadda gacmaheeda ku baabi'iyo,marka fikirkaasu hadduu
asal u noqon waayo aqoonyahanka u maleyn maayo in wadcigu wax iska beddelayo.
Waxaan baaq guud u soo jeedinayaa anigoo ku
hadlaya magaca ardayda Soomaaliyeed ee University of Gezira ee Sudan oo aan
wax badan ka doodnay arrintaan isla markaana isla meel dhignay inaan
iskaashi wada sameyno dhammaan walaalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay
joogaan gudaha dalka ama dibaddiisa si aan u muujinno wax qabad una gudanno
waajibka dusha naga saaran oo ay aqoonyahanku uga gaabsadeen inay uga
faalloodaan oo kaliya website-yada.
Waan ogahay inay jiraan rag badan oo ay
fikraddu ku beeran tahay laakiin arrintu ay la'dahay oo kaliya sideen wax
yeelnaa oo ayaduna ku imaan karta wada xiriirid, marka sidaa darteed waxaan
rajeynayaa in qof walba oo arrinta sidaan u aragno inoola arka inaan wada
xiriino.
ALLAAH towfiiqda hana waafajiyo.
Maxamed-Qadar Cabdi Maxamed Siyaad (Afgooye).
Faculty of Agricultural Sciences.
University of Gezira. Sudan.
e-mail address:
siyaad93@hotmail.com