SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | HOOYADA

HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!

June 10, 2001 | Dib u habayn: Dec 28, 2004 | Dib u daabacid August 2010

Qaybta 1aad:::

Kitaabkeena Quraanka ah ma aha kitaab saynis ah oo ay ku qoran yihiin aragtiyo saynis ah sida (Newton theory ama Einstein Relativity) Balse waxa weeye kitaab uu Allaah u soo dejiyey in lagu hannuusho Bani'aadamka oo looga saaro mugdiyada Jaahiliinta loona saaro Iftiinka Islaamka sida uu Allaah quraankiisa ku yiri:
  • (waa kitaab aan u soo dejinay si aad dadka kaga saarto mugdiyada oo aad u saarto nuurka...). 14:1
(Nutfah) Sura 23:13 alaqa (Calaqah) Sura 23:14 mudgha (Mudghah) Sura 23:14 Embryo1 Sura 23:14 Embryo2 Sura 23:14 Embryo3 Sura 32:9 | Sura 22:5 | Sura 22:5
Aayaadaha kore waxay tilmaamayaan Heererka Ilmuhu maro marka uu uurka kujiro.
video: mircle of man's creation
Inkasta oo uusan Quraanku kitaab Saynis aheyn haddana kama reebna in ay ku jiraan Xigmado muran ma doonta ah oo waayahan danbe uu Saynisku cadeeyey, Taas oo Dadka mu'miniinta ah iimaankooda u siyaadineysa xoog in uu kitaabkani Allaah xaggiisa ka yimid, sida uu Aabaheeen Nabi Ibraahiim uu allaah uga dalbaday in uu tusiyo sida uu Maydka u nooleeyo,markaas ayaa Allaah SWT ku yiri:(oo miyaadan rumaynin? Ibraahiim wuxuu ku jawaabay in aan rumeeyey iska daaye waan rumeeyey oo ah erey ka xeeldheer haa!!! Laakiin waxaan rabaa ayuu yiri Nabi Ibraahiim NNKH in uu qalbigeygu ku dago!!! sida ay carabtu ugu maahmaahdo (wax sheegu arragtida oo kale ma ahan).

Sidoo kale gaaladana waxay u caddeynaysaa in uusan Nabi Muxamed oo la yaqaan waqtiga uu joogay iyo meesha uu joogay in uu Aragtiyadan Saynis ka ah uu u soo waxyooday Allaah kaliya ee uusan asagu la iman. Sida uu qirtay Dhakhtarka weyn ee cilmiga Ilmaha(Embrology) Keith Moore ee kanadiyaanka ah oo macallin ka ah Jaamacadda Toronto oo leh Buugga u caansan cilmigaas oo 8 luqo lagu turjumay oo la yiraahdo:(The Human embrology).

Dr. keith waxaa loo geeyey Aaydaha quraanka ah ee ka hadlaaya marxaladaha uu Bani-aadamku ku maro uurka hooyadiis uu yaabay wuxuuna yiri in ay sax yihiin iska daaye sida aan ardeyda u barno habka quraanka ayaaba ka fudud. waxaa taas ka sii daran marxaladda uu quraanku ku tilmaayey (mudqa)wax la calaalshay ayuu sawiray markaas ayada ah waxayba u egtahay xanjo la calaalshay oo ilkihii ka muuqdaan.

Waxaa la weydiiyey DR.Keith Moore maxaa u maleynesaa in uu Muxamed cilmigaan ka helay 15 qarni ka hor,wuxuu yiri cilmiga casriga ah ee (ultrasound) iyo (X-rays) dad'diisu ma dhaafsana 30-40 sano marka waxaan leeyahay Muxamed cilmigaa Allaah ayaa u soo waxyooday ee meel kale kama keeni karo, waxaa la yiri ma adiga oo Masiixi ah oo Ciise rumaysan ayaa sidaa oranaaya, wuxuu ku jawaabay waxaan aaminsanahay Ciise iyo Muxamedba in hal ilaah u soo wada waxyooday. waxaa kaloo laga codsaday in uu Buugiisa ku daro Aayadahan Quraanka ah ,wuuna ogolaaday oo waxaa la daabacay waxaana la yiraahdaa;( the human embrology with the verses of Koran)!!!!!.

Akhristoow taas waxaa ka sii daran labo war bixin oo dhawaantan ay soo saareen la hay'adood oo cilmi Baaris ah oo mareykan ah midda hore waxaa soo saartay Jaamicadda weyn ee (Harvard university researchers) oo 15,000 oo dhallinyaro ah oo lagu soo koriyey caanaha( formula) ooysan Hooyooyinkood nuujinin in Boqolkiiba 22 ay ka buurnaadaan ilmaha kale ee hooyooyinkood nuujiyaan marka ay gaaraan da'da 9 ilaa 14.sidoo kale warbixintu waxay ku sii dartay in inta badan ee ay carruurtu naaska hooyadood nuugaan in ay ka cayil yar yihiin ilmaha aan wax badan la jaqsiin naaska hooyadood.

Isla Baaritaankaas oo kale waxaa ayaduna sameysay Machadka qaranka ee caafimaadka mareykanka(NIH ) kadib markuu baaritaan ku sameyey 2,685 carruur yar yar oo da'doodu u dhaxayso3 ila 5 sano waxay ayaguna heleen in naas nuujintu ay yareyso khatarta uu cunugu Buurni xad dhaaf ah ku buuran karo marka uu weynaado.

Warbixintu waxay intaas ku dartay ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay xiisad hor leh faa'dooyinka ilmuhu ka helayaan naas nuujinta oo aad iyo aad ugu yar Dawladaha reer galbeedka ee aan u naqaan in ay horay u mareen se hantaqa ka sii shalwanaaya!!.

Sida ay sheegtay warbixintaasi Boqolkiiba 29 kaliya ayaa mareykanka la nuujiyaa lix bilood oo ah inta ugu yar ay yiraahdeen akadeemiyada mareykanka ee caafimaadka carruurta(American Academy of pediatrics).

Buurnida aan ka hadleyno waa buurnida xad dhaafka ah ee maanta noqotay cudur la iskala dagaalamo,maxaayeelay dadka aadka u buurani waxay halis u yihiin in ay ku dhacaan cuduro halis ah sida Sokorowga, cudurada wadnaha, qalalka maskaxda, iyo dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin dadka oo ku quursada.

Haatan waxaad is weydiineysaa maxaa Haweenka Soomaaliyeed oo yaraantoodii Sannad iyo ka badan la nuujiyey, Buurnida Haweenka Soomaaliyeed badanaa waxay dhacdaa guurka kadib, waxayna ku timaadaa cayil iska ilaalin la,aan wixii doono la ruugo taasinna wax kaa celin kara majirto adiga oo iska ilaaliya mooyee(Diet), laakiin midda aan ka hadleyno waa mid ku imaaneysa carruurta ayaga laga ilaalinaayo cayilitaanka(Diet).

Sababaha ugu badan oo aysan hooyooyinka reer galbeedku carruurtooda u nuujinin waxa waaye ayagoo laga rabo in ay shaqo dhakhso ugu noqdaan taas ooysan u saamixaynin goobta shaqadu.(1).

DIINTU WAXA AY KATIRI NAAS NUUJINTA

Haatanna aann u soo noqdo waxa ay Diinteena sharafta lihi ay ka tiri naas nuujinta, wuxuu rabi quraankiisa ku faray in Haweenka ay ilmahooda nuujiyaan labo sano, wuxuu allaah ku yiri:

  • ( Hooyoonyinku ha nuujiyeen carruurtooda labo sano oo kaamil ah,waa ruuxii doona in uu nuujitaanka dhameystiro,Nimankana waxaa waajib ku ah in ay quudiyaan iyo in ay dhar u gadaan si macruuf ku jiro...).2:233.
Sidoo kale Nabi NNKH wuxuu celiyey haweeney uur leh oo uu xad ku waajibay in la dilo markay qiratay in ay sineysatay Nabigana ay ka dalabtay in uu dhahiro oo xadka ka oofiyo, wuxuu ku yiri horta kala imaaw oo uurka aad wado soo dhal ,markay dhashay ayey ula timid ayadoo wadata cunug wuxuuna faray in ay labo sano soo nuujiso oo marka ay naaska ka soo gooyso u soo noqoto,kadib ayey sidii yeeshay oo labon sano kadib ayadoo uu cunugii muufo gacanta ku haysto u keenta,markaas ayuu Nabigu NNKH faray in xadka laga oofiyo.

Sidaas muxuu nabigu u yeelay waa faa'idada uu naasku u leeyahay carruurta marka ay yar yihiin. Runtii Kitaabkeena quraanka waxuu nagu hanuuninayaa wax kasta waxa ugu fiican, sida uu allaah yiri:

  • ( Quraankani wuxuu idinku hanuuninayaa wax kasta waxa ugu fiican)17:9
Allaah wuxuu kaloo yiri asagoo noo sheegaaya wixii Asaga iyo quraankiisa ka soo haray in ay baadil yihiin iyo lumitaan :
  • (... maxaa xaqa ka danbeeya lumitaan mooyee)10:32
Maanta waxaan la yaabaa Dadka Muslimiinta ah ee asagoo Rabbi siiyey Kitaabkaas Qayimka ah ee wax kasta iskugu jira: shareeco, akhlaaq, siyaasad, dhaqaale, taariikh, Adaab, hanuun, Saynis, Toosin, iftiin, nabadgalyo, is-ixtiraam, xaq dhowr, caddaalad, Nuur , iftiin, Aakhiro jano, adduunkana aflax!!!! (aan kudhaqmin ama ka faa'iidaysan.)

Kitabkaas dhankii laga eegaba ah midka la xulanaayo oo Allaah noo soo dejiyey in aan ku dhaafsano fikrad bani,aadam oo gaaban taas ayaa ah meel ka dhac iyo habaaw iyo lumis run ah iyo Baadil aan wax ka danbeeyaa jirin!!!!!!!!!

Se siduu rabi yiri Quraanka warkiisa mar danbe ayaan ogaan doonaa, tolow ma marka ay Sanisyahaniintu noo sharxaanbaa sida DR.Keith Moore ama Harvard University,taas oo ayaduba fikrad naga maqan ah,mise waa mid ka sii daran oo ah marka aan dhimano oo nala soo bixiyo ayaan Quraanka warkiisa ogaan doonaa, inta aysan taasi dhicin yaanan Quraanka wax kale ku Doorsanin.

  • Allaah wuxuu yiri: ( Quraanka warkiisa waxaad ogaan doontaan waqti kadib)38:88

QAYBTA 2aad::::
HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
WQ: shiikh saahid maxamed yusuf

June 18, 2001

Al-salaamu calaykum:

Qaybta hore waxaan ku soo qaadanay Labadii warbixinood ee ku saabsanaa in ay Hooyooyinku nuujiyaan carruurtooda in ka badan lix bilood waa haddii ay ka fakarayaan Caafimaadkooda iyo caafimaadka carruurtooda. waana warbixin aan ka soo bixin suuqa Yoobsan ee ka soo baxday suuqyada Secularka ee ( NIH ) iyo Jaamcadda Harvard.

(Nutfah) Sura 23:13
(Calaqah) Sura 23:14
(Mudghah) Sura 23:14
Sura 23:14
Sura 23:14
Sura 32:9
Sura 22:5
Sura 22:5

Aayaadaha kore waxay tilmaamayaan Heererka Ilmuhu maro marka uu uurka kujiro. [Eeg sawirada Qaybta sare]
Runtii Fadligu waa waxa uu cadowgaagu kuu qiro, Sharaxadda ugu fiicanina waa sharaxaadda uu macallinkaaga aad ku kalsoon tahay kuu sharxo, haddaba aniga oo la hadlaaya waxgaradka Soomaaliyeed ee daba nashleeya Macallimiintooda Reer galbeedka tanna wax ma ku qaadan weynay, xataa macallimiinteenii waxa ay nooga digayaan ma qaadan weynay ....

Bal tanna qabso nolosha Reer galbeedku waxay ku dhisan tahay caqli bani,aadam oo dantiisa wata, waxa ugu fiican ee Reer galbeedku ku fakaraan wuxuu ku salaysan yahay DIIN se marnaba waa Diin lagu dhihi maayo, kutub ayaan ka soo qaadanayna lagu dhihimaayo, Nabi baa wariyeyna lagu dhihimaayo, ee waxaa laguu meerin magacyo Dad oo xikmad lagaaga digi.

Bal u fiirso Abayaasha xornimada, siyaasdda , dhaqaalaha, Akhlaaqda, suugaanta IWM waxa ugu fiican ay ku doodayaan Diin ayey ku saleysan tahay se Magacii Ninka ayaa lagu subcinayaa!!!.

Wuxuu kaloo soo saaray (National Institute of Child Health and Human Development) ee Mareykanka In carruurta in ka badan sodon saacadood usbuucii joogta guryaha xannaanada (DAY CARE) waqtiyada hore ee koritaankooda, ay la soo koraan in ay noqdaan kuwo dabeecad qalafsan(aggressive)wax maqlid la,aan(disobedient), cabsi( Fearful), Qalood(shy).

intaas oo kaliya ma ahee waxuu baaritaanku ku daray in ay dugsiyada ku yihiin carruurta wax baadda ( bully) wax disha ,xaasidka ku ah carruuraha kale.

Warbixintani waxay wax yar il nooga fureysaa anagoo la yaaban waxaan ku sameyn laheyn carruurta Dugsiyadda wax ku Baadda ama ciyaalka xooga taas oo wararkoodu beryahan danbe ku batay dilitaanka ka dhaca dugsiyada(School killings).

Sidoo kale (National center for health statistics) waxay ayaguna heleen in uu batay dhallitaanka carruurta aan Aabaha laheyn (out-of-weddlock0) wuxuuna gaaray 33% carruurtii dhalatay sanadkii 1999. wuxuuna celceliskii noqday in ku dhaw hal cunug labadiiba oo ay dhalaan haweenka da,doodu u dhaxeyso 20-24 ay yihiin ilmo aan aabbo laheyn sida uu sheegay machadkaasi(NCHS).

Machadkaas oo darsa dhaqanka carruurta wuxuu baaritaan ku sameeyey 1300 carruur ah ilaa iyo haddana baaritaanku wuu socdaa , wuxuuna helay in carruurta waqti badan joogga (Day care)ay yihiin kuwo ka cabsi badan kana qallosha badan kuwa wax yar lee joogga (Day care) ka ama waalidkood guryaha ku haayo.

wuxuuna baaritaankiisii ku soo gaba gabeeyey ( ... Ruux jecel ma jiro in uu arrintan maqlo maxaa yeelay ( Day care) ku wuxuu ka mid noqday waxyaabaha lagama maarmaanka u ah Waalidiinta shaqeeya khaasatan kuwa kelida ah, waalid rabaayina ma jiro in uu ilmihiisa ku caawiyo xumi ay ku korayaan... Inkastoo ilmaha ( Day care) ku koraayi ay ka waxbarasho fiican yihiin kuwa kale sida ay waxbarashadu sheegtay, haddana waxay warbixintu ku soo gabagabeysay warkeedii... jeclaaw ama ha jeclaanin waxaan abuureynaa ilmo Dugsiyada ku fiican ama ku jaan go,an se aan ku fiicneyn Bulshada dhexdeeda)!!!!!!!!(1).

Haddaba Akhristoow ma fahamtay dhaqanka aan ku soo kornay ee ah in Hooyooyinku Ilmahooda ugu xaq badan yihiin in ay la joogaan sanadaha ugu horeeya, muhiimadda uu leeyahay iyo sida uu dhaqanka reer galbeedku u kala daadsan yahay laga soo bilaabo nuujintooda ilaa koritaankooda ugu horeeya iyo naxariisdardda ay ka soo qaadayaan Guryaha ( Day cares). taas ooy haatan waxba ka qaban karin Reer galbeedku in ay saxaan khalad ay muddo u qeylinaayeen haweenka ha la xoreeyo!!!!.

Taas waxaa ku sii dartaa ayadoo ( working mothers) aysan wax dhaqaale ah ku soo kordhineynin Qoyska marka mushahaarkeeda laga jaro kharashka ( Day care)!!!! Ayaa ayadiina ku dayacan tahay in ay u adeegto ( boss) quruxdeeda u hanqal taagaya, cunugeediina ay Saqiir suujisay booyaaso Doolar u hanqal taageysa!!!!!!!!.

Goorma ayaanu fahmi doonaa Quraanka warkiisa ma marka ay noo sharxaan macallimiinta Reer galbeedku mise marka aan dhimano ee nala soo saaro!!!!.

Siduu Allaah Quraankiisa ku yiri:( Quraanka warkiisa waad ogaan doontaan waqti kadib).

WABILAAHI TAWFIIQ

Qore: shiikh saahid maxamed yusuf
E-mail: sahidyusuf@yahoo.com
TORONTO, CANADA 

DAAWO: video: mircle of man's creation

__________

(1)Warbixinta waxay ku soo baxday washington Times Friday, April 27,2001. sidoo kale waxaan ka akhriyey Newyork Times & Toronto Star. Saxitaan: warbixintii hore Hooyooyinka & carruurta waxay ku soo baxday Washington Post Wednesday, May 16, 2001 ee ma aha May 19

Faafin: SomaliTalk.com | 2004

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO