SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Agoosto 15, 2005*


Marka laqorayo taariikhda midda ugu fiicani waa tan ay qoreen raggii sheekada goob-joogga u ahaa, maxaa-yeelay iyaga ayaa xusuus-toodii dib ugu noqonaya, kadibna jiilasha soo socda usoo guurinaya. Imisa nin ayaad taqaanaa oo taariikhda Soomaali hayey, kadibna dhintay isagoo qofna waxba u sheegin, isaguna aanan waxba nooga tagin.

Waxaan is weydiiyey waxa arintaas sababta u ah, waxaana isoo baxday laba sababood oo kala ah. Tan koowaad: Dhaqanka Soomaalida oo ku dhisan hadal iyo sheeko, oo aynan dabci ahaanba u lahayn in qalin iyo warqad la’isa-saaro. Tan labaad oo ah: Ineynan aqoonin qiimaha ay leedahay in wax la qoro, jahligaasi wuxuu sabab u noqday inaan wax badan luminno.

Maxamed Siyaad Barre wuxuu geeryooday isagoon qalinna wax ku qorin, qof aqoon leh oo sheeka ahaanna uga soo guuriyeyna uusan jirin. Baahi intee le’eg baan u qabnay inaan aragno Buug uu qoray Madaxweynahaas. Alla muxuu sir badan oo naga qarsoon sheegi lahaa.

Maxamed Faarax Caydiid isagu dhawr buug ayaa la sheegaa inuu qoray oo aanan Af-Soomaali ku qorneyn, tafaasiil badan oo taariikh ahna laguma qorin. Isna tii Alle ayaa u timid isagoon wax badan ka sheegin wuxuu soo maray, gaar-ahaan taariikhdii jabhadihii ku kacsanaa Maxamed Siyaad iyo dowladiisii.

Maxamed Ibaarhim Cigaal isna waa sidoo kale, wuxuu goob-joog u ahaa sooyaalka Siyasadda Soomaalida gaar ahaan labadii marxaladood ee uu dalku soo maray, xilligii isticmaarka iyo xornimadii kadib.

Waxaa wali nool** Madaxweynihii u horreeyey ee Soomaaliya Adan Cadbulle Cusmaan (Adan Cadde) haddeer aad ayuu usii da’weynaaday, laakiin waxaan ka baqsanahay inuusan taariikh qoran katagi-doonin, walow ay si kutiri-kuteen ahi igu soo gaartay in Caruurtiisa ay hayaan dhamaan dhacdooyinkii muhimka u ahaa noloshiisii, taasoo aan ilaahay ka baryayo inay dhabowdo oo banaanka la soo dhigo. Isagana uu Eebbe caafimaad khayr qaba siiyo.

  • ** Qoraalkan waxaa la qoray ka hor intii uusan geeriyoon Allah ha naxariistee marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan oo geeriyoodey June 8, 2007 isagoo 99-jir ahaa.

Sh. Mukhtaar waa Guddoomiyihii Barlamaanka Soomaaliya xiliyadii lixda-meeyadii, waa ragga aan laga maarmayn haddii la rabo in lahelo xog badan oo ku saabsan marxaladihii ugu waaweynaa dalka. Ilaahay wuxuu ii qadaray inaan lakulmo oo aan xog badan ka weydiiyo Taariikhdeenni, waxaan kula yaabay xusuustiisa naadirka ah, oo dhacdo waliba wuxuu awoodaa inuu kuu sheego maalintii ay dhacday iyo sidii ay u dhacday, waxaana shaki iiga jirin in wali ay waxbadani ku dhiman-yihiin, oo ay u baahantahay in laga soo uruuriyo.

Cabdi Rasaaq Xaaji Xuseen oo noqday R/Wasaare wali waa uu nool-yahay, ilaa iyo hadda nooma suuragalin inaan akhrino buug uu ka qoray xusuus qorkiisii ama Taariikhda guud ahaanba. Waxaan maqlay inuu ku hawlan-yahay qoraal sidaas oo kale ah, waxaan halkan uga codsanayaa inuu dadajiyo daabicista buuggaas

Jen Maxamed Abshir Muuse waa taliyihii Booliska Soomaaliyeed, noloshiisa intii badnayd wuxuu qayb weyn kaga qaatay Siyaasadda Soomaalida, waa mar uu maamul hayey, iyo maruu Siyaasad darteed u xirnaa. Mamaqal inuu ku mashquul-sanyahay wax ka qorista xusuustii uu ka’ogaa dalkiisa. waxaana leeyahay raggii dhintay iyagoon faafin wixii ay ogaayeen, waanba iska cafin karnaa, laakiin akhyaarta hadda nool waxaan leenahay waa nagu adagtahay inaan idinka cafinno inaad naga qarisaan cilmi ay bulshadu u baahantahay.

Intaas waxaa dheer waxaa igu maqaalo ah in Jananku uu Siyaasadda isaga baxay, hadaba waxaan ka codsan-lahaa inuu Siyaasadihii hore qoro.

Madaxweynaha Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed wuxuu kamid yahay ragga wax badan ka og taariikhdii ciidanka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu saldhig u yahay Jabhadihii dalka balada ka bilaabay, xog bodan oo aysan cid kale haynin ayuu maskaxda ku hayaa. Waan jeclaan lahaa inuu taariikhdaas qoro, waxaase ii muuqata inuusan hadda kanshe u haynin, waayo hawsha kale ee u taalla ayaa ka muhimsan, rajada kaliya een ku heli karno xogtaas waa marka uu Madaxweynuhu dalka dajiyo, kadibna uu xilka ka dago, si’uu taariikhdaas u qoro.

Jaamac Cali Jaamac oo hadda kamid ah Barlamaanka K.M.G. ah wuxuu xog badan ka hayaa laba dhinac oo muhim u ah Taariikhda Siyaasadda Soomaalida, waa xagga ciidanka oo uu kamid ahaa dhalin-yaradii xilalka usoo qabtay xogga dalka, sidoo kale arimihii Siyasadda maadama uu madax u ahaa Xafiiskii Siyaasadda ee xisbigii talada hayey wakhtigii kacaanka.

Waxaa igu maqaala ah in dhawaan uu duubay qaybo kamid Taariikhdaas, dhawanna la soo bandhigi rabo, waana arin farxad leh

Jaamac Maxamed Gaalib wuxuu soo maray taliyaha Booliska Soomaaliya, waxaa ilaahay mahadiis ah inuu kamid yahay ragga aqoon-yahanka ah ee fahamsan qiimaha ay leedahay in taariikhda la qoro, dhawr buugna wuuba qoray, walow aan ka xumahay inuu kuwada qoray Af aan Soomaali ahayn, waxaan jeclaa inuu bugaagtiisa qaarkood uu ku qoro Afkeenni hooyo si’ay bulshadiisa uga faa’iidaysato, waana ku kalsoonahay inuu wax badan qori doono hadduu fursad u helo.

Intani waa iska tusaale aan usoo qaaday ragga xogta badan ka haya taariikhda Siyaasadda Soomaalida oo kaliya, waxaa dheer kuwii hayey suugaanta, gacansiga, tacliinta iyo meelaha kale ee muhimka ah.

Raggan aan hadda magacyadooda xusay inta nool iyo kuwa dhintayba waa qayb kamid ah tiro aad u dheer oo ay lagama-maarmaan tahay in la soo wada kiciyo intooda nool, si looga codsado iney qalinka qaataan.

Hadday jiraan rag aad isleedahay waxbay ka qaban-karaan arimahaas ku qalqaali si aysan jiilasha danbe eed iyo gobob uga galin.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@hotmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Aug 15, 2005

*Updated: 2008: Qoraalkan waxaa la qoray ka hor intii uusan geeriyoon marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan, madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya.

URL: www.SomaliTalk.com/fahad



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD