BAAQ KU SOCDA MADAXDA & SHACABKA SOMAALIYEED
Ku
: Madaxda DFKMG Somaaliyeed
Ku
: Gudoonka & Xubnaha Baarlammanka KMG Somaaliyeed
Ku
: Madaxda Maamul Gobolleedyada
Ku
: Madaxda Kooxaha kala duwan ee dalka gudihiisa ku sugan.
Ku
: Shacabka Somaaliyeed
Ujeedo
: Macaluusha & Xaalufka Abaaraha
Sida la wada
ogsoonyahay dhamaan deegaanada Somaalidu ka degantahay geeska Afrika waa
dhul degaan ahaan iyo cimilo ahaan isku mid ah dadka ku noolna ay yihiin
75% xoolo dhaqato reer guuraa ah noloshooduna ay ku xiran tahay anfaca
ay ka helaan xoolaha ay haystaan miyi & magaalana ah dad noloshodu isku
xiran tahay.
Sidoo
kale waxaa ay helaan labo xili oo roob ah Gu iyo Deyr sanadkii Guguna uu
yahay xiliga ugu muhiimsan ee ugu biyo badan Deyrtuna ay tahay mid aan
saa u biyo badnayn caawisana dadka, bay,ada iyo duunyada inta ay Guga
kale ka gaarayaan, iyadoon labadaas xili inta badan si joogta ah loo
helin sababana in abaaro ba’ani ay si meerta ah u soo maraan.
Abaarahaas oo waayadii hore u badnaa kuwo intooda badani ay dadka,
duunyada iyo bay’aduba adkeysi u lahaan jireen ilaa xad sida marka labo
xili oo roob ah la waayo gu’ iyo deyr guga xigana noqdo mid intii la
filayay ka yaraado. Laakiin marka la waayo afar xili oo isku xiga (2
sano) xiliga xigana uu noqdo mid ka da,a meelo cayiman sit teel-teel ah
ayaa ay iman jirtay abaarta ba’ani ee baabi’isa duunyada, bay’adda &
dadkaba inta ka hartana ay macaluul ba’an ku reebi jirtey dadkuna
magacyo u bixin jireen sida “abaartii daba dheer”.
Marka loo
kuur galay 15 kii sano ee ugu dambeeyay waxaa in gaareysa 10 jeer soo
wajahay abaaro degaanada dadka somaalidu ka degantahay geeska afrika ee
lo yaqaan somaaliya, Jabuuti, waqooyi bari Kenya iyo Degaanka Ismaamulka
Somaalida Itoobiyaa kuwaa soo xaaluf iyo macaluul ba’an u geystay
bay’adii, duunyadii iyo dadkiiba oo inta badan aysan helin gurmad iyo
caawimo ku filan khaasatan dalka Somaaliya.
Marka
su,aasha is weydiinta leh waxay tahay
“Ma is
bedel cimilada xageeda ah baa mise bey’addii, duunyadii iyo dadkii baa
dayacan oo adkeysigii ka yaraadey?”
Jawaabta dhabta ahi qofkasta oo wax garad ahi waa dareemayaa in dayac
ba’ani dhamaantayo nahaysto kaa soo na gaarsiiyay inaanu gabno
adkeysigii & tabahii nalagu yiqiin ee aanu u baxsan jirney marka aanu
weyno hal ama labo xili roobaad oo keliya
dad & duunyana aysan haleeli jirin baa’ba’an &
macaluushan kulaylka iyo dabayluhuna aysan
bay’ada xaalufin jirin, halka haatan marka hal xili
oo roob ah aanu weyno ay macaluushu na soo food saarto xiligana xigana
markuu yara daahana baaba’a & xaalufku na soo wajaho.
Dayaca & Dhibihiisa kala Duwan
Burburkii
ka hor dadku magaalooyinka degani waxay inta badan haysteen fursado
shaqo kala duwan oo ay ka soo geli jirtey dhaqaale aan saa u badnayn
laakin ay isku dayi jireen inay ku daboolaan baahidooda daruuriga ah,
dadka xoola dhaqatada ee reer guuraaga ahna waxay xoolahooda u heli
jireen suuq ay u iib geystaan kana helaan dakhli ku filan baahidooda
daruuriga ah, Ba’ayduna waxay heli jirtey daryeel wanaagsan, marka loo
eego xiligan, waxaana intaba asaas u ahayd dawladii iyo nidaamkii jirey
si kasta diktaytar ha u ahaate laakiin waxay fulinaysay iskuna xiraysay
dhamaan howlahaaas aan sare ku soo sheegay.
Burburkii
waxaa uu wax weyn ka bedelay noloshii miyiga iyo magaalada haday noqon
lahayd nabadgelyadii dhaqaalihii iyo dhaqankii iyo siyaasadii, ummadduna
gacanta ay u gashay labo kooxood oo hubaysan loona yaqaan qabqablayaasha
siyaasiyinta iyo qabqablayaasha ganacsatada ah kuwaas oo asaas u ah
dayacan haysta dad, duunyo iyo bay’adba.
Qabqablayaasha
ganacsatada
waxay si toos ah u bedeleen silsiladii ganacsi ee isku xireysay sarena u
qaadeysay nolosha miyiga iyo tan magaalada iyagoo dareemay inay yihiin
halka keliya ay ummadu u shaqo tegi karto xiligan marka laga reebo
kooxdooda kale siyaasiyiinta ah. waxay marin habaabiyeen bulshadii
soomaaliyeed una horseedeen xaalufinta bay’ada iyagoo ku tilmaamay
dhuxushu inay ka midtahay kheyraadka dabiiciga ah dal dibad u dhoofiyo
laguna soo badesho hugii , raashinkii, daawadii iyo dhamaan agabkii kala
duwanaa ee dalka dibadiisa laga keeni jirey, halka markii hore xoolaha
nool, kaluunka iyo muusku ay ka ahaan jireen kheyraadka ugu badan ee aan
dhoofino haatana ay dayac ba’an & suuq la’aantu haysato.
Waxay
marin habaabiyeen oo ay shaqo geliyeen badi dhalintii una keeneen qalab
u sahla xaalufinta iyo maal gelin inta ay ku maqan yihiin shaqada
xaalufka iyo gaadiid kasoo daabula xarumaha xaalufka.
Sidoo
kale waxay marin habaabiyeen oo ay qaab nololeedkoodi badeleen xoola
dhaqatadii reer-guraaga ahayd oo marka ninka xoolo dhaqatada ah uu
tuulada keeno dhowr neef uma heleyo suuq (saylad) waxaa uu dabadeed
baryaa kuwa shaaha ku kariya tuulada inay neefka ariga uga bedeshaan
labo koombo oo sokora, labo koombo oo bariis ah, xoogaa yar caleen shah
& in yaroo tubaako ah waa haduu heli karo wax intaa ka siista, marka uu
la kulmo gacan yarayaasha ganacsatadaas waxay ku dhiiriyaan marka xigta
in uusan tuulada xoolo iib ah keenin ee uu ugu yaran lix kiish oo
dhuxula awrkiisa ku keeno tuulada si uu ugu bedesho nus kiish sonkora
nus kiish bariis iyo xogaa kaash ah si uu ula qabsado waxa socda ee
suuqa leh una helo dakhli uu ku daboolo baahidiisa daruuriga ah taasina
ay tahay mida sii siyaadinaysa xaalufkan ba’an ee
haatan ina haysta hadaanu soomaali nahay.
Qabqablayaasha Siyaasada
kooxdani
waxay iskaashi weyn leyihiin qabqablayaasha ganacsatada waxaadna
moodaa in mararka qaarkood inay wadaagaan gaadiidka dagaalka ee loo
yaqaan teknikada, waana kooxda ay ummaddu u af-duuban tahay mana ahan
kuwa la koobi karo iskuna fikri ah si sahal ahna ku midoobi kara.
waxayna abuuraan cooladaha beelaha soomaaliyeed ee wada dhalashada,
degaanka iyo daaqsintuba ka dhaxeyso si aysan ummaddu isu afgaran
colaaduna u jirto inta danahooda siyaasada marin habowga ah ku dhisan ka
gaarayaan.
waxay
marin hababiyeen oo ay dhaqankii kalumiyeen badi dhalintii soomaliyeed
iyagoo sharciyeey burcadnimada iyo isbaarooyinka inay ka mid yihiin
xirfadaha shaqo ee rasmiga ah ee ummadi u shaqo tagto una sahleen
gadiidkii iyo hubkii ay ku howl geli lahaayeen iyaguna ay halkaa ay u
noqota halka dakhliga uu uga helo maamulkiisa. Iyagoo in badan
horistaagay ama curyaamiyay gurmadyo loo fidin lahaa degaaamo badan oo
ay abaaro is daba jog ahi ugeysteen baab’a iyo macaluul ba’an dad iyo
duunyaba, mararka qaarkoodna ku xira inay macaawinada ka qaadaan
canshuur & jidmaris xad dhaaf ah iyo dhibo badan oo aan halkan lagu soo
koobi Karin. Taasina ay tahay mida asaaska u ah in gurmadkii iyo isu
ciirsigii Somaali lagu yiqiin abaartuna si sahlan u gaarsiiso baab’a &
macaluul ba’an dad iyo duunyaba.
Maxaa iman kara hadii dayacani dheeraado
Shaki
kumajiro hadii ummadda Somaaliyeed ay ku sii jirto 10 sano oo kale
burburkan iyo dayacan in xaalufku sii labo jibaarmayo oo aanu gaari
doonyo heer xun oo xitaa hadiii rabi joogto nooga dhigo roobabka Guga &
Deyrta aysan wax na tari doonin ilayn dadkii bay’ad (dhul) wanaagsan
haysta ayay roobabku wax taraan laaakinn markii dhulkeenu sii xaalufo oo
ban banaan oo didib ah badankiis noqdo oo xitaa ciidii dabayshu la tagto
dhagaxuuntuna soo harto ogow roobabku waxba nama tari doonaan waxyeeley
nagu noqon doonaan sida daadad badaha nagu dara oo aan meel ay ku
hakadaan aysan jiri doonin duunyana warkeed dhaaf. Ilaahow noo miciiin
oo ha na badin heerkaa.. Aamiin.
Sidee uga baxnaa Dayacan
Runtii
xiligan waxaanu haysanaa fursad weyn oo u baahan in Soomali ay si wada
jira uga faa’ideysato iyadoo la eegayo danta guud loona wada soo jeesto
sidii aanu uga wada bixi lahayn dayacan burburka iyo dawlad la’aantu na
baday.
Hadii
aynu nahay Soomaali waxaa maanta inala gudboon in aanu taageerno kana
faa’ideysano DFKG taasoo ay dawladaha caalamku tageero buuxda u hayaan
ayna ka wada go’antahay ka qayb qaadashada dib u soo nooleynta qarankii
Somaaliyeed,
wallow ay
jiraan in badan oo somaali ah oo si u dhaliilsan.
Inta
dhaliilsan DFKG maanta waxaa la gudboon inay danta guud eegaan
dareemaana in dawlad xun ay u dhaanto burburka, dayaca iyo dawlad
la’aanta haysata 15 ka sano, ayna adagtahay si layskula helo dawlad aan
lawada dhaliilsaneyn oo burburkan iyo dayacan naga saarta, xitaa sow
idin lama haboona inaad DFKMG ka dhigataan mid aad kaga baxdaan burburka
kuna soo ceshataan nidaamkii iyo kala dambeyntii una
diyaar garowdaan doorashooyinka mustaqbalka dhow soo socda adinkoo heli
kara jawi ka fiican jawigan isbarbar yaaca ah.
Sidoo
kale madaxda DFKG waxaa iyana la gudboon iyagoo eegaya danta guud inay
dhan walba tanaasul ka sameeyaan wixii suuro gal ah ee isu keeni kara
ummadda soomaaliyeed dhalina kara nidaam dawladeed awood leh tayadiisuna
sareyso si loo helo nidaamkii iyo kala dambeytii dawladnimo si ummaddu
uga baxdo dayacan iyo diiftan ba’an ee ay mudada dheer ku jireen una
helaan nidaam badbaadiya bay’adooda.
Sidoo
kale DFKMG waxaa la gudboon in hor iyo horaanba ay awooda saarto
barnaamijyada wacyi gelinta oo ah barta ugu horeyso ee laga duulo
intaadan waxqabad ku dhaqaaqin iyadoo adeegsanaysa aqoonhanada
somaaliyeed ee u dhuun duleela wacyiga dalka khibradahana u leh soona
bandhigi kara barnaamijyo wacyi gelineed oo u gogol xaara hirgelinta
howlaha laga filayo DFKMG inay ka wada fuliso goboladda dalka howlahaas
oo talo ahaan haboon in DFKMG ay ka bilowdo:-
·
Sidii ay dhaqan celin ugu sameyn lahayd qaarka hubaysana
hubka uga dhigi lahayd shaqooyina ay ugu wada abuuri laheyd dhamaan
dhalinyarada soomaaliyeed ee uu burburku marin habaabiyay kuwaasoo miyi
iyo magaalba ku dayacan.
·
Sidii ay dhaqan celin ugu samayn lahayd qaarka hubaysana
hubka uga dhigi lahayd dhamaan ganacsatada burburka iyo shuruuc la,aantu
marin habaabisay uguna samayn lahad nidaam midaysan oo sare u qaada
tayada iyo suuqyada ganacsigooda iyo shuruuc mekhaamisa ka faa’ideysiga
kheyraadka dalka.
·
Sidii ay dhaqen celin ugu samayn lahayd hubkana uga dhigi
lahayd maamulkana uga qayb gelin lahayd dhamaan saraakiisha hoose iyo
siyaasiyiinta burburka iyo shuruuc la’aantu marin habaabisay.
·
Sidii ay u daba qaban lahayd bay’ada burburka iyo dayacu
xaalufiyay uguna samayn lahayd nidaam ilaaliya sarena u qaada
horumariyana, si ay u soo noqoto adkeysigii iyo tabihii looga badbaadi
jiray aafooyinka abaarahu u geystaan dad, duunyo iyo bay’adba.
Waxaad
moodaa hadii wada tashiga iyo wada shaqayntana la siyaadiyo in howlahaas
si sahal ah noogu hirgalayaan soomaalina ay ka bixi doonto dayacan
mudadda dheer soo dilooday DFKMG kana ay noqonaysa mid u horseeda
wadadda horumarka lagu gaaro (Good Governance), gabagabadii waxaa Illaah
ka baryaya inuu wanaaga iyo horumarka na wada tuso naga dhigana kuwii ku
dhaqma aamiin.
Wabilaahi Towfiiq
Eng.
Ahmed M. Moalin – Waharey
Somali
Development Advisor – free license
Brunsbogaton
128C 53238 Skara – Sweden