SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


BAAQ KU SOCDA MADAXDA & SHACABKA SOMAALIYEED
 
Ku                : Madaxda DFKMG Somaaliyeed
Ku                : Gudoonka & Xubnaha Baarlammanka KMG Somaaliyeed
Ku                : Madaxda Maamul Gobolleedyada
Ku                : Madaxda Kooxaha kala duwan ee dalka gudihiisa ku sugan.
Ku                : Shacabka Somaaliyeed
Ujeedo         : Macaluusha & Xaalufka Abaaraha
 
Sida la wada ogsoonyahay dhamaan deegaanada Somaalidu ka degantahay geeska Afrika waa dhul degaan ahaan iyo cimilo ahaan isku mid ah dadka ku noolna ay yihiin 75% xoolo dhaqato reer guuraa ah noloshooduna ay ku xiran tahay anfaca ay ka helaan xoolaha ay haystaan miyi & magaalana ah dad noloshodu isku xiran tahay.
 
Sidoo kale waxaa ay helaan labo xili oo roob ah Gu iyo Deyr sanadkii Guguna uu yahay xiliga ugu muhiimsan ee ugu biyo badan Deyrtuna ay tahay mid aan saa u biyo badnayn caawisana dadka, bay,ada iyo duunyada inta ay Guga kale ka gaarayaan, iyadoon labadaas xili inta badan si joogta ah loo helin sababana in abaaro ba’ani ay si meerta ah u soo maraan.
 
Abaarahaas oo waayadii hore u badnaa kuwo intooda badani ay dadka, duunyada iyo bay’aduba adkeysi u lahaan jireen ilaa xad sida marka labo xili oo roob ah la waayo gu’ iyo deyr guga xigana noqdo mid intii la filayay ka yaraado. Laakiin marka la waayo afar xili oo isku xiga (2 sano) xiliga xigana uu noqdo mid ka da,a meelo cayiman sit teel-teel ah ayaa ay iman jirtay abaarta ba’ani ee baabi’isa duunyada, bay’adda & dadkaba inta ka hartana ay macaluul ba’an ku reebi jirtey dadkuna magacyo u bixin jireen sida “abaartii daba dheer”.
 
Marka loo kuur galay 15 kii sano ee ugu dambeeyay waxaa in gaareysa 10 jeer soo wajahay abaaro degaanada dadka somaalidu ka degantahay geeska afrika ee lo yaqaan somaaliya, Jabuuti, waqooyi bari Kenya iyo Degaanka Ismaamulka Somaalida Itoobiyaa kuwaa soo xaaluf iyo macaluul ba’an u geystay bay’adii, duunyadii iyo dadkiiba oo inta badan aysan helin gurmad iyo caawimo ku filan khaasatan dalka Somaaliya.
 
Marka su,aasha is weydiinta leh waxay tahay “Ma is bedel cimilada xageeda ah baa mise bey’addii, duunyadii iyo dadkii baa dayacan oo adkeysigii ka yaraadey?” Jawaabta dhabta ahi qofkasta oo wax garad ahi waa dareemayaa in dayac ba’ani dhamaantayo nahaysto kaa soo na gaarsiiyay inaanu gabno adkeysigii & tabahii nalagu yiqiin ee aanu u baxsan jirney marka aanu weyno hal ama labo xili roobaad oo  keliya  dad & duunyana aysan haleeli jirin baa’ba’an &  macaluushan  kulaylka iyo dabayluhuna aysan bay’ada xaalufin jirin, halka haatan  marka hal xili oo roob ah aanu weyno ay macaluushu na soo food saarto xiligana xigana markuu yara daahana baaba’a & xaalufku na soo wajaho.
 
Dayaca & Dhibihiisa kala Duwan
 
Burburkii ka hor dadku magaalooyinka degani waxay inta badan haysteen fursado shaqo kala duwan oo ay ka soo geli jirtey dhaqaale aan saa u badnayn laakin ay isku dayi jireen inay ku daboolaan baahidooda daruuriga ah, dadka xoola dhaqatada ee reer guuraaga ahna waxay xoolahooda u heli jireen suuq ay u iib geystaan kana helaan dakhli ku filan baahidooda daruuriga ah, Ba’ayduna waxay heli jirtey daryeel wanaagsan, marka loo eego xiligan, waxaana intaba asaas u ahayd dawladii iyo nidaamkii jirey si kasta diktaytar ha u ahaate laakiin waxay fulinaysay iskuna xiraysay dhamaan howlahaaas aan sare ku soo sheegay.   
 
Burburkii waxaa uu wax weyn ka bedelay noloshii miyiga iyo magaalada haday noqon lahayd nabadgelyadii dhaqaalihii iyo dhaqankii iyo siyaasadii, ummadduna gacanta ay u gashay labo kooxood oo hubaysan loona yaqaan qabqablayaasha siyaasiyinta iyo qabqablayaasha ganacsatada ah kuwaas oo asaas u ah dayacan haysta dad, duunyo iyo bay’adba.
 
Qabqablayaasha ganacsatada waxay si toos ah u bedeleen silsiladii ganacsi ee isku xireysay sarena u qaadeysay nolosha miyiga iyo tan magaalada iyagoo dareemay inay yihiin halka keliya ay ummadu u shaqo tegi karto xiligan marka laga reebo kooxdooda kale siyaasiyiinta ah. waxay marin habaabiyeen bulshadii soomaaliyeed una horseedeen xaalufinta bay’ada iyagoo ku tilmaamay dhuxushu inay ka midtahay kheyraadka dabiiciga ah dal dibad u dhoofiyo laguna soo badesho hugii , raashinkii, daawadii iyo dhamaan agabkii kala duwanaa ee dalka dibadiisa laga keeni jirey, halka markii hore xoolaha nool, kaluunka iyo muusku ay ka ahaan jireen kheyraadka ugu badan ee aan dhoofino haatana ay dayac ba’an & suuq la’aantu haysato.
 
Waxay marin habaabiyeen oo ay shaqo geliyeen badi dhalintii una keeneen qalab u sahla xaalufinta iyo maal gelin inta ay ku maqan yihiin shaqada xaalufka iyo gaadiid kasoo daabula xarumaha xaalufka.
 
Sidoo kale waxay marin habaabiyeen oo ay qaab nololeedkoodi badeleen xoola dhaqatadii reer-guraaga ahayd oo marka ninka xoolo dhaqatada ah uu tuulada keeno dhowr neef uma heleyo suuq (saylad) waxaa uu dabadeed baryaa kuwa shaaha ku kariya tuulada inay neefka ariga uga bedeshaan labo koombo oo sokora, labo koombo oo bariis ah, xoogaa yar caleen shah & in yaroo tubaako ah waa haduu heli karo wax intaa ka siista, marka uu la kulmo gacan yarayaasha ganacsatadaas waxay ku dhiiriyaan marka xigta in uusan tuulada xoolo iib ah keenin ee uu ugu yaran lix kiish oo dhuxula awrkiisa ku keeno tuulada si uu ugu bedesho nus kiish sonkora nus kiish bariis iyo xogaa kaash ah si uu ula qabsado waxa socda ee suuqa leh una helo dakhli uu ku daboolo baahidiisa daruuriga ah taasina ay tahay mida sii siyaadinaysa xaalufkan ba’an  ee haatan ina haysta hadaanu soomaali nahay.
 
Qabqablayaasha Siyaasada  kooxdani waxay iskaashi weyn leyihiin qabqablayaasha ganacsatada waxaadna moodaa in mararka qaarkood inay wadaagaan gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan teknikada, waana kooxda ay ummaddu u af-duuban tahay mana ahan kuwa la koobi karo iskuna fikri ah si sahal ahna ku midoobi kara. waxayna abuuraan cooladaha beelaha soomaaliyeed ee wada dhalashada, degaanka iyo daaqsintuba ka dhaxeyso si aysan ummaddu isu afgaran colaaduna u jirto inta danahooda siyaasada marin habowga ah ku dhisan ka gaarayaan.
 
waxay marin hababiyeen oo ay dhaqankii kalumiyeen badi dhalintii soomaliyeed iyagoo sharciyeey burcadnimada iyo isbaarooyinka inay ka mid yihiin xirfadaha shaqo ee rasmiga ah ee ummadi u shaqo tagto una sahleen gadiidkii iyo hubkii ay ku howl geli lahaayeen iyaguna ay halkaa ay u noqota halka dakhliga uu uga helo maamulkiisa. Iyagoo in badan horistaagay ama curyaamiyay gurmadyo loo fidin lahaa degaaamo badan oo ay abaaro is daba jog ahi ugeysteen baab’a iyo macaluul ba’an dad iyo duunyaba, mararka qaarkoodna ku xira inay macaawinada ka qaadaan canshuur & jidmaris xad dhaaf ah iyo dhibo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Taasina ay tahay mida asaaska u ah in gurmadkii iyo isu ciirsigii Somaali lagu yiqiin abaartuna si sahlan u gaarsiiso baab’a & macaluul ba’an dad iyo duunyaba.  
 
Maxaa iman kara hadii dayacani dheeraado
 
Shaki kumajiro hadii ummadda Somaaliyeed ay ku sii jirto 10 sano oo kale burburkan iyo dayacan in xaalufku sii labo jibaarmayo oo aanu gaari doonyo heer xun oo xitaa hadiii rabi joogto nooga dhigo roobabka Guga & Deyrta aysan wax na tari doonin ilayn dadkii bay’ad (dhul) wanaagsan haysta ayay roobabku wax taraan laaakinn markii dhulkeenu sii xaalufo oo ban banaan oo didib ah badankiis noqdo oo xitaa ciidii dabayshu la tagto dhagaxuuntuna soo harto ogow roobabku waxba nama tari doonaan waxyeeley nagu noqon doonaan sida daadad badaha nagu dara oo aan meel ay ku hakadaan aysan jiri doonin duunyana warkeed dhaaf. Ilaahow noo miciiin oo ha na badin heerkaa.. Aamiin.
 
Sidee uga baxnaa Dayacan
 
Runtii xiligan waxaanu haysanaa fursad weyn oo u baahan in Soomali ay si wada jira uga faa’ideysato iyadoo la eegayo danta guud loona wada soo jeesto sidii aanu uga wada bixi lahayn dayacan burburka iyo dawlad la’aantu na baday.
 
Hadii aynu nahay Soomaali waxaa maanta inala gudboon in aanu taageerno kana faa’ideysano DFKG taasoo ay dawladaha caalamku tageero buuxda u hayaan ayna ka wada go’antahay ka qayb qaadashada dib u soo nooleynta qarankii Somaaliyeed,
wallow ay jiraan in badan oo somaali ah oo si u dhaliilsan.
 
Inta dhaliilsan DFKG maanta waxaa la gudboon inay danta guud eegaan dareemaana in dawlad xun ay u dhaanto burburka, dayaca iyo dawlad la’aanta haysata 15 ka sano, ayna adagtahay si layskula helo dawlad aan lawada dhaliilsaneyn oo burburkan iyo dayacan naga saarta, xitaa sow idin lama haboona inaad DFKMG ka dhigataan mid aad kaga baxdaan burburka kuna soo ceshataan  nidaamkii iyo kala dambeyntii una diyaar garowdaan doorashooyinka mustaqbalka dhow soo socda adinkoo heli kara jawi ka fiican jawigan isbarbar yaaca ah. 
 
Sidoo kale madaxda DFKG waxaa iyana la gudboon iyagoo eegaya danta guud inay dhan walba tanaasul ka sameeyaan wixii suuro gal ah ee isu keeni kara ummadda soomaaliyeed dhalina kara nidaam dawladeed awood leh tayadiisuna sareyso si loo helo nidaamkii iyo kala dambeytii dawladnimo si ummaddu uga baxdo dayacan iyo diiftan ba’an ee ay mudada dheer ku jireen una helaan nidaam badbaadiya bay’adooda.  
 
Sidoo kale DFKMG waxaa la gudboon in hor iyo horaanba ay awooda saarto barnaamijyada wacyi gelinta oo ah barta ugu horeyso ee laga duulo intaadan waxqabad ku dhaqaaqin iyadoo adeegsanaysa aqoonhanada somaaliyeed ee u dhuun duleela wacyiga dalka khibradahana u leh soona bandhigi kara barnaamijyo wacyi gelineed oo u gogol xaara hirgelinta howlaha laga filayo DFKMG inay ka wada fuliso goboladda dalka howlahaas oo talo ahaan haboon in DFKMG ay ka bilowdo:-
 
·        Sidii ay dhaqan celin ugu sameyn lahayd qaarka hubaysana hubka uga dhigi lahayd shaqooyina ay ugu wada abuuri laheyd dhamaan dhalinyarada soomaaliyeed ee uu burburku marin habaabiyay kuwaasoo miyi iyo magaalba ku dayacan.
 
·        Sidii ay dhaqan celin ugu samayn lahayd qaarka hubaysana hubka uga dhigi lahayd dhamaan ganacsatada burburka iyo shuruuc la,aantu marin habaabisay uguna samayn lahad nidaam midaysan oo sare u qaada tayada iyo suuqyada ganacsigooda iyo shuruuc mekhaamisa ka faa’ideysiga kheyraadka dalka.
 
·        Sidii ay dhaqen celin ugu samayn lahayd hubkana uga dhigi lahayd maamulkana uga qayb gelin lahayd dhamaan saraakiisha hoose iyo siyaasiyiinta burburka iyo shuruuc la’aantu marin habaabisay.
 
·        Sidii ay u daba qaban lahayd bay’ada burburka iyo dayacu xaalufiyay uguna samayn lahayd nidaam ilaaliya sarena u qaada horumariyana, si ay u soo noqoto adkeysigii iyo tabihii looga badbaadi jiray aafooyinka abaarahu u geystaan dad, duunyo iyo bay’adba.
 
Waxaad moodaa hadii wada tashiga iyo wada shaqayntana la siyaadiyo in howlahaas si sahal ah noogu hirgalayaan soomaalina ay ka bixi doonto dayacan mudadda dheer soo dilooday DFKMG kana ay noqonaysa mid u horseeda wadadda horumarka lagu gaaro (Good Governance), gabagabadii waxaa Illaah ka baryaya inuu wanaaga iyo horumarka na wada tuso naga dhigana kuwii ku dhaqma aamiin.
 
Wabilaahi Towfiiq
 
Eng. Ahmed M. Moalin – Waharey
Somali Development Advisor – free license
Brunsbogaton 128C 53238 Skara – Sweden
Tell 46 511 15207 – Mob: 46 73 651 42 74
ammoalin@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2006