SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Cismaan Caato ‘‘ma jecli dagaal, ee waxaan jeclahay nolosheyda’’!!

“waxay u baahdeen qalab ay garoonka ku dhisi lahaayeen, waxaan  ku iri, ma heysataan kaa, sidaa darteed u imaada cadawgiina”

Hollywood-ku kamey badbadin markii ay Cismaan Caato ka dhigeen Ninka qura ee ka nool  dhulkii Gangistarrada oo loola jeeedo Muqdisho.( sida uu  qoray Wargeyska Khaleej Times).

Laakiin hoggaamiye kooxeed u dhisan sida feeryahannada una milicsada sida Gorgorka sida uu uga soo muuqdey Filmkii ‘Black Howk Down’ ayaa lagu sheegay in waxa ugu weyn ee uu u dig iyo dam leeyahay ay tahay in uu Somalia lacag ka sameeyo.

“Soomaliya oo dhami dhiiqeey ku jirtaa, aynu isu tagno, oo si wada jir ah uga saarno” ayuu  yiri Caato xilli uu booqasho  ku tegey Kenya Sideed bilood  kadib markii isla halkaas loogu magacaabay in uu Wasiir ka noqdo dowladda imminka is khilaafsan.

Siyaasi, Ganacsade, Madax Maliishiyo iyo isagoo marmar nabadoon iska dhiga, Caato waa mid ka mid ah raga sida dhabta ah ugu lugta leh geedi socodka Siyaasadeed  ee Somalia kadib burburkii ayuu qoray Wargeysku.

Isagoo la shaqeeynayey markii dambena ka soo hor jeestay ku lug lahaanshihii Mareykanka  ee howlgalkii fashilmay ee UNOSOM ka fulisey Somalia markii sharci la’aan iyo macaluul baahsani bedeshey xukuumaddii keli taliska aheyd ee Siyaad Bare.

Filmka arrintan laga sameeyey ee  Black Howk Down ayaa  ku bilaabanaya qabashadii ay ciidamada  Rangersku gacanta ku dhigeen Caato bishii Septembar 1993-kii, isagoo afar bilood ku xirnaa Jasiirad ku dhex taalla badweynta Hindiya iyadoo uu filmku Caato u sawirayo nin dagaalka ka macaashay.

“Ilaah baa igu oge waxaan kuu sheegayaa in aanan dagaal jecleyn, waxan jeclahay nolosheyda” ayuu yiri Caato oo hadda ku jira dabayaaqada kontomeeyadiisii. “waxaan jeclahay nolosha caruurteyda iyo wanaagooda iyo caruurta kale ee Soomaaliyeed, marka sidee baan dagaal ugu ololeyn karaa? taasi waa kaftan”.

“Filmku wuxuu iska indha tiray xaqiiqda, hadii aan iminka u fariisto oo aan qoro filmkan waxaan sameyn laheyn mid ka wanaagsan” ayuu ku kaftamay Caato isagoo qoslaya.

Laakiin Caato gebi ahaanba ma qaabeyn karo doorka uu filmka ku leeyahay.

Maanta dad badani waxay rabaan in ay ogaadaan in isaga iyo saaxiibadiisa qabqablayaasha ahi ay dhab ahaantii ku tala jiraan in dib loo yagleelo amarkii iyo kala dambeyntii (Law and Order) iyo in ay doonayaan in ay sii waarto fadqallaladii ay markii horaba ku soo fooceen (bexeen). iminka Caato iyo saaxiibadii waxay u dhabar jeediyeen dowladii lagu soo dhisay Kenya kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay balse wuxuu isagu muujiyaa in uu boorinayo oo dhiiri gelinayo dadaal kasta oo lagu cilad bixinayo ismaandiidka ka dhex jira dowlada cusub.

Hogaamiye kooxeedyada kale Caato wuxuu la wadaagaa burjiga ay dagaalka u leeyihiin, laakiin Cismaan ayaa la sheegay in uu uga duwanyahay isaga oo ay kaga dhegan tahay dhinaca ganacsiga iyo lacag raadinta,  hadii la yar milicsado taarikhdiisana waxay muujineysaa in uu yahay Nin fursad gaad ah.

Dagaalka ka hor wuxuu la shaqeeynayey shirkada sahmisa saliida ee Conoco, iyadoo markii ay fidnadu dilaacday howshii shirkaduna joogsatay uu qalabkii iyo hantidii  shirkadda kaga faa’iideystey ganacsi iyo geerashyo lagu dayactiro gawaarida isagoo xiligii UNOSOM shidaalka siinayey hey’adihii iyo qandaraaslayaashii Q/M. u shaqeeynayey.

Iyadoo ay taa jirto ayuu wuxuu wargeyska Khaleej Times  sheegay in lacagtii uu ka kasbaday Hay’adihii shisheeye ee samafalka uu ku maalgeliyey maliishiyadii ugu weyneyd ee la dagaalameysay ciidammadii Nabad ilaalinta ee Q/Midoobay, waxaana  Garaashyadiisa iyo Hoosooyinkiisa uga faa’iideystey in lagu farsameeyo Gawaarida tiknikada ah ee lagu rakibo qoryaha darandooriga u dhaca ee ay Soomalidu u adeegsatey la dagaalankii Mareykanka.

Balse 1995 waxay kala furteen Gen. Caydiid oo ay waqti badan xulufo ahaayeen iyagoo ku dagaalamay magaalada Muqdisho.

Caato oo la weydiiyey inta ay la egyihiin ciidamada uu gacanta ku hayo waqtigan wuxuu sheegay in ciidamada qabiilku ay ku tarmaan qalalaasaha iyo dagaalka. “waxay maanta  noqon karaan 500 berina waxay dhaafi karaan 5000 hadii xaaladdu faraha ka baxdo” ayuu yiri.

Dadka indha-indheeya siyaasadda hirigta ku dhisan ee Somalia ayaa qaba in marka laga ambaqaado habdhaqanka hogaamiye kooxeedyada aan laga yaabin oo aan looga fadhin in ay sina u taageeraan amar iyo kala dambeyn ay Soomaaliyi yeelato: waayo dhalashada jawi nabadeed iyo cadaalad shaqeeyneysa waxay nimankan (qabqablayaash) dhigi kartaa xabsi sida ka dhacday waddan kasta  oo caadi ah, ayey ku doodayaan.

Danta dhabta ah ee horjoogayaal maliishiyooyinku waa kaliya in la yareeyo lacagta qaaliga ah ee uga baxda dagaalada aan loo baahneyn ee aaaney iyagu dooneyn,  ayey qabaan Soomalida wax dhaliishaa.

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wax badan ku eedeeyey garabka aan waxqabadka laheyn ee Wasiirrada iyo xildhibaannada isugu jira ee Muqdisho fadhiya Caatana uu ka mid yahay in ay doonayaan in ay sii seeta dheereeyaan dowlad la’aanta Somalia.

Caato ayaase kuwa dhaliilaya  ku tilmaamay kuwa khaldan isagoo tilmaamay in ka bixitaankii halka dhinac ahaa ee ay iyagu qeyb ahaan maliishiyooyinkooda ka saareen Muqdisho ay cadeyn u aheyd sida ay nabada uga shaqeeyeen. “waanu sameyn karnaa wax kasta oo aynu ku farxad gelin karno ciidankeena iyo maliishiyadeena waxaan ciidankii ka fogeyney magaalada, oo aan geyney xeryo lagu tababaro oo 70 km ka baxsan Xamar” ayuu ku faanay.

Caato ayaa sheegay in 95% ay xaaqeen isbaarooyinkii iyo jidgooyooyinkii 2,500 maliishiyo ahna ay ka rareen magaallada, taasoo ah sheegasho ay kooxda kasoo horjeedaa ay dafirto- laakiin wuxuu ku dooday in markii la waayey taageero caalami ah in guushii laga gaari lahaa dadaalkooda uu god weyn galay.

Maqaamka magaalada Muqdisho ayaa ah sababta ugu weyn ee aasaaska u ah khilaafka dowlada iyadoo Yuusuf iyo Geeddi ay qabaan in ay khatar tahay in Muqdisho dowlada cusub looga dhigo saldhig ay ku shaqeeyso. balse Caato iyo saaxiibadii kuma raacsana arintaa.

Waxaase la yaab leh oo aad midabka dhabta ah ee siyaasad ku sheegta Somalia aad ka dheehan kartaa in khilaafka u dhexeeya labadan dhinac aanu caato ka hor istaagin in uu iskaashi iyo wada shaqeyn ganacsi la sameeyo garabka Jowhar. wuxuu ka caawiyey abaabulka qalabkii lagu dhisayey garoonka diyaaradaha Jowhar taas oo iminka saldhig ku meel gaar ah u ah Yuusuf iyo Geeddi. iyadoo weliba gegidaasi ay yara sare u qaaday maqaamkii Jowhar taasoo u suura gelisey in ay si kumeel gaar ah dowladu u fariisato.

“Makii ay u baahdeen qalabkii ay garoonka ku dhisi lahaayeen, waxaan u ku iri ,ma heysataan qalabkaa, sidaa darteed u imaada cadawgiina” ayuu yiri. Cusmaan Caato.

Wuxuuse ku qiil sameeystay in uu taa uga gol lahaa yareynta farqiga siyaasadeed ee u dhexeeeya iyaga iyo kooxda Jowhar.

“haddii aanan siin laheyn qalabkaas waxay dhihi lahaayeen “Caato iyo saaxiibadii waa feen mareebayaal cadaawadeenuna way sii weynaan laheyd, hagaag, ha qaateen qalabka, ijaarkana ha iska bixiyeen” ayuu ku soo gunaanadey Caato.

W/D: Maxamed Xaaji Xuseen Raage.

E-mail: maxaaji@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2006