Cismaan
Caato ‘‘ma jecli dagaal, ee waxaan jeclahay nolosheyda’’!!
“waxay u baahdeen qalab ay garoonka ku dhisi
lahaayeen, waxaan ku iri, ma heysataan kaa, sidaa darteed u imaada
cadawgiina”
Hollywood-ku kamey badbadin markii ay
Cismaan Caato ka dhigeen Ninka qura ee ka nool dhulkii Gangistarrada oo
loola jeeedo Muqdisho.( sida uu qoray Wargeyska Khaleej Times).
Laakiin hoggaamiye kooxeed u dhisan sida
feeryahannada una milicsada sida Gorgorka sida uu uga soo muuqdey Filmkii
‘Black Howk Down’ ayaa lagu sheegay in waxa ugu weyn ee uu u dig iyo dam
leeyahay ay tahay in uu Somalia lacag ka sameeyo.
“Soomaliya oo dhami dhiiqeey ku jirtaa,
aynu isu tagno, oo si wada jir ah uga saarno” ayuu yiri Caato xilli uu
booqasho ku tegey Kenya Sideed bilood kadib markii isla halkaas loogu
magacaabay in uu Wasiir ka noqdo dowladda imminka is khilaafsan.
Siyaasi, Ganacsade, Madax Maliishiyo iyo
isagoo marmar nabadoon iska dhiga, Caato waa mid ka mid ah raga sida dhabta
ah ugu lugta leh geedi socodka Siyaasadeed ee Somalia kadib burburkii ayuu
qoray Wargeysku.
Isagoo la shaqeeynayey markii dambena ka
soo hor jeestay ku lug lahaanshihii Mareykanka ee howlgalkii fashilmay ee
UNOSOM ka fulisey Somalia markii sharci la’aan iyo macaluul baahsani
bedeshey xukuumaddii keli taliska aheyd ee Siyaad Bare.
Filmka arrintan laga sameeyey ee Black
Howk Down ayaa ku bilaabanaya qabashadii ay ciidamada Rangersku gacanta ku
dhigeen Caato bishii Septembar 1993-kii, isagoo afar bilood ku xirnaa
Jasiirad ku dhex taalla badweynta Hindiya iyadoo uu filmku Caato u sawirayo
nin dagaalka ka macaashay.
“Ilaah baa igu oge waxaan kuu sheegayaa in
aanan dagaal jecleyn, waxan jeclahay nolosheyda” ayuu yiri Caato oo hadda ku
jira dabayaaqada kontomeeyadiisii. “waxaan jeclahay nolosha caruurteyda iyo
wanaagooda iyo caruurta kale ee Soomaaliyeed, marka sidee baan dagaal ugu
ololeyn karaa? taasi waa kaftan”.
“Filmku wuxuu iska indha tiray xaqiiqda,
hadii aan iminka u fariisto oo aan qoro filmkan waxaan sameyn laheyn mid ka
wanaagsan” ayuu ku kaftamay Caato isagoo qoslaya.
Laakiin Caato gebi ahaanba ma qaabeyn karo
doorka uu filmka ku leeyahay.
Maanta dad badani waxay rabaan in ay
ogaadaan in isaga iyo saaxiibadiisa qabqablayaasha ahi ay dhab ahaantii ku
tala jiraan in dib loo yagleelo amarkii iyo kala dambeyntii (Law and Order)
iyo in ay doonayaan in ay sii waarto fadqallaladii ay markii horaba ku soo
fooceen (bexeen). iminka Caato iyo saaxiibadii waxay u dhabar jeediyeen
dowladii lagu soo dhisay Kenya kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay
balse wuxuu isagu muujiyaa in uu boorinayo oo dhiiri gelinayo dadaal kasta
oo lagu cilad bixinayo ismaandiidka ka dhex jira dowlada cusub.
Hogaamiye kooxeedyada kale Caato wuxuu la
wadaagaa burjiga ay dagaalka u leeyihiin, laakiin Cismaan ayaa la sheegay in
uu uga duwanyahay isaga oo ay kaga dhegan tahay dhinaca ganacsiga iyo lacag
raadinta, hadii la yar milicsado taarikhdiisana waxay muujineysaa in uu
yahay Nin fursad gaad ah.
Dagaalka ka hor wuxuu la shaqeeynayey
shirkada sahmisa saliida ee Conoco, iyadoo markii ay fidnadu dilaacday
howshii shirkaduna joogsatay uu qalabkii iyo hantidii shirkadda kaga
faa’iideystey ganacsi iyo geerashyo lagu dayactiro gawaarida isagoo xiligii
UNOSOM shidaalka siinayey hey’adihii iyo qandaraaslayaashii Q/M. u
shaqeeynayey.
Iyadoo ay taa jirto ayuu wuxuu wargeyska
Khaleej Times sheegay in lacagtii uu ka kasbaday Hay’adihii shisheeye ee
samafalka uu ku maalgeliyey maliishiyadii ugu weyneyd ee la dagaalameysay
ciidammadii Nabad ilaalinta ee Q/Midoobay, waxaana Garaashyadiisa iyo
Hoosooyinkiisa uga faa’iideystey in lagu farsameeyo Gawaarida tiknikada ah
ee lagu rakibo qoryaha darandooriga u dhaca ee ay Soomalidu u adeegsatey la
dagaalankii Mareykanka.
Balse 1995 waxay kala furteen Gen. Caydiid
oo ay waqti badan xulufo ahaayeen iyagoo ku dagaalamay magaalada Muqdisho.
Caato oo la weydiiyey inta ay la egyihiin
ciidamada uu gacanta ku hayo waqtigan wuxuu sheegay in ciidamada qabiilku ay
ku tarmaan qalalaasaha iyo dagaalka. “waxay maanta noqon karaan 500 berina
waxay dhaafi karaan 5000 hadii xaaladdu faraha ka baxdo” ayuu yiri.
Dadka indha-indheeya siyaasadda hirigta ku
dhisan ee Somalia ayaa qaba in marka laga ambaqaado habdhaqanka hogaamiye
kooxeedyada aan laga yaabin oo aan looga fadhin in ay sina u taageeraan amar
iyo kala dambeyn ay Soomaaliyi yeelato: waayo dhalashada jawi nabadeed iyo
cadaalad shaqeeyneysa waxay nimankan (qabqablayaash) dhigi kartaa xabsi sida
ka dhacday waddan kasta oo caadi ah, ayey ku doodayaan.
Danta dhabta ah ee horjoogayaal
maliishiyooyinku waa kaliya in la yareeyo lacagta qaaliga ah ee uga baxda
dagaalada aan loo baahneyn ee aaaney iyagu dooneyn, ayey qabaan Soomalida
wax dhaliishaa.
Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra’iisul
Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wax badan ku eedeeyey garabka aan
waxqabadka laheyn ee Wasiirrada iyo xildhibaannada isugu jira ee Muqdisho
fadhiya Caatana uu ka mid yahay in ay doonayaan in ay sii seeta dheereeyaan
dowlad la’aanta Somalia.
Caato ayaase kuwa dhaliilaya ku tilmaamay
kuwa khaldan isagoo tilmaamay in ka bixitaankii halka dhinac ahaa ee ay
iyagu qeyb ahaan maliishiyooyinkooda ka saareen Muqdisho ay cadeyn u aheyd
sida ay nabada uga shaqeeyeen. “waanu sameyn karnaa wax kasta oo aynu ku
farxad gelin karno ciidankeena iyo maliishiyadeena waxaan ciidankii ka
fogeyney magaalada, oo aan geyney xeryo lagu tababaro oo 70 km ka baxsan
Xamar” ayuu ku faanay.
Caato ayaa sheegay in 95% ay xaaqeen
isbaarooyinkii iyo jidgooyooyinkii 2,500 maliishiyo ahna ay ka rareen
magaallada, taasoo ah sheegasho ay kooxda kasoo horjeedaa ay dafirto-
laakiin wuxuu ku dooday in markii la waayey taageero caalami ah in guushii
laga gaari lahaa dadaalkooda uu god weyn galay.
Maqaamka magaalada Muqdisho ayaa ah sababta
ugu weyn ee aasaaska u ah khilaafka dowlada iyadoo Yuusuf iyo Geeddi ay
qabaan in ay khatar tahay in Muqdisho dowlada cusub looga dhigo saldhig ay
ku shaqeeyso. balse Caato iyo saaxiibadii kuma raacsana arintaa.
Waxaase la yaab leh oo aad midabka dhabta
ah ee siyaasad ku sheegta Somalia aad ka dheehan kartaa in khilaafka u
dhexeeya labadan dhinac aanu caato ka hor istaagin in uu iskaashi iyo wada
shaqeyn ganacsi la sameeyo garabka Jowhar. wuxuu ka caawiyey abaabulka
qalabkii lagu dhisayey garoonka diyaaradaha Jowhar taas oo iminka saldhig ku
meel gaar ah u ah Yuusuf iyo Geeddi. iyadoo weliba gegidaasi ay yara sare u
qaaday maqaamkii Jowhar taasoo u suura gelisey in ay si kumeel gaar ah
dowladu u fariisato.
“Makii ay u baahdeen qalabkii ay garoonka
ku dhisi lahaayeen, waxaan u ku iri ,ma heysataan qalabkaa, sidaa darteed u
imaada cadawgiina” ayuu yiri. Cusmaan Caato.
Wuxuuse ku qiil sameeystay in uu taa uga
gol lahaa yareynta farqiga siyaasadeed ee u dhexeeeya iyaga iyo kooxda
Jowhar.
“haddii aanan siin laheyn qalabkaas waxay
dhihi lahaayeen “Caato iyo saaxiibadii waa feen mareebayaal cadaawadeenuna
way sii weynaan laheyd, hagaag, ha qaateen qalabka, ijaarkana ha iska
bixiyeen” ayuu ku soo gunaanadey Caato.
W/D: Maxamed Xaaji Xuseen Raage.
E-mail:
maxaaji@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan