Siyaasada
Soomaaliya waa ijiid aan ku jidee.
Qiso waxaa jirto ay Soomaalidu dhaxdeeda ku
sheekeysato oo ah nin ka yimid dhanka miyiga ayaa waxuu yimid magaalo xili ay
soo gashay maalin ciid ah marka dadkii oo waxuu arkay masaajidka dhankiisa u
yaacayo si ay salaada ciid u soo tukadaan markaa ayuu dhaxda kaga daray salaadii
markii la xirtay ayuu imaamkii bilaabay inuu yiraahdo Allahu akbar dhoowr jeer
oo isku xigto marka ninkii wuu is celin waayay waxuuna hal mar ku dhawaaqay war
salaada xageey iska qaban la,dahay.
Ninkaa arinka qabsaday waa arin si u adag oo
waa wax ku cusub asaga qaabkaan salaada ciida loo tukado dhanka kale haddii laga
eegana sahlan oo kaliya waxuu u baahan yahay in la baro diinta islaamka iney
leedahay labo ciidood qaabkaanka asaga ahna loo tukado yaabkaba meeshaa ayuu ku
hari.
Amaa xaaladda Soomaaliya ka taagan 20kii sano
ee ugu dambeeysay waa xaalad culus oo runtii ay adagtahay in la fahmo sida ay
isu qaban la,dahay ayada oo la isticmaaliyo aragtida ama aqoonta cusub ee ku
saabsan dagaalada sukeeyo ee aduunka ka taagan ama soo maray, waayo haddii la
dhihi lahaa waa dagaal diimeed ama dad kala gadisan iyo waxii lamid ah waxuu
xaalku noqon lahaa ninkii ciida masaajidka galay oo kale waayo way sahlanaan
laheeyd in aduunka nala yaaban aanu ka dhaadhicino dhibaatadeena iyo sida ay wax
u jiraan, caalamkana wuu fahmi lahaa dhibaatada na haaysato markaa waxeeyna u
badnaan laheeyd ineey wax nalagala qabtaan, laakin cudur aan la garaneey dhab
ahaan waxa uu yahay in la daaweeyo wey adagtahay, sidaa darteed xaalada
Soomaaliya ee murugsan waa xaalad ay fahmi karaan Soomaalida oo kaliya.
Xaalada Soomaaliya ee mudada dheer soo
jiitameysay meesha ay iska qaban la,dahay waxaa waayo waxaa is biirsaday dhoowr
arimood oo kala ah: Nidaam burburay, qacliyada Soomaaliga oo adag iyo isla
weeyni baas, qabqablayaal dagaal, daris cadaw ah, ganacsato maafiya ah, jahli
xoogan oo bulshada qeeybaheeda kala duwan haayo iyo faqri.
Mark haddii aan rabno inaan ogaano dhibka na
haaysto xalkiisa waa inaan fahano ugu horeeyntii dhibka na haaysto waxa uu yahay
markaa ayeey salaadeeno is qabaneeysaaye.
Ahmed-haadi M. Ahmed
Haadi30@hotmail.com
|