Qoraha
-
Eng. Badal Ahmed Hassan
BSc. Environmental Management and engineering
MSc. Agriculture Forestry, Major Tropical Forest ecology and
Silviculture
Chairman of HAENDO Horn of Africa Environment and Nomadic Development
Organisation.
Special interest Non-Timber Forest product, specially Frankincense,
Myyrh and Gum Arabic (Boswellia, Commiphora and Acacia Senegal) for
Povery Alleviation, and Dryland Rehabilitation.
Contact
Email:
Badal_Hassan@yahoo.com
-
Note: Waxaan aad usoo dhawaynayaa cidii
wax soo jeedin ah kaqabta qormadan.
-
Waxaan kaloon aad usoo dhawaynayaa cidii
ubaahan macluumaad dheeraad ah gaar ahaan Ururada kuhawlan arimaha
deegaanka Geeska Africa, waxaan diyaar u,ahayn in aan kasiiyo wixii
gacan ah ee ay iiga baahan yihiin.
ABAARAHA KATAAGAN GEESKA AFRICA IYO WAX YAABAHA KEENAY
Tusmada qormada (Table of
Content)
ABAARAHA KATAAGAN GEESKA AFRICA IYO WAX
YAABAHA KEENAY

Wadamada kuyaala waqooyiga bari ee qaarada
Africa ama loo yaqaanoo wadamada Geeska Africa, waxay kakooban yihiin 7da
wadan ee laysku yidhaahdo IGAD oo kala ah Djibouti, Eriteria, Ethiopia,
Kenya, Somalia, Sudan iyo Uganda. Sida aan kasoo xigtay CIA World Fact Sheet
ka, waxaa kunool geeska Africa qiyaas ahaan dad lagu cadaday 187.97 million
oo qof, iyada oo tirada korodhka dadka uu yahay sanidkiiba 2.6 %.
Geeska Africa
Wuxuu kufadhiyaa dhul cabirkiisu dhan yahay
4,049,680
Km2 taas
ooy macnaheedu tahay in 22
Km2 ba
ay kunool yihiin dad cadadkoodu dhanyahay 1000 qofood hasayeeshee xaqiiqdu
sidaas way kaduwan tahay waayo dhulka intiisa badan ma,aha meel
dhamaystikarta nolosha dadka, sidaa darteed dadku caadiyan xay kunool yihiin
dhul aad yar gudihii. Waxaa taas garab socota iyada oo dhulka kuhaboon
beerashada uu dhan yahay oo qudha 7.2 % taas oo udhiganta
290352.4
Km2.
Anigoo kasoo dhiraan dhiriyay qiyaasta korodhka dadka ayaan ku ogaan karaa
in ay tirada dadku ay laban laabi karto mudo kusiman 27 sano gudahood, taasi
macnaheedu waxaa weeye sanadka 2032da tirada dadka kunool G. Africa waxay
noqon doonaan 375.94 million oo ruux.
|
W.G.A. |
Population |
Annual Growth
rate |
Land area
(Km2) |
Arable land % |
Arable land % |
|
Djibouti |
476703 |
2.06% |
22,980 |
0.04 |
0.04 |
|
Eritrea |
4561599 |
2.51% |
121,320 |
4.95 |
4.95 |
|
Ethiopia |
73053286 |
2.36% |
119,683 |
10.71 |
10.71 |
|
Kenya |
33829590 |
2.56% |
582,650 |
8.08 |
8.08 |
|
Somalia |
8591629 |
3.38% |
627,337 |
1.67 |
1.67 |
|
Sudan |
40187486 |
2.60% |
2,376,000 |
6.83 |
6.83 |
|
Uganda |
27269482 |
3.31% |
199,710 |
25.88 |
25.88 |
|
Total |
187969775 |
|
4,049,680 |
|
|
Xigashoda macluumadka: CIA World Fact Sheet
Gobolka Geeska Africa laga soo bilaabo
dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, ilaa iyo maanta wuxuu kujiray xaalad
xasilooni dara ah oo kadhashay intooda badan iskuu dhacyo siyaasadeed oo
udhaxeeya wadamada dariska ah ama shucuubta kalagadisan ee Africaanka ah ee
kuhoos nool wadamadaas. Israac raacinta qoomiyadaha Geeska Africa ayaa
intooda badan kadhashay kala qaybintii Africa ee ay sameeyeen gumaysigii
reer Yurub. Colaadaha joogtada ah iyo xasilooni la,aanta siyaasadeed ee
qaarada Africa guud ahaan gaar ahaan G.Africa ayaa wuxuu sababay
dhibaatooyin fara badan oo isu jira dad, duunyo, duurjoog iyo deegaanka
intiisa kalaba. Dagaaladii sokeeye ee kasocday dalka Sudan marka laysku daro
kii 1aad iyo 2aad ayaa waxaa kunaf wayday tiro aad ubadan oo dad ah inkaloo
badana way kubara kaceen, qaybtii 1aad ee dagaaladii sokeeye ee Sudan oo
biloowaday 1955-1972 di oo qudha ayaa waxaa kudhimatay 500,000 oo ruux (http://www.globalsecurity.org).
Malaayiin qofna way kubara kacday. Sidoo kale dagaalkii OGADEN WAR 1977-78
ayaa isigana waxaa kudhintay kumanaann ruux, tiro lagu qoyaaso 600,000 ilaa
iyo 800,000 na way kubara kacday, dagaaladii Eritrea iyo Tigrey ee
ladagaalankii Mingistu ayaa iyagana keenay dhimasho iyo barakac badan,
dagaalkii xoriyad raadinta Jabuuti ayaa isagana dhibkiisa lahaa.
Jabhadihii kusalays naa jilibyada Somalida
sida SSDF, SNM, USC, SPM etc ee hubka iyo saanada kala yimid Ethiopia oo
Somalia ay kadhaxaysay colaad soojireen ah ayaa keenay ugu dambayntii in ay
burburto dawladii Somalia, taas oo keentay 15 sano oo dawlad la,aan ah iyo
dagaal sokeeye oo daba dheeraaday oo keenay dhimasho, barakac iyo burbur
deegaan oo ay adag tahay sida looga soo kabto. Sidoo kale xukun isbadalkii
kadhacay Ethiopia ayaan isna soo kordhinin wax sidaas usii wayn marka laga
hadlayo Itoobiya gudaheeda, gobolka ay Somalidu dagto ee Ogaden ayaa ay wali
waxaa kascoda dhaqdhaqaaq hubaysan oo lagaga soohorjeedo xukunka Adisababa,
ooy ay hormuud katahay Jabhada ONLF. Sidoo kale inkasta oo ay xoriyad
qaadatay hadana dhibaatada xuduudeed ee udhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa
wuxuu keenay dhimasho kor udhaaftay 70,000 oo ruux walina lagayaabo in uu
dib ubiloowdo markale. Xaalada Darfuur ayaa iyana ah mid uu caalamku kawal
wal qabo.
Abaaraha kataagan Guud ahaan Africa gaar ahaan
Geeska Africa waxaad moodaa in ay yihiin kuwo soo noq noqanayay 20 kii sano
ee ugu dambaysay iyaga oo aad usoo kordhayay sanadihii ugu dambeeyay, ood
moodo in ay udhacayeen si kabadan waayadii hore. Hadaba guud ahaan
musiibooyinka kadhaca caalamka oo ay abaartu kamid tahay waxaa keena laba
arimood:
-
Mid ay keenaan Bani,aadamku (Human Induced
Disaster) iyo
-
Mid dabiici ah ama Rabaani ah (Natural
Disaster).
Hadaba markaad eegto musiibada abaareed ee
kataagan Geeska Africa waxaa la odhan karaa inteed badan waxaa keenay
aadamaha, oo qudhooda usii kala saari doono mid ay keentay Maamul iyo
maarayn xumo iyo mid kadhalatay ficilada tooska ah ee ay shacabku
samaynayaan, waxaana odhan karaa cimiladu waxay kuleedahay qayb aad uga yar
tan ay aadumuhu keeneen. Farshxan kan hoose ayaan kukala qaybiyay meelaha ay
dhibaatooyinku kala yimaadaan.

Sidii aan kusoo sheegnay qaybtii hordhaca
ahayd ee qormadanba, Geeska Africa waxaa kajirtay mudo dheer xasilooni daro
siyaasadeed, taas oo sababtay arimo dhawr ah oo ay kamid yihiin kuwan soo
socda:
Lixdaa qodob een kur kutaxay oo ay keentay
xasilooni yarada guud ee kajirta G.Africa ayaan kusaleeyay markaan idhi 60%
abaaraha waxaa ka masuul ah Maamulada iyo Xukuumadaha kajira G.Africa. Maxaa
yeelay nabadgalyo la,aantu waxay keentay in aan lagu dhaqaaqi karin wax
horumar ah haba yaraatee, waxaa kalooy sababtay in dadkii aqoonta lahaa ee
dhibaatooyinka wax kaqaban lahaa ay isaga cararaan wadamadoodii ooy
nabadgalyo uraadsanaan wadamada reer Galbeedka, daraasad dhawaan laga soo
saaray dalka maraykanka ayaa lagu sheegay Dadka aqoon yahaniinta ah ee kasoo
carara dadlkooda i uu ugu badan yahay Dalka Itoobiya, oo kamid ah Wadamada
ugu saboolsan Caalamka. Sidoo kale aqoon yarida iyo musuq maasuqa ayaa
sababay in aysan awood uyeelan in ay waxbadan wax kaqabtaa. Meesha uu xukun
maroorsiga, Caddadla daridu ay yihiin aabaha dhalay Nabad galyo darida
Gobolka kajirta.
G.Africa waxaa kajira Afar xili oo kala
qaybsan oo laba xili oo kamid ah ay yihiin xili roobeedka (Gu iyo Dayr),
waxaa sida qaalibka ah dhacda in aan maqalo meel hebla (X) waxaa kada,ay
roobab waxaana kudhintay dad iyo duunyo badan guryana way qaadeen, mudo yar
kadib isla meeshii nafteedii ayaad maqlaysaa waxaa kajira oon iyoo biyo
la,aan ay dad iyo duunya badani udhamanayaan?
Waa arin mudan in layswaydiiyo, in ay
meeshaasi kajirto roob yaraan iyo in ay kajirto Maarayn la,aan. Anigu waxaan
qabaa in Gobolka G.Africa guud ahaan tii ay helaan Biyo kufilan hadii si
(Sustainable) ah loo maareeyo, iyada oo la adeegsano qaabab dhawr oo cilmi
ahaan loo ogaaday.
a) Biyaha roobka oo lagoosto ama laxajisto
(Rainwater harvesting):
Biyaha ka imaanaya cirka ee laynaya dadka iyo
duunyada waxaa waajib ah in si haboon loo maareeyo dadkana loo kaydiyo si ay
u,isticmaalaan xiliga diraacda. Sidoo kale waxaa lagama maar maan ah in
lahelo macluumaad (Data) kusaabsan isticmaalka biyaha iyo tirada dadka kunoo
deegaanka (Water consumption and local population data), taas waxay
sakhiraysaa in xili kufilan lasii ogaado dadku biyaha ay haystaan inta ay
la,egyihiin, in ay kufilan yihiin iyo inkale.
b) Hagaajinta Biya qabateenka (Water
chatchment improvement)
Dadka reer miyaga ah sida qaalibka xiliga
roobka maysan kacabi jirin ceelasha ee waxay kacabi jireen Baliyada iyo
Laasaska, taasi waxaad moodaa in ay hada hoos dhacday waxaana isleeyahay
aragtidayda waloow aanan field ka tagin in ay uguu wacan tahay Baliyadii oo
xabaalmay iyo Laagihii oo isbadalay taas oon cilmi ahaa uragan karo in ay
xabaalmayaa (Sedimentaion) ka dartiis oo uu salka hoose ee biiya qabiteenku
uu kor usoo kacayo.
c) Daryeelka Biya dhaca (Watershed
Protection)
Waxaa inbadan dhacda in xaalufinta dhirta iyo
isbadalka uu keeno Nabaad guurku darteed ay wax iska badalaan biyo
mareenadii hore, iyada oo ay ugu wacan tahay burburka kuyimid biyadhaca.
Arintaasi waxay wax yeelo wayn ugaysanaysaa togagii iyo laagihii ay biyuhu
soo mari jireen dadkuna ay laasaska kaqodan jireen iyo waliba dhul
beereedkii.
2.
Daaq yaraanta iyo
Nabaad guurka

Dadka
G.Africa guud ahaan gaar ahaan kuwa Afka Somalliga kuhadla waxay 85 % ubadan
yihiin dad reer miyi ah, guud ahaana dhaqaalaha dadku miyi iyo magaalaba
wuxuu kuxidhan yahay xoolaha nool, sidaa darteed markii ay dhacdo abaar
xooleed waxaa hubaal ah in ay iyana dhacayso abaar dadeed, waayo noloshooda
ayaa isku xidhan.
Nabaad guurka G.Africa kajira ayaa wuxuu yahay
mid kusocda xaawli aad badan, oo hadii aan sida ugu dhaqsaha badan wax looga
qaban keeni doona dabar go kuyimaada noole iyo manoole badan (biotic and
abiotic) oo ay kutiirsan tahay nolosha dad baadan oo kunoo Gobolka. Nabaad
guurkan ayaa waxaa keenay arimahan soo socda:
Jarida Dhirta
(Deforestation)
Ø
Dadka kunoo
gobolka G.Africa waxay qiyaas ahaan 95% kahelaan tabarta ay wax kushitaan
dhuxusha iyo xaabada, sidaa darteed daadku marna kaba baaqsanayaan shidida
iyo Jarida Geedaha si ay uga dhigtaan Xaabo iyo Dhuxul.
Ø
Waxaa iyana aad
usoo badanaya dadaka reer miyiga ah ee usoo guuraya magaalooyinka, kuwaas
oon haysanin dhaqaale ay kudhisan karaan guryo dhagax ah, sidaa darteed ayay
markale soo jaraan geedihii si ay uga dhigtaan tiir iyo dhis.
Ø
Dadka reer
miyiga ah oo awalba dhaqan ulahaa in ay guur guuraan, ayaa waxaa hada sii
batay geedigoodii, daaqa oo yaraaday darteed, kuwaas oo meeshay degaanba ka
oota xero cusub iyaga oo soo jaraya dhir hore leh.
Ø
Nadaam darada
kadhalatay Dowlad la,aanta Somalia ayaa keentay in uu ruux walba kudhaqaaqo
sidii uu qaybtiisa uga qaadan lahaa dhibaatada lagu hayo deegaanka, arintaas
oo kusoo kordhisay Jarida dhirta barnaamij cusub aadna uqatar badan oo ah
Dhoofinta Dhuxusha, barnaamijka dhoofinta dhuxusha ayaa kamid ah runtii
waxyaabaha naxdinta leh ee kusii kordhaya dalka oo dhan gaar ahaan gobolada
koonfureed Jubooyinkuba ha,ugu daraadeen. Waxayna ubaahan tahay talaabo Heer
caalami ah.
Ø
Wax soo saarka
dhulbeereedka oo aad hoos ugu dhacay ama noqday mid laysagaba tagay
(abandoned),Degradation ka kudhacay dartiis, ayay meeloo badan waxay
bilaabeen dadku in ay dhul cusub baneeyaan oo ay dhirta kajaraan si ay mudo
kooban utabcadaa (Slash and burn cultivation).
Shantaa qodob een kor kucalaamadeey ayaan
odhan karaa waxay laf dhabar uyihiin Xaalufinta dhirta iyo nabaad guurka.
1. Waxaa lamaga maar maan ah in si loo xaliyo
dhibaatada 1aad iyo 2aad ee dadka haysta oo ah Tabarta iyo Dhismaha in
lasameeyo (Dryland Forest Plantation) ay ujeedooyinkiisu badan yihiin
(Multi-purpose community Forestry Plantation), waxaa jira dhir badan oo
lagahelo G.Africa oo dhan (local species), kuwaas oo adkaysi uleh abaarta
(Drought resistant Tree species), Sidhaqsa ah ubaxa (Fast growing tree
species), nacfigooduna badan yahay (Multi-purpose tree species). Dhirtaas
waxaa laga heli karaa, dhuxul, Xaabo, Dhis, Tiir, Malab, Xabag, Daaq, Midho,
Daawo etc. Intaasi waa wax yaabaha tooska uga imaan kara. Waxay kalooy
leeyihiin nacfi ama adeegyo kale ooy inoo qaban karaan; sida Daryeerlka
Ciida iyo biyaha (Soil and Water Conservation), Hoos, iyo roobka ooy kordhin
karaan etc.
2. waxaa kaloo lagama maar maan ah in dhulkii
dhintay lasoo nooleeyo (Degraded land rehabilitation) si loo sameeyo isu
dheeli tirnaan dabeecada ah (ecological balance), waayo hadii dhulkii
banaanka ahaa uu xaalufo noole badan ayaa dabar go,aya oon kunoolaankarin
buuraha.
3. In lasameeyo Waji cusub ama qaab cusub oo
dhul beerasha ah, waayo dadku waxay qarniyaal badan soo tabcanayeen halmeel
iyo halnooc oo dalag ah, taasi waxay keentay dhibaato iyo nafaqa guur
kuyimid ciidii. Waxaa haboon in dadka labaro qaab cusub oo ah (intercroping
and Agroforestry Practices), in ay dadku isku dhaxbeertaa noocya kala duwan
oo dalag ah isla markaasna is qaadan kara, si hadii uu mid ka xumaado uu mid
ugu baxsado. In isdoo kael labaro dadku in ay dhirta dabcadaan ooy dhaqaale
kasoo saartaan.
4. Sharcigu waa waxa ugu muhiimsan ee kala
haga bani aadamka, sidaa darteed in lasoo saaro sharci ay ansixiyaan
xeerbeegtida deeganada hoose oo layidhaahdo SHARCIGA DEEGAANKA, waxaan
u,arkaa in uu yahay xal lagama maar maan ah si loo soo afjaro dhibaatada
dhoofinnta dhuxusha iyo xaalufinta deegaanka (Somalia xaalkeedu waa gooni
waayo ninkii xoog leh baa dhuxusha dhoofiya).
Dhibaatooyinka kale ee kajira gobolka waxaa
kamid ah qorsha la,aanta isticmaalka dhulka. Waayo waxaad arkaysaa reer
miyigii o soo dhaxdagaya dhulbeereedkii, codgta kula tagaya ciidii iyo oo
keenaya (soil erosion), ama diri dagkadhigaya (soil compaction). Waxaa sidoo
kale iskuu qasmay dhulkii daaqa iyo kii biyaha, iyada oon ognahay lama
degaanku in uu kabiloowdo meelaha biyahay laga cabo (water point) ayaa waxaa
baryahan dambe soo kordhayay Ururo yar yar oo Samafal ah kuwaas oo isku
dayaya in dadka kahaqb tiraan xaga biyaha laakiin nasiib xumo aan arintaan
uwajihin si haboo iyaga oon qiimayn kusamaynin Cawaaqib xumada deegaan ee
kadhalan karta wax qabad kooda (EIA Environmental Impact Assessment).
Arintaasi waxay sii kordhinaysaa xaalufinta dhulka.
Dhibaatooyinka kusaabsan isticmaalka dhulka ee
ay Hay,adahaasi keenan waxaa kamid ah dhiraynta oo kale, waxay sida qaalibka
ah lakaashadaan khuburo shisheeya ah oon aqoon u,lahayn dabeecada dhulkeena
oo ah mid aad unugul (Frangile ecosystem). Dhirta lakeenayo dhulka waxaa
qasab ah lafiiriyo waxa ay kukeeni karto dhirta deegaanka kabaxda
(Competibility) ga ay leeyihiin intuu la,eg yahay, in uu jiro cuduro isir
laleh geedkaas oo wax yeelayn kara dhirta inteeda kale, tusaala ahaan Geedka
ay Somallidu utaqaano geed yuhuudka cilmii ahaana loo yaqaano (Prosopis),
waxaa lasheegaa asalkiisii hore G.Africa waxaa keenay GTZ iyo FINIDA, hada
wuxuu qabsaday Geeska Africa oo dhan waayo wa geed aad (Dominant) u,ah,
dabeecadihiisa waxaa kamid ah
-
In uu dhulka isku balaadhiyo oo uu ilayska
udiido dhirta kale ee yar yar
-
In uu isagu is beero, oo marka ay
abqadiisa ay xooluhu cunaan meelkasta ooy kuxaaraan in uu kasoo baxayo
-
In yahay Geed aad ugu adkaysi badan
abaarta biyahana kala soo baxa ilaa iyo 80 mitir oo dhulka hoostiisa ah.
-
Xaalada mustaqbalka G.Africa waa mid aad
uwalaac badan una baahan in si cilmiyaysan wax looga qabto.
-
Xaalada Abaaruhu waxay ahaanayaan kuwo sii
socda hadii aan qaab horu marin ah loo wajicin
-
Barnaamijka Gargaarka degdega ah ee
loofidiyo wadamada G.Africa ma,ah xal wax kaqab kara mustaqbalka dhaw
iyo kan fog midna, hadii aan gobolka loo samaynin Marshal plan dheer.
-
Shucuubta gobolka kunool iyada ayaa iska
saari karta mashaqada haysata, laakiin gargaarka Caalamku waa uun mindi
laba afleh, marna way kudib ridayaan oo waad isku halayn marna in ay
kubad baadiyaan ayaa laga yaabaa.
-
Waxaa lagama maar maan ah in aqoon
yahanada gobolka udhashay ay isugu yimadaan shir heer gobol ah ooy kaga
wada arinsanayaan sidii dadka iyo deeganka loo bad baadin lahaa.
-
In shacabka Somalidu ay udagaalamaann
sidii ay isaga xorayn lahaayeen qaawlaysata haysata ee ay uxidh xidhan
yihiin 15 ka sanadood.
-
In ay beesha caalamku saaraan Caddaadis
dheeraad ah xukuumadaha G.Africa ee kuhaysta xukunka xooga shacabka
baday Gaajo, barakac, Xabsi iyo dilka.
Map:
http://www.reliefweb.int/mapc/afr_ne/reg/afrhorn2000.html
Data: CIA World Fact Sheet
http://www.cia.gov/cia/publications/factbook/geos/as.html
Global Security Sudan Civil
war
http://www.globalsecurity.org/military/world/war/sudan-civil-war1.htm
-
-
Hadii ay maanta geeska arica
kunool yihiin dad dhan
187.97 million oo ruux,
isla markaasna ay macaluul lawada ildaran yihiin, waxay noqonn doontaa
xaaladooda 27 sano kadib markay noqdaan
375.94 million oo ruux.
-
-
Xaalada Caafimaad
-
-
Waxbarasho
-
-
Deegaan
-
Aad baad ugu mahadsan tahay in aad qoraalkan
akhriday.