SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xisbiga Ramaas oo Garoowe ka soo saaray Bayaan ku wajahan DGPL...
  • "Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee Xilkii Laga Qaaday oo lagu Maslaxay 100,000,000 sh.so ($80,000 ) iyo Gaarigii...."

Bayaan ka ka soo baxay xisbiga  mucaaradka ah ee puntland ayaa waxaa si wayn loogu dhaliilay siyaasadaha dawlada puntland, bayaankan uu  soosaaray xisbiga siyaasiga ah ee Ramaas political party oo marka magiciisa la soo gaabiyo looyaqaano (RPP) ayaa waxa uu xusay sida aan cidn aula xisaabtamin DGPL, waxana uu si gaar ah u xusay in "gudoomiyihii baarlamaanka (Puntland) oo xil gudasha waa awgeed xilkii looga qaaday bishan 21 kedii  in lagu abaal mariyo ama lagu maslaxo 100,000,000 sh.so. iyo gaarigii uu umada u adegayay halkii lagu wareejin  lahaa kan cusub ee xilka loo dhiibo.", Qoraalkii Ramaas waxa uu u qornaa sidan.

 

Puntland somalia
Ramaas Political Party (RPP)
RPP/21/06                                                Date: 30/06/006
 
Ku: saxaafada madaxa banaan ee somalia
Ku: shacab waynaha puntland
 
Ujeedo: Horta yaa la xisaabtamay.........?
 
Xisbiga siyaasiga ah ee Ramaas wuxuu shacab waynihiisa u soo gudbinayaa qormadaan u jeedadeedu kor ku qoran tahay.
 
Bahda saxaafadana waxaan ka codsanaynaa in ay u gudbiyaan qormadaan qiimaha badan shacab waynaha puntland iyo guud ahaan somaliyaba.
 
Waxaa nasiib daro ah  in mas'uuliyada qarnigaan dadku ku loolamo ama isu sharaxo ama dagaal dhiig ku daato ku raadiyo ama martiqaad iyo hadiyado ku bixiyo siduu u helilahaa.
Xiligii cumar binu khidaab allaha ka raali noqdee mar uu la dar daarmayay barasaabyadii goboladii islaamka loo kala dirayay wuxuu ku yiri " iska jira hadiyada maxaa yeelay waa laaluush qarsoon."
 
Markaynu milicsano maamuladeena puntland madaxdiisa kala duwan habka ay ku yimaadeen xilalka ay hayaan waa sidan.
 
1 mid dagaal sokeeye qaarad fog ka soo aaday dhiigbadana ku daadshay, baarlamaankuna xal mooday  in ay doortaan.
2 kuwo marti qaadyo ku helay
3 kuwo beelahoodu u geeyeen waxbaa la boobaaye hala boobeen.
4 kuwo loo geeyay dabka ha ku shiteen oo aan loo geyn umad wax ha u qabteen.
 
Hadaba waxaa is  waydiin leh maxaa loogu ordayaa xilalka?
1) ma qalinka ku aarsaa?
2) ma umada u shaqeebaa?
3) mise  afka buuxsaa?
 
Jawaabtu waa ka shaqayso ee u shaqee maahan.
 
Hadaba si looga gudbo mashaqadaas waxaa lagama marmaan ah in lala xisaabtamo masuuliyiinta kala duwan kuwa fulinta kuwa wakiilada dawlada dhexe iyo kuwa wakiilada golayaasha deegaanka  ka hor in la hubiyo  hantida ay lahaayeeen inta aan xilka loo dhiibin si loo ogaado hanitooda ama loola socdo.
 
Maanta waxaa  inoo muuqda madax badan  oo kuwa fulinta ah iyo kuwa wakiilada ka mid ah oo guryo dhistay gaadiid aysan lahaan jirina wata, taasina waxay muujinaysaa hantidii umada oo ah amaanadii loo dhiibay ama loo wakiishay oo  ay ku tagri faleen.
 
Waxaad arkaysaa wasiiro marka xilka laga qaado la dhaqaaqaya gaadiidkii  ay umadu lahayd oo ay ugu adeegayeen  oo aan cidi uga daba tagayn.
 
Halka ay shaqaalaha iyo ciidankuba ay la' yihiin musha' harkoodii waxaa la yaab leh gudoomiyihii baarlamaanka oo xil gudasha waa awgeed xilkii looga qaaday bishan 21 kedii  in lagu abaal mariyo ama lagu maslaxo 100,000,000 sh.so. iyo gaarigii uu umada u adegayay halkii lagu wareejin  lahaa kan cusub ee xilka loo dhiibo.
 
Hadaba shacab waynow xisbigu wuxuu idiin soo bandhigayaa yaa ka mas'uul ah mashaqooyinkaas.?
 
Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Ramaas
Dahirciiro          mobile:747090 email: daahirciiro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2006


Booliska  wadanka kenya oo ku soo celiyay somalia dad sharcidaro ku galay wadanka kenya.

Policka wadanka kenya ayaa ku soo celiyay dalka somalia 120 qof oo la sheegay in ay si sharci daro ah ku galeen wadanka kenya, booliska xuduudaha ee dalka kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay qabqabteen oo ay meelo kala duwan oo ka mid ah xuduuda dalka kenya uu la wadaago somalia ay ka qabqabteen dad gaarayaa 120 qof kuwaas oo si dhuumaalaysi ah doonayay in ay ku galaan dalkaasi  kenya.

Madaxa booliska ee degmada Wajeer Julius Kitili ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dadkaasi lagu ganaaxey lacag gaaraysa 20 kun ilaa 40 kun oo shilin kenya ah qofkiiba ka hor inta aan dib loogu celin dalka Soomaliya.

Mas'uuliyiinta dawladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku xakamaynayaan dadka sharci darrada ku soo gala amaba aan sharciga haystan ee ku sugan waddanka Kenaya kuwaas oo ay Soomaalidna ugu badan tahay.

Isku dayo badan oo masuuliyinta wadanka kenya ay ku doonayaan in ay ku xakameeyaan dadka ku soo qulqulaya dalkeeda  ayaa  hoaray u socon waayay waxaana hada indhaha lagu eegayaa talaabadaan ay shalay qaadeen masuuliyiinta dalkasi sida ay u siiwadaan qaqabashada dadka sharcidarada ah ee ka imanaya dalka somalia.

C/rizak koronto

Garowe puntland

koronto_65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2006

WARBIXIN: MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD