SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII JUNE 5, 2006

  • Hogaamiye kooxeedyadii oo laga saaray Gollaha Wasiiradda Dowlada KMG ah.

  • C/llaahi Yuusuf Axmed “Cagtii joogsan weyda mar bay ceeb la kulantaa!!”

  • Cali Maxamed Geeddi oo xilalkii ka qaaday Wasiirrada Muuse Suudi, Qanyare, Cumar Filish iyo Bootaan Ciise

  • Miwodga Maxaakiimta Islaamiga ah oo lagu wareejiyay Hubkii Max’ed Qanyare Afrax

  • Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo Gacanta ku dhigey Balcad kuna sii jeeda Jowhar...

  • Max’ed Qanyare Afrax oo u baxsadey Magaalada Jowhar

  • Ciidamadii ka cararay deegaanka Suuqa Xoolaha oo lagu xareeyey Xerada Manaas..

  • C/llaahi Yuusuf oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo.


Hogaamiye kooxeedyadii oo laga saaray Gollaha Wasiiradda Dowlada KMG ah.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | canabmumtaz@yahoo.com

 
Ali Mohamed GeediMr Geeddi ayaa Xilalkii ka qaaday Afar wasiir oo ka mid ahaa Gollahiisa wasiirada kala ahaana Wasiirka Amniga Qaranka Maxamad Qanyare Afrax,Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow,Wasiirka Diinta  iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cumar Maxamuud (Filish) iyo Wasiirka Dhaqan Celinta Maliishiyaadka Iyo Hubka ka dhigista Bootaan Ciise Caalim ayaa laga saaray Gollaha Wasiiradda Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya.
 
Xilka qaadista Wasiiraddan oo Markii horeba Ahaa kuwo hubaysan balamo badanna ka baxay ayaa waxaa ku dhawaaqay Ra'iisal wasaare Cali Maxamad Geddi oo xalay Shir saxaafadeed ku shaaciyay wareegto uu soo saaray kadib markii uu kulan ay albaadu u xirnaayeen la yeeshay Gollaha Wasiirada ee ku sugan Magaalada Baydhabo.kadib markii ay dhamaatay muddo 14 maalmood ah oo loogu qabtay in ay ku gaaraan Gobolka Bay.
 
Natiijadii ururkii Argagaxiso la dagaalankan.
 
Wasiiradan hadda xilalka laga qaaday ayaa mudoooyinkan dambe dagaalo lagu hoobtay ka waday magaalada Caasimada Somaliya ah ee Muqdisho,halkaas oo ay sanadkan bilowgiisi kaga dhawaaqeen Urur loogu Magacdaray La Dagaalanka Argagixisada Iyo Nabad Soo celinta,Ururkaas oo Isla markii lagu dhawaaqayba ay is jiireen Maxaakiimta Islaamiga ah ee Ka jira Magaalada Muqdisho ayaa aaqirkii dhaliyay in farahooda laga Bixiyo Goobo Muhiim ahaa oo ay gacanta ku hayeen fariisimona u ahaa kadib dagaal Xooganaa oo labadii Maalmood ee ugu dambaysay ka dhacayay Deegaamada Balcad iyo ceel cirfiid oo ku Dhaw Mogadisho.
 
MAGAALADA JOWHAR.
 
Horboodayashii Ururkii argagaxiso la dagaalanka horayna u ahaa Wasiirada Dowlada KMG ah ayaa hadda ku sugan Magaalada Jowhar oo horay dhowr jeer looga codsaday in ay yimaadaan iyadoo aysan hadda cidna uga horayn, Hogaamiyayaashan waxa ay kasbadeen nacaybka Boqolal shacab ah kadib  Markii xilkii ay hayeen ugu abaalgudeen Rasaas xooggan iyagoo waliba hayay Mas'uuliyadda Shacabka sida Wasiirka Amniga,Dhamaadkiina waxa ay keentay in tallo farahooda ka baxdo.
 
Waxtarka Guusha la sheegay ee Maxaakiimta.
 
Waxa ay tanni dhamaad u noqon doontaa dagaal dambe oo ka dhaca muqdisho haddaan waji kale la siinin oo Qabqablaayshaasi aysan taageero ka helin gudaha Soomaaliya,waxa ayna abuuri doontaa Isku soo dhawaansho iyo Nabad ku ka dhalata Magaalada Mogadisho una gudubta gobolada kale ee Dalka  oo dhan,Maxkamadaha iyo cid walba oo si cadaalad ah Somaliya Nabad ugu soo dabaalaysana waxa ay u noqon doontaa fursad ah in aysan arkin wax dhaawaci doona ujeedkooda siyaasadeed haddii uu Nidaam sax ah yahay.

 

C/llaahi Yuusuf Axmed “Cagtii joogsan weyda mar bay ceeb la kulantaa!!”

Amiin Yuusuf | Muqdisho

Maanta ayaa magaallada Baydhabo waxaa kulan isugu yimid Golaha Baarlamanka, waxaana kulankaasi ka soo qayb galay galay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, waxaana looga arrinsanayay isbeddelka deg-degga ah ee ku yimid xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan magaallada Muqdisho.

Kulankan ayaa nuxurkiisu uu ahaa xil ka qaadistii uu Ra’iisul Wasaare Geeddi ka qaaday Wasiirradii hubeysnaa ee dagaalka ka waday gudaha Magaallada Muqdisho, iyadoo Ra’iisul Wasaare Geeddina uu ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwo dambi ka galay dalka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn u soo dhoweynayo inxilka laga qaado wasiirrada hubeysan ee dagaallada ka waday magaallada Muqdisho.

“Waan ogahay in dowladdu ay la soo daahday xil ka qaadistooda” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo intaa sii raaciyey, “Soomaalidu waxay tiraahdaa Cagtii joogsan weyda mar bay ceeb la kulantaa”, wuxuuna ereygan ula jeeday isagoo sheegay in dhowr jeer uu Wasiirradaasi kula taliyey in ay dagaalka joojiyaan, kana soo qayb galaan kulammada dowladda ee ka socda Magaallada Muqdisho.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ah soo dhoweynta xil ka qaadista lagu sameeyey Wasiirrada hubeysan ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyey oo kale Golaha Baarlamanka oo sheegay in dowladdu ay ahayd in goor hore ay xilka ka qaddo, iyagoo xusay in ay ahaayeen kuwii baabi’iyay shacabka Soomaaliyeed muddadii 15-ka sano ka badneyd ee dagaalladu ka socdeen guud ahaan dalka.

Cali Maxamed Geeddi oo xilalkii ka qaaday Wasiirrada Muuse Suudi, Qanyare, Cumar Filish iyo Bootaan Ciise

Habeennimadii xalay ahayd ayaa Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federal-ka KMG ah Cali Maxamed Geeddi waxa uu kulan deg-deg ah isugu yeeray Golaha Wasiirrada, waxaana kulankaasi looga hadlayay waxa laga yeelayo Wasiirrada hubeysan ee dagaalka ka wada magaallada Muqdisho.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib ayaa Ra’iisul Wasaare Geeddi waxa uu ku dhawaaqay in uu xilkii ka xanyuubiyay Wasiirrada kala ah Wasiirkii Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow, Wasiirkii Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax, Wasiirkii Arrimaha Diinta iyo Owqaafta Cumar Maxamed Max’ud (Cumar Filish) iyo Wasiirkii Dhaqan celinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalim.

“Markii aan arkay in ay ku xad gudbeen heshiiskii xabbad joojinta ee shirkii Kenya, markaan arkay in aydagaal ka wadaan magaallada Muqdisho, markaan arkay in ay ka dhega fureysteen codsiyadii loo jeediyey ee ahaa in ay ka soo qayb galaan kulammada dowladda ayaawaxaan go’aansaday in xilka aan ka qaado afartan Wasiir”. Ayuu yiri Geeddi oo xusay in dowladda Federal-ku ay wada hadallo la geli doonto midowga Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Kacdoonka Shacabka ee magaallada Muqdisho.

Dhinaca kale habeenkii xalay ahaa ayaa gaari uu lahaa Wasiiru dowlihii qorsheynta Qaranka Farxaan Cali Max’ed ay koox dableey ah ku weerartay magaallada Baydhabo, hase yeeshee markii uu weerarku dhacayay Wasiirku lama socon baabuurkaasi, waxaana halkaasi ku geeriyooday Darawalkiisii, iyadoo halkaasina dhaawac ku soo gaaray mid kale oo ka mid ah ilaaladiisii.

Sababaha loo weeraray gaariga Wasiirkaasi ayaa lagu sheegay kaddib markii uu dorraad ku dhawaaqay in ay dowladdu soo dhoweyneyso maleeshiyooyinkii looga tabarta roonaaday Suuqa Xoolaha, kuwaas oo uu xusay in lagu biirinayo ciidammada Qaranka, iyadoo hadalkaasina uu si weyn uga careysiiyay Bulshada ku dhaqan gobolka Bay.

Miwodga Maxaakiimta Islaamiga ah oo lagu wareejiyay Hubkii Max’ed Qanyare Afrax

Iyadoo maalintii dorraad ahayd uu deegaanka Deyniile ka baxsaday Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax, gaarayna magaallada Jowhar ayaa waxaa hubkii, Tiknikadii iyo maleeshiyadii uu ka tegayba saakay lagu wareejiyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, kaddib markii ay arrintani ka shaqeeyeen culimaa’udiin ka soo jeeda Beesha Mursade.

Waxaa saakay halkaasi gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana markiiba lagu wareejiyay illaa iyo 35-Tikniko ah oo uu lahaa Maxamed Qanyare Afrax iyo 65-Qoryaha BKM ah ama Dabajeexa, waxaana goob joog ka ahaa Wareejintaasi Saraakiil ka tirsanayd isbahaysiga la dagaallanka argagixisada oo ay ka mid ahaayeen Afhayeenka Isbahaysiga Xuseen Guutaale Raage iyo nin la yiraahdo Faarax Garamgaram.

Markii Wareejintaasi ay dhacday ayaa waxaa halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo sheegay in arrintani ay tahay mid ku dayasho mudan, loona baahan yahay in kuwaweli hubkooda heysta ay iyaguna ku soo wareejiyaan midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana isla saakay ayaa waxaa deegaanka Dayniile looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah oo ka howl geli doonta deegaankaasi.

Dhinaca kale Max’ed Qanyare Afrax iyo Bootaan Ciise Caalim ayaa iyaguna weli ku sugan Magaallada Jowhar, iyagoo halkaasina ku sugayay Diyaarad geysa qaar ka mid ah waddammada deriska la ah Soomaaliya, balse illaa iyo haatan ma aysan soo gaarin wax Diyaarad ah, waxaana halkaasi ka socda wadahadal u dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Maleeshiyooyinkii Max’ed Dheere, iyadoo saacadaha soo socdana la filayo in Tiknikadii iyo Maleeshiyooyinkii Max’ed Dheere iyagana lagu soo wareej iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah.

###

Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo Gacanta ku dhigey Balcad kuna sii jeeda Jowhar...

Maalintii shalay ahayd ayaa deegaanka Basra oo u dhexeeya Balcad iyo Afgooye waxaa ka dhacay dagaal aad u qaraar oo u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka "Argagixisada", iyadoo Midowga Maxaakiimta ay labo jiho ka soo galeen magaalada Balcad, taasina waxay keentay in Midowga Maxaakiimtu saacad kaddib ay la wareegaan Degmada Balcad, waxaana Maxaakiimta horkacayay Macallin Xaashi iyo Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo iyagu horey uga tirsanaan jiray dhinaca Muuse Suudi Yalaxow balse ka soo goostay maalintii doraad ahayd.

Ilaa iyo todobo gaari oo tikniko ah ayaa dagaalkii shalay Midowga Maxaakiimta kula wareegeen, waxaana la sheegay in Degmada Balcad ay ka dhaceen Banaanbaxyo lagu soo dhaweynayo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, iyagoo ciidamada Maxaakiimta ay la wareegeen dhamaan goobihii ay horey u joogeen Isbahaysiga waxayna sii daayeen maxaabiista ku jirtay Xabsiga Degmada Balcad.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ahaa haatan ku jira deegaanka Qalimow oo wax yar u jirta Degmada Jowhar, iyadoo degmada Jowhar ay haatan isku uruursanayaan Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo doonaya in ay iska difaacaan weerar kaga yimaada Maxaakiimta.

Max’ed Qanyare Afrax oo u baxsadey Magaalada Jowhar

Wararkan naga soo gaaraya Degmada Jowhar waxay sheegayaan in Max’ed Qanyare Afrax oo ah Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka xubinna ka ah Isbahaysiga la baxay la dagaalanka "Argagixisada" uu xalay fiidkii gaaray Degmada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe.

Max’ed Qanyare oo habeen hore ka baxay Degmada Dayniile isagoo ay la socdaan dhowr gaari oo Tikniko ah, kaddib markii uu ka cabsaday inuu ku go’doomo deegaanka Dayniile, maadaama Midowga maxaakiimta Islaamiga ah qabsadeen jidadkii soo galayay deegaanka Dayniile.

Max’ed Qanyare oo markuu dagaalku dhacayay ku sugnaa Degmada Balcad si uu gacan u siiyo ciidamada kale ee ay xulufada yihiin, balse markii dambe laga awood roonaaday.

Lama garanayo Qanyare halka uu u dhaqaaqi doono, balse warar ayaa waxay sheegayan in Dalka Itoobiya uu ku sii jeedo halkaas oo uu kaga horeeyo Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo isna ka mida Isbahaysiga la dagaalanka, halka warar kale ay sheegayaan in Qanyare uu tagi doono dalka Kenya.

Ciidamadii ka cararay deegaanka Suuqa Xoolaha oo lagu xareeyey Xerada Manaas..

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baydhabo waxay sheegayaan in Ciidamadii ka cararay deegaanka Suuqa Xoolaha kaddib markii ay halkaasi ka saareen kuwa Maxaakiimta Islaamiga ah doraadna gaaray Magaalada Baydhabo ayaa maalintii shalay ahayd waxaa iyaga iyo hubkoodii lagu xareeyay xerada Manaas oo ay horey ugu jireen ciidamo xoogooda laga keenay deegaanka Puntland.

Ciidanka Suuqa Xoolaha ka cararay waxay taageersa-naayeen Bootaan Ciise Caalin oo xubin ka ah Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxa uuna haatan Bootaan ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

Ciidanka gaaray magaalada Baydhabo waxaa imaanshahooda ka hor yimid dadweynaha deegaanka gaar ahaan culuma’u-diinka oo sheegay in ciidamadani yihiin kuwo soo gubay deegaankooda iyagoo u adeegaya caddowga islaamka haatanna ay doonayaan in ay qalqal geliyaan ammaanka magaalada Baydhabo, waxayna Dowladda ka codsadeen in dib loo celiyo.

C/llaahi Yuusuf oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalay kulan madaxeedkii wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika kana dhacay wadanka Liibiya ayaa shalay soo gaaray magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Madaxweynaha oo la filayay in uu gaaro wadanka Itoobiya ayaa ka baaqsaday safarkaasi ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha uu Madaxweynuhu uga baaqsaday safarkaasi, waxaana Madax-weynaha dalka Liibiya uga haray qaar ka mida wafdigii raacay oo ay ka mid yihiin Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Aadan Saransoor, waxaana la sheegay in ay u hareen arrimo la xiriira Dowladda Federaalka, gaar ahaan dhinaca wadanka Liibiya.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:  amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2006

Wararkii Shalay hoos ka akhri:


WARARKII June 4, 2006

  • Shiikh Ibraahim Maxamed oo codsaday in dalkiisii  lagu Celiyo 
  • Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal shalay ka dhacay deegaanka..
  • 8-Gaari oo Tiknikaa oo uu Muuse Suudi leeyahay oo isu dhiibey Maamulka ..
  • Maleeshiyo ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka oo gaarey ..
  • Siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan oo isku haysta xilalka ..
  • Urur Haween ah oo howlo nadaafadeed ka fuliyey Deegaanka Ceel Barde..
  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo lala sugayo Xil ka qaadista ..

  • Liibiya: Madaxweynaha  Soomaaliya oo u duulay dalka kenya, ugna sii gudbey Baydhabo

  • Xubno ka tirsan wafdigii federalka ee Boosaaso yimid   oo booqday Jaamacadda Barig Afirka. 

WAR-DEGDEG AH: Maxkamadda Islaamiga oo la wareegtey magaalada Balcad iyo Malaysiyadii Qanyare oo ka Baxay Xaruntoodii Dayniile

June 4, 2006: Wararka ka imanaya magaalada Balcad ayaa tibaaxay in magaaladaasi laga saaray maleysiyadii isahaysiga la baxay la dagaalanka "Argagixisada", magaaladaasina ay hadda gacanta u gashay maxkamadda Islaamiga ah.

Magaalada Balcad waxa ay 30 km dhanka Woqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho. Waxaana magaaladaas saakay ka dhacay dagaal aad kulul, kaas oo sababay in malyesiyadii Muuse Suudi Yalaxow laga saaro halkaasi, waxana la sheegay in maleysiyadii magaalada laga saaray ay u dhaqaaqeen dhanka magaalada Jowhar.

Ilaa hadda waxaa maxkamada Islaamiga gacanta u galay Ceel-Cirfiid, Cali-Yaale, Garas Bintow iyo Hiilweyne, iyo magaalada Balcad oo isku xirta Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Warar kale ayaa Sheegaya in maleysiyadii Maxamed Qanyare ay habeenimadii Sabtida ka baxeen meeshii xarunta u ahayd ee Dayniile iyagoo markii hore u dhaqaaqay dhanka Balcad si ay gacan u siyaan maleysiyada Suudi Yalaxow oo markaas ku sugnaa Balcad.

Magaalada Jowhar waxa ay balcad u jirtaa 65 km. Eeg Fogaanta ay isu jiraan magaalooyinka Soomaaliya...

Shiikh Ibraahim Maxamed oo codsaday in dalkiisii  lagu Celiyo

Sh. Ibraahim Sh. Max'ed

USA: Kadib markii Shiikh Ibraahim Maxamed lakeenay Maxkamad maalintii Khamiista 6/1/06 ayuu codsaday in dalkisii loo celiyo kaddib markuu xiraa lixbilood iyo lix iyo toban bari isoo wax danbi ah oo lagu xukumayna aysan jirin, sidoo kalena Maxkamdii ay ka diiday in lacag damaanad ah laga dhigo oo uu dacwadiisa isagoo xirnayn sii wato.

Shiikh Ibraahim hadaladiisii ayaa waxaa kamid ahaa “Maadaama aanan garanayn wax danbi ah oo aan u xiranahay, lacagtii damaanada ahaydna aad diidee n waxaan ka door bidayaa in wadankaygii Soomaaliya la ii celiyo intaan xabsi kujirilahaa”.

Kadib markii Maxkamadii ka xaqiijisay Shiikh Ibraahim hadalkaas, Qareenkiisiina ay isla ogolaadeen, ayey waxay Maxkamadii xukuntay in loo celiyo Soomaaliya.

Sharciyan qofka la xukumo in laceleyo waxay qaadataa 14 ilaa 90 maalmood. 

Shiikh Ibraahim waxaa la xiray Sanadkii 2005 waxaana lagu xiray Seattle Washington, oo uu ka ahaa Imaam iyo Siikhba, ………… sii akhri 


Xubno ka tirsan wafdigii federalka ee Boosaaso yimid   oo booqday Jaamacadda Barig Afirka. 

 

Waxaa Galabmimadii Talaadada  May 30, 2006 Jaamacadda Barig Afrika soo booqday Mudane Xildhibaan Ismaaciil Max’ed Xasan (Timir) oo ah Xildhibaan ka mid ah Dawladda Federalka ku meelgaarka ahna Guddoomiyaha Guddiga  Dastuurka .

Xildhibaanka  waxaa Jaamacadda Bariga Afrika ku soo dhaweeyey Maamulka Jaamacadda oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Jaamacadda Dr:C/qaadir Max’ed C/laahi  iyo Maamulaha Arrimaha Maamulka Sheekh yuusuf C/Casiis iyo hormuudyada kala duwan ee jaamacadda.

 

Xildhibaanka  iyo Maamulka Jaamacaddu waxay ka wada hadleen wada shaqaynta Dawladda ku meelgaarka iyo jaamacadda Bariga Afrika  iyo kor u qaadidda tayada waxbarasho ee ummadda soomaaliyeed.

Xildhibaanka  wuxuu aad ugu bogaadiyey kuna ammaanay maamulka JBA dadaalka ay ku bixiyeen dhismaha JBA iyo dadaalka dhinaca aqoonta ah oo aad u sarreeya marka loo eego todobadii sano oo ay  JBA jirtay.

 

Guddoomiyaha Barlammaanka Dawladda Federalka oo Qaabilay Guddoomiyaha JBA.

 

Isla maqribnimadii Talaadada May30,2006 Waxaa wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha JBA Dr:C/qaadir Max’ed C/Laahi ay ku booqdaan Guddoomiyaha Baarlammaanka ee Dawladda Federalka Ku meelgaarka ahna sii hayaha Xilka madaxwaynaha  Mudane Shriif Xasan Sheekh Aadan Hotelka International Village ee magaalada  Boosaaso.

 

Maamulka JBA iyo Guddoomiyaha waxay kawada hadleen kor u qaadidda xiriirka iyo wada shaqaynta JBA iyo Dawladda Federalka.

Guddoomiyuhu wuxuu maamulka JBA ugu hambalyeeyey hawsha ballaaran oo ay u hayaan ummadda soomaaliyeed.Guddomiyuhu wuxuu sheegay in cilmigu yahay nuur jahliguna yahay  mugdi,

Guddoomiyuhu waxaa u suuroobi wayday  in uu  soo booqdo jaamacadda laakiin waxa uu sheegay in uu ku tala jiro in uu yimaado waqti fursaddu intaan ka fiican tahay .

 

 

Adan Ismaacil

Public Relations

Email: eauj@hotmail.com

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal shalay ka dhacay deegaanka..

Dagaal faraha laysaga gubtay oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa weli waxa uu ka socdaa deegaanka Cali-Yaalo oo ka tirsan Degmada Balcad, waxa uuna dagaalkaani u dhexeeyaa ciidamada Midowga Maxaakiima Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la baxay la dagaalanka "Argagixisada".

Dagaalkaan oo ka bilowday deegaanka Ceel-Cirfiid ayaa waxa uu ku fiday Tuulooyin ku dhow dhow degamada Balcad, iyado ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah la sheegay in ay la wareegeen saddex Gaari oo Tikniko ah oo ay lahaayeen Isbahaysiga la dagaalanka waxa loogu yeeray argagixisada, hase yeeshee waxaa ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray labada dhinac, balse warar ayaa waxay sheegayaan in ay ku dhingeen ilaa iyo 12 qofood oo la sheegay in ay u badbaanaayeen kooxihii maleeshiyooyinka ahaa ee dagaalamayay.

Labada dhinac ee ay dirirtu u dhexeyso ayaa waxaa la sheegayaa in ay soo gaarayaan gurmadyo uga imaanaya Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dagaalkaan ayaa waxa uu bilowday kaddib markii doraad deegaanka Muuri uu ka dhacay dagaal dhex-maray Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo maleeshiyooyin daacad u ahaa Guddoomiyaha Siyaasadda Xamar iyo Xamar-Daye Macallin Xaashi Max’ed, waxaana ciidamadii Macallin Xaashi laga dilay ilaa iyo toban ruux, waxaana laga qabsaday labo gaari tikniko ah, iyadoo ciidamadiisii iyo isagiiba ay u soo galeen Midowga maxaakiimta Islaamiga ah oo fariisin ku lahaa Darmoolay. wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in ciidamada Midowa Maxaakiimta ay xalay ku baryeen xerada Hiilweyne, iyagoo kaabiga u saaran degmada Balcad, waxaana hor kacaya Macallin Xaashi oo taageerayaal badan ku yeeshay deegaanka Balcad kaddib markii doraad laga dilay dhowr qofood.

8-Gaari oo Tiknikaa oo uu Muuse Suudi leeyahay oo isu dhiibey Maamulka ..

Iyadoo dagaal qaraar uu ka socdo deegaanka Cali-Yaalo dagaalkaas oo u dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaami-ga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa haddana maleeshiyo daacad u ah Muuse Suudi Yalaxow watayna 8-gaari oo Tikniko ah ay isku dhiibeen maamulka Degmada Afgooye.

Ciidankaas oo maray wadada isku xirta Afgooye iyo Balcad oo marta duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sababaha ay ciidankaasi isku dhiibeen lagu sheegay kaddib markii ay ka carareen dagaalkii ka dhacay deegaanka Cali-Yaalo.

Mas’uuliyiinta Degmada Afgooye oo uu hor kacayo guddoomiyaha deegaankaasi Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) sidoo kale Guddoomiyaha gobalka Sh/hoose Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-Cadde ayaa waxa uu sheegay in ciidankaani ay yihiin kuwo aan dagaalamin oo gartay in ay yihiin baadil loo adeegsanayo, isagoo sheegay in ciidankaasi ay joogaan gurigoodii Hooyo, balse waxa uu sheegay in ciidankii tagay degmada Baydhabo ay yihiin kuwo dagaalamay, haddii aysan Dowladdu wax ka ogeyn dagaalka ka socda magaalada Muqdisho waxay dib u soo celin lahayd ciidankaasi.


Shirka Badhan oo Baaq u diray DGPL iyo Shirkadda Range Resources

Shirkii beryahan ka socdey magaalada Badhan ayaa soo gabagaboobey Sabti June 3, 2006, waxaana shirkaas ka soo baxay baaq loo diray madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland iyo Shirkadda Range Resurces, waxaana baaqaas lagu xusay in beesha baaqaas soo saartay aysan ogolaan doonin macdan qodasho aan waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah. Waxa kale oo lagu baaqay in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo dadkii loo xiray arrimaha Majayahan. Baaqa oo dhan... AKhri


Maleeshiyo ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka oo gaarey ..

Waxaa maalintii shalay ahayd magaalada Baydhabo gaaray maleeshiyo iyo Tikniko oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Maleeshiyada Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, gaar ahaan kuwa Bootaan Ciise Caalin.

Maleeshiyadaasi oo watay todobo gaari oo Tikniko ah iyo boqol Maleeshiyo ah, waxaana magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru Dowlaha qorsheynta iyo Iskaashiga Farxaan Max’ed, waxa uuna sheegay mar la wareystay in maleeshiyadani ay tahay kuwo ka yimid magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in lagu biiri doono ciidamada Qaranka.

Maleeshiyadan ayaa waxay ahaayeen kuwii looga awood roonaaday dagaalkii ka dhacay Suuq Xoolaha ee dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.

Siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan oo isku haysta xilalka ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in muran xoogan iyo is qabqabsi uu ka jiro raggii lagu bedeli lahaa Wasiirada hubeysan ee iyagu dagaalka ka wada magaalada Muqdisho oo lagu wado in dhawaan Dowladda Federaalka ay xilka ka qaado, waxa uuna murankaani u dhexeeyaa siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan. Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa la keenay dhowr warqadood oo oo ay soo qoreen Odoyaasha dhaqanka beelaha ay ka soo jeedaan Wasiiradaasi kuwaasoo mid walba lala doonayo in uu qabto xilka laga qaadayo wasiirada Hubeysan, hase yeeshee waxay arrintaani ku xiran tahay hadba sida uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi u doorto xubnahaasi, waxaana haatan socda la tashiyo looga arrinsanayo arrintaasi, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaruhu ay arrintaani la tashiyo ka sameeyeen, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ku dhawaaqo isku shaadheynta golihiisa Wasiirada, sidoo kale Golaha Baarlamaanka ayaa isna maalmaha soo socda ka tashan doona waxa laga yeelayo xilka Xildhibaannimo ee ay hayaan Wasiiradaasi. Ra’isul Wasaaraha oo isagu labo jeer digniin u diray wasiirada hubeysna oo looga dalbanayo inay si deg deg ah ku soo galaan Magaalada Baydhabo ayaa amarkaasi aysan dheg jalaq u siin, marka laga reebo wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Barre Hiiraale oo isagu todobaadkii hore gaaray Magaalada Baydhabo.

Urur Haween ah oo howlo nadaafadeed ka fuliyey Deegaanka Ceel Barde..

Urur Haween oo ay ku midaysan yihiin in ka badan 100 xubnood oo isugu jira Ganacsato iyo Beeralayda Haweenka Degmada Berdaale oo ay ujeedadiisu tahay sare u qaadida Nadaafadda ee Degaanka, Waxbarashada Haweenka, Quudinta Caruurta, Ka Hortagga Gudniinka Fircooniga iyo wacyigelinta Bulshada halista cudur-sidaha (Virus-ka) dhaliya HIV AIDS ayaa degmada Berdaale ka fuliyey hawl shaqo nadaafadeed oo uu bishiiba mar ka qabto deegaankaasi waxaana soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta qaybaha kala duwan ee ku dhaqan degmada.

Ururkaan oo ay Aas-aaseen 7/4/005-ta Haweenka Magaalada Bardaale ayaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa uu ka qabto deegaanka waxaa ka mid ah, Nadaafada deegaanka ilaa markii la aas aasay iyo wacyigelinta Bulshada cudur sidaha HIV-AIDS- Gudoomiyaha ururkaan Shamso C/llaahi Macallin Maxamed waxay sheegtay inaysan jirin wax kaalmo oo ay ka heleen Hay’adaha gargaarka iyo kuwa kale ee Caalamiga ahba, mana jiraan Ururo kale oo ay la xiriireen oo ka jira Gobolka Baay.

Ururkaan Haween ee ka jira Degmada Berdaale oo lagu magacaabo Midnimo wuxuu ka mid yahay ururadii wadaniga ahaa ee ka hawlgalayey degmada intii ay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxay keloo sheegtay in ay ku howlan yihiin sidii ay kaalin muhiim ah uga qaadan lahaayeen arimaha nabad-gelyada Degmada Berdaale iyo isu soo dhawaanshaha fikirka dhinaca Ururada Bulshada. Waxay keloo baaq u soo jeesiday Gudoomiyaha Ururka Haweenka Midnimo Shamso C/llaahi in Hay’adaha Samafalka ee ka hawlgala Gobolka Bay in ay gacan ka geystaan wax u qabashada Ururada Bulshada iyo sare u qaadida aqoonta Haweenka

Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanla weyn iyo Khaliif Huudow oo Cambaareeyey ..

Hay'addaha kala ah Wanlaweyn human Rights iyo khaliif Huudow Human Rights oo saldhigoodu yahay Gobalka Shabeelaha Hoose, kana wada tirsan Daladda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee (Sohriden) waxay si wadajir ah u cambaareeynayaan falkii xariga ahaa ee loo geystay Mudane Cabdi Faarax oo ahaa madixii hay'adda INXA ee Boosaaso, , kuna xiran saldhiga Degmadda Boosaaso ee Gobalka Bari.

Xarigaas oo ah mid lid ku ah Xoriyadda Qofka, Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha iyo dhaqanka Soomaaliyeedba. sidaa darteed ayay ugu baaqeen cidda mas'uulka ka ah xarigiisa iney si deg-deg ah oo shuruud la'aan ah u sii daayaan, uguna soo celiyaan xoriyadiisa shaqsiyadeed.

Waxaa Kaloo Labadda Hay'adood ee Wanlaweyn iyo Khaliif Huudow ugu baaqayaan xoogaga ku dagaalamaaya Magaaladda Muqdishu ee Gobalka Banaadir iney dhowraan Maatidda iyo dadka Biri-ma-geytida ah ee ay ku dhax dagaalamaayaan, kuwaaso la kulma barakicin iyo dhibaato dagaalo oo joogto ah, ineey dhowraan dadka ay ku dhax-dagaalamayaan goobaha ay degan yahiin, iyo xaruumaha adeega bulshadda, ayna u isticmalin xaruumo ciidan, ayna jojiyaan dagaalada soo noq-noqonaya ayna ku dhameeystaan wixii khilaaf ah wada hadal Geedka Hoostiisa ah, si islaamnimo a, iyo Soomaalinimo ah si loo gaaro nabad buuxda.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo lala sugayo Xil ka qaadista ..

Iyadoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi uu ku howlan yahay sidii uu xilka uga qaadi lahaa wasiirada hubeysan ee dagaalka ka wada magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa qoorta iskula jira Ra’isul Wasaare Geeddi iyo Golaha Baarlamaanka oo iyagu codsanaya in Ra’isul Wasaare Geeddi uu dedejiyo xil ka qaadista raggaasi.

Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa waxaa la sheegay in xil ka qaadista Wasiirada hubeysan uu la sugayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalaya shirka wadamada Saxaraha ka hooseeya ee ka socda wadanka Liibiya. Ilaa iyo hadda lama oga waqtiga uu Madaxweynuhu soo gaari doono Magaalada Baydhabo.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:  amiinkhasaaro@hotmail.com 

Liibiya: Madaxweynaha  Soomaaliya oo u duulay dalka kenya, ugana sii gudbey Baydhabo

 Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu horkacayey ayaa Sabtidii ka duulay gegida caalamiga ah ee dalka libya. Madaxweynaha ayaa inta uusan ka duulin dalka waxa uu kulan khaas ah la yeeshay dhigiisa libya, kulankan oo ay kala qeyb galeen madaxweynaha &wafdigiisa kulankan oo ahaa mid qaatay sacado.

Waxaa markii loo kicitimay dhanka gegida diyuuradaha dib uga baaqsadey safarkii maxamed ibrahin xabsade iyo aadan saransoor c/rashiid yuusuf seed ayaga oo u baaqdey howlo shaqo oo aan laga maarmin waa sida ay hadalka u dhigeene, wafdiga intiisi kalese waxay raacen hal dayuurad oo ay ku gari doonaan dalka kenya.

Wafdiga uu horkacayo madaxweyne yuusuf ayaa halkan markodii hore u yimid shirkii dowladaha saaxil wasaxaaraa ee todobaad oo ka dhacayey xarunta ururka ee dalka libya shirkaas oo dowlada soomaliya u lahaa ahmiyad weyn ayaan wili la shaacin go,aanadii ka soo baxay gaar ahaan go,aanadii ay gaareeen gudiyadii loo saaray dalka soomaliya in ay ka soo shaqeeyaan, wafdigan ka haray wafdiga uu horkacayo madaxweynaha ayaan la ogeyn ayagana goorta ay baxayaa in kastoo ay u jogaan howlo ay ka wada hadleen labada madaxweyne ama labada dowladood .

Waftiga madaxwehynaha ayaa Xalay (Axad) soo gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxana ay maanta uga sii ambabaxeen Soomaaliya. Waxana ay waftigu maanta ka soo degeen magaalada Baydhabo.

DHanka kale madaxweynaha DGPL ayaa maanta arrimo la xiriira caafimaadka ugu ambabaxay dalka Jarmalka.

saciid antenno
saciidanteno@yahoo.com
tripoli libya
somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 4, 2006

Warar GooGoos ah: June 3
»Golaha Baarlamaanka oo ka doodaya sidii xilka looga qaadi..
»Isbahaysiga "Argagixisada" oo gooyay mid ka mida...
»Max’ed Dheere oo si dhaqsi leh ugu ambabaxay..
»Banaanbax looga soo horjeedo Mareykanka oo ka dhacay..
»Xildhibaan C/dheeg “Xad gudubyadii ay geysteen Ciidamada
»Warsaxaafadeed: Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeenya
»Washington: Kulan lagu soo bandhigayay isbahaysiga AFD
Wararka oo dhan ka akhri... Guji... Jun 3


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD