SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Wajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu 


Garyaqaan. Abdullahi Farah Qaarey
La –Taliyaha Sharciga  Madaxwaynaha Dawladda Carta
Email.  avv_qaarey@hotmail.com

Somalia siiba Reer Muqdisho waxaa laga fidiyaa si joogta ah  Dacaayado aad u fara badan

Iyo Been abuurasho Sal iyo Raad toona lahayn, waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin :

·         Hooyga argagixisada

·         Xarunta Caalamiga ah ee Hooyga Daroogaga

·         In aysan lahay Daris wanaag, kuna badan yahay Nacaybka Shisheeyaha siiba Reer Europé Iyo Mareeykankaba.  

Reer Muqdisha 16 sano oo lagu hayay Dhac, Dil,  Kufsi , loona diiday habeen iyo maalinba inay nabad ku seexdaan, lana uga arsanaayay Saraakiishoodii , Waxgaradkoodii iyo  Culimadoodiiba, ayay hurdada ka keceen , heeryadiina iska tuureen, goaansadeenna Intooda hartay inay isbadbaadiyaan, meel qurana uga soo wada jeestaan  kuwa dhiigooda Dhuuqaayay, Naf iyo Nolalna u diiday waa Hogaamiya kooxyada , ugu danbayntii, isku magacaabay La dagaalanka Argagixisada. 

Maxaa la haboon  Maxkamadaha Islaamiga ah.

·         Inay badiyaan talada iyo wada tashiga DEG DEGINNA

·         Inay ka saaraan dhamaan Ciidamada Magaalada, furaana xerooyin lagu dhaqan celiyo Dhaliyaradii la baadiyeeyay, lana khalday,

·         Inay Aamusaan  wax danbe oo hadal ahna aysan ka soo bixin, ugu yaraan lix bilood ,    mudada ay ku jiraan kala hufidda iyo kala haadinta, iyo soo celinta - law and order-, Furayaana Dakadda iyo Rugta diyaaradaha Caalamiga ( Muqdishu International Airport )

·         Inay Tirakoobaan dhamaan hantidii Qaranka Somaliyeed , Badbaadiyaana Gacantana ay ku dhigaan, inta uu jiro kacdoonka Shacbigu siiba  Dugsiyada Waxbarashada , Rugaha Caafimaadka iyo Dhismayaasha Hayadahada Dowladda. 

·         Inaysan abuuran Cadow-tooyo( Enemy )  Afhaan iyo Ficilahaanba, Ummadkastase xaq bay u leeyihiin inay ka taliyaan kana tashadaan Aayahooda iyo Mustaqbalka dalkooda iyo dadkoodaba

·         Inay ka soo baxaan mustaqbalka kaalindooda ku aadan ka qayb qadashada Badbaadinta Qaranimada Somaliyeed iyo Midnimadeedaba, iyo ka hortagidda u kala  qaybinta  Bulshada Somaliyeed – REGIONAL TRIBAL STATES – Ujeedadeedu tahyna =  Baabiinta  Jiritaanka Somalinimo, halkaasna ay ka bilaabato ”Reer- hebel waa nagu soo xad gudbeen, khyraad - badeedkeena ama Khayraadka barigeenay rabaa inay Gurtaan ama shisheeye kula heshiiyaayn, waa sida hadda ka taagan Maamulada Ka jira dhinaca  Bosaso iyo Hargaysa 

·         Inay ka kasbadaan Shacabka Kalsooni buuxda, ku soo toosaan,  kuna seexda – Xabad laáan , Isbaaro laáan, Kufisi Laáan , meeshana ka baxdo hala dhaco waa LOOMA OOYAANE –, Dibna ay ugu soo celiyaa Hayadihii samafalka iyo Caalamkaba Magaalada Muqdishu. 

Maja dhooqo midba mar baa la siibaaaaaaye,  kacdoonkasta waxaa la isku dayaa in la fashaliyo, dad badan baysan ugu jirin wax faaiido ah kacdoonka maantay, waxaa ku talinayaa in aan la deg degin, u yeerataan Gudaha iyo Debadaba cidii aad Talo iyo Aqoonba aad bidaysaan, Af - daboolani waa dahabe,  aad afkiina Xirataan , Xamar Xaalikiisu iyo wax ka qabadkiisuba mana Dhawa - Mana Dheeree. 

Waxaan ku soo gabagabaynayaa, 

·         Ina lagu soo Casumo  Saxaafadda Caalamka iyo cidkastaoo shaki kagalo joogitaanka Argagixiso Magaalada Muqdishu, loona ogolaado lana tuso meelkasta oo caalamku uga shakiyo waxa reer muqdisho lagu eedeynaayo, si ay u kala cadaato Xaqa iyo Baadilku

·         In Sharcigu ka sareeyo waxkasta , laguna kala danbeeyo Sharciga, kii ka leexdana helo ciqaabtiisa, Hogaamiya dhaqmeedku ku ekaado Xuduudiisa, Ganacsataduna Ganacsigooda ,Siyaasiguna la jaanqaado kacdoonka Shacbiga iyo rabitankooda, meelna iska dhigo dantiisa gaarka ah kana hormariyo dantiisa danta guud.

·         Inay haboon tahay in Reer  Muqdishu lagu qabto GACAN – BIR  ah Maanta,  Mabdá la qaataana uu noqdo ”  AMA AFWAYNE RAAC  AMA  AFKAAGA QABSO ” Waa sida kaliya oo looga badbaadikaro CAQABADAHA KA JIRA MUQDISHO, kuna soo noqon karto Nabadii iyo kala danbayntii, Lana helikaro markaas  Wax lala hortago Somalida kale iyo Caalamkaba.

·         In aysan isku koobin Maxkamadaha Islaamiga ah, habsami u socodka  Maamulka iyo taladiisabaBalse laga qaybgaliyo qofkasta oo wax ku kordhin kara Muqdisho iyo arrimaha Somalia Guud Saldhigna aan looga dhin waxku qaybsi  -   Qabiil iyo Jufo -  ciddii soo hadal qaadana meel qura looga soo wada jeesto, kaasi somali iyo Xamarba  tala u ma hayeeeeeeeeeeeeee,  

Hogaanka Guudse ha noqdo TIIR LAMA TAAB TAAN .INTA  AY KA DAGAYSO  XASAASUYADDU , CAQLIGU KA SHAQEEYO, LOONA BISLAADO WADANIYADDA QARANIMADA  LAGANA XOROOBAYO MASKAXDA SHISHEEYE IYO  U ADEEGIDIISABA

 

Somaliyeey

 Ha lagu baxo dalkii hana la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reerMuqdishu,Hana loo soo gudbiyo qof walba wixii u arko  oo talo wax ku ool ah  Ajar baa ku jiraa iyo Maslaxa Caam  aheeeeeee , meel kasta oo duna ka joogtaan.  

Wabillahi Towfiiq.  

Garyaqaan. Abdullahi Farah Qaarey
La –Taliyaha Sharciga  Madaxwaynaha Dawladda Carta

Email.  avv_qaarey@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD