SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Balcad: Jowhar oo Maxamed-dheere ku Maqan Hurdo ma Jirto 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Goormaa Maxamed-dheere, Muuse Suudi, Cumar Filish iyo Bashiir Raage noqdeen Mudulood? Miyuusan Maxamed-dheere ahayn ninkii Cali Mahdi ka soo horjeestay? Miyuusan ahayn ninkii Mudulood xasuuqay? Ilaa intuu Jowhar qabsaday, yaan Mudulood ahayn oo uu dilay ama dhibay? Waa dad yar. Yuu ahaa Daahir-dayaxii uu isaga iyo saaxibadiis la dagaalijireen? Sidoo kale miyaan Muuse la dagaalin Cumar Filish iyo Bashiir Raage? Imisa qof oo Mudulood ah bey dileen? Xitaa sanadkii dhowaa waa tay isjafayeen. Haddeertaan xitaa waxa Sii sii isku ku waxyeeloobay iyagaa u badnaa. Bal Ilaahay baan idin ku dhaarshee Soomaaliyeey, nimankaas maanta u habarwacanaya Mudulood markii laga raayey, ha sheegeen cid aan Mudulood ahayn oo ay wax u dhimeen. 

Mudulood baa laga rabay iney qabtaan nimankaas sida Islaamku faray. Marka intaas oo dhib ah markey u geysteen Mudulood haddii Ilaahay naga qabtay maxay tahay damqashada loo damqanayo hadda? Ilaahay Qur’aanka wuxuu ku sheegay inaan loo doodin khaa’iniinta. Aayado kalaa caddeeyey in lahayn qof Ilaah iyo qiyaamaha rumeysan oo jeclaanaya qof Ilaah iyo diintiisii la dagaalay xitaa haddii uu aabbahood ama wiilkooda yahay. Iska daa in qabiil lagu jeclaadee. 

Muduloodku waxay ka mid yihiin dadka Soomaaliya ugu diin jecel. Waa dadkii iyagoo dhib soo gaartay oo loo simay xoolo iyo hanti ka dooranjiray ducada iyo Faataxada. Sidaas darteed dadkii ugu horreeyey ee diida isbaheysiga sharka wuxuu ahaa dhallinyaro ka soo jeeda Daa’uud, Mudulood oo saxaafadda siiyey ineysan Muuse ku taageersaneyn arritnaas. Sidoo kale waxaa jira odayaal cuqaal ah oo isbaheysigaas gaashaanka ku dhuftay. 

Hadda Xamar kheyr baa ka biloowmay ah in qabiil kasta uu qabto hogaamiye kooxeedkiisa iimaanka la’. Runtii Maxamed Qanyare, joogiis iyo maqnaashaba wuxuu tusay inuu yahay nin feker leh. Markii hore isagaa afka u gashay arrintaas rag badan oo ku jira isbaheysiga markii dambana isagaa fekeray inuusan dhib usoo jeedin reer tolkiis. Maxaa hadda ka maqan reer Dayniile? Waxba. Waxaa usoo kordhay barwaaqo iyo inuusan jirin maanta qof iyaga ka mid ah oo Islaamka iyo culumada xiqdi u haya. Habar Gidir iyo Dudublaba soow dagaaloogayaashoodii qaarna ma ceyrin qaarna hadda ma ceyrinayaan? Mee Ilqeyte? C/di Shukri? Cabi-waal? Bootaan? Halka kuwii Mudulood ay qabiilkooda kula galgasheen waalidii! Soow caqligu ma keenayo in Mudulood is dhaafshaan nimankaas? 

Soomaalidu waxay ku kalsoon tahay dadka waxgaradka ah ee Mudulood oo culumo iyo cid kalaba leh. Marka Soomaali waxay isku dhaarsatay in la iska qabto dagaaloogayaasha. Dadka ugu badan oo ka faa’iidaya nabadda Xamar waa Mudulood. Bal maantadan Xamar fiirsha! Waxay u egtahay beri-samaadkii. 

Marka waxaan aamminsanahay in Maxamed-dheere laga xoreeyo Jowhar. Cidda ugu horreysa oo ka xoreyneysa waa Mudulood maxaa yeelay cidda ugu badan oo uu waxyeeleeyey waa Mudulood iyo walaalaha Jareer-weyne ee Jowhar degen. Waxaa hadda Maxamed-dheere faaska u afeysanaya waa Muduloodka degen Shabeellaha Dhexe. Culumada iyo shacabka jihaadaya, keliya waxay rabaan iney Mudulood ka caawiyaan in Maxamed-dheere meesha ka baxo. Marka waxaa Jowhar xukumaya dadka degaanka degen. 

Maxay tahay casuumadda uu Geeddi u fidiyey Mudulood hadda? Waa ninkii reer tolkiis oo is dilaya iska fariistay Baydhabo. Halka Cismaan-caato uu Xamar ka yimid. 

Dagaalkii Axsaab kaddib ayaa markii nabigu (SCW) uu Madiina soo galay oo iska dhigay dharkii iyo qalabkii dagaalka waxaa u yimid Malaku-Jibriil (CS) oo yiri: nabiyoow haddaad adigu hubkii iska dhigtay annaga malaa’igtaa meynaan dhigin ee waa inaad aaddaa nimankii Banii Qureyda, Yuhuudda ahaa ood shaqo ka qabataa . Marka haddii ciidanka maxkamadaha iyo dadkii jihaadayey qaarkood hubkii dhigeen oo arrinta guul u qaateen laakiin shacabkii Soomaaliyeed ee dibadaha jiray weli dagaalkii ma joojin ilaa Jowhar laga qabto Maxamed-dheere. Marka arrintu ma ahan cid kalaa Jowhar qabsaneysa ee keliya Maxamed-dheere baa ummadda laga qabanayaa. 

Waxaan aad ula yaabaa dad dhahaya Maraykan baa saas raba; Itoobiyaa saas rabta! Horta ma Mareykan baa innaga na sameystay? Ma dagaal iyo wax kalaa nagala dhaxeeya? Miyeynaan ogeyn in loo baahanyahay ineyno maqalno Ilaah oo keliya? Teeda kale wadaadada iyo shacabku waxay la dagaalamayaan rag walaalahood ah (dagaalooge) oo nagu xadgudbey marka maxaa ka fiican in cadow dalkaaga kugu soo weeraro si loola jihaado. Marka hala iska daayo hadallada macno la’aantaa ee lagu hayo oo oranaya: Maraykan baa sidaas yiri. 

Si Soomaali u midoowdo waxaa fiican in Maraykan iyo Itoobiya Soomaaliya soo weeraraan. Dadku wuxuu u qabaa in Xamar dhib soo gaareyso laakiin anigu waxaan aamminsanahay in haddii Itoobiya faraha la soo gasho Soomaaliya in tani keenidoonto in iyaga laga xorreeyo Soomaali Galbeed. Ha la ogaado in Ilaah ka saaray  dagaaloogayaasha Xamar ee aysan ahayn quwad ay shacabku leeyihiin. Keliya shacabku wax buu isku dayey sidii laga rabay waxaana timid guushii. Marka waxaan rajeynayaa in si dhaqso ah Jowhar wax looga qabto. 

Waxaan shacabka Soomaaliyeed loo sheegayaa in iyagu iska ilaaliyaan khilaafka iyo iney ku ciyaaraan guushaas Ilaahay na siiyey. Sida la xaqiijiyey waxaa shacabkii Soomaaliyeed ka soo yaacayaa gobolladii oo dhan. Marka  u habboona in dhowr oday inta meel ku shiraan ay dhahaan waxaan la dagaaleynaa shacabka Soomaaliyeed. Marka odayaashaas waxaan u arkaa iney nala rabaan sidii Ciraaq ku dhacday. Marka ma jirto maalin ay Xamar ka fiicantahay maanta marka yaan kheyrkaas shaki la gelin. 

Waxaan wadaadada iyo shacabka kula talinayaa ineysan dheg u dhigin dacaayadaha cadowga Soomaaliyeed ee leh: Maraykan baa diyaarad ku dhukheynaya Xamar! Marka ma diinta Ilaah baa Maraykan loo daayaa? Yaase Maraykan uga futo xun haddii uu dagaal nagu bilaabo? Soow isaga maahan kan adduunkii oo dhan laga nacay? Marka waa in maxkamaduhu howshooda qabsadaan oo ay Jowhar ka qabtaan ninkaas waalaan. Hadduu Ilaah idmo waad ogaandoontaan ineysan qaadaneyn daqiiqado iska daa maalmee.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD