SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

Ramaas Political Party

Barnaamijka Xisbiga

Hordhac_

Ummadda Puntland oo usoo martay dhismaha Dowlad Gobaleedka Puntland halgan dheer oo soo taxnaa ilaa iyo mudadii burburkii Soomaaliya laga bilaabo dagaaldii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya gudaheeda, mudana ay hoggaminayeen Barnamijkaas Siyaasiiyiin ruugcadaayo ah oo ku caancabaxay in ay doonaan Qaranimadii Soomaliyeed.

Kaddib markii ay ku adkaatay baadigoobkii Soomaali weyn waxay ku hashiiyeen in ay Puntland dhistaan si ay ugu donaan Soomaali weyn .

Dagaaladii sokeeye ee ka Dhacay Soomaaliya markii ay istaagi waayeen waxa ay ku guleesteen badbaadinta gobalada Puntland kadibna ay dhidibada u taageen dowladgoboleedka Puntland 1998 ay ku midoobeen dadyowga isku haybta ah ee wada daga Gobolada Puntland.

45 Sano Xorayadii Soomaaliya kaddib, waxaa la soomaray mar xalado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen:

  • 1. Sagaal sano oo xukun Shacab ah
  • 2. xukunkii milatariga oo dalka ka talinayey 21 sano
  • 3. 15 Sano oo dagaal sokooye ka jiray dalka Somaliya
  • 4. marxaladaha cusub oo dowlad Gobaleedyo iyo ismaamul hosaad ah.
  • Mar xaldahaaso dhami waxay ku soo gabagaboobeyn khatarta dalka ku sugan yahay oo ah xasilooni daro baahsan, cafimaad daro, waxbarsho la’ aan. iyo nabd galayo daro qarka u saarantahay Dagaal Sakoeeye Taas Oo Keentay Sharftii Iyo Karamdii Ey Lahayeen Umada Reer Puntland In Ay Dhulka Ku Dhacdo .

    Mabaadiida Guud Ee Xisabiga

  • Dhowrista midnimada Dalka Iyo Dadka Puntland Iyadoo Aan Loo eegayn Abtirsiiyo Qabiil . Sinji.Iyo Dariiq kale Toona
  • In Xeerka Iyo Qawaniita Puntland Lugu Saleeyo Shareecda Islaamka
  • Hirgalinta Nidaam Siyasadeed oo ku saleysan Hanaanka Xisbiyada Badan awooda dalkana loo tartamo si waafaqsan sharaacda islaamka iyo diimuqraadiyada
  • Dhoorista xuquuqul insaanka iyadoo la dhoorayo dhaqanka sooban ee umada puntland iyo xeerarka caalamiga ah
  • Dhowrista xoriyada xasaasiga ah oo mawaadinka
  • Xisbiga wuxuu ahmiyad gaar ah siinayaa mudnaanta sharciga iyo inuuu sharcigu ka sareeyo cidkasta
  • Xuquuqada Muwaadinka

  • Nabad galyada naftiisa iyo maalkisa in aad nabad galiso
  • Sinaanta iyo cadaalad oo dadku u simanayhay xaga shaqo iyo waxbarasho iyo cafimaad
  • In uu madaxbanaanyhay rayigiisa
  • In la dooran karo waxna dooran karo
  • Difaac Iyo Nabdgalayada

    Xisbigaan Wuxuu Mudnaanta Kowaad Siinayaa Dhismaha Ciidan Tayo Leh Kaas Oo Ku Dhisan Jiritaanka Puntland Awoodoodana La Dhameystiro Markasta Lana Siiyo Muhiimiyad Gaar Ah Ciidanka Lana Hubiyo Habsami Usocdka Waajibadkooda Ciidan Ahaneed

    Si Loo Sugo Madxabaanida Sharfta Iyo Karaamada Umada Puntland

    Xisbigu Wuxuu Qiiijinayaa Awooda Difaaca Dalka Hagaajinta Cidmada Xaga Farsamada Kor U Qaadida Diyaar Garooda Xirfadahooda Gaarka Ah Ay Ku Bararunjinta Askariga Wadaniyada Iyo Nafta Loo Huro Dhulkooda Hooyo .

    Xisbigu Wuxuu Cidmada Ku Bararujinayaa Dhoorista Amaanka Xasiloonida Iyo Ilaalinta Sharciyada Dalka

    Siyaasada Dibada

    Xisbigu Wuxuu Amin Sanyahay Nabad Ku Wadanolaansho Umadaha Caalamka Loona Daayo Aduunka Nabad Iyo Daganaasho Ku Dhisan Cadaalad Xisbiga Isaga Oo Ka Shidaal Qadanya Siyaasada Arimaha Dibada Ee Somaliya Wxuu Rumaysanyhay In Xiriir Lala Yeesho Caalamka Oo Dhan Iyadoo Codsi Feejigan Loo Eegayo Isbadelada Ka Dhaca Caalamka.

    Xisbigu Wuxuu Ka Shaqeyaa Xoojinta Xiriirka Wanagsan Ee Aan La Laynahay Caalamaka Dowladaha Aan Dariska Nahay Iyo Jaamacatul Carab Iyo Dowladaha Afrikaanka Xisbigu Wuxuu Adkaynayaa

    Xiriirka Wax Wadaqabsi Ee Dowladaha Aan Dariska Nahay Xaga Dhaqaalaha Iyo Kuwa Tijloonjiyada Ku Hormaray

    Xisbigu Wuxuu Adkeynayaa Xiriirka Wanaagsan Ee Aan La Leenahay Urur Gobaleedyada Aaan Xubnaha Ka Nahay Sida Qaramada Midoobay, Jaamactul Carab, Midowga Afrika, Kan Dhexdhexaadka Kan Wadamada Islaamka Urur Gobaleedka Igad Iyo Urur gableedyada Saaxil iyo Saxaara .

    Arimaha Dhaqaalaha

    Dhaqaaluhu Waa Saldhiga Nolasha Bulshada Taas Oo Hormarkeeda Umad Kasta Lagu Qiimeeyo Heerka Dhaqaleheeda Joogo Dhaqaalaha Dalkeena Waxaa Saldhig U Ah Xoolaha .Beereha . Iyo Khayeraadka Bada. Iyo Warshadaha Macdanta Dalka Gudihiisa Ku Jira Xisbiga Wuxuu Dalka U Horseedayaa Hirgalinta Nidaamka Dhaqaalaha Ee Furfuran Ee Suuqa Xorta Ah .

    Qorsheenta

    1. In Lugu Dhaqmo Qorshe Cilmiyeesan Oo Hogaaminaya Siyaasada Dhaqaalaha Iyo Tan Bulshada Iyadoo Si Buuxada Looga Fa'iidaysanyo Khayeraadaka Dalka .Cududa Dadka Iyo Hantida Umada

    2. Hormarinta Qorsheenta Uu Noqdo Mid La Socda Wakhtiga Islamarkaana Loo Xulo Xeeldheerayaal Aqoon U Leh

    3. In La Qorsheeyo Cududa Shaqaalaha Lana Diyaariyo Aqoon Yahano Farsamayaqaano Iyo Xirfadlauyaal Lagama Maarmaan U Ah Fulinta Qorshaaas

    4. Qeybinta Maamulka Siyasadeed Ee Dowlad Gobaleedka Gobalada Iyo Degmooyinka Si Dalka Oo Idil Uga Qeyb Qataan Diyaarinta Iyo Fulinta Qorsha Hor Marineed Loona Gaaro hurmarin Dhaqan Dhaqaale Oo Isku Dheeli Tiran

    Hormarinta Xoolaha

    1. In Dhinac Walba Horay Loogumariya Daaqa Xoolaha Iyo Xoola Dhaqatada Oo Ah Lafdhabata Dhaqaalaha Wadanka Si Loo Helo Noocyo Cusub Oo Tacab Iyo Tayo Wanaagsan Leh .

    2. In La Isku Dhaweeyo Nolasha Miyaga Iyo Magaalada Surtagalinta Adeega Daruuriga Iyo Ka Hortaga Soo Hayaanka Iyo Badashada Shaqa La Aanta Ee Magalooyinka

    3. In La Abuuro Xerooyin Dowladeed Iyo Kuwa Iskaashatooyin Oo Lugu Xanaaneeyo Xaalaha Dadweynaha Loogana Haqabtiro Intifacooda

    4. In La Xanaaneeyo Ugaarta Iyo Duurjoogta Loona Sameeyo Xeroooyin Lugu Xanaaneeyo Lagana Ilaaliyo Ugaarstada Si Sharci Ah

    5. In La Ilaaliyo In La Hurmariyo Dhirta Iyo Daaqa Qeymaha Dalka Si Looga Hortago Nabaad Guurka

    Dibuhabeenta Beereaha

    In Kor Loo Qaado Awooda Wax Soo Saarka Beeraha Laguna Dhiiri Galiyo Beeraleeda tacab Kordhinta Iyo Mar Walbana Mudnaata La Siinayo Miraha Asaasiga Ah Ee Daboolikara Baahida Dadweynaha Si Loo Fuliyo Waajibaadkaas Waxaa Lagama Maarmaan Ah Qodabadaan

    1. In La Falo Dhul Cusub

    2. In La Abuuro Beero Dowladeed Iyo Kuwo Iskashatooyin Oo Door Weyn Ka Qaata Tacab Kordhinta .

    3. In La Isticmaalo Farsamada Beeraha Cusub Isla Markaan La Xoojiyo Shaqooyinka Beerihu Salka Ku Hayaan Sida Qalabaka Makinadaha ,Bacriminta ,Iyo Isticmaalka Xooga Dabaka

    4. In La Balaariyo Wax Yaabaha Horay Loo Tabcan Jiray Markaana La Beero Mira Cusub Taas Oo Ujeedadeedu Tahay In Si Buuxada Loo Gaarsiiyo Dadweynaha Iyo Warshadaha tacabka Beeraha Lana Abuuro Kayd Qaran Oo Looga Hortago Xiliyada Dhibatooyinka Iyo Abaaraha

    5. In La Sii Fuliyo Wadada Dajinta Dadka Si Loo Yareeyo Reer Guraanimada Oo Loogu Sameeyo Nolal Ka Sareesa Tan Ay Ku Nool Yihiin Oo Dagen Iyada Oo Loo Ababulayo Habka IskaaShatooyinka

    6. In Dadweynaha Loo Abaabulo Habka Iskaashatooyinka Gaar Ahaan Kuwa Beeraha, Xoolaha, Kaluumeesiga Iyo qeybaha Kale Ee Dhaqaalaha

    Warshadaynta

    1. Warshaduhu Waa Astaanta Horumarka Sidaa Darteed Waxaa Loo Baahan Yahay Qodobadan

    a. In Ay Dawlad Gobaleedku Ka Qaybqaadato Horumarinta Warshadaha ,Ayna Dhiiri Galiso Kuwa Gaarka Ah Si Ay Kaalin Uga Qaataan Kobcinta Dhaqaalaha Dalka

    b. Keenid Warshado Cusub Iyo Baraarujin Kuwii Hore Ujiray Si Looga Kaaftoomo Waxyaabaha Dibada Inooga Yimaada .

    c. In La Helo Warshadaha Allaabta Cayriin Ee Dalka Warshadaysa .

    d. In la Helo Warshado Badan Si Dadka Shaqo Loogu Abuuro.

    Macdanta Iyo Biyaha

    1) In Loo Helo Biyo Ku Filan Dalka Oo Dhan Oo Goob Kasta Oo Xoolo Iyo Dadba Ku Nool Yahay Laga Sameeyo Ceelal Ku Filan .

    2) Ka Faa,Iidaysiga Biyaha Wabiyada Iyadoo Laiska Ilaalinayo Dhibaatooyinka Caafimaad Daro Ee Ka Imaan Kara .

    3) In La Helo Sahamin Ku Haboon Macdanta Iyadoo Ay Ka Qayb Qaadanayaan Aqoonyahano Soomaliyeed Lana Kaashanaya Dawladaha Aan La Leenahay Xidhiidhka Ganacsiga .

    4) Xoojinta Daraasaadka Quwada Shidaalka Noocyadeeda Kala Duwan ,Sida Qoraxda ,Dabaysha ,Biyaha Kulul . Iwm.

    Gaadiidka Iyo Isgaarsiinta

    I. Horumarinta Gaadiidka Dhulka ,Kan Bada ,Kan Circa Horumarinta Dekadaha Iyo Wadooyinka ,Buundooyinka Boostaha Iyo Telefoonada Iwm.

    II. Horumarinta Isgaadhsiinta Dalka Gudihiisa Iyo Tan Dibadaba.

    III. Horumarinta Raadiyayaasha La Iska Arko Dalka Oo Dhan .

    IV. Horumarinta Shaqsi Ama Shirkad Leh Telofoon ,Tv,Raadyoo,Joornaal.Si Waafaqsan Sharciga Dawlad Goboleedka Puntland .

    Khayraadka Badda

    a) Horumarinta Wax Soo Saarka Badda Maadaama Ay Puntland Leedahay Bada Ugu Dheer Somaliya

    b) Abuuris Iyo Xoojin Warshadaha Sameeya Doonyaha Ama Maraakiibta Kaluumaysiga

    c) Abuuris Maamul Tayo Leh Iyo Kor U Qaadid Xirfadlayaasha Bada

    d) In La Abuuro Machadyo Laga Barto Cilmiga Bada .

    e) Horimarinta Iyo Xanaaanaynta Alaabta Suuq Gaynta Khayraadka Bada Gudaha Iyo Dibadaba .

    Siyaasadda Maaliyadda

    Xal U Helista Maaliyada Waxuu Xisbigu Kaga Talinaya Qodobadan

    1) Horumarinta Siyaasada Dhaqaalaha ,Dhiiri Galinta Waxsoo Saarka Ka Hortaga Sicir Bararka Iyo Adkaynta Qiimaha Shilin Somaliga .

    2) Xoojinta Wax Soo Saarka Sida Lacagta Adag Oo Ku Imaankarta Kordhinta Tacabka Warshadaha ,Beeraha Iyo Ganacsiga .

    Ganacsiga Dibada Iyo Gudaha

    1. Horumarinta Ganacsiga Dibada Iyadoo Looga Wada Faa,Iidaysanayo Si Loo Simanyahay Oo Waafaqsan Sharciga .

    2. Horumarinta Dhiirigalinta Dhoofinta Iyo Yaraynta Keenista Badeecadaha Laga maarmi Karo

    3. Keenista Alaabaha Horumarinta Dhaqaalaha Ee Looga Baahanyahay Dalka .

    4. Ilaalinta Ascaarta Iyo Badeecadaha Dalka Gudihiisa Laga Isticmaalo

    5. Fududaynta Gaadhsiinta Badeecooyinka Dalka Oo Dhan Si Looga Hortago Sicir Barar Iyo Suuqmadoow.

    Arrimaha Bulshada

    1) Ujeedooyinka Xisbiga Loo Aasaasay Waxaa Saldhig U Ah Taageerista Iyo Dhiiri Galinta Arimaha Bulshada.

    a) Waxbarashada Iyo Barbaarinta In la Xoojiyo Ama La Tayeeyo Tacliinta Heerarkeeda Kala Duwan Siloo Helo Arday Tayo Leh Siiba Heerarka Jaamacada Oo Wax Ka Tari Karta Dalka Dibadiisa Iyo Gudihiisa Dhinacayada Waxsoosaarka Iyo Dhaqaalaha.

    b) In la Helo Manhaj Midaysan Oo Lagu Saleeyo Horumarka Dhaqaalaha Bulshda Dhaqanka Iyo Tacab Kordhinta .

    c) In Ardayda Lagu Abuuro Wadaniyada, Asluubta Wanaagsan Iyo Laga Reebo Ama Laga Ilaaliyo Ka Ganacsiga Dhaqamada Xunxun.

    d) In La Kordhiyo Dayactirada Goobaha Waxbarashada Korna Loo Qaado Farsamada Xirfadlayda Kala Duwan Si Loo Helo Farsamo Aqoon Sare Leh Lagana Baxo Waxbarasho Aan Waxsoosaarka Ku Tiirsanayn .

    e) In la Helo Qalabka Tacliinka Dugsiyada Hoose/Dhexe Ee Tacliinta Khasabka Ah Taas Oo Looga gudbayo Qoris & Akhris-la'Aanta .

    f) In La Balaariyo Waxbarashada Dadka Waawayn Lana Joogteeyo Barnaamijka Horumarinta Reer Miyiga .

    g) In Manaahijka Waxbarashada Fanka Iyo Suugaanta Isboortiga Qaybihiisa Kala Duwan La Joogteeyo

    2) Caafimaadka

    1) In Kor Loo Qaado Tayada Dhaqaatirka Iyo Kalkaaliyayaasha Iyo Dhamaan Xirfadlayaasha Caafimaadka .

    2) In lagu Dadaalo Kordhin Sidii Loo Kordhin Lahaa Xarumaha Caafimaadka Sida Bukaan Socodyada ,Isbitaalda ,Qalabyada Waxlooga Qabto Caafimaadka Lana Adeegsado Qalab Casriya Oo Tayo Leh.

    3) In laga Hortago Masiiibooyinka Cudurada Faafa Lana Abaabulo Urarada Baraarujinta Caafimaadka Guud, Lana Badiyo Xanaanooyinka Hooyooyinka Iyo Caruurta .

    4) In la Dhamaystiro Dhinacwalbana Laga Habeeyo Habka Badbaadinta Iyo Hawlka Iyo Caymiska Ijtimaaciga Ah .

    5) In la Abuuro Warshado Wadani Ah Oo Sameeya Daawada Iyo Qalabka Nadaafada Si Looga gudbo Dhibaatada Daawo Yarida Iyo Tayo Xumaanta Daawada Iyo In La Taakuleeyo Nadaafad Xumada Baahday Sidii Wax Looga Qabanlahaa .

    Ururada Bulshada Bulshada

    Waxuu Xisbigu Ka Shaqaynayaa In doorkooda Kor loo Qaado Ururada Bulshada Si Ay Uga Qaybqaataan Horumarinta Bulshada .

    Haweenka

    Xisbigu Waxuu Rumaysan Yahay Ahmiyada Ay Haweenku Ku Leyihiin Bulshda Dhexdeeda Iyo Kaalinta Ay Ka Aqaataan Nolosha Guud Iyo Tan Gaar Ahaaneed ,Hooyadu Waa Saldhiga Qoyska Waana Barbaariyaha Caruurta. Xisbigu Waxuu Tababaro Iyo Wacyi Galin Siinayaa Haweenka Gaar Ahaan In Xoog La Saaro Gabdhaha Iyo Waxbarashadooda Laguna Dhiirigaliyo Inta Ay Yaryihiin Si Ay U Noqdaan Kuwo Isku Filan Marka Ay Waynaadaan. Xisbigu Waxuu Ahmiyad Siinaya Haweenka Inay Ka Qayb Galaan Arimaha Siyaasada Iyo Hogaanka Sare

    Dhallinyarada Iyo Mustaqbalkooda

    Xisbigu Waxuu Ahmiyadsiinayaa Horumarinta Dhalinyarada Waxuuna Arkaay Inay Yihiin Jiilka Mustaqbalka Ama Bari U Soo Kacaya Dalka Waxbarashada Dhalinyaradu Waa Waajib Saaran Dawlada In dhalinyarada Loo Tababaro Sidii Ay U Gudan Lahaayeen Waajibaadka Ka Saaran Dalkooda Ilaa Heer Aqoonsare .

    Xisbigu Waxuu Ka Shaqaynayaa In La Siiyo Dhalinyarada Kaalin Ay Kaga Qaybgalaan Dadaalka Horumarineed Ee Ka Socda Dalka Si Looga Baxo Faqriga Iyo Gaajada

    Xoogsatada

    Xisbigu Waxuu Abaabulayaa Ururo U Dooda Xaquuqdooda Waxuuna Ka Qayb Qadanayaa Sidii Ay Kaalin Muhim Ah Uga Qaadan Lahaayeen Dalkooda.

    Xisbigu Waxuu Dhiirigalinayaa Ama Kor u qaadaya Farsamada Shaqaalaha Sare Iyo Wax Soo Saarka Shaqaalaha

    Caddaalada Iyo Garsoorka

    Garsoorku Waa Hay,Ada Sadexaad Ee Dawlada Ay Ka Koobantahay, Xisbigu Waxuu Xaqiijinayaa Madaxbanaanida Hay,Ada Garsoorka Si Loo Sugo Cadaalada Aysan Noqon Mid Ku Milantay Hay,Adaha Kale Xisbigu Waxuu Xooga Saarayaa Xeerarka Iyo Shuruucda Kale Ee Dalka Ee Lagu Saleeyo Sharuudaha Islaamka.

    Hay,Adani Waa Inay Sugtaa Xaquuqda Waajibaadka Muwaadiniinta .

    Dadwaynaha Waa In Laga Qaybgaliyaa Waqtiga Xukun Qaadida Iyo Xukunridida .

    Diinta Islaamka

    Diinta Islaamku Waa Diinta Umada Somaliyeed Waxayna U Ahayd Dhaqan Soo Jireen ah Kaalin Wayna Ka Soo Qayb Qaadatay Halgankii Umadu La Soo Gashay Gumaystayaashii Dalkeena Qabsaday .

    Diinta Islaamku Markasta Waxay Dalkeena U Ahayd Marjaca Nolosha ,La Dagaalanka Jahliga ,Ladagaalanka Dulmiga, Markastana Waxay Ku Baaqaysaa Sinaan , Cadaalad Iyo Horumarin.

    Xisbigu Waxuu Rumaysan Yahay Ku Dhaqanka Iyo Fidinta Diinta Islaamkla In Ay Waajib Tahay Dhawraana Kuna Dhaqmaana Diinta Islaamka .

    Dhaqanka

    Qoraalka Afka Soomaligu Waxuu Saameeyaa Ilbaxnimada Bulshada Iyo Horumarinta Suugaanta Bulsho Waynta Soomaaliyeed .

    1) Xisbigu Waxuu Xooga Saarayaa Noolaynta Taariikhda Iyo Hidaha Soomaaliya Iyadoo La Samaynayo Lana Xanaanaynayo Meelaha Kala Duwan Ee Taariikhiga Ah Oo Muujinaya Halganka Dheer Ee Umada Soomaaliyeed Usoo Gashay Gobonimadeeda Islamarkaana Baaris Lagu Sameeyo Dhulka Taariikhiga Ah Iyo Dhaqanada Dadka Somaaliyeed

    2) In La Dhiiri Galiyo Fanka Iyo Suugaanta Ciyaaraha Wadaniga Ah Ee Dadwaynaha .

    3) In Lala Dagaalamo Aqoon Xumada Qabiilka ,Eexda , Gobolaysiga ,Mukhaadaraadka Sida Khamrada ,Qaadka Iyo Waxii Asluub Xumada Ku Leh Bulshada, Lana Hormariyo Waxii Wanaagsan Ee Bulshada Wax U Taraya .

    4) In La Abuuro Saldhig Adag Oo Hormariya Waxii Wanaagsan Ee Bulshada Ee Abuuraysa Ruux Bulshanimo .

    Xisbiga Ramaas Political Party waxaa lagala xiriiri karaa:
    Daahir Ciiro
    Email:
    daahirciiro@hotmail.com

    Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh xisbiga RPP.

     Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2006


    Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
    TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
    Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
    Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


    MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


    Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
    © www.SomaliTalk.com




    HTML CD