SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Xaflad Sanadeedkii 5aad ee  Habeenka Waxbarasha Soomaalida Minnesota oo si wanaagsan u qabsoontay.
 

Maxamuud Nuur Wardheere

Minneapolis, MN

mnwardere@yahoo.com


Habeenkii ay taariikhdu ahayd June  2, 2006.  Waxaa lagu qabtay xarunta waxbarashada Soomaaliyeed ee Minnesota xaflad waxbarasho, taaso sanadkiiba mar la qabto.  Xafladaas waxaa looga gol lahaa in la dhiiriyo ardada iyo waalidiinta Soomaaliyeed.  Si ay aradada Soomaaliyeed guulo uga soo hoyiyaan waxbarashada gaar ahaan tan sare.
 
Ilaa dhawr iyo toban jaamacadood ama machadood ayaa ku soo bandhigay carwo waxbarasho (College Fair).  Ayadoo aradada iyo jaamacadaha wareysi badan dhexmaray.
 
Intaa ka dib waxaa loo gudbay qudbadihii waxbarasho ee ku salaysnaa  guubaabada iyo warbixinta la siinayey ardada iyo waalidiintaba.
 
Ugu horeyntii waxaa hadalka furay Mudane Abdimalik Askar oo ahaa xiriiryaha xafladda, waxaa ku xigay maamule ku xigeenka xarunta waxbarashada Soomaaliyeed ee Minnesota Dr. Ahmed Osman asagoo bulshada ku soo dhoweeyey xarunta uguna baaqay in xaruntu tahay xarun Soomaaliyeed oo bulshadu u istcmaali karto waxkasta oo waxbarashada ku saabsan, Dr. Ahmed waxaa uu sheegay in maamul ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in Bulshada Soomaaliyeed ku qabsato xaruntan xafladda habeenka waxbarashasha Soomaaliyeed sanadkii labaad.
 
Waxaa ku xigay Mudane Abdikariim Xayle oo ah gudoomiyaha ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Minnesota.  Abdikariim waxaa uu ka waramay xaaladda waxbarasho ee aradada Soomaaliyeed ee Minnesota.  Waxaa ku xigsaday marti sharaf James McCormic oo ah Chancellor Minnesota State Colleges and Universities (MNSCU) iyo Phillip Daves oo ah madaxweynaha Minneapolis Community and Technical College iyo Whitney Harris oo ag Director of Diversity and Mulicultural(MNSCU). Waxaa kale oo ka hadashay madasha gabar la yiraahdo Peou Pin Mene oo ah Multicultural Student Recruiter of Dakota County Technical College.
 
Waxaa kale oo meesha ka hadashay Hooyo Amina Ducaale oo ka socotay Ururka Soomaaliyeed ku hawlan  xuquuqda waxbarasho ee bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo la yiraahdo Somali Action Alliance. Aamina waxay canaan kulul u soo jeedisay maamulka iskuulada oo ay ku tilmaantay inaanay waalidiinta dhegaysan soona dhoweyn iyo madaxda gobolka oo ay tiri dhaqaale badan ayay ka jarteen xagga waxbarashada iyo ardada.  Waxaa kale oo goobta hadal guubabo ah oo xoog badan ka sheegtay Hooyo Cadar oo sheegtay in ayadoo qof weyn ah ay dhamaysay dugsiga sare haddana sheegtay in ay u socoto Jaamacad waxayna ka codsatay ardada yar yar in aanay ku qoslin hadii ay arkaan ayadoo boorso wadata oo dib arday u noqotay ayadoo uga jeeday in aanan waxbarasha laga weynaan.
 
Waxaa kale oo meesha ka hadlay Mudane Siyaad Gelle oo ah Human Rights Commisiioner, Owattona.  Mudane Siyad Gelle oo Hidiya wax ku soo bartay ayaa  ardada Soomaaliyeed ee Minnesota kula dardaarmay inay waxbarasha heer sare ka gaaraan sida ardada Hindiya oo kale.

Habeenka Waxbarasha Soomaaliyeed ee 2006 waxaa lagu xusay dagaalada iyo dhibta haysata ardada Soomaaliyeed guud ahaan waxaana shahaado abaal marineed la gudoonsiiyey Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota ayagoo lagu aqoonsaday doorkii ay ka qaateen iyo dadaalkii lacagaha ay ugu ururiyeen dadkii Soomaaliyeed ee abaaraha ku tabaaloobay. 

 
Xafladdan Habeenka Waxbarasha Soomaaliyeed ee Minnesota ee sanadkan ayaa waxay ku dhamaatay guul ayadoo lagu balamay in mustaqbalka haddii Alle idmo la xoojin doono
 
Habeenka Waxbarashada Soomaaliyeed ee Minnesota 2006 waxaa uu mahad gaar ah u gudbinayaa  Maamulaha idman ee xarunta waxbarasha Soomaaliyeed  Abdulqaadir Xiito iyo Mudaane Jamaal Adam –MCTC oo suurtogeliyey in xafladdan sidan hagaagsan u hirgasho.
Maxamuud Nuur Wardheere
Minnesota USA.
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 15, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD