SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  Ka Diida Buush: Shirib ku saabsan shirka New York              

Inj. Maxamed Cali Cibaar

 Delft, Holland 

mohamed_ebar@hotmail.com

  14 Juun 2006 

  • Ninkii Shalay walaalkaa diloo diyadii kuu diiday

  • Oo dafiray xaqii aad laheyd kuguna duullaan ah

  • Damqashiyo wanaag iyo qofkii  deeq ka filanaaya

  • Dareenkeyga waa ila  dabbaal daacadnimadiiye

  • Waa  ruux garashadiis dam too damac hodaayaaye

  • Waa duunyadoo kale amaba waa ka daranyahaye

  • Digdigtaa baxaysiyo beryahan dabinnadaa qoolan

  • Dowladnimada beenbeenta iyo waxa la daahaayo

  • kuwa miino noo  duugayow waan digtoonnahaye

  • Annagaa dalkeenniyo iska leh degelkan aan naalle

  • Diinteenna  annagaa  xora u ah Daa’in mahaddiiye

  • Dirqin yeeli meyniyo xisaab laysku dagayaaye

  • Darsi fulay idiin meeriyiyo dannigu waa beene

  • Cidna uma darnine maatidaan isku dumeynaaye

  • Daqarradii na gaaraan rabnaa inaan dabiibnaaye

  • Dimuqraaddi haddii uu jiroo duni xushmeyneyso

  • Hadii uu dadweynaha tashaday dooran karo tiisa

  • Daawadeennu waa noo caddoo helnay dariiqiiye

  • Dabkii nagu baxaayiyo haddaan damin colaaddiiye

  • Haddii aadan dagaal doon ahayn dhiig hor loo daata

  • War na daaya danihiinna jaan doqon un baa mooge.

Waxaa laga  wada war hayaa maati-dooxii ka dhacay magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay. Marka laga reebo kooxihii Soomaalida ahaa ee ku hardamayay gacan ku haynta magaalada waxaa soo ifbaxday in  dowladda Mareykanku ay maaliyad faro badan ku bixisay hurinta dagaalkaas xasuuqa ahaa. 

Markii laga itaal roonaaday Qabqableyaashii ay  dowladda  Mareykanku taageeraysay oo noqday wax Muqdisho laga eryay iyo wax ku dhawaaqay in ay ka baxeen Isbahaysigii Sharta  ee ay qandaraaska ku soo qaateen ayay dowaladda Mareykanku billowday waji kale oo ay ku xagaldaacineyso isbeddellada cusub ee ka socda magaalda Muqdisho kaasoo hadda ku sii fidaya gobollo kale. 

Haddiiba uu xishood jiro waxay ahayd  in dowladda Mareykanku ay cudurdaar ka bixiso maati-xasuuqii ay lugta ku lahayd isla markaana ay magdhow ka bixiso khasaarihii dhacay oo naf iyo maalba lahaa. Lakiin marka la qiimeeyo dhanka dunidu u rarantahay iyo xaaladaha jira arrinkaasi ma aha mid looga fadhiyo Bush iyo inta wax la maamusha. 

Kulanka ay dowladda Mareykanku abaabushay oo maalinta berrito ah ( khamiis , 14-june 2006)  ka dhici doona Magaalada Newyork ayna ka soo qaybgalayaan dowlada Ingiriiska, Talyaaniga, Iswiidhan, Norwey, Tansaaniya iyo ururro caalami ah ayaa la isweydiin karaa ujeeddada ka dambeysa abaabulkiisa. Maxay tahay ujeeddada aan shirka loo abaabulin markii maatida madaafiicda lala dhacayay oo loo baraarugay markii loo itaalsheegtay qabqableyaashii calooshooda u shaqeystayaasha ahaa? 

Fikirkayga,  shirkani wuxuu u saansaan egyahay shirkii  122 ( Boqol iyo labaatan iyo laba ) sano ka hor lagu qabtay magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka sanadkii 1884tii. Shirkaas   iyadoo la qiimeynayo rabitaankii dowladihii Yurub ee xilligaas  adduunka ugu xoogga roonaa waxaa ummaddii Soomaaliyeed  loogu qaybsaday shan qeybood, iyadoo aan ka warhaynin. Hubaal shirkan berrito innaba loogama fadhiyo in looga hadlo maslaxad ummad Soomaaliyeed, waxaase la isla meel dhigi doonaa sida ugu macquulsan ee loo dhiraandhirin karo danaha culsulus  ee Soomaaliya laga leeyahay, gaar ahaan danaha waddanka Mareykanka oo ruwaayaddan cusub arbe ka ah. 

Soomaalida arrinkeeda waxaan u rajeynayaa inuu noqdo “ Allaa watoo wehel uma baahna” Wayse habboontahay in la dadaalo oo la feejignaado. Waa nasiibarro in dadkeennii, diinteennii iyo dalkeennii ay dowlado shisheeye u tashadaan iyadoon Soomaali cidina waxba ka weydiineynin. 

Gabgabadii waxaa ila habboon in aan lagu habsaamin in Mareykan la raalli galiyo, lana aamino in wax uusan raalli ka ahayni aysan socon karin, waa sida ay dad badani ku doodaane. Mowle ayaa wax kasta ka weyn kana awood badan isaga ayaana mudan  in la raalli galiyo oo la magan galo.  Ha la xusuusnaado  in Madaxweyne Bush iyo inta wax la maamushaa ay hoog nala damacsanaayeen oo ay calooshooda u shaqeysteyaal Soomaali ah iyo kuwo ajnabi ahba  noo soo kireysteen. Laakiin uu Rabbi ayaa noo hiilliyay oo uu Burcaddii kala haatiyay. Sow markaa naguma habboona in aan qirno awoodda Eebbe aanan siinno kalsooni buuxda taasoo maslaxad noo ah. 

Anigoo 100% aaminsan in waxa shirka berito ah ka soo baxaya aysan u daneyneynin ummad Soomaaliyeed balse looga daneysanayo ayaan qoraalkeyga ku soo gabagabeynayaa Shiribkan aan ku magacaabay: Ku diida Buush, oo aan ku tilmaamayo siyaasadaha jiho-wareersan ee maamulka Washiton uu hadda la damacsanyahay Soomaaliya. 

Shiribku wuxuu ku billaabmayaa sidan: 

         Soddon walxaad oo deel ku taal ka diida Buush dadkeygiyow: 

  • 1.      Markaan ku dilo ii decee, ka diida  Buush dadkeygiyow

  • 2.      Taada dayace tayda doon, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 3.      Gumeysi doorta ducufooy, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 4.      Iiga dambeeya dunidaan, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 5.      Dusha I saar sidii dameer, ka diida Buush dadkeygiyow

  •  

  • 6.      Ninkii dukada waa dakhraa, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 7..  Dullaal ha beecsho shiik da’ weyn, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 8.      Iska dud sidii duunyadii, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 9.      Dimuqoraaddi diin kalaa, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 10.  Anaaba Daa’in doorinaa, ka diida Buush dadkeygiyow

  •      

  •  

  • 11. Qofkii dakiya waa dilaa,  ka diida Buush dadkeygiyow

  •    12. Diktoor ma rabee deldelaay, ka diida Buush dadkeygiyow

  •    13. Damiinnadaan idiin xulaa, ka diida Buush dadkeygiyow

  •    14.Dayuus danjire iiga yeel, ka diida Buush ha dadkeygyow

  •    15. Doqonka duubta daallinkaa, ka diida Buush dadkeygiyow

  •  

  •   16. Dalaq ku soo dheh  dabinkaan,  ka diida buush  dadkeygiyow     

  •   17. Dabka dhigee daciif ahow, ka diida Buush dadkeygiyow

  •   18. Daraja la’aan damiin ku joog, ka diida Buush dadkeygiyow

  •   19. Deegaanku yuu difaac lahaan, ka diida  Buush dadkeygiyow

  •   20. Derisyadaan idiin dabraa, ka diida Buush dadkeygiyow

  •  

  • 21. Daroogo quuta waa dawee, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 22.Dalkiinna siista doollar  baas, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 23.Soo dajiyoo calanka duub, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 24. Deeqda dhulkiinnaan daldalaa, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 25. Adna dambiisha ii xamaal, ka diida Buush dadkeygiyow       

  •  

  • 26.Damiir xumo dugaag ahow, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 27.Dabbaal noqoo walaalkaa doox, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 28.Colaad ha damin ee duljoog, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 29.Dumi dhulkaadoo doon ka raac, ka diida Buush dadkeygiyow

  • 30.Aan soo dagee adna dagaag, ka diida Buush dadkeygiyow

Dusha I saar sidii dameer, ka diida Buush dadkeygiyow

Anaaba Daa’in doorinaa, ka diida Buush dadkeygiyow

   Doqonka duubta daallinkaa, ka diida Buush dadkeygiyow

   Derisyadaan idiin dabraa, ka diida Buush dadkeygiyow

   Aan soo dagee adna dagaag, ka diida Buush dadkeygiyow 

Ka diida Buush dadkeygiyow, ka diida Buush dadkeygiyow

Ka diida Buush dadkeygiyow, ka diida Buush dadkeygiyow

         Ka diida Buuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuush !

         Dadkeygiyooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooow!

          ----------------------------------------- 

                              Dhammaad 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

14 Juun,  2006 

Mohamed_ebar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 15, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD