SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Xafladii Nugaal University ee Minnesota U.S.A 

Xaflad aad loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey badhtamaha magaalada Minneapolis, Minnesota. Ujeedada xafladaas oo ahayed in deeq loogu raadiyo Jaamacada Nugaal University. Waxaa ka soo qayb galay madax ka socotey Jaamacada Inver Hills Community College, Minneapolis Community College iyo madax kale oo ka kala socotey ururada bulshada: African Community Services, Somali Women Civil War Survivals, Puntland Women Association, Confederation Somali Community of Minnesota, Somali American Media, Somali Show TV, iyo Professors ka socdey jaamacado kala duwan. 

Xafladaas ayaa waxa lagu soo bandhigay taariikhdii Nugaal University iyo baahida hada jirta oo kooban. Waxana baahida lagu koobey labo arin oo muhiim ah: In loo dhiso dhismo ay jaamacadu leedahay iyo in la badiyo dhigashada ardeyda oo la siiyo deeq waxbarasho (scholarship).  

Waxaa warbixin iyana  halkaas ka soo jeediyay waftiga u socota Jaamacada Nugaal.Waftigan ayaa ujeedada safarkeedu yahay inay xidhiidh saxaabitinimo u sameeyaan Jaamacada Inver Hills College ee ku taal dalka Maryanka, gobolka Minnesota  iyo Jaamacada Nugaal iyana ku taala Las,anod , Soomaaliya. 

Deeqdii halkaas lagu balanqaadey ayaa waxa ay gaaraysey $22,500 kun oo dollar, taasi oo loogu tala galay in lagu taakuleeyo baahida jaamacada: dhismaha jaamacaddu ay hada ku jirto oo ah mid kiro ah iyo ardeyda jecel waxbarashada oo aan awoodin in ay iska dhiibaan waxbarashada.  Dadkii lacagtaas balan qaadey oo loo qabtey in mudo yar in ay ku soo xareeyaan lacagta si waftigan baxaya ay lacagta u sii qaadaan.  

Waftigaas oo haddii Alla nabad ku soo celiyo diyaarin doona warbixino si weyn u taakuleeyn doona jaamacada Nugaal University iyo guud ahaan Waxbarashada Puntland State.

Abdi Aar Labago’le

Somali American Media (SAT)

Kala xiriir: aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 19, 2006

Taariikh Kooban Soomaaliya: 1960 - 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD