SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed, Gudoomiyaha Maxkamadaha Islamiga ay layeelatay wakaaladaha warfaafinta IRIN & REUTERS oo Soomaali loo tarjumey | Somalia:  Nairobi, 22 June , 2006

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
Sheikh Sharif Sheikh Ahmed

Taariikh-Nololeed:
Sheekh Shariif waa 42 jir, waxuuna ku dhashay Jowhar, gobalka Shebelada dhexe, oo u jirta magaala madaxda Muqdisho, 90 kiilometer.  Sheekh Shariif wuxuu wax ku bartey magaalada Muqdisho, wuxuuna waxbarashadiisa heer jaamacad ku qaatey wadanka Liibiya halkaas oo uu ku bartey cilmiga garyaqaanimada. Wareysigaan ayuu sheekhu siiyay hay’ad ka tirsan Qaramadda midoobey taas oo loo yaqaan (IRIN).

Markii la waraysanayey sheekha wuxuu ka warbixiyey iskuulkii uu macalinka ka ahaa sanadku markii uu ahaa 2003, kaas oo ku yiil degmada Yaaqshiid ee waqooyiga magaalada Mogadisho. Warbixintiisa waxaa ka mid ahaa in arday ka mid ah ardaydii uu wax barayey oo ay afduubteen kooxo dablay ah oo warsaday lacag madax furasho ah si ay u sii daayaan ardaygaas. Sheekha oo ka shaqaynayey sii daynta ardaygaa ayaa isaga iyo dad kale waxay isku keeneen in ay sameeyaan maxkamad ka hor tagta afduubista iyo dhaca deegaankaas. Waxaana isla markaa loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha maxkamadaas.

Waa kan su’aalihii iyo jawabihii ay IRIN waydiisay Sheekh Shariif:

Su’aal: Dawlad caynkee ah ayaad la rabtaan in ay hesho soomaliya?

Jawaab: Waa sahal in la sameeyo dawlad laakiin waxaa muhiim ah in la helo dowlad dadku ay rabaan oo ku shaqaysa cadaalad. Taas oo meteli kartana dadkeeda hawleheedana gudan karta. Dowlad caynkaas ah ayaan rabnaa oo soo afjarikarta dowlad la’aanta ka jirta Soomaaliya. 

Su’aal: Sideed u aragtaan in aad u wajahdaan  ciidamadii hogaamiye kooxeedyadii laga adkaaday?

Jawaab: Waxaan rabnaa in aan u soo dhawayno si bini’aadinimo leh inagoo ilaalinayna xaquuqda ay ku leeyihiin wadanka. Waxaan u furaynaa xeryo lagu dhaqan celiyo, laguna baro xirfado kala duwan si ay noloshooda wax uga badelaan, ugana qayb qaataan dib u dhiska wadankooda iyo soo celinta nabada.

Su’aal: waa maxay qorshihiina siyaasadeed ee ku aadan dowladda ku meel gaarka ah?

Jawaab: Fikirkeena ku aadan dawlada ku meel gaarka ah waxuu yahay in ay ku guul daraysatay in ay wadanka dhibka ka saarto. Waa dowlad wadanka dibadiisa lagu soo dhisay. Waxaana soo dhisay dowlada itoobiya. Dadka lagu marti qaaday iyo hanaanka loogu martiqaaday waxaa soo go’aamisay IGAD, taas oo faragelin weyn ay ku laheyd uga timid xukuumada Addis ababa. Dadka shirkaas ka qayb qaatay waxay ahaayeen kuwo lagu soo xulay yaa wax bi’in kara ee ma ahayn kuwo lagu soo xulay yaa wax hagaajin kara, waxayna ahaayeen kuwo qayb weyn ka qaatay burburkii loo gaystay wadanka 16kii sanadood ee la soo dhaafey. Dowladaan oo loogu talo galay in ay ka shaqayso dib u heshiisiin way ka leexatay u jeedadii loo soo dhisay, sidaa awgeed waxaan qabnaa wax qabadka dowladaan in uu yahay mid aad u liita. Waxayba dowladani ku soo kordhisay dalka dhibaatooyin dheeraad ah, hadana waxay rabaan in ay ciidamo shisheeye ah in ay wadanka kenaan, sidoo kale wasiiradii dowladan ka midka ahaa ayaa bilaabay xasuuqii loo geystay shacabka 4 bilood ee la soo dhaafay magaalada Mogadisho. Xaqiiqadu waxay tahay oo noo muuqata in aan lagu aamini karin maslaxada iyo himilada ummada soomaaliyeed ee dowladaan.

Su’aal: Dowladaan waxaa aqoonsan caalamka, idinkuna hadda ayaad wadanka Sudan kula kulmi doontaan marka sow taasi tusaale uma ahan in aad aqoonsi u heysaan oo ay door ku leedahey aayo ka talinta soomaaliya?

Jawaab: Maya, saa ma ahan. Inkastoo ay yihiin wax ay soo dhistay dowlada shisheeye, kartina aysan u lahayn in ay metelaan ummada soomaaliyeed,  hadana waxaan goosanay in aan wadahadal la galno si aan u badbaadino maslaxada ummadda soomaaliyeed oo aan uga hortagno in dhiig kale oo soomaaliyeed sii daato.Waxaa kale oo aan wadahadalka ula gelaynaa in aan ku dhowrno sharafta aan u heyno beesha caalamka oo nagu casuumtay shirka. Waana sababta kaliya oo aan ula xaajoonayno.

Su’aal: Ma waxaad isku dayaysaan in aad saxdaan wax idinka idinkula muuqda daciifnimo ama qaladaad aad ku aragteen dowlada?

Jawaab: Himiladeena ayaa ah in aan helno sidii aan wax ugu qaban lahayn ummadda soomaaliyeed. Waxa ugu muhiimsan waa in ummaddu leedahay go’aanka wax lagu qabsanayo, si markaasi ay go’aanadoodu u noqdaan kuwo la hirgalin karo, dadkana aan ka xorayno dhibkii lagu hayey 16kii sano ee la soo dhaafay, taasina waa u jeedadeena guud.

Su’aal: Marka ma waxaad rabtaan in aad qabataan shirweyne dowlad cusub lagu dhisayo?

Jawaab: Maya ma dhisayno dowlad. Waxaan halkaan u joognaa in aan ummadda wax u qabano, waxaa kale oo aan rabnaa in kacdoonka ummaddu uu noqdo wax dadkayagu ku dhiiri geliya in ay wax qabsadaan iyaga oo aan waxba ka sugin dowladna. 

Su’aal: Taasi marka macneheedu ma waxay tahay in aad shacabka u daynaysaan in ay aayohooda ka tashadaan?

Jawaab: Haa, Shacabku waa in ay iyagu is xukumaan ayna dhistaan qaabkooda dowladnimo si aysan mar dambe u handadin dowlad kasta oo xukunka qabata. Taa macneheedu waxaa weeye in kaligii talis dambe sida kii waqtigii lasoo dhafay uu san u dhicin shacabkuna xor u ahaadaan, talada kama dambaysta ahna ay iyagu marwalba leeyihiin.

Su’aal: Adiga ama xubin ka tirsan midowga maxkamadaha islaamiga ah wax xiriir ah ma la yeelateen, dowladaha iyo ururada caalamiga ah?

Jawaab: Waan hubaa in aad la socotid in aan waraaqo u dirnay dhowr dowladood iyo ururo caalami ah intaba, sababta aan ugu dirnayna waxaa weeye in aan caalamka u sheegno arimaha xamar ka socda in ay yihiin kacdoon shacab, sidaasna ay u fahmaan.

Su’aal: Warqadihii aad dirteen ma jirtaa cid ka soo jawaabtay?

Jawaab: Waqtigaan xaadirka ah jawaab rasmi ah oo aan helnay ma jirto, laakin waxaa noo muuqata in waraaqihii aan dirnay in ay isbedel muhiim ah ku dhalisay fikirkii ay beesha caalamku ka qabtay ummadda soomaaliyeed.

Su’aal: Waa noocee maamulka aad ka dhisteen Mogadisho iyo meelaha kale ee gacantiina ku jira?

Jawaab: Weli heerkaan ma aynaan gaarin, wali waxaan ku jirnaa wada tashi aan la samaynayno waxgaradka, mutacalimiinta, iyo caaqilada, ku nool gudaha iyo dibada dalka. Waxaan ku gudo jirnaa uruurinta fikradaha iyo talooyinka wanaagsan oo ay noo soo gudbinayaan dadka soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba. Markii aan dhameystirno daraasooyinka fikradahaas iyo talooyinkaas ayaan kale soo bixi doonaa kuwa ugu fiican, shacabkana soo hordhigi doonaa, si loo dhaqan geliyo fikradaha ugu wanaagsan. Waxaan wali ku guda jirnaa wadatashi.

Su’aal: Ma runbaa in midowga maxkamaduhu bilaabeen in ay ilaaliyaan habeenkii jidadka magaalada Mogadisho?

Jawaab: Haa, waan bilownay in aan habeenkii magaalada Muqdisho ilaalino si aan nabada u sugno. Waxaan rabnaa garoonkii diyaaradaha, dekeda, iyo ilaha muhimka ah ee dhaqaalaha in aan furno si shacabka soomaaliyeed ay nolol u helaan.

Su’aal: waa maxay waxa ugu wayn ee idinka hortaagan soo celinta ammaanka iyo kala dambaynta?

Jawaab: Ma jirto caqabad gaar ah oo na hortaagan, laakin waxaa jirta in wadankaani uu ahaa nadaam la’aan muddo lix iyo toban sanadood ah oo qof waliba hubeysan yahay.

Ma doonayno in aan deg degno, balse waxaan doonaynaa in si taxadir leh aan u sameyno qorshihii aan wax uga qaban lahayn nidaam iyo kala dambayn la’aanta jirta.

Su’aal: Marka laga reebo soo celinta nabadgelyada, iyo soo celinta nidaamka iyo kala dambaynta maxaa kale ayaad rabtaan in aad qabataan?

Jawaab: Waxaan rabnaa in dadkayaga lagu maamulo cadaalad iyo sinaan oo ay iyagu noqdaan kuwo iska leh go’aankooda laguna ixtiraamo.

Su’aal: Waxaa midowga maxkamadaha lagu eedeyey in ay magangelyo siiyaan dad looga shakisan yahay argagixisnimo ee maxaa arintaa ka jira? Wax xiriir ah se mala leedihiin ururka Al-qaacida?

Jawaab: Ee daymahaani waa been abuur. Haddii ay nala joogaan ciidamo ajnabi ah, waa la arki lahaa iyagoo ciidankayga u dagaalameya, xiligii qabqablayaasha dagaalka kula jirney. Dadka soomaalida ahi ma ahan dad lagu dhexdhuuman karo oo qof kii aan dalka u dhalan wuu muuqan lahaa, lamana qarin karo.

Su’aal: Sidee rabtaan in aad ula dhaqantaan wadamada reer galbeedka qaasatan wadanka Maraykanka?

Jawaab: Waxaan kula dhaqmaynaa adduunka oo dhan tixgelin iyo wadashaqeeyn. Ma doonayno in aan ku xad gudubno ama aan dulmi u gaysano wadan kale. Sidoo kale waxaan wadan kasta ka rabnaa in aanu nagu xadgudbin.

Su’aal: Waxaa lagu eedeeyey maxkamadaha in ay kasoo horjeedaan dowlada Maraykanka, arrintaasi ma runbaa?

Jawaab: Dowlada Maraykanka ayaa mas’uul ka ahayd dagaaladii ka dhacay magaalada Mogadisho ee u dhexeeyey kacdoonka shacabka iyo dagaal oogeyaasha, sababtoo ah dowlada maraykanka ayaa siiyey dhaqaalaha ay shacabka kula dagaalamayeen dagaal oogeyaashu. Shacabka soomaaliyeed kama soo horjeedaan dowlada Maraykanka, ee dowlada Maraykanka ayaa taageertay kuwii shacabka dhibka ku hayey. Ugu dambayntii shacabka soomaaliyeed ma ahan cadowga dadka maraykanka.

Su’aal: Sideed u aragtaan ciidamo nabad ilaalin ah oo la keeno wadanka soomaaliya?

Jawaab: Waxaan u aragnaa in ciidamo shisheeye keenisteedu in ay tahay qalad, xiligaana soomaaliya uma baahna in la keeno ciidamo shisheeye, sababtoo ah illaah baa xaliyey dhibkii haystey ummada soomaaliyeed. Waa in laga caawiyaa soomaaliya sidii la isugu keeni lahaa oo ay aayohooda uga wada tashan lahaayeen. Waxaan u baahanahay in hubka laga dhigo dhalinyarada laguna dhaqan celiyo bulshada. Waxaan u baahanahay in lafuro ilaha dhaqaalaha, iskuulada, isbitaalada, iyo in la nadiifiyo magaalo madaxda oo lagana qaado qashinka yaalay mudo lix iyo toban sanadood ah. Arrimahaas baan u baahanahay in wadamada deeqda bixiyaa naga caawiyaan.


Heshiiskii Khartuum| Jun 22, 06
Sawirka: Sudan SUNA

Su’aal: Dowlada ku meel gaarka ah waxay rabtaa in aad hubkiina dhiibtaan, sided u aragtaan arrintaa?

Jawaab: Taasi ma ahan wax quseeya dowlada ku meel gaarka ah mana aha arin ay isku mashquuliso, madaama ay awoodi waysay in ay gudato waajibaadkeedii. Hubka waxaa nagu amaanaystay shacabka soomaaliyeed, iyagaanan u haynaa. Hadii eebe yiraahdo waan haynaynaa hubkaa ay shacabku noo dhiibteen ilaa ay ka imaanayso, dowlad sax ah oo waajibkeeda gudanaysa. Ugu dambayntii xiligan xaadirka ah dowlad nagala wareegi karta howlahaan aan shacabka u heyno, oo lagu aamini karaa ma jirto.

Su’aal: Ma jiraan wax aad ku daraysaa?

Jawaab: Waxaan jeclaan lahaa in aan u sheego ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in aan ka faa’iidaysano fursadaan qaaliga ah. Waxaa yimid xili cusub oo ay ummadda soomaaliyeed gashay, hadaba waxaa qofkasta oo soomaaliya looga baahan yahay in uu gacan ka geysto fikrad ahaan oo aan is kaashano si aan uga baxno dhibta ummada soomaaliyeed haysata.

Waxaa tarjumey

Hussein Warsame    hawars02@smumn.edu

Nur Faarax             nfaarax@gmail.com

Salah Warsame       swarsame@yahoo.com

 Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2006

 


Heshiis Khartuum ku Dhexmaray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo DFKMG
Qodobada ay wada saxiixdeen waxaa ka mid ah in maxkamad la soo taago qabqalayaashii dagaalka, iyo in labada dhinac uu midba kan kale... Guji...


Waraysiyo Ku Saabsan Guddoomiyihii Baarlamaanka DGPL oo Xilkii Laqa Qaaday....
iyo Puntland oo ka laabatay Qodob ka mid ah Heshiiskii ay la galeen shirkadda "Range Resources..."... Guji.... Jun 21

VOA: Safiirkii USA u Fadhiyi jirey Itoobiya oo Ka Hadlay Xaalada Cusub ee Soomaaliya & Ciidama Itoobiya
Ka Dhegeyso VOA:: Halkan ama Halkan


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD