SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Imaaraadka Carabta: Itoobiya ha noo gacan qaban.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Soomaalidu waxay tiraahdaa “Sidaan kuugu lesay iiguma aadan hambeyn”. Dalka Imaaraadka Carabta oo ah dal carbeed, isla markaana dadkiisu ay yihiin Muslim ayaa dadka qaarkii ee wax ka qora Taariikhda waxay sheegeen in mudo aad u fog in Soomaaliya ay soo gaareen dad u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta oo dalkooda uga soo cararay dagaalo sokeeye iyo walibo abaaro, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Soomaaliya, waxayna dadkaasi ahaayeen kuwo ka soo jeeday dadka maanta talada dalka Imaaraadka haya, gacan siin kadib ayaa dadkaasi dib ugu laabteen dalkoodii sida ay Taariikhdu xuseyso, waxayna la wareegeen xukunkii wadanka, wixii intaa ka dambeeyay waxaa sii xoogeystay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna xiriirkaasi sii laba laabmay wixii ka dambeeyay sanadihii Sideetameeyadii, waxaana la sheegay in Sheekh Zaa’id Bin Suldaan Al-Nahyaan Allaha u naxariistee in marka kasta fagaarayaasha ka sheegi jiray in Dadka Soomaaliya ay yihiin kuwo gacan siiyay oo uusan ilaabi doonin.

Geeridii Sheekh Zaa’id kadib waxaa xukunkii la wareegay rag ay walaalo yihiin, waxyana soomaalidu ka fileysay ragga cusub in ay sii laba laabaan xiriirkii dhexdooda yiilay, hase yeeshee taasi ma dhicin, oo markiiba waxa uu dalka Imaaraadka Carabta joojiyay Baasboorka Soomaaliya, kadib markii Dowladda Imaaraadka qiil uga dhigatay in Baasaboorkaasi yahay mid uu qof waliba iska qaato.

Waxaa dhacday in dadka Soomaaliyeed oo si weyn ugu xiran wadanka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, waxaana dhihi karnaa dalkaasi waxa uu yahay xarunta ugu badan ee ganacsiga Soomaaliya ku xiriiro, waxaana la og yahay in dalka Soomaaliyeed ay si sharciyan ah ku geli jireen wadankaasi oo xitaa weligeed aysan dhicin in shaqsi soomaali ah uu si sharcidaro ah ku galo wadankaasi, waayo fiisayaasha ay bixiso waxa ay ahaayeen kuwo si aad ah loo hubiyay, iyadoo taasi ay dhab ahaan u jirto ayaa dadka Soomaaliyeed si weyn uga walwaleen joojinta Baasaboorkooda, waxayna ogaadeen in aysan marnaba ka maarmin dalka Imaaraadka Carabta, waxayna dad badan oo Soomaaliyeed arrrintaasi ku qasabtay in ay qaataan Baasaboorka Itoobiya oo la sheegay in uu ka sahlan qaadashadiisa Baasaboorka Soomaaliya waayo qofku si fudud ayuu ku baxsanayaa lacag uuna ku helayaa Baasaboor toobiyaah ah.

Hooyo Soomaaliyeed oo caafimaad ugu socotay wadanka Imaaraadka Carabta ayaa iyadoo ilmeyneysa waxa ay tiri “Weligay isma oran waxaad qaadaneysaa Baasaboor Itoobiyaan ah”, Nin kale oo ganacsato ahaa isna waxaa uu yiri “Runtii wadanka Imaaraadka Carabta waxa uu noo gacan qabtay Itoobiya oo cadaawad soo jireen ah naga dhexeyso”/

Marka lays barbardhigo Baasaboorka Soomaaliga ah iyo kan Itoobiya oo haatan si fudu lagu qaato, waxaa dalka Imaaraadka Carabta u fududeed xaga la socoshada Baasaboorka Soomaaliya, waayo Fiisayaasha ay bixin jireen ayaa ahaa kuwo xadidan oo sharciyeysan, halka Baasaboorka Itoobiya uu maanta qaatay qof kasta.

“Imaaraadka Carabta miyeysan ogeyn in aan xoriyad qaadanay 1960 oo aan nahay dal xor ah oo leh Baasaboor sharci ah” ayuu yiri nin dhallinyaro ah oo markaasi u socday dalka Imaaraadka Carabta isagoo ka dhoofay Magaalada Muqdisho, waxa uuna intaa ku daray “Imaaraadka Carabtu way la socdaan in dadka Soomaalida ah ee Baasaboorka Itoobiyaanka ah in ay si toos ah uga soo baxaan Soomaaliya aysan ka imaan Itoobiya”.

“Waxaan jecleystay in aan caafimaad ahaan u aado dalka Imaaraaka Carabta, hase yeeshee anigoo muwaadin Soomaaliyeed ah waa ugu ceeb maanta in aan qaato Baasaboor Itoobiyaan ah” ayuu yiri nin Odey ah oo sheegay in dalka Imaaraadka Carabtu uu yahay mid aan gudin abaalkii ay u galeen ummadda Soomaaliyeed, wuxuu intaa sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed ma waxay wada qaadanayaan Baasaboor Itoobiyaan, haddiise ay taasi dhaco saw ma ahan Itoobiyaan noqda oo magiciina iyo sharafkiina iska hilmaama”.

“Dal nooga shisheeya Imaaraadka Carabta ayay dadka Soomaaliyeed ku tagaan Baabasaboorkooda, sidaa darteed waxaan u maleynayaa in Imaaraadku aysan dhab ka ahayn marmarsiyaha uu ku joojiyay Baasaboorkeena laakiin ay arrintu u egtay Itoobiya wada noqda” ayuu yiri wiil Soomaaliyeed oo Muqdisho ku sugan.

W/D: Aamiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 26, 2006

Saadaasha Amiin Caamir Maxaa uga faa’iidyesan weynay?.. GUJI....

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD