SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!
  • WQ.  SH. XASAN JAAMICI
Aayadda 10aad ee suuradda Al-xujuraat waxay tilmaameysaa in dib u hishiisiin taabagal ah laga dhexfuro walaalaha dagaalamay.  Anagoo aayaddaasi ka duuleyno, Soomaalideena dibadda ku nool shacabka Soomaalida ee gudaha jooga waxay nagaga baahan yihiin kaalinteena inaan gudanno anagoo dibadda joogno.  Taasi micnaheeda waa inaan halkaan ka furno doodo dib u heshiisiin iyo isbedelada nabadeynta ee gudaha ka socda oo ficlan raad xoog leh ku yeelan karto gudaha waayo waxaan leenahay:
 
1.  Awood dhaqaale haddii la nidaamiyo oo la mideeyo
2.  Awood caqli iyo waxbarasho waa haddii lagu hago waddada toosan ee Ilaahey uu raali ka yahay.
3.  Dhisid awood siyaasadeed anagoo kala aragti ah laakiin danta guud ee Soomaali weyn ka shaqeynayno taasoo raad ku yeelan karto isbedelada gudaha
4.  Awood horumarin oo arimaha bulshada gudaha wax ka qaban karto isla markaana badbaadin karta shacabka ku nool nidaam la’aanta. 
                 
  MAXAA KA RABNAA DOWLADDA CUSUB ee Ku meel gaarka?
 
Si ay u hesho kalsooni buuxda oo ka timaada Soomaalida dibadda ku dhaqan waxaa lama huraan ah:
 
1-In labadaba dhinaca ee dowladda iyo Maxaakimta ay khilaafaadkooda ku dhameeyaan wada hadal ku saleysan MABAADI’ KA SOO JEEDA DIINTEENA SUUBAN OO AH DHAQANKA SOOMAALIDA.
 
2- In ay ka fogaadaan adeegsiga nidaamka qabaliga oo ah cunsur hortaagaan in Soomaaliya ay gaarto xal waara. Nabi Muxammad NNK wuxuu yiri: Qabyaaladdu waa shay qurun ah ee halaga fogaado.  QABYAALADDA WAXAY QURMISAA AMA HALAYSAA XIRIIRKA WALAALNIMADA IYO WADA SHAQEYNTA.  Sida darteeda waa inay baa ba’daa caadifadda qabaliga oo na burburisay 14 sanno kana faa’ideysano fursadda dowladdnimo ee jirta maanta.
 
4- MABAADI’DA Islaamka ee soomaali isku raacsan tahayna aan GOR GORTAN LA GELIN  sida:   MABDA’ Qaranimada iyo Madaxbanaanida Soomaali Weyn, WALAALTINIMA IYO MIDNIMO LA KALA ARAGTI DUWAN YAHAY. NIDAAM DOWLADEED OO SHARCI IYO KALA DAMBEYN LEH. Waa inaan fiirinnaa mustaqbalka oo aan ku wareegeysan khilaaf na hor yaalay 14 sano. 
 
QEYBSANAAN QABYAALAD KU SALEYSAN DAL BAY  DUMISAA EE  DOWLAD MA DHISTO
 
Waxaan rabnaa wax na heshiisiiya, na walaaleeya, na mideeyo inagoo kala aragti iyo kala faham ah, laakiin isku dan wada ah oo meel keliya u wada socda.  Dowladda iyo Maxaakimta waa inaan ka caawinnaa siday isku fahmi lahaayeen iyagoo si wada jir ugu shaqeynayo maslaxadda guud ee Soomaali weyn.
 
IS CAFIN GUUD
 
Waxaan rabnaa in leys cafiyo oo Dowladda meel isugu tagta, oo ay ku noqoto caasimadda Muqdishu.  Sidaa darteeda,  waa in maamul loo helaa gobolka Banaadir oo lagu soo celiyo nidaam iyo kala dambeyn.  Waa in dowladda ixtiraamtaa nidaamka dib u heshiinta oo ay makamadaha iyo shacabka ka wada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa maamul mideysan oo dib u soo celiya  nidaamka iyo kala dambeynta caasimadda Muqdisho.  Sidaa darteeda, taasi waxay ku iman dadkoo la wada heshiisiiyo, In lays cafiyo, In xuquuqda la kala heysto si nabad ah laysugu celiyo intaba ay ku timaado qaab dib heshiisiin ah oon xoog ku saleysneyn.  Dowladda waa inay ixtiraamtaa rabitaanka iyo kacdoonka shacabka. 
 
MAYA CIIDAN SHISHEEYE
 
Haddii ciidan la keenayo waa inay ku yimaadaan rabitaan shacabka (Afti shacabka oo la qaado ama Baarlamaanka oo idma sida ku qayaxan Dastuurka DKG iyo nidaamka dib u heshiisiin ee maquunin ku jirin) iyadoo laga reebayo cidamada safka hore ama ciidan kasta oo khatar ku noqon kara diinta iyo midnimada shacabka soomaaliyeed.

MASLAXADDA QARANKAA ama SHACABKA KA HOREYSA TAN GAARKA AH

 
DANTA GUUD  waa inay na hortaala mar walba anagoo maskaxda ku hayno:
 
·       Dal bur bursanaa tan iyo 1991
·       Dadkii dalkaa lahaa oo u baahan in laysku keeno
·       Kumaankun dhintay sabab la’aan
·       Kumaankun naafoobay oo caawimaad heysan
·       Dhaqan celin Islaami ah in lagu sameeyo caruur iyo dhalinyaro fara badan oo hubeysan oo aqoon micnaha nabadda iyo horumarka
·       Waayeel iyo Dumar iyo Rag fara badan oo cabsi ku nool habeen walba oo hurdo sax ah aanan seexan.
·       Hay’addahii dowladda oo wada bur buray
·       Xuquuq fara badan oo la kala heysto
Intaba iyo inka badan siday u soo noqdaan waxaa lama huraan ah in  laga shaqeeyo wacyi gelin iswadata oo isla jaanqaadda dibadda iyo gudaha taasoo salka ay ku heyso in dib loo soo nooleeyo MASLAXADDA GUUD EE QARANKA (NATIONAL INTEREST) iyadoo isku si loo ixtiraamayo qof weliba xuquudiisa reerkuu doono ha ka dhasho waa la wada siman yahay.  Sidaa darteed 4.5 Soomaali xarbi mooyee xal uma aha.
 
                    TALOOYIN
 
1- In la joojiyo far isu fiiqidda iyo magacyo isu bixinta oo laga shaqeeyo Mideynta shacabka muslimka ah ee walaalaha si loo ilaaliyo miraha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka dhacay  meelo kala duwan gudaha iyo dibaddaba.  Mideyntaasi waa inay ahaato mid run ah ee ku salaysan walaalnimo Islaami oo qof weliba ra’yigiisa la ixtiraamo.
 
3-Abuuris gole ay u wada dhan tahay Soomaalida dibadda degan (Somali Diaspora Congress) oo xubnahiisa wakiilada ku yimaada doorasho xor iyo caddaalad ah (free and fair election) oo ka dib xubna iska doorta oo ka mid noqda baarlamaanka gudaha si ay u ilaaliyaan danaha Somalida dibadda joogta  taageerana u raadiya  Dowladda ku meel gaarka Soomaaliyeed.  Hal koox ama qabiil marnaba ma keeni karto taageerada Dowladda Soomaaliya.
 
SEDEX AYAA TALOOYINKAASI LAGU XAQIIJIN KARAA:
 
1-DACAADNIMO FICIL LAGU MUUJINAYO
2-RABITAAN WADA SHAQEYN OO SHARUUD KU XIRNEYN
3-HURITAAN WAQTI, MAAL, IYOXIRFAD.
 
 
WQ.  SH. XASAN JAAMICI,
         Adj. Professor at William Mitchell College of Law, USA.
Email: xasanjaamici@yahoo.com

 Faafin: SomaliTalk.com | Jun 28, 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD