SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen....

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii u dhexeeyay Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, dagaalkaas oo sababay khasaaro iyo naf iyo maalba leh, ayaa Isgooyska Numbar4 waxa uu ahaa meelihii dagaaladu ka dhaceen bishii Soon ee sanadkii la soo dhaafay gaar ahaan Bishii novembre ayaa waxaa Isgooyskaas la wareegay ciidamo ka socday Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxayna saldhig ka dhigteen safaaraddii hore ee Masaarida. 

Markii ay halkaasi dhowr maalmood joogeen ayaa waxa ay u yeerteen nin Aartiiste ah darbiyada wax ku qora,waxaana darbiyadii Safaaradda lagu qoray Aayado Qur’aan ah oo ka tarjumaya “Qofkii aan wax ku xukun Kitaabka Alle, uu Daalim yahay”, sidoo kale Aayad kale ayaa iyana oroneysa “qofkii aan wax ku xukumin wixii Alle soo dejiyay waa Kaafir”, Ayaadda saddexaad oo iyana oroneysa “Qofkii aan wax ku xukun wixii Alle soo dejiyay waa Qur’aanka Kariimkee waxa uu noqonayaa Faasiq”. Aayadahaas bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Numbar4 si aad ah ayay ugu farxeen.

Qabsashadii Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee Alfurqaan ee goobtaasi si weyn ayay dadku soo u dheweeyeen oo waxay halkaasi ka sameeyeen kala dambeyn iyo nabadgelyo buuxda.

Habeen habeenada ka mid ah ayay kooxo maleeshiyo ah oo halkaasi horey uga qaraaban jiray, waxay weerar ku soo qaadeen ciidamadii halkaasi ku sugnaa dagaal aan sidaasi u balaarneyn ayay kooxihii maleeshiyada ahaa kula wareegeen gacan ku hayntii Numbar4 iyagoo taageero ka helaya Isbahaysigii la oran jiray la dagaalanka Argagixisada.

Anigoo halkaasi ay mudo ka hor iigu dambeysay ayaan anigoo maraya Numbar4 waxay indhaheygu qabteen nin dhallinyaro ah oo qandaraas lagu siiyay in uu tirtiro Aayadaha Qur’aanka ee ku yaala darbiyadda Safaaradda Masaarida, ninkaas waxa uu fiirsanay xoogaaga Shilimaadka ah ee la siiyay balse haddii uu ogaan lahaa macnaha ay ku fadhiyaan aayadahaasi uma bareereen in uu masaxo.

Isgooyska Numbar4 waxaa markiiba ka bilowday Fowdo iyo in maalin walba bulshada halkaasi ka raaceysa Baabuurta ay nafsadooda halis ku gasho oo xitaa waxaa ka dhacay dhowr jeer halkaasi is rasaaseyn ay ku dhinteen dhowr qofood, Isgooysku  waxa ay noqdeen afarta jid ee soo gasha kuwo maalin walba lagu gooyo caro iyo dhagaxaan, taasoo dhibaato ku noqotay isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha.

Waxay arrini sidaas ahaataba ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, dagaalkaas oo socday dhowr saacadood ayaa Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah mar kale la wareegeen Isgooyskaasi oo waxay dib u bilaabeen in dhagxaantii iyo ciiddii tiilay halkaasi ka baneeyaan.

Dhowr maalmood kaddib ayaa nin kale oo aartiiste ah waxaa qadaraas lagu siiyay in Aayadihii Qur’aanka ahaa ee halkaasi laga tirtiray dib uu u qoro.

Anigoo saaran Gaari Caasi ah ayaa labo dhallinyaro oo akteyda fadhisay sheeko ku saabsan arrintaasi isla soo qaadeen oo mid midkii kale ku yiri “War ninyahow waxaan ku weydiiyay waa maxay is bedelka derbigaan mar kasta ka dhacay”, kii kale ayaa la soo booday “Ma taqaanaa wax la yiraahdo Inqilaab”, “Haa, Aayadahaas Qur’aanka Kariimka ah waxay la kulmeen dhowr inqilaab oo Isgooyskaan ka dhacay” ayuu yiri, saaxiibkii oo su’aa kale weydiinayaa yiri “oo dadka Soomaaliyeed maxaa loo yiraahdaa 100% waa Muslim, oo maxay tahay sababaha aayadaas marna loo tirayo, marna loo qorayo” waxa uu la soo booday “U maleyn maayo in dib dambe loo tiri doono Aayadahaan”, oo waxaa uu sii daba dhigay “waxaan u maleynayaa sababaha loo tirayo in ay yihiin lagu qancinayo kuwo aan Kutubka Qur’aanka sharaf u hayn, oo fiirsanaya danahooda gaarka ah amaba lagu xumeynayo Maxaakiimta Islaamiga ah” “Waa yaabka Yaabkii, haddii Kutubkii Qur’aanka dheel dheel laga dhigtay, waxaase isweydiin mudan maxay galabsadeen Ayaadahaas Qur’aanka”. intii uuusan saaxiibkii hadlin ayaa rag kale oo Baska gadaashiisa fadhiyay “Cuqubaddii aayadaasi laga galay Ilaahay waa soo bixiyay ee halkay ku dambeeyeen raggii sidaa sameeyay”. “Xaqa haddii afka laga xiro Feeruhuu ka dilaacaa”.

W/D: Aamiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 29, 2006

Saadaasha Amiin Caamir Maxaa uga faa’iidyesan weynay?.. GUJI....

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD