SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

DHIBAATADA KA DHALATA BIYAHAY KULUL EE LOO ADEEGSADO RAGGA MARKA AY DUMARKU MASEYRAAN  


Cabdi Cali Warsame  




Muqdisho: Haweeney Ninkeedii ka Gubtey Meel Halis ah

Mar aan booqday isbitaalka carafat ee  magaalada muqdisho ayaan waxaan kula kulmay nin magaciisa  la yiraahdo Cabdi Cali Warsame   oo xaaskiisu ay kadib markii ay ka masayrtay la beegsatay biyo ay soo karkarisay isaga oo u diyaar garoobay waqtigiisii nasashada. 

Haweenayda  falkaas geysatey ayaa magaceeda waxaa naloogu sheegay  Faadumo Warsame oo kadib markii ay si naxariis daro ah u gubtay ninkeedii  ay baxsatay oo aan ilaa iyo hada meel ay ku danbeysey aan la garaneynin  waloow dadka qaar ay sheegayaan inay u baxsatay  xaafad ka mida xaafadaha magaalada muqdisho.

Sidoo kale ninkan ayy ka gubtay  meel halis ah iyadoo uu dabku ka gaaray inta u dhaxaysa, saablayda caloosha iyo inta u dhaxaysa xubinta taranka  raga  oo dhamaan uu dabku u waxyeeleeyey, xaalada uu hada ku jiraana ay tahay mid  halis ah  waloow aad loola tacaalay  oo dhakhaatiirta isbitaalka caraafaad ay ku mashquulsan yihiin sidii loo  badbaadin lahaa . 

Ninkaan oo aan ku booqanay isbitaalka carafaad ayaa waxaa war kooban naga siiyey  walaalkii ka weyn oo ku hayey isla goobtaasi waxuuna noo sheegay inuu hada kasoo raynayo  waloow markii aan aragnay uu ahaa mid si weyn looga naxayo . 

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay dhib caynkan oo kala ah uu ku dhaco raga  oo ay u gaysataan haweenka  soomaaliyeed  khilaafkan ayaa badanaaba ka biloowda raga iyo haweenka  oo ay soo wajahaan dhibaatooyinka  la xalin waayo  ,masayrka , iwm .

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya

Xafiiska warqabadka muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 17, 2006


Calasey “Ninkaygii oo Kawaanle ahaa baa sidaan ii galay oo aan ku waayey labadeydii Gacmood” Guji...



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD