SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKA MAARSO 23, 2006

  • Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkadaha Macdanta" ee ka Taagan Puntland...
  • Hey'ado Samafaleed oo Islaami ah oo howlo gar-gaar ah ka fuliyay magaalada kismayo iyo deegaano ku xeeran 
  • QAARKA KA TIRSAN MAXAAKIIMTA ISLAAMIGA AH OO BAAQ NABADEED KA SOO SAAREY DAGAALADII ARBACADII MUQDISHO KA DHACEY  

  • Madaxweynaha DGPL oo u ambabaxay Dalka Yemen...

  • Sheekh Xasan Daahir Aweys “ hadii ciidamo ajnabi ah carada soomaaliya ay soo galaan waxii cawaaqib xumo ah oo ay la kulmaan iyaga masuuliyadeeda ay qaadi doonaan”  



Axmed Cawed Casharo

Jeneral Cadde muuse xirsi

Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkadaha Macdanta" ee ka Taagan Puntland...

"Madaxweynaha Puntland haka soo Dego Faraska Cad ee uu ku joogo..."

Madaxweynaha DGPL oo u ambabaxay Dalka Yemen...

Boosaaso: Waxaa Arbacadii dalka Yemen u ambabaxay madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, waxana uu ka duulay garoonka diyaaradaha ee magalada Boosaaso.

Lama faahfaahin ujeedada Safarka Yemen ee xilligan iyadoo Puntland ay hadda ka jiraan xaalado muran oo la xiriira Shirkad asalkeeda ka diiwaan gashan Jasiirada Maldvis, laakiin sheegata in ay tahay Australian, taas oo rabta in ay Macdan ka qotado Puntland. Arrintaas oo aysan Dawlada Dhexe iyo DGPL isku waafaqsanayn, isla mar ahaantasna aan Baarlamaanka Puntland xeer ka soo saarin.

Idaacad ka hadasha Dalka Australia oo la yiraado SBS ayaa Arbacadii arrinta shirkadaas iyo xaalada Puntland waraysi kala yeelatay Xildhibaan Axmed Cawed Casharo oo Jooga Baydhabo.

Waraysigaas waxa uu Casharo kaga hadlay shirkada sheegata in ay tahay Australia, laakiin ka diiwaan Gashan Jasiirada Maldavis, taas oo uu ku tilmaamay shirkad cashuur ka carar ah.

Cawed Casharo waxa uu muujiyey sida uu walaaca uga qabo shirkadaas ay wataan maamulka DGPL. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu u garab dhiibiyey oo uu maqli waayey oo uu labaatan Tekniko ah geeyey halkaan. Waxana uu Casharo sheegay in sharcigu uu dhigayo in arrin dawlada dhexe ay sharci u leedahay in aan Dawlad Goboleedku geli karin. Waxana uu intaas ku daray in shariikadaas la siiyey Puntland oo dhan aysan ahayn shirkad jirta, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay shirkad u dhaqmeysa sidii burcadii. Waxana uu digniin cad siiyey shirkadaas si ay uga laabtan Puntland.

Xildhiban Casharo waxa uu baq u diray Dawlada Australia, Suuqa Ganacsiga Austria iyo Jaaliyada Soomaaliyeed sidii arrintaas wax looga qaban lahaa. Waxana uu sheegay in barlamaanka Dawlada Dhexe ay soo wadaan qorshe ama Mooshan looga hadli doono xaalada iyo arrimaha ka jira Puntland.

"Dibitaatiyasha (Xildhibaanada) ayaan la hadleynaa, Wasiirada ayaan la hadleynaa, Madaxwene ku xigeenka ayaan la hadleynaa si loogu caqli celiyo Maxaxweynaha Puntland (Cadde Muuse), faraska cad ee uu ku joogona ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo xasiloonaan in meeshaas laga helo." ayuu yiri Xildhibaan Casharo.

Waraysigaas oo uu qaaday Ciise Maxamuud Dhoolawaa ka dhegeyso halkan.... (Australia SBS)

Si aad wax badan ug aogatid Muranka Macdanta Puntlan, Akhri qoraaladii taxanaha ahaa ee: PUNTLAND vs TERRY::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 |




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

Sawirkan Xamar waxaalaga qaaday 1984, waxaana laga sawiray dhanka Xeebta badweynta Hindiya, waxaana sawirka ka muuqda Hotel Curuba | Isha saiwkan: www.swan.ac.uk

Hey'ado Samafaleed oo Islaami ah oo howlo gar-gaar ah ka fuliyay magaalada kismayo iyo deegaano ku xeeran

Wafdi ka socda heyado islaami ah oo ka dhisan wadamada Kuwait iyo Baxreyn oo dhawaan soo gaaray magaalada kismayo ayaa waxaa ay ka wadeen magaalada kimayo iyo deegaanada ku dhow dhow howlo gar gaar qeybin ah ayadoo wafdigan ay maalintii shalay ahayd ka qeybiyeen xeryaha qaxootiyada magaalada kismayo cuno taasoo hor dhac u ahayd gar gaar loogu tala galay dadka tabaaleysan ee ku dhaqan gobolkan.

Wafdigan oo ka koobnaa 6 xubnood islamrkaana ka soo kicitimay magaalada neyroobi ee cariga kenya ayaa waxaa horkacayay nin lagu magacaabo badar sharmuukh oo u dhashay dalka kuweyt waxaana sidoo kale wafidgan la socday nin lagu magacaabo jaasim oo isaguna ka socday heyada axyaa turath oo ka dhisan dalka kuweyt iyo nin lagu magacaabo xasan bookh oo isagu ka mid ah ganacsatada dalka baxreyn iyo nin kale oo somali ah oo asaguna lagu magacaabo Dr. Maxamed Cabdi Aadan oo ah madaxa towfiiq islamrkaana ahaa la taliyaha madaxa wafdigan carabta ah ee soo gaaray magaalada kismayo islamrkaana raashinka ka qeybinayay.

Dr. Maxamed Cabdi Aadan ayaa shabakada SomaliTalk.com waxaa uu oga warbixiyay socdaalka wafdigan iyo waxaa ay u qabanayaan dadka tabaaleysan ee ku dhaqan gobolkan waxaa uuna ku jawaabay.

Waftidgaan waxaa uu qorshan in uu indho-indheeyo xaalada nololeed ee dadka ku dhaqan gobolka gaar ahaan magaalada kismayo iyo deeganada hoos yimaada gaar ahaan dadka ku tabaaloobay abaarta iyo dadka kale ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga ee ee ku yaala magaalada kismayo, waxaa uuna sidoo kale sheegay in wafdigan uu maalintii shalay ahayd ka qeybiyay xeryaha qaxootiga ee magaalada kismayo raashin isugu jira bur, bariis iyo saliid, taasoo uu ku sheegay in ay hor dhac u tahay gar gaarka ay rabaan in ay u fidiyaan dadka muslinka ah ee rafaadku ka muuqdo.

Dr. Maxmed waxaa uu sidoo kale sheegay in ay raashinka gaarsiyeen ilaa 5 xero qaxooti oo ku yaal gudaha magaalada kismayo iyo tuulooyinka Buulo Abliko, Goobweyn, Hosingoow iyo deegaanka mareerey oo ay intaba ku dhaqanyahiin dadka ku tabaaloobay abaaraha ku habsaday Soomaliya. Waxaa sidoo kale uu DR Maxamed intaas ku daray in dadka ay raashinka gaarsiiyeen ay gaarayaan ilaa 7000 oo qoys, waxaana ay sidoo kale wafidgan ka socday heyada kala duwan iyo ganasatada ee dhawaan soo gaaray magaalada kismayo ay ballan qaadeen in ay wax ka qaban doonaan dhinaca biyaha oo ay sheegeen in ay qodi doonaan afar ceel oo lagu dhimayo baahida biyaha, sidoo kale ay wax ka qaban doonaan dhanka waxbarashada ayadoo Dr. Maxamed uu booqasho gaaban ku tagay Jaamacada Kismayo, halkaasoo uu kulan iyo waliba wada tashi kula yeeshay madaxada jaamacada kismayo ayagoo isla soo qaaday qodobo muhim ah oo ku saabsan jaamacada kismayo iyo sida ay howlahdeeda u socdaan .

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Ugu danbeyntii wafidgan ayaa waxaa la filayaa in uu dhawaan dib ugu soo laabto magaalada kismayo ayadoo bilaabaya howlaha samafalka ah ee ay u sameynayaan dadka ku dhaqan gobolka jubada hoose iyo deeganada ku xeeran  

cabdi qadar | cabdiqadar84@hotmail.com


QAARKA KA TIRSAN MAXAAKIIMTA ISLAAMIGA AH OO BAAQ NABADEED KA SOO SAAREY DAGAALADII ARBACADII MUQDISHO KA DHACEY  

kulan Maarso 22 ka dhacey maxkamada islaamiga ah ee Xararyaale ayaa waxaa baaq loogu jeediyey qeybihii Arbacadii ku dagaalamay deegaanka Galgalato ee duleedka magaalada muqdisho. 

Ilaa sideed maxkamadood oo kala ah maxkamada xararyaale, maxkamada siisii , maxkamada dharkeynley , maxkamada madiina , maxkamada dayniile, maxkamada kaaraan , maxkamadatowfiiq iyo maxkamada siinai, ayaa shir jaraaid oo ay galabnimadii Arbacada ku qabteen  xarunta maxkamada islamiga ah ee  xararyaale  waxaa ay kaga hadleen kana soo sareen baaq ka kooban ilaa afar qodob oo ay ka mid ahaayeen  in culumada somaliyeed ee ku dhaqan gobolka banadir ay si wadajir ah ugu istaagaan  joojinta iyo deminta colaadaha micno darada ah  iyo dhiiga walaaluhu ay iska daadinayaan. 

Sida ay yiraahdeen majiraan sabab ay ku sii socoto islayntaan waxeyna ka codsadeen umada somaliyeed oo dhan in ay u istaagto sidee loo demin lahaa dabka ka shidan muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah sidoo kale waxey u mahad celiyeen gudigii dhawaan isku howlay in ay xabad joojin kala dhexdhigaan dhinacyadii isku laayey magaalada muqdisho waxaa kale oo loo mahad celyey gudigii taakuleynta abaaraha waxeyna ka codsanayaan in ay sii laba laabaan shaqada ay bulshada u qabteen. 

Maxkamadaha islamiga ah oo shirkaan jaraaid qabtey ayaa waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in dagaalada dhinacyada muqdisho ku dhexmarayo la joojiyo islamarkaane umadu ay dhaxdooda isku gurmadaan abaaraha baahsan ee ku dhuftey gobolada koofurta somaliya in wax laga qabto waxaa kale oo loo mahad celiyey shacbigii ka qeyb galay dadaaladii kaalmooyinka loogu uruurinayey dadka ay abaaruhu galaafteen.

MUUSE MAXAMUUD JISOW | somali39@hotmail.com


SHUKRAN MALAYSIA


SHUKRAN MALAYSIA – Q.4aad


Sheekh Xasan Daahir Aweys “ hadii ciidamo ajnabi ah carada soomaaliya ay soo galaan waxii cawaaqib xumo ah oo ay la kulmaan iyaga masuuliyadeeda ay qaadi doonaan”  

Sheekh Xasan Daahir Aweyn oo ka mid ah culumaa’udiinka ugu waa weyn dalka soomaaliya gaar ahaan gobalkan Banaadir ayaa soo bandhigay fikirkiisa ku aadan ciidamada safka hore ee la qorsheynayo dhawaan iney soo caga dhigaan carada soomaaliya. 

Sheekh Xasan Daahir “Hadii ay u soo diraana waxii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada mas'uuliyadeeda ay qaadi doonaan, isagoo tilmaamay in ciidamo horey u yimid Wadanka ay wax ka qaban waayeen”. 

Waxuu kaloo intaasi Sheekha ku daran in arinkaasi hadii lagu dhaqaaqo uu sababi doono dhiig daata iyo burbur hor leh, waxa uuna umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xalistaan arimahooda, isagoo tilmaamay in xalka mar qura uusan imaaneyn, isagoo intaasi ku daray in umada ay isku dhiibaan allahooda ayna toobad keenaan. 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale sheegay hadii ay dhacdo iney yimaadaan ciidamadaan la sheegayo gudaha Soomaaliya ay midowga maxaakiimta jilibka dhulka u dhigi doonaan sidii ay ugu bixin lahaayeen guud ahaan carada soomaaliya oo dhan. 

Sheekha oo wajigiisa ay ka muuqatay cara xoog leh oo ku aadan ciidamada safka hore ee dhawaan la rajaynayo iney soo gaaraan gudaha Soomaaliya. 

Mar ay saxaafada wax ka weydiisay Sheekha hadal uu sheegay Ra’iisul wasaaraha dowlada FS Cali Max’ed Geedi oo uu ku dhahay Midowga maxaakiimta argagaxiso ma ahan, waxa uu sheekh xasan ku sheegay hadalkaasi inuu yahay mid iska dheh oo kaliya ah balse uu isaga jecleen dadka is bad badalka badan waloow uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hadiiba uu soo hanuunay Prof. Geedi waa sida uu sheekha hadalka u dhigay. 

Sheekh Xasan Daahir Aweys mar uu ka hadalayay amniga magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Somaliya waxa uu xusay in ay yihiin wax yar waxa ka dhaca Somaliya marka loo eego falalka dilka ah ee ka dhaca dalalka ku taamaya in ay nabadda soo celinayaan sida Mareykanka oo kale, isagoo tusaale u soo qaatay xilli Mareykanka uu sheegay in nabad uu ku soo celinayo Somaliya uu maalin kaliya qudha ka jaray 70 ruux oo aqoonyahano Soomaaliyeed ah, isagoo ku eedeeyay in ay geeystay falal kale oo aad u fool xun waa sida uu hadalka u dhigay. 

Sheekh Xasan ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii dhexmaray midowga maxaakiimta iyo isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada waxa uuna xusay in uu u ahaa dagaal jihaad ah oo maxkamahada kula dagaalamayeen dad aan aqoon diinta islaamka lacago yar yarna ka soo xaabsaday wadamo cadowga islaamka ah sida mareykanka oo uu xusay. 

Hadaba hadalkaan ka soo yeeray sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu ku beegmay xili xaalada magaalada muqdisho ay iminka degan tahay dhinaca kalena daraad ay madaxda urur goboleedka IGAD ay isku raaceen in ciidamo ka socda gobolka loo diro gudaha dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Abdifitahaam Ahmed

Mogadishu
Email: abdifitahaam@yahoo.com
Cell Phone: +2521277001

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 23, 2006

Buugga Cusub ee Jidka Nabadda 

Muqdisho oo Ku Waaberiisatey Hugunka Rasaasta
Iska horimad hubeysan ayaa saakay waaberigii ka dhacay degaanka Galgalato kaas oo... Guji... Mar 22

Max’ed Dheere “C/llaahi waxaa la gudboon in uu si deg deg ah isu casilo..
»Buubaa: Ciidamada ka yimdi xerada kongo waa ciidamo qaran
»Xildhibaan libaax “ciidamada laga keeney maaha kuwo qaran
»C/llaahi Yuusuf oo dib ugu soo laabtay Baydhabo..
»Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo Gargaar gaarsiiyey
»Hay’adda CDHR oo qabtay wejigii saddexad ee siminaar..
»Bandow xalay lagu soo rogey magaalada Baydhabo...
»Dagaallo cadowga lagu naafeeyay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.... Mar 22