SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


SHUKRAN MALAYSIA – 4

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Maarso 23, 2006

Isha sawirka: Google images

 Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad

Maxaa sabab u noqday in Malaysia ay gaarto horumar deg dega mudo gaaban gudeheed, oo kasoo boodo booska dawladaha saboolka ah kuna biirto 20 dawladood ee adduunka ugu ganacsi ballaaran!? 

In dhaqaaleheedu sara u kaco sanadkii 2002, 7% (economic growth) taasoo dakhliga guud ee wadanka laban laabtay oo oo gaarsiisey 219,4 bilyan oo Ringet (57,7 bilyan US$), qiimaha dhoofintuna saddex jeer laba jibaarmo ilaa 349,6 bilyan oo Ringet (92 bilyan US$), soo dejintuna gaarto 298,5 bilyan Ringet (78,6 bilyan US$) taasoo maleysia ka dhigtay iney qabsato booska 18 ee 20ka dawladood adduunka ugu ganacsi weyn. 

Intii aan joogey wexey soo saartay wasaaradda Wershedaha iyo Ganacsiga caalamiga xisaabaatkii sanadka 2005, waxaana la guddoonsiiyey wershedihii iyo shirkadihii private ka ahaa kuwooda ugu horreeya abaalgudyo, ay qaybineysey wasiirka Ganacsiga adduunka, waa haweeney la yiraahdo Rafida Caziz. Siduu qoray Joornaalka maalin laha ah ee New Straits Times, Jimcihii, 17 March: 

Malaysia Ganacsigeeda adduunka wuxuu sanadkii 2005 kor u kacay 9.9%. isagoo garaacay: 967.8 bilyan Ringet.( waa taqriiban 300 bilyan US$. Wax dhoofinta oo kor u kacday 11% wexey ka badantahay inta Hayádda Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization WTO) ay u aragtay sarakaca 6.5%. 

Mexey tahay sirta ka dambeysa horumarkaas aan caadiga ahayn ee adduunku la yaabay? 

Waxyaabaha ugu Muhiimsan: 

1)       Hoggaan iyo Madax wanaagsan oo daacad u ah iney dalkeeda Horumarisa, waxaana isku bedelay intii isticmaarka ka dambeysey 1957 ilaa hadda 5 Raiisul Wasaare oo uu ugu caansana Tun Dr. Mahathir Muxamad oo 22 sano xukumey.

2)       Plan (Qorshe ) cad oo isugu jira mid dheer iyo mid gaaban. Midka dheer waa wexey u yaqaanaan (Vision 2020) oo ah sanadkaas 2020 Malaysia iney noqoto Wadamada adduunka ugu hormarsan dhinac kasta. Midka gaabanna waa (5 year plan) qorshe dawladdu shantii sanaba dejiso, oo kaas dheer ujeedooyinkiisa lagu fulinayo, marba dhinac xoog la saarayo, haddana waxaa bishan 4aad April la filayaa in la soo saaro Plankii 9aad ee Malaysia ee 5ta sanoo soo socota.

3)       Nabad iyo Xasilooni dalka ka dhacda oo ay ka wada shaqeeyaan dawladda iyo dadka reer Malaysia oo kala ajnaas ah (Malay, Chinese, iyo Hindi) Taasoo keentay kalsooni soo jiidda Ganacsadayaalka adduunku iney maal gelin ballaaran ku samaystaan Malaysia, dadkii wadankuna shaqooyin ka helaan iyo dhaqaale.

4)       Tacliinta oo dawladda Malaysia ay xoog saartay iney dadkeeda wax barto, jaamacadaha iyo macaahidda iyo goobaha wax barashana badiso, minxooyinka (scholarship) dibadda iyo gudahaba ardaydu helaan, sanadkiiba wexey dawladdu bixisaa scholar ship dibadda ah 1500 oo arday Sanad kasta adduunka wax ku soo barta tacliin sare, 5500 Arday Gudaha. Taasoo keentay in maanta dadka dhalinta yar sey u badan yihiin rag iyo dumar ay wada jaamiciyiin yihiin. Bal jaamacadaha markaad dhex qaado aad la yaabeysid ardayda boqolaalka kun ee qul quleysa.

5)       La dagaalanka Musuq maasuqa (anti corruption) oo dawladdu xoog saarto, inkastoo aan dhaadhac marna la weynayn, haddana si adag ayaa loola dagaalamaa musuqmaasuqa heer ay u sameeyeen, Hayád dhan oo arrimahaas daba gasha qof kasta oo dawladda u shaqeeya, iyo Akaadeemiyo lagu tababaro dadka la dagaalama musuqmaasuqa, oo iyaga hadda barashadiisa loo soo raadsado.

6)       Raacidda system iyo (nidaam) idaariya oo casriya oo wadanka lagu wado, lana raaco, iyo akhlaaqda shaqada (work ethics) la raaco, oo ah ilaalinta asluubta shaqada iyo gudashada waajibaadka xilka, oo lagasoo guuriyey in badan dalalka horumaray ee bariga oo ku dhow sida (Japan iyo Korea) taasoo uu soo saaray Raisul wasaarihii Hore Dr Mahathir, siyaasad la yirahdo (Xagga Bariga Fiiri) (Look East Policy- LEP). Oo ahayd ka carar addoonsiga iyo xaasidnimada reer galbeedka oo qof taagdaran aan u naxariisan.

7)       Raacidda systemka loo yaqaan (privatization) ama ganacsiga dawladda ka madax banana ee dadku leeyahay, oo ah in dawladdu adeegyada bulshada inteeda badan faraha kala baxdo, waxaan ka ahayn maamul iyo muraaqabo guud, shirkaduhuna la wareegaan oo adeegyadaas ka ganacsadaan, sida Shidaalka, Beeraha, Wershedaha, Korontada, isgaarsiinta, iwm. Taasoo keentay tartan iyo shaqo wanaagsan.

8)       Iney dawladdu (qorshaha)fog, xoog saartay xagga cilmiga farsamada casriga ah ama IT (Information Technology) wexeyna arrinkaas u samaysay magaala dhan oo la yiraahdo (MSC) ama (Multimedia Super Corridor) si gaara ayaanan meeshaas hal maqaal ugaga hadli doonaa, waa tajribo la yaab leh, sida loo fuliyey iyo qorsheheeduna ka sii yaab badan yahay. 

Arrimahaas waxaa la oran karaa waa asbaabaha ugu weyn ee ka dambeysey horumarka deg dega ah ee Malaysia. Iyadoo Marka laysku soo duuduubo u noqoneysa: Dad aad u jecel wadankooda, doonaya horumar, la tartamaya adduunka, heshiis ku ah iney dalka wada dhistaan oo kawada shaqaystaan iyagoo diinta iyo dhaqanka ku kala duwan.

Soomaaliya oo isku dhaqan,

Isku diin, isku qoys wada ahna,

Waxaa caqligeenu dhaafi kari waayey,

Tuulooyinka yar yare e abaarta ah inaan dhiigeenna maalin walba ku daadino, iyo in Dagaal ooge jaahila oo adduunka boqolaal sano ka dambeeya, oo indhala uu shukaanta ku fariisto, aqoonyahanaduna sacabka u tumaan..

Ciil badanaa………… 

QAYBTA 5aad... AKHRI >>>

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2006

MALAYSIYA::: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad



Petronas Towers
Dhismaha adduunka ugu dheer ee ku yaal Kuala Lumpur

::MA OGTAHAY::

Ma ogtahay in Dhismaha adduunka ugu dheer uu ku yaal magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, waxaana dhismahaas la dhamaystiray sannadkii 1998, magaca dhismahaasi waa Petronas Towers (waa dhisme mataano ah sida ka muquata sawirka midig), joogga dhismahaasi waa: 1,483 feet (ama qiyaastii 452 miter), waxana uu ka kooban yahay 88 daqab oo is dul saaran. Waxaana dhismahaas laga dhisay Concrete (shamiinto) iyo Steel (bir). Qiimaha ku baxay waa $1.6 billion. ISHA: PBS.org: http://www.pbs.org/wgbh/buildingbig/ .

Taasi waxay ku tusineysaa tartan adduunku ugu jiro dhismayaasha bilicsa san...

"DAL DADKIISA AYAA DHISA"

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD