SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


SHUKRAN MALAYSIA – 3

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

 Maarso 22, 2006

Isha sawirka: Google images

Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad

Wadan wuxuu ku hormaraa markii dadkiisu ay jecelyihiin, oo ka shaqaynayaan, waxna gelinayaan, ee ayan dhaqaalihiisa, afka u wada dhiganayn. Madaxdu iney wax cunto oo lunsato iyaga iyo kuwa ku hareeraysan waa arrin iska caadiya. Laakiin waxaa adduunka horumarka raba, ama dalkiisa iyo sharafta shaqada ilaalinayaa, yaqaan, inuu si habaysan wax u cuno, oo midda kale, waxna cuno, waxna wadanka geliyo. Laakiin, Soomaaliya, iyo afrika guud ahaan, dhibaatada haysata, waxa weeye, maamulada dadka haya, nin walbaa wuxuu rabaa, waxa wadanka soo gala inuu keligiis cuno, wadankiina aan koob shaaha loo darin. Damiir xumo, diin la'aan, iyo sharaf daro ay ka qabaan. 

Malaysia sideey u fekereysaa? Sidee ayeyse ku noqotay mudda gaaban wadan la tartama kuwa horumarey sida galbeedka iyo jaban?

Aan fiirino horta luqada xisaabta si aan u garano meeshey mareyso, iyo meesheey ka soo kacday.. 

Markii ay xornimada qaadatay, 1957, saddex sano ayey inaga horreysey, ingiriis ayaana ka kacay, waxaa dakhliga qofka Malaysia u dhashay ahaa(per cabita) ama GDP = US$ 300. wuxuu maanta  sii marayaa US$ 5500. Marka laga reebo dhaqaalaha deggan ee isu dheeli tiran, dadka reer Malaysia waxaa baahida (faqriga) ahaa nisba gaareysa 50%. Maanta nisbada faqriga reer Malaysia wexey ka sii hoobaneysaa: 7%.

Ganacsiga dibadda oo u badan dhoofin, wuxuu sanadkii gaarayaa: US$ 170 billion. Taasoo ka dhigtay Malaysia iney liiska ka gasho booska 18aad wadamada adduunka ugu ganacsi weyn. Malaysia wexey jaamacadeheedu soo saareen dhawrkii sano ee u dambeeyey in ka badan 500,000 oo jaamici, Master iyo phD isugu jira.

Wexey ku hamineysaa iney noqoto adduunka meelaha ugu muhiimsan ee tacliinta loo doonto, waxaana qorshohoodu yahay 2010 intaan la gaarin, ardada ajnebiga ah ee wadanka wax ka barataa iney gaaraan 100,000 oo arday. Wexey qorshayneysaa iney 2020 noqoto wadamada adduunka ugu hormarsan xagga waxbarashada iyo technologiga iyo nolosha wanaagsan ee shacabkeeda.  

Arrimahaas ciyaar laguma gaarin. Bal Hadda aan wax yar idiinka soo guuriyo, Qorshaha iyo siyaasadda, iyo hoggaanka ka dambeeya horumarkaas deg dega ah ee Malaysia ey tartanka adag ugu jirto, oo weliba si daacada ay rabto iney jabaan iyo Europe usoo qabato, oo u dhaafto, iyadoo Islaamkeeda haysata. 

Madaxda Malaysia muddada dheer majaraha u haysey horumarkaana qayb libaax ka qaatay waxaa ka mida, Raiisul wasaarihii hore ee Malaysia Dato Seri  Dr. Mahathir Mohamad (1925 - ). Waxaa Meeshiisii hadda kasii wada, Raiisul wasaaraha waqtigan la joogo Abdullah Ahmad Badawi ( 1939 -  ).  Waxaa labadooda ka horreeyey 3 Raiisul wasaare, intii isticmaarku kacay. Waxaase intaba ka weyn: In wadanka loo dejiyey system ama (nidaam) uu ku kala socdo, qof kasta oo meesha yimaadaana raaco. 

Wuxuu leeyahay ninka qoray kitaabka (Mahathir.. Sirta horumarka Malaysia, 2003) ( Mahathir – The Secret of the Malaysian Success) Hajrudin Somon (wuxuu ahaa safiirka Bosnia u fadhiya Malaysia): Dr. Mahathir wuxuu heli karay, sida ay yeeleen qaar badan oo wadamada Muslimka madax ka noqday isticmaarku markuu kacay, inuu madax nimadiisa keliya ilaashado, caqligiisana halkaa isugu geeyo, shacabkana been ku maaweyliyo, Laakiin wuxuu doortay midda adag oo ah, inuu fuliyo aragtidiisa ku wajahan inuu soo saaro Wadan casriya, oo hodon ah, oo horumar technolijiga iyo tacliinta dadkiisa ka haqab tira. Wuxuu ka faaiidaystay khibradihii weynaa ee Japan iyo reer galbeedka. Wuxuu Mahathir ku celceliyey dhawr jeer: (( Dadka Muslimiintaa wey ducaystaan laakiin wexey hilmaamaan inaan xaalkooda Ilaahay bedelayn haddaaney iyagu is bedelin).

Akhri Qaybta 4aad... Guji >>>>

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD