SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


SHUKRAN MALAYSIA – 2

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Maarso 21, 2006

Isha sawirka: Google images

Qaybtii 1aad ka akhri halkan...

Waxaa laygu yiri: Dawladda Malaysia, magaalada quruxda badan, ee saraha adduunka ugu dhaadheeri ku yaalaan, ee Kuwala Lumpur la yiraahdo, waa magaala madaxda dalka, wey nacday, oo wexey tiri, waa saxmad, iyo cariiri. Waxaan u baahanahay, magaala madax, la socon karta casriga aynu joogno, iyo horumarka Malaysia.

Sidaa darted waa ineynu magaala madax cusub dhisanaa. Wexey dawladdu marka bilawday, dhawr sannadood ka hor, magaala cusub oo qorshe casriyaysan leh in la dhiso, xafiisyada dawlada iyo wasaaradaha, iyo hay'aduhuna meesha u guuraan, Dawladda iyo baarlamaankun dhex fariistaan.  

Halkaas ayaa waxaa ka bilawday dhismaha magaala madaxda cusub ee PUTRAJAYA.. Jidka weeyn ee (High wayga) ah, - Afsoomaali ma garanayo wax lagu yiraahdo jidka – High wayga – waayo waxaan filayaa inusan  buugga magacyada weli inoo gelin, saa wadankeenu intuu jireyba hal high wey weligiis looma samayn. High way, waa jid ballaaran, dhinac walba saddex ama afar gaari ayaa is dhinac socon karta, waa jid furan oo aan nalal ku istaajiya lahayn, si dhaqsi badan gawaaridu ugu xawaarayso.

Haddaan jidkaas, oo aad u qurux badan, nadaafad aan caadi ahaynna u dheertahay, aan wax yar ka weecannay, roob ayaaba na qariyey, waxaan iri, Ilaahow dalkayagii roob ku soo daa, abaaraha iyo biya laáanta ka jirta. Wadaadki I dhinac fadhiyey ayaa yiri: Dalkeeni wuxuu roob u waayey, dulmiga batay, dilka aan xisaabta lahayn, iyo waxa dhiig xaq dara ah ku daadanaya!!  

PUTRAJAYA waa tan. Caasimadda cusub ee Malaysia rabto. Magaalada waxaad moodaa in loo PLAN gareeyey si aad u farshaxana. Jidadku waa waasic. Guryuhu, wexey isugu jiraan, Filooyin gaagaaban, iyo Xeryo gurya ah (compounds) iyo sara dhaadheer oo cirka ku shareeran oo aqalada yar yare e flaatyada ah (Apartments). Jidka waxaa dhinac socda, adeegyada daruuriga ah, Biyaha, Korontada, Taleefanada, Internetka, Satelliteyada iwm.  

Jidadka dhinacyadiisa waxaa ah, laami yar oo dadka iyo baaskiiladu maraan. Geedaha, iyo cagaarka, iyo Fiyooraha, isku jar jaran ee aadka loo qurxiyey wexey hareeraha ka socdaan jidka. Xoogaa markii la socdaba, laba jid dhexdooda, ama Guryaha waaweyn agtooda, ama Xafiisyada dawladda hareerohooda waxaa lagu sameeyey, fadhiyo, wanaagsan, oo hadh leh, kuraas milicsan, iyo jardiino yar, oo lagu nasto, ama lagu sheekaysto.  

Daaraha xafiisyada wasaaradaha waa dabaqyo badan oo (architect) farshaxanihi ku fara yaraystay, oo aanan xitaa yurub iyo mareekan qaarkood aanan ku arag. Wexey kulansatay, qurux, hannaan, wasac, iyo iskalifid la'aan. Meel xoogaa jirta waxaa iiga muuqday, Daar aad u qurux badan, oo buur yar oo tag ah dusheeda laga qotomiyey, hareerahana dhul cagaaran iyo geedo kaga meegaaran yihiin. Daartu Qubada waaweyn oo sida kuwa masaajidda ayey leedahay, indhahayga ayey soo jiidatey. Waxaan iri: Daartaasuna mexey ahayd quruxda badani, wuxuu yiri: Waa xafiiskii dawladda, waa meesha uu raíisul wasaaruhu fariistu! 

Gurigaas wasiirka koowaad iyo dawladdiisa waxaa ku ag yaar Masjid aad u weyn, oo 4 dabaqadood uu kor usii yaraaneysa leh, meesha u saraysana ay kaga fadhido qubad weynm waxaana ku ag taal Minaarad dheer. Masjidku wuxuu leeyahay, bar xad aad u weyn, oo dad badan oo dalxiis ah, oo isugu jira dadka wadanka iyo kuwa dibadda, ay ku raaxaysanayaan, qaar isku sawirayaan, qaar ku qabowsanayaan, jawi aad u fiican, oo markaas roobku qaaday, qoraxduna daoolantay, ayaa meesha haysta. Masjidka badhkiis wuxuu ku jiraa biyaha dhexdooda, badhka kalena berriga, waxaa ka baxa jid buunda ah, oo toosan, oo hareeraha ay ka socdan daara dawladeed oo aad u qurux badan, qumaatina wuxuu ugu dhacayaa jid kale oo weyn, oo dhex bartanka uu kaga yaal guri dabaqya ah oo aad loo qurxiyey, oo barlamaanka fadhiisin u ah. 

Magaaladani wexey bedeleysaa, Kuwala Lumpur oo ay u arkaan iney duqowdey, oo ganacsiga loo daayo, inkastoo magaalada dhexdeedu aad u qurxan tahay, gurya dhaadheer, suuqyo caalami ah, iyo nadaafad aan caadi ahaynba leedahay. Haddana waa arrin ay ku dhaqaaqi karaan ummadaha dalkooda danaynaya, horumar doonaya, ee maaha mid uu QOF soomaali ah oo intii yaraydee uu haystey burburinayaa uu ku fekeri karo, Waxa soomaali maamul u hayaa ay maskaxdooduba qaadi karto.. [Qaybtii 1aad ka akhri halkan...]

Ilaahow noo naxariiso.. 

AKHRI QAYBTA 3aad.... GUJI >>>

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD