SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


SHUKRAN MALAYSIA – 5

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Maarso 24, 2006

Isha sawirka: Google images

 Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad |

Dua pulub-dua pulub! 

Dua pulub-Dua pulub macneheedu afka Malayga waa 2020, waana ( Qorshaha dheer ee Malaysia ilaa sanadka 2020) iney gaarto dawlad horumarsan oo dhamaystiran,oo galbeedka iyo Japan wax la qaybsata.

Qorshahaas waxaa aabe u ah oo curiyey Ra,iisul Wasaarihii Hore Dr, Mahathir Muxamad, oo si kasta oo ninkaas laysugu khilaafo, ama loogu kala qaybsamo, sida caadiga u ah, raga taariikhda baalasha weyn ka gala, waxaan laysku khilaafsanayn, inuu yahay: Aabaha Horumarka Malaysia ee casriga ah.  

Muxuu yahay qorshaha (Vision 2020) ama (Aragtida 2020)? 

Waa qorshe dheer oo ku dhisan aragti fog, sida ay noqon lahayd Malaysia facyaasha soo socda in hadda lasii dhagax dhigo.

Dr. Mahathir wuxuu hindisaas (Aragtida – Vision- 2020) soo saaray 1990. Marka waa qorshe 30 sano ah, kuna taagan in waqtigaas, inshallaah, ay Malaysiya noqoto Dawlad Hormartay (Developed Country) dhinac kasta, bulshada, ruuxda, dhaqaalaha, siyaasadda, wax barashada iyo aqoonta. Markuu qorshahan soo bandhigayey Dr. Mahathir wuxuu hordhaca ku yiri 1990kii shirkii Golaha horumarinta iyo Qorshaha: 

Waxaan Rajaynayaa Ilmaha Malaysianka ah ee manta dhasha ama sanadka soo socda inuu noqondoono, Faca u dambeeya eek u noolaanjirey wadan soo kacaya oo la yiraahdo Malaysia, facaas wixii ka dambeeyaana ay ku noolaan doonaan Malaysia Horumartay (Developed Country). 

Qorshuhu wuxuu dejiyey 9 istraatiijiyo oo loo baahanyahay in laga gudbo si loo gaaro aragtida 2020, kuwaasoo ah: 

  • Taxadiga koowaad oo ah in la dhiso ummad Malaysian ah oo wadaagta dareen iyo aragti, kuna dhisan nabad dhexdeeda ah, iskuna duuban,wada nool, dalkana kawada qayb qaata, daacadna u ah.
  • Taxadiga labaad waa in la abuuro bulsho Malaysian ah oo xor ah, hor marsan, nafteedana kalsooni buuxda ku qabta, kuna faanta waxay tahay iyo waxay guddo.
  • Taxadiga saddexaad ineynu abuurno Bulsho Demoqradi ah oo wada tashi wax ku goosata, madax banana, oo ka duuleysa maslaxadda Malaysia, cidna aan (copy) ka ahayn, tusaalena u noqota wadama badan oo horumar doonaya.
  • Taxadiga afraad waa inaan helno bulsho Malaysian ah oo leh darajada ugu saraysa xagga qabsashada diinta iyo dhaqanka wanaagsan.
  • Taxadiga shanaad oo markasta nah or taagnaa waa inaan abuurno Bulsho Malaysian ah, oo xoriyad ku wada noolaata iyo nabad iyadoo mid kastaa diintiisa iyo dhaqankiisa uu haysto haddana wada leh wadankan oo u wada tiirsan.
  • Taxadiga lixaad waa inaan abuurno bulsho cilmiga iyo sancada ku horreysa oo horay fiirineysa, oo aan ahayn bulsho wax technologiyada isticmaasha oo suuq u noqota keliya, ee innagu aan noqono mid technolojiyada wax ku darta oo kaalin ka qaadata ooh al abuur leh.
  • Taxadiga todobaad waa dhisidda mujtamac isku xiran qoys ahaan iyo bulsho ahaan oo is daryeela, oo maslaxadda guud ka hormariya midda gaarka ah, oo ku dadaala nolol wanaagsan ee qof kastaa helo.
  • Taxadiga sideedaad waa abuuridda mujtamac cadaalad leh oo si cadaalada dhaqaalaha u qaybsada, si wada jira oo simana horumarinta dhaqaale uga qayb qaata.
  • Taxadiga sagaalaad waa abuuridda bulsho Malaysian ah oo nolol wanaagsan, dhaqaale tartan ku jira, firfircooni, iyo ka qayb qaadasho adduunka leh.

Qorshahaas uu Dr. Mahathir ummadiisa soo hor dhigay 1990 Markaan annagu soomaali haddaan nahay birta isku saafeyney ilaa haddana aan isku saafeynu, cali iyo cabdalla is haystana aan ka bixi kari la’nahay, geedi iyo faarax baa kala booday xaalkeenu taagan yahay, waxaad mooda in Malaysia 15 sano ka dib ay in badan kaga guulaysatey arrimahaas. 15 sano ee qorshaha ka harayna haddii ilaahay nabad ku gaarsiiyo ay gaarayaan waqti ka horreeya waqtigii ay qorshaysteen. 

Halkaas waxaa ka caddaatay mar kale, muhimadda ay leedahay dejinta qorshaha iyo ka shaqayntiisa iyo in la wada higsado gaaritaankiisa, oo riyada run loo bedelo. 

Laakiin Soomaaliya ayaan lahayn cid u ooyda…… 

AKHRI QAYBTA 6aad >>>

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD