SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


SHUKRAN MALAYSIA – 6

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Maarso 25, 2006

Isha sawirka: Google images

 Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad |  Qaybtii 6aad |

Waxaan maqaaladan u gaar yeelayaa, weyna istaahishaa, XARUNTA TECHNOLIJIYADA MALAYSIA- ama (Multimedia Superior Corridor) (MSC).

Waa tiir ka mida tiirarka horumarinta Malaysia ee (Aragtida – Vision 2020) ee Qorshaha dheer ee Malaysia ku tashatay. 

Waa Magaalo loogu tala galay iney bedesho Celicon Valleyga maraykan, ama shirkadaha adduunka  (Information Communication Technologu ICT) ka shaqeeya. Wexey sanadkan hay’adaha arrimahaas indhaindheeyaa liiska ay soo saareen, Malaysia ka gasha booska saddexaad shirkadaha mustawahaas leh ee wadan kasta ugu jira, waxaa kaga shirkada badnaa oo keliya Maraykan iyo India. 

Mexey tahay Qisada, magaaladan wada technologiga ah, oo la yiraahdo, qalin lama qaato, ee computer, digital ayey wax kasta gudeheeda ku shaqeeyaan, waxaana isugu yimi in ka badan 1000 shirkadood ee kuwa adduunka ugu haysta  cilmiga ICT? 

Marka hor qorsheheeda shaxdaan ka garo:

 

Qaybta 1aad: 1996 – 2004 ee Qorshaha magaaladan waa dhisidda iyo asaaska.

Qaybta 2aad: 2004-2010 Waa iney noqoto Meel adduunka technolojiyadiisa hoy iyo xero u noqota.

Qaybta 3aad: 2010 – 2020 Waa iney u bedesho Malaysia Mujtamac cilmiyaysan. 

Wixii ka dambeeya 2020 waa in la hanto hoggaanka dhaqaalaha cilmiga. 

Waxaan Somaalida inta caqliga leh ka codsanayaa, bal iney u fiirsadaan dadku sideey u shaqaynayaan, (bal ineynu wax yar ka xorowno – maskaxda dhaafi la’ 16 sano, technikaan haystaa iyo ciidan ayaa ii diyaarsan, gawaari pick-up oo adduunku mar hore ka tegey, 4 wiil oo caga cad, jaadna qawlalada qalajiyey dul fadhiyaan, loo malaynayo in adduunka la qabtay, ama la dhaafi la’ yahay, hay’adaha adduunka waxaanu ka baryeynaa iney noo soo gurmadaan- soomaalidaas inta caqliga lihi bal si fiican ha ugu fiirsato sida wax loo dhiso oo aan wax loo dumin. 

1995 – 29 Aug   Wuxuu Dr. Mahathiir Dhagax dhigay magaalada caasimada cusub ee Putra jaya oon xoogaa kazoo sheekeeyey. 

1       Nov. wuxuu jeexay magaalada Technolojiyada ee Multimedia Super Coorridor, oo ku fadhida (15x50 KM).

  

1996           Nippon Telegraph and Telephone Corporation (NTT)  Wexey ogolaatay iney ka dhisto MSC , markas cilmibaaris iyo horumarin.

 6 May  waxaa soo baxay Plankii 7aad ee Malaysia oo qayb fiican laga siiyey horumarinta magaaladaas. 

28 May  wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqday maraykanka si uu fikradan u baahiyo suuqna ugu sameeyo.

5  June waxaa la asaasay  Hay’adda  Horumarinta Cilmiga macluumaadka (Multimedia Development Corp. MDC) si ay u horumariso una kormeerto magaalada MSC.

20 June Dr. Mahathir wuxuu siyaartey Saldhiga Shirkadda adduunka computerada ugu haysata ee Microsoft ee Seattle si uu ugala xaajaysto ka qayb galkooda magaaladaas.

2 October waxaa dawladdu wasaaradda wax barashada ku amartay in la asaaso Jaamacadda (Multimedia University). 

Qaybta 7aad... Akhri >>>

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2006


Petronas Towers
Dhismaha adduunka ugu dheer ee ku yaal Kuala Lumpur

::MA OGTAHAY::

Ma ogtahay in Dhismaha adduunka ugu dheer uu ku yaal magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, waxaana dhismahaas la dhamaystiray sannadkii 1998, magaca dhismahaasi waa Petronas Towers (waa dhisme mataano ah sida ka muquata sawirka midig), joogga dhismahaasi waa: 1,483 feet (ama qiyaastii 452 miter), waxana uu ka kooban yahay 88 daqab oo is dul saaran. Waxaana dhismahaas laga dhisay Concrete (shamiinto) iyo Steel (bir). Qiimaha ku baxay waa $1.6 billion. ISHA: PBS.org: http://www.pbs.org/wgbh/buildingbig/ .

Taasi waxay ku tusineysaa tartan adduunku ugu jiro dhismayaasha bilicsa san...

"DAL DADKIISA AYAA DHISA"


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD