SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


SHUKRAN MALAYSIA – 7

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Maarso 26, 2006

Isha sawirka: Google images

 Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad |

SHUKRAN MALAYSIA – 7

Weli anagoo wadna dadaalkii ay Dawladda Malaysia u gashay xarunta technolojiyada (MSC). 

1997           13 January Dr. Mahathir oo hoggaaminaya wafdi cilmiyeed iyo ganacsato ayaa Booqasho ku tegey Maraykanka iyo Japan, wuxuuna la kulmay Ragga adduunka Computerada iyo Multimediada maamula sida Bill Gates, Scott Mcneaally, James Barksdale, Eckhard pcfiefer, Stan shih, John Cambers, iyo Noboyuki idie.

16 Januaray Wuxuu Dr. Mahathir guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Guddiga Caalamiga ah ee la taliya MSC, oo ka kooban raga kor ku xusan iyo kuwa kaleba, (International Advisory Panel IAP),wuxuuna kula kulmay Daarta Gates ku magacaaban ee Jaamacadda Stanford (Stanford University) ee California. 

20 May Wafdi Ballaaran oo culimo oo MSC ka socda oo uu hoggaaminayo Dr. Mahathir ayaa booqasho ballaaran ku bixiyey, dalalka yurub, Galbeed iyo Bariba, Ingiriis, Hoolland, Germany, Sweden, Finland, iyo kuwa kaleba, wuxuuna la kulmay, masuuliin, shirkado Technolojiga, Jamacadaha, wuxuu ugu baaqay ka qayb galka MSC, wuxuu la galay qaarkood, heshiisyo.

1998  Feb waxaa kulmay shirkii 2aad ee (IAP) International Advisory Panel, oo ku qabsoomay xarunta MSC, oo uu guddoomiyey Dr. Mahathir.

 

March wuxuu Dr. Mahathir hoggaamiyey Wafdi MSC ah oo u baxaya Germany, si loola kulmo shirkadaha iyo culimada technolojiyada. 

2001 Waxaa xaflad loo qabtay shirkadii 500 ee degtay magaalada MSC. 

Masoo koobi karo, laakiin bil kasta waxaa dhacayey intaas oo talaabo oo horumar ah oo Raiisul wasaaraha Dr. Mahathir uu goob jog ka yahay, sidii aanu shaqa kaleba lahayn, laakiin, waa ummad shaqayneysa. Haddaad faahfaahin unga baahantahayna ka fiiri,. Websitekooda internetka. www.mdc.com

Maanta 1000 shirkadood in ka badan ayaa maraakis cilmi baaris, wershedo, saldhigyo, sheybaaro, xafiisyo ku leh MSC.  

Qaabka ay u shaqayneyso iyo ujeedada dheer oo laga leeyahay oo ah:

-          Kordhinta cilmi barista

-          Dhisidda Technolojiyada

-          Horumarinta Bulshada xagga cilmiga

-          Soo jiidashada khibradihii adduunka

-          Dhaqaalaha Dibadda soo gelintiisa

-          Kordhinta wax soo saarka

-          Shaqaalaha carbisan kordhintiisa 

Waxaa wax ka muujineysa shaxdan kale sida la rabo in wadanka loogu baahiyo cilmiga ay soo saarto MSC: 

Sidaas ayey Rabtaa Malaysia iney adduunka inta gaarto weliba dhaafto 2020, waxaana ka dambeeya magaaladaas dhisideeda:

Caqli fayow oo ku fekeraya horumar, iyo dad danaynaya dalkooda. 

Waxaan qof kasta oo soomaaliya oo hadalkan akhrisanaya ka codsanayaa, inuu isu fiirsho, heerka dadku ku fekerayaan, iyo heerka aan joogno.  

Akhri qaybta xigta >>>>

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD