SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


SHUKRAN MALAYSIA – 8

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Maarso 28, 2006

Isha sawirka: Google images

 Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad |

Waxaan ka codsanayaa, qolooyinka ku fekeraya iney Soomaaliya ama qeyrkeedba tala ka qabtaan, haddeeyan u fekeri Karin sidaas oo kale, iney iskaga haraan, oo meelahaas, iskaga shaqaystaan. 

Waxaan qof kasta oo Soomaaliya oo hadalkan akhrista u sheegi lahaa: 

Haddii uu weli taageerayo in duruufteenu sedan ahaato, dawladnima sedan aan ku jirno ku raadineyno, (Madaxweynayaal aan ardaaga beesha caqli ka fog ku fekeri Karin, wasiiro iyo xil dhibaano qaadka Nairobi, Jawhar iyo Baydhabo islaamaha deynta kaga dhamaystay, Raiisul wasaarayaal saajinada Ethiopia iyo keenya iney amarka ka qaatan ka fog aan ku fekeri Karin, dagaal oogayaal, la sasabo, oo maalinba mid cusubi soo boxo, inta xaafad  rasaas ku asqaysiiyo, yiraahdo anna waa ikan, beeshuna tiraahdo, waa halyeey, ) Haddaad weli dadkaas oo kale taageereyso ogow in Qalbigaagu dhintay. Aadan noolayn, waxna aadan arag !! 

Akhristaa wuxuu yiri: Saaxiib Malaysia miyey ku sixirtay? Waxaan iri: Lacajabidda sheyga lala cajabo waa nooc sixirka ka mida. Sida aftahamada iyo hal abuurku u yahay nooc sixira. Waxaa I cajabiyey, oo aan uga hadlayaa Malaysia, waa Tajribu u baahan in la dhigto, oo loo kuur galo, lana miisaamo. 

Dawlada Badan oo ka xoola badan Malaysia ayaan gaarin una dhowayn heerkeeda. 

Sacuudi Carabiya, Kuwait, Imaarat, iyo kuwa la mida wey ka dhaqaale badan yihiin, Malaysia, maxaa sababay, iney dhaafto boqolaal sano, iney noqdaan suuqyada wax quuta, iyana noqoto kuwa wax quudiya, iney noqdaan kuwa wax iibsada keliya, iyana noqoto mid iibisa oo iibsata, iney cilmiga ku hor marto iyana afar gaal oo xun xun mooyaane wax kale ayan kibis u ogolayn!! 

Waxaa sababay siduu Yiri Dr. Mahathir: 

Malaysia Horumarkeedu ma noqonayo mid dhinac walba kala mida UK, ama US ama Canada. Waa Horumar Malaysian ah, waxbuu ka faiidaystaa dadkaas, laakiin mid isu ekaysiinaya maaha.  

Waxaa sababay, maskax xora oo aan addoonsi aqbalayn, adduun manta furfurmay, oo cilmigu meel kasta yaal haddii ay daacad kaa tahay inaad soo raratana aad heli karto. Laakiin rabitaan, iyo shaqo u baahan oo qudha. 

Waxaa sababay in Malaysia ay ka xoroowdey iney reer galbeedka hoos fadhido, marti u ahaato, daba ruclayso, laakiin wexey kula dhaqantaa, hoo – isii.. (give and take). Wexey kula dhaqantaa xornimo, wexey iska oran kartaa: YAC!!! 

 Waxa meesha yaal maaha malala dhaqmaa wadamada shisheeya, ama wax Malaga qaataa, mid taasi laysku khilaafsan yahay maaha, laakiin waxaa laysku khilaafsanyahay, sidee loola dhaqmayaa, side wax looga qaadanayaa?

Japan Reer galbeedka wey ka qaadatay, laakiin wexey ku fekereysey maaha iney (camiil – customer) u noqoto keliya, ee iney ka kaaftoonto waqti yar ka dib, weeyna gaartey. Korea wey u baahnayd reer galbeedka iyo Japan, laakiin wexey ku fekereysey iney ka kaaftoonto, waqti ka dib. Malaysia sidoo Kale wey ka qaadatay welina wey ka qaadataa reer galbeedka iyo bariga labadaba, laakiin wexey ku fekereysaa iney ka kaaftoonto ama iyaguba u baahdaan waqti ka dib. 

Dalalkan carabta muslimiinta ah, badanaaba maskaxdaasu ma xukunto, waxaa xukuma iney (camiil- customer) ahaadaan, alaabta loo iib geeyo, keliya. 

Maalmihii dhoweyd ee Denmark la gooyey, waxaa soo baxday sucuudigu inuu ka qaato bidaacooyin gaaraya 100 Bilyan sanadkii, isuga 100 malyan xitaa ma gaaro waxa u u dhoofiyo oo patrol u badan. 

Soomaaliya jirtoo iyadu xisaabta kuma jirto, saa sucuudiga iyo qeyrkood dhulkooda ayey ku heshiiyaan oo wax ka dhistaan haba u yaraatee, inagana waxaan weli taaganahay, (Haddaanu reer hebel nahay…..). Muxuu yahay reer hebel marka adduunka la fiirsho?

Waa beel yaroo miskiina, oo caga cad, oo cayra, oon dhul iyo dawlad midna haysan, caruurteedu wax ma barato, dadkeeda jiranna cisbitaal ma leh, gabadha umushaana waa isku dhimataa, ninka wax noqdana Nairobi iyo Dubai ayaa loola cararaa lacag kasta oo uu leeyahay? Mexey ku nooshahay oo nolola?

Soomaaliyey I maqal: Haddaan wallaahi runta laysu sheegin inaan wax la noqonayn dhibkana laga baxayn. Waxa afka laga sheegayo haddaan uurka la geyn, haddaan la baran in la heshiiyo, lawada noolaado, wax la wadaago, kuwa u qalma talada loo dhibo, wallaahi ineydaan ka bixi hayn cadaabka aynu ku jirno, dhamaanteenna ina wada saaqay. Ilaahow ma gaarsiiye..

Qaybta Xigta... AKhri >>>>

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD