SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


SHUKRAN MALAYSIA – 9

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Maarso 29, 2006

Isha sawirka: Google images

 Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad |

Raiisul wasaaraha Malaysia ee Hadda jooga waxaa la yiraahdaa, Cabdalla Axmad Badawi, wuxuu kasoo jeedaa qoys Caraba, oo weliba diinta ku lug lahaa, awoowihiis wuxuu ahaa nin shiikha oo masjidkiisu ilaa hadda caan yahay. Badawi hadaladiisa waxaa laga dhadhaminayaa inuu diinta wax ka yaqaan ama wax badan ka akhriyey. 

Waxaad dareemeysaa nimankan Malaysianka ah madaxdooda, iney Islaanimadooda ku faanayaan, meel kastana ka sheeganayaan, xitaa Markey reer galbeedka meelohooda u caansan joogaan, wexey afka ku ballaarinayaan, islaanimadooda iyo iney dhaqan iyo diin ka duwan reer galbeedka leeyihiin. Taasi waa mid aan laga arag qaar badan oo madaxda muslimiinta manta ah, kuwaasoo afka ka dhawra xitaa iney dad muslima matalaan, ama diin islaam lagu shaabadeeyo, bal qaarkood wexey jecelyihiin, inaan laga werin wax islaamka la xiriira, waana ayaan xumo. 

Kitaabka la yiraahdo “ Islam Hadari” oo uu lagu soo ururshey 12 khudbadood oo uu jeediyey Abdalla Axmad Badawi, si kastaba ha ahaatee, waxaad ka dareemeysaa – hadalka keligiis – ficilku waa meeshiise, masuuliyad, islaanimo, iyo wadaninimo. Waxaad ka dareemeysaa, sida Madaxda dooneysa dalkeedu inuu adduunka wax ka noqdo ay u dhaqmaan, ama aragtidoodu tahay. 

Taasi wexey tiiraanyo ku noqoneysaa qofka Soomaaligaa, markuu eegu, sida wadankiisu yahay, iyo meesha uu yaal, iyo dadka taladiisa kala marooqsanaya, ee aan masuulka ahayn.  

Muxuu yahay “Islam Hadaari” ga uu wado Badawi? Waxaad Moodaa, hadal ahaan markuu mabaadidiisa usoo bandhigo, inuu fiicanyahay, hase yeeshe marka ay dhaqan gelinayaan, xoogaa debcin iyo waasicin – aad moodo – iney xadkeeda dhaafeyso ayey ku dabaqaan. Balse aan fiirino siduu u dhigayo Badawi.

Wuxuu leeyahay Islam Hadariga ujeedadiisu waa inuu gaadho 10 qodob oo ah:

1)   Iimaan iyo Taqwo

2)   Dawlad caadila oo lagu kalsoonaankaro

3)   Shacab xora oo madax banana

4)   Raadinta iyo tixgelinta cilmiga

5)   Horumar dhaqaale oo dhamaystiran isuna dheeli tiran

6)   Shacabka oo nolol wanaagsan hela

7)   Difaaca xuquuqda dadka laga badan yahay iyo dumarka

8)   Aqoonta iyo sharafta ruuxiga

9)   Ilaalinta hantida dabiiciga ah ee dalka iyo biiadiisa

10)Awood lagu difaaco dalka 

Hadaladiisa waxaa ka mida:

((Ardayda Muslimiintu waa iney ogaadaan in muslimiintu cilmiga aduunka bilaabeen. Waa ineynu samayno qorshayaal sare si aynu u soo saarno culimo Malaysian ah oo soo saari kara sancooyin cusub). 

Mashaakilka muslimiinta ee dawladohooda badankood la dib dheceen wuxuu ku cilleeyey:

((Muslimiinta wadamadooda inta badani waa faqri. Waxaa sabab weyn ka ah, maamul xumo, dhaqaalaha oo aan sidii la rabay loo isticmaalin, khilaaf iyo dagaalo. Waxaa kaloo halbawlaha gooyey musuqmaasuq. 133 wadan oo la baaray, wadanka muslimka ee ugu fiican wuxuu soo galay booska 26aad. 4 wadan oo muslimana wexeyba ka mid noqdeen 10ka u hooseeya)). 

Badawi wuxuu leeyahay : (( Maamul dawladeed oo wanaagsan, xisaabtan guud, iyo ladagaalan musuqmaasuq, ayey Malaysia ku noqon kartaa tusaale ay ku daydaan dawladaha Muslimku)). 

Waxaan filayaa inul uu arrinkaas run ku sheegay, waayo dalalka islaamku wexey la dhaqaaqi la’yihiin, waa maamul xumo, ama musuqmaasuq xididaystey oo laftiyo dhuuxa saaqay, ama xisaabtan guud oo aan jirin oo aan masuuliyadda dadka haya aan la weydiin: Xagee ka keentay? 

Qaybta xigta >>>>

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 29, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD