SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


SHUKRAN MALAYSIA – 10

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Maarso 30, 2006

Isha sawirka: Google images

 Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad |

Maxaan ka faiidaysan karnaa soomaali haddaan nahay, Malaysia?

1)          Waxaan ka faiidaysan karnaa(wadani nimo) sida wadankaaga loo jeclaado looguna hamiyo inuu hormaro.

2)          Waxaan ka baran karnaa sida waaqic ahaan danta guud looga hormariyo danta gaarka ah. Intii lagu sameeyey Anwar Ibrahim, oo ahaa Raiisul wasaare ku xigeen, inta laga xayuubshey masuuliyadda, oo la misabitay, oo la ceebeeyey xitaa sharaftiisa iyo diintiisa la duray,ayaa haddana xabsi 15 sano lagu xukumay, haddana markii Badawi uu soo daayey, noloshiisa si caadi ah ayuu u wataa, wadankuuna joogaa, waxaa laga reebay wax siyaasad ah ilaa 2008. Waxaa igu soo dhacday intaa in ka yar haddii lagu samayn lahaa isbatoore soomaaliya, tolla’yey ayuu ku dhufan lahaa, jabhadna itoobiya ayuu kala soo jeensan lahaa, cadow kasta oo soomaaliyi leedahayna wuu soo hoggaamin lahaa, si wadanka gees ka gees loo dumiyo, isaguna dambaska ku dul geeraaro.

3)          Waxaan ka baran karnaa sida qorshayaal dheer iyo kuwa gaaban loo degsado, iyo sida loo fuliyo (good Management and governance iyo Work ethics).

4)          Waxaan Malaysia ka faiidaysan karnaa Sida loo heshiiyo, loo wada noolaado, xukunka iyo xoolahaba qaybsado. Wadanku wuxuu ka kooban yahay 13 gobol, 9 ka mida waxaa ka jira Suldaano ama boqortooyo soo jireen ahayd. Sagaalka Boqol, hal kursi ma wada qaaydo, kursiga kuma heshiin waayin – sida qab qablayaasha soomaaliyeed – oo mid kasta kan kale caanaha ka daadsho. Sagaalka boqor wexey ku heshiiyeen in midkastaa gobolkiisa suldaan hoose ka ahaado, Boqortooyada Guud ee dalka Malaysiana kaltan noqoto oo mid kastaa 5 sano ku fadhiisto, isagoo ku soo baxaya doorasho dhexdooda ah. Sidaas ayey ku socotaa ilaa hadda, Sagaalka iyo cida dhaxalkooda leh, marba mid ayaa ku fariista. Maxaa dhibi lahaa nimankan ummadda soomaaliyeed rogay, ee dukun daakun ka dhigay, haddii ilaa 1991 , ay ku heshiiyaan, mid walbaa in afar sano xukunka loo daayo. Dadka iyo dalkuna nabad galaan, laakiin iyana ma calfan 16 sano, oo kii u dambeeyey waa kan maalinba tuula yar ku ag meeraya, caasimadii tegi kari la’, kuwuu shalay jilaafeeyey, ayaa manta jilaafo u dhigaya. Sidaaseyna door bideen iney ku jiraan weligood iyaga iyo dadkooduna ku dulloobaan!!.

5)          Waxaan ka baran karma Malaysia, in ummadda wax la baro oo cilmiga la qiimeeyo.

6)          Waxaan ka faaiidaysan karnaa (administration iyo Management) maamul, waxaan is iri, afar gabdhood oo Malaysian ah ayaa soomaaliyaba maamuli lahaa xagga Adminstrationka. 

Waxaa hadda Malaysia jooga in ka badan 600 oo arday oo soomali ah, oo jaamacadaha dhigta culuum kala duwanna barta, waxaan rajaynayaa iney noqdaan kuwa ka qayb qaata horumarinta dalkooda, iyo kuwa ka faiidaysta meesha ay joogaan. 

Mar aan la kulmay ardayda Jaamacada Islaamiga Caalamiga ee Malaysia ee soomalida ah (ilaa 150) in ku dhaw ayaa dhigata, waxaan la dhacsanahay sida ay isugu duubnaayeen, isuguna yimaadeen hal goob, Rajo wanaagsan ayaanan ka qabaa ardaydaasi iney kuwa dadkooda, diintooda iyo dalkoodaba wax tara iney noqdaan. 

Marka aan intaas ku soo kobo maqaaladii aan kaga hadlayey Malaysia, waxaan rajaynayaa in akhristayaashu wuxuun ka faaiideen. Ujeedada ugu weynina wexey ahayd baraarujin damiirka Soomaaliga inuu bal miyir daboolanka ka soo kaco, kor xoogaa uga kaco inuu ag fadhiyo is qab qabsi aan macna lahayn, iyo qabyaalad wexey dumiso mooyaane aan dugsi lahayn, waxaan ula jeedey bal in soomaalida kuwa siyaasadda dhex yaal iyo kuwa taageeraaba ay ku baraarugaan adduunku meeluhuu ka shaxayo, wuxuu ku haminayo, iyo meesha ay joogaan.

Dal bur buray, dad kala haadey, adeegya bulsho oo dhumay, ummad aduunka ka dambeysa ugu yaraan 50 sano, Bal in Damiirka nololi ku hartay uu isku noqdo, oo baraarugu. Bal in INTA CAQLIGA LIHI isu timaado, is guubaabiso, meesha ka kacdo, tashato, Inta caqligooda wax u dhimanyahay, ee dalka iyo dadka 16 sano wareeriseyna, bal si la yeelo, waloo xitaa bal dalalka hodonkaa la weydiisto iney noogu hayaan, cisbitaalada dadka xisku ka dhaawacmay la geeyo oo halkaa nlooku hayo inta caqliga waxa lihi wadanka u tashanyaan.

Ilaahow na caymi…….

Mahad celin >>>> GUJI...

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 29, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD