SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARAR MAY 3, 2006

  • Shariif Xasan “Ra’isul Wasaare Geeddi wax lagu qanci karo ayuu soo hor dhigay Baarlamaanka”..

  • Shiikh Xasan Daahir “Ciidamo laga keenay gobol gaar ah ma noqon karaan ciidamo qaran, waxayna fashilinayaan..”..

  • Xuseen Caydiid oo la filayo in maalinta beri ah uu soo gaaro Magaalada Baydhabo..

  • C/llaahi Macallin “Hay’adaha Caalamiga ah waxaan ugu baaqayaa in ay gargaar la soo gaaraan”

  • Iska hor imaad shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo…

  • Nin dilay Macallin Dugsi Qur’aan oo lagu qisaasay Muqdisho

  • Shir ay magaalada London ku yeesheen Jaaliyadda Digil & Mirifle

  • Dagaallo dhex-maray ciidammada xoreynta iyo kuwa cadowga.


Nin dilay Macallin Dugsi Qur’aan oo lagu qisaasay Muqdisho

Maxkamadda Islaamiga ah ee Maka Al-Mukarama ee Deegaanka Barmuuda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay shalay dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle lagu magacaabo Shiikh Cumar Macallin kaddib markii bishii Feebaraayo uu dilay Macallin Dugsi Qur’aan oo la oran jiray Macallin Cusmaan.

Markii ay xukmisay dilka gacan ku dhiiglahaasi ayaa waxaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ku taalay fagaaraha Baramuudo waxaana ka soo qaybgalay dadweyne aad u fara badan oo doonayay in ay arkaan sida loo Qisaasayo ninkaasi.

Nin ay walaalo yihiin marxuumkii horey loo dilay ayaa isaga loo dhiibay Toorey kaddibna waxaa loo fasaxay in uu Toorey ku dilo ninkaasi, maadaama uu horey ugu dilay marxuumkii hore, markiibana waxaa gacan ku dhiiglaha lagu dhiftay dhowr nabar ilaa ay naftu ka baxdo, waxaana qisaastaan soo dhaweeyay dadweynaha deegaanka oo sheegay inay wax badan ka tareyso dhinaca nabadgelyada.

Shariif Xasan “Ra’isul Wasaare Geeddi wax lagu qanci karo ayuu soo hor dhigay Baarlamaanka”..

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa mar wax laga weydiiyay in qaar ka mid ah xubnha Baarlamaanka aysan ku qancin hadalkii Ra’isul Wasaare Geeddi ee ku aadanaa xafiiska ay Itoobiya ka furatay Magaalada Hargeysa ee Maamulka isku magacaabay Soomaaliland ayaa waxa uu Guddoomiyuhu yiri “Ra’isul Wasaare Geeddi waxa lagu qanci karo ayuu soo hor dhigay Baarlamaanka”, waxa uu intaa sii raaciyay “Ra’isu Wasaaruhu waxa uu ka soo hor jeedaa in midnimada Soomaaliya tafaraaruq la geliyo”, sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu xusay in Itoobiya aysan keligeed aqoonsi siin karin maamulka isku magacaabay Soomaalinland, “Itoobiya ma bixiso aqoonsi ee waxaa aqoonsiga bixiya beesha Caalamka oo ay hormuud u tahay Qaramada Midoobey”. Guddoomiye Shariif Xasan waxa uu u soo jeediyay Xildhibaanada aan ku qancin hadalka Ra’isul Wasaare Geeddi in ay baaritaan dheer sameeyaan si ay u ogaadaan xaqiiqda. Wareysi uu horey u siiyay Idaacadda BBC-da Ra’isul Wasaare Geedi ayaa waxa uu ku sheegay in haddii Beesha Caalamka ay aqoonsato maamulka Soomaaliland ay dowladdiisu aqoonsan doonto, waxaana hadalkaasi si weyn uga carooday Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo waliba Xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda Gobalada Waqooyi oo sheegay in Ra’isul Wasaaraha uu wax yeelo gaarsiiyay midnimada Soomaaliyeed. Safaarada Itoobiya ay ka furatay Magaalada Hargeysa ayaa waxay ku tilmaantay in uu yahay Xafiis xoojinaya Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliland, hase yeeshee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isagu si weyn uga carooday xafiiskaasi kuna tilmaamay mid wiiqeysa dadnimada iyo isku keenidda Shacabka Soomaaliyeed

Shiikh Xasan Daahir “Ciidamo laga keenay gobol gaar ah ma noqon karaan ciidamo qaran, waxayna fashilinayaan..”..

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Culuma’udiinka Soomaaliyeed ahna aasaasayaashii Maxkama-daha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay Xafiiska ay Dowladda Itoobiya ka furtay Magaalada Hargeysa, waxa uuna sheegay in xafiiskaasi uu yahay mid la doonayo in lagu baabi’iyo qarannimada Soomaaliyeed iyo jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

“Itoobiya weligeedba waxay ka soo horjeeday Qaran Soomaaliyeed in uu dhismo, waxaase ayaan daro in aysan weli dareemin dadka maanta Ummadda Soomaaliyeed u haya mas’uuliyadda” ayuu yiri Shiikh Xasan oo sheegay Itoobiya in ay tahay caddowga Umadda Soomaaliyeed.

“Ciidamada laga soo uruurinayo Gobalo gaar ah, waxay keeneysaa in uu fashil iyo burbur ku yimaado Dowladda Federaalka” ayuu yiri Shiikh Xasan oo sheegay in loo baahan in dib loo uruuriyo ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay tababar u siiyaan kooxaha maleeshiyooyinka ah ee aan garaneyn wax la yiraahdo Dowladnimo.

Xuseen Caydiid oo la filayo in maalinta beri ah uu soo gaaro Magaalada Baydhabo..

Warar aanu ka helnay rag ku dhow Xuseen Caydiid kuna sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegeen in Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Caydiid la filayo in maalinta beri ah la filayo in uu soo gaaro Magaalada Baydhabo.

Xuseen Caydiid oo mudo dhowr bilood ah ka maqnaa dalka ayaa waxaa la sheegay in uu inta badan uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana Magaalada Muqdisho uu ka ambabaxay dhowr kaddib markii weerar qarax loo gaystay Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi xiligaas oo ka mid ahaa mas’uuliyinitii soo dhaweyneysa Ra’isul Wasaaraha.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Xuseen Caydiid uu gaaray wadanka Sucuudi Carabiya kaddib markii uu martiqaad ka helay wadankaasi, waxayna soo laabashadiisu ku soo beegmeysaa xili uu Magaalada Baydhabo ka maqan yahay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, iyadoo la filayo in uu shir-gudoomiyo shirka wasiirada.

C/llaahi Macallin “Hay’adaha Caalamiga ah waxaan ugu baaqayaa in ay gargaar la soo gaaraan”

C/llaahi Macallin Xuseen oo ah Gudoomiyaha Degmada Jilib ee Gobalka J/dhexe ayaa waxa uu sheegay in Tuulooyin ka tirsan degmadaasi dadka deganaa ay haatan la ildaran yihiin cudurka Malaariyada ama Duunyada, kaddib markii dhawaan halkaasi ka da’een roobabkii Gu’ga.

“Dadka oo markii hore la ildarnaa abaaro iyo biyo la’aan ayaa waxaa ugu darmay Duumo” ayuu yiri C/llaahi Macallin oo sheegay in Degmada Jilib ay hoos yimadaan ilaa iyo 97 Tuulo.

Waxa uu sheegay in dadku u baahan yihiin biyo nadiif ah iyo ceelal loo qodo, isagoo sheegay in maamulkiisa intii awooddiisa ah uu gacan siiyay dadkaasi, waxa uuna u soo jeediyay Hay’adaha Samafalka ee caalamiga ah in ay gargaar la soo gaaraan dadkaasi.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in maamulka degmada uu dhigay gogol lagu dhameynayo dilkii C/qaadir Ciise Fara-Cadde oo ka mid ahaa Shaqaalaha Hay’adda DBG, isagoo sheegay in wada hadaladaasi ay haatan marayaan meel aad u wanaagsan waxa uuna sheegay in maamulka Degmada uu aad uga xumaaday dilka ninkaasi.

Iska hor imaad shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd bartamaha magaalada Baydhabo uu iska hor imaad ku dhex maray maleeshiyo ka tirsan ilaalada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo maaleeshiyo iyana deegaanka ka tirsan, waxaana iska hor imaadkaasi la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen afar ruux oo uu ku jiro wiil yar .

Iska hor imaadkaas ilaa iyo hadda lama oga sababihii uu ku bilowday, balse warar ayaa waxay sheegayaan in Maleeshiyada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed gaari ay wateen uu biyo wasaq ah ku sareyriyay kooxo maleeshiyo ah oo fadhiyay meel biibito ah, taasoo ay is aad ah uga caroodeen kaddibna ay rasaas is weydaarsadeen, warar kale ayaa waxay sheegayaan in kooxda gaariga wadatay ay ka shikiyeen kooxda maleeshiyada ah ee meesha fadhiyay in ay gaariga ka dhacaaan, waxaana markii dambe soo kala dhex galay guddiga Nabadgelyada ee Magaalada Baydhabo oo uu hogaaminayo Aadan Saransoor.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Magaalada Baydhabo iska hor imaad ku dhex maro maleeshiyooyinka deegaanka iyo kuwa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo lagu waramay in haddii aan xal loo helin iska hor imaadyada noocaan oo kale ah ay keeni karto in ay faraha ka baxdo nabadgelyada Magaalada Baydhabo.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Shir ay magaalada London ku yeesheen Jaaliyadda Digil & Mirifle
 
Shir aan caadi aheyn oo ay maanta ku yeesheen xubnaha jaaliyadda Digil & Mirifle magaalada London oo ay kaga hadlayeen kulankii ay dhawaan la yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya MD. C/llaahi Yuusuf Axmed Axmed.


Xubnaha ku shiray London | Sawirqaade. C/lahi Afey

 
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha ugu sarreeya ee jaaliyadda Digil & Mirifle ayaa ka dhacay xarunta Jaaliyadda oo ku taalla xaafadda Streatham ee magaalada London, xafiiska ay ku leeyihiin Ururka Somali Humanitrian Aid.
 
Shirkan waxaa la iskula soo qaaday sida ugu haboon ee ay uga wada shaqeyn lahaayeen  arrimaha Gobollada ay degaan ee Bay & Bakool oo haatan fadhiisimo u ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Waxaana hadallo ka jeediyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Qowmiyadda Digil & Mirifle MD. Maxamuud Axmed Xassan oo loo yaqaano "Dalab" & Guddoomiye ku xigeenka jaaliyaddaasi MD. C/llaahi Siidow oo aad ugu dheeraaday kulankii ay la yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf & sidii wax looga qaban lahaa arrimaha maamul u sameynta hadda laga wado deegaannada Bay & Bakool.
 
shirkaasi xubnihii ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa:-
 
1. MD. C/rashiid Xaaji Xasanow Manuur "Xoghayaha Warfaafinta"
2. Marwo. Aamino Maxamed Cali "Daqarre"
3. Garaad Xussen Cali Xussen
4. C/kariim Yaanyuurow.
 
Wariye
Allasow
London, UK
alasow73@hotmail.com
Barnaamijkii Radio Xoriyo
02 May 2006
 
Dagaallo dhex-maray ciidammada xoreynta iyo kuwa cadowga.
 
Dad rayad ah oo gumaysigu xidhxidhay.
 
Dad Kenyaan ah oo ciidammada Itoobiya jidhdil ku sameeyeen.
 
Itoobiya oo looga digay inay reer miyiga qasab ku baddasho.
 
Maamulka W/galbeed Somaliya oo sii daayey 4 Maxbuus oo u dhashay Ogadenya.(Maqal)
 
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Ninkuu Digay).
 
 ======================
 
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo meelo kala duwan ka dhacay, kuwaasoo dhex-maray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo maxaysatada gumaysiga Itoobiya.
 
11/04/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya dagaal mir ah ku qaadeen cidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Dig, waxayna u gaysteen khasaare ba’an oon faahfaahintiisa wali la halin.
 
15/04/06 dagaal mir oo sidoo kale ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada cadowga ee fadhiya magaalada Gurdumi waxay ugu gaysteen khasaare ba’an.
 
19/04/06 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale dagaal mir ah ku qaaday ciidammada cadowga ee ku sugan Wijiwaaji, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
25/04/06 meesha lagu magacaabo Baka, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, dagaal adag ayaa ku dhex-maray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysatada Itoobiya. Dagaalkan ayaa ahaa mid adag oo Qoryaha Soodhkooda la isula tagay, waxaana cadowga lagaga dilay inta la ogyahay 43 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay qaar kale oo badan.
 
27/04/06 dagaal mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Sagag waxay ugu gaysteen khasaare lixaad leh.
 
Dad rayad ah oo gumaysigu xidhxidhay.
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya oo si waxshinimo ah ula dhaqma dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya oo ku haya denbiyada ay ka midka yihiin dilka, xidhayga, kufsiga iyo dhaca, ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin.
 
Magaalada Dhagax-madow waxaa muddo seddex bilood ah ku xidhxidhan dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin. Dadka halkaas seddexda bilood ku xidhxidhnaa waxaa ka mid ah;
 
1-    Maxamed Askar Tubeec
2-    Saxane Cabdi-yare Muxumed
3-    Sayid C/qaadir Dhagawayne
4-    Cabdi-yare Muuse Cadde
5-    Cabdirabiix Maxamed Cabdi
6-    Jamaal Ibraahim Cabdi
7-    Maxamed Shariif Baddal
8-    Ruqiya Askar Tubeec
9-    Halab Shariif Mustafe iyo
10- Ruqiya C/llaahi Tubeec
 
Magaalada Iimey-Bari waxaa markii ay taariikhdu ahayd 13/04/06 lagu xidhay gabadha lagu magacaabo Sawda Macalin Haybe, oon xidhaygeeda hadda ka hor idiinka soo tabinay. Gabadhaas ayaa xaaladdeeda laga dayrinayaa, ka dib markii ay ciidammada gumaysatada Itoobiya jidhdil ba’an ugu gaysteen meesha ay ku xidhan tahay. Waxaa la sheegayaa in gabadhaas ay cidammada gumaysatadu u gaysteen dhaawacyo waawayn, isla markaana ay aad u il-daran tahay. Gabadhan ayaa lagu eedeeyay inay JWXO ka tirsan tahay.
 
Magaalada Baka markii uu dagaalka adag ka dhacay 25/4//06 waxaa yimid ciidammo gurmad ah oo u soo gurmaday ciidammadii gumaysatada ee halkaas lagu gumaaday. Ciidammadan gurmadka ah ayaa cagta mariyay dadwaynihii magaalada iyo nawaaxigeeda ku dhaqnaa. Waxaa la sheegayaa inay qayb magaalada ka mid ah gubeen, isla markaana ay boobeen hanti badan oo dadwaynuhu lahaa. Waxaa jira warar sheegaya in dileen seddex qof oo rayid ah.
 
Dad Kenyaan ah oo ciidammada Itoobiya jidhdil ku sameeyeen.
 
Ciidammada Itoobiya ayaa soo daayay lix qof oo Kenyaan ah oo gudaha Kenya ay toddobaadkiihore ka afduubeen, mar ay soo weerareen tuulo lagu magacaabo Modhaudhi oo degmada Mooyaale ka tirsan. Lixdan qof ayaa sheegay in la geeyay xero millatari oo dhinaca Itoobiya ah, isla markaana jidhdil ba’an halkaas loogu gaystay.
 
Waxay kaloo sheegeen in dadka jidhdilka u gaystay ay ahaayeen ciidammada Itoobiya, isla markaana ay ka doonayeen inay ka sheegsiiyaan warbixino la xidhiidha meelaha Kenya dhexdeeda ah eey ku dhuuntaan dadka ka tirsan ururka Oromada ee OLF.
 
Dagaal ayaa ciidammada Kenya iyo kuwa Itoobiya toddobaadkii hore ku dhex-maray gudaha Kenya, ka dib markii ay ciidammo Itoobiyaan ahi ka soo gudbeen xadka labada dal u dhexeeya oo ay soo weerareen toolada Modhaudhi oo dhinaca Kenya ku taalla.
 
Madaxa booliska Kenya ee Mooyaale ayaa sheegay in lixdan qof ee kenyaanka ah la soo daayay, ka dib markii ciidammada ammaanka Kenya ee Mooyaale ay cabasho u gudbiyeen maamulka Itobiya.
 
Dhinaca kale ururka ugu wayn ee muslimiinta Kenya ee The Supreme Council of Kenya Muslims (SUPKEM) ayaa dawlada Kenya ugu baaqay inay tallaabo degdeg ah ka qaado weerarrada bahalnimada ah ee ciidammada Itoobiya ku soo qaadaan dadwaynaha reer Kenya ee ku sugan dalka Kenya dhexdiisa. Ururku wuxuu dawlada Kenya ka dalbay inay difaacno dadwayneheeda ooy ka difaacdo weerarrada ay ciidammada shisheeyaha ahi u gaystaan.
 
Ururka SUPKEM wuxuu sidoo kale dawlada Kenya ugu baaqay inay warqad cabasho ah u qorto Qaramada Midoobey, taasoo ay kagag cabanayso xadgdubka ay dawlada caadaystayee ay ku samayso xadka Kenya.
 
Itoobiya oo looga digay inay reer miyiga qasab ku baddasho.
 
Masuul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa sabtidii ka digay qorshaha xukuumadda Itoobiya ee ah in dadka reer miyiga ah lagu qasbo inay baddalaan qaab nololeedkooda oo lagu sandulleeyo qaab nololeed ayna iyagu rabin ama u baranin.
 
Xukuumadda Itoobiya ayaa ku andacoonaysa in dadka reer miyiga, oo abaruhu mar kasta si ba’an u waxyeelleeyaan, la caawin karo oo kaliya haddii laga baddalo qaabka ay u nool yihiin ee reer guuraanimada ah, isla markaana la dajiyo meelo ay ku nagaadaan.
 
Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bani’aadamnimada Kjell Magne Bondevik ayaa warfidinyeennada u sheegay inuu taageersan yahay in dadka raacatada ahi ay noloshooda baddalaan oo noqdaan dad beeralay ah oo deggan, hase yeeshee wuxuu ka digay in dadkaas lagu qasbo nolol ayna iyagu dooranin oo qasab lagu dajiyo.
 
Bondevik ayaa booqasho ku tagay Itoobiya, si uu wax uga ogaado heerka ay dhan tahay dhibaatada abaaraha ka jira gobolka Geeska Afrika. Bondevik wuxuu booqday gobolka Oromada, wuxuuna la kulmay dadwayne waxyeello ka soo gaadhay abaarihii gobolkaas ku dhuftay.  
 
02 Mayl 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2006

Warar GooGoos ah: May 2 ::::
»
C/llaahi Yuusuf oo gaaray wadanka Sweden..
»Xildhibaan Max’ed C. Yuusuf “Wali Geeddi farbaa u laaban
»Ururka Daawo yaqaanada Soomaaliyeed oo dib u habeyn..
»Odoyaal dhaqameed Soomaaliyeed oo ka qaybgalay kulan..
»Xaflad qalin jabin oo kadhacday magaalada qaahira..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan.... Guji... May 2

Dagaal ka Dhacay Deegaanka Waxaracade
»Ugaas Max’ed Weli: C/llaahi Yuusuf wuxuu xabashi ahaa 30..
»Ra’isul Wasaare Geeddi “Si dhaqsi leh ayaan ugu soo gudbin
»10 ka mid ah Maleeshiyadii Mareykanka ku qabteen Xeebaha
»Isqabqabsi ka dhex jira sidii maamul loogu sameyn lahaa..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 30