SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Kulankii Madaxweyne C/lahi Yuusuf iyo Soomaalida Sweden

Dhowr maalmood ka hor intii aanu madaxweynuhu kasoo degin dalkan Iswiidhan ayaan helay warqada casumaada ee lagu gelayo halka uu madaxweynuhu soomaalida kula kulmaayo. Maalinta la shaaciyey inuu madaxweynuhu dad weynaha la kulmaayona waxaa ay ahayd 2 maajo 2006-da ,saacadu kolka ay tahay shanta galabnimo. Halka lagu balamayna waa guriga laga maamulo magaalada Stockholm. Si aanan uga daahin kulankaas ayaan waxaan goor duhuradii ah tareen kasoo raacay magaalada aan deganahay oo aan sidaa uga fogeyn caasimada Istockholm.

Waxaan soo galay magaalada Istockholm qiyaastii saddexdii galabnimo.Waxoogaa kolkii aan yara nastay ayaan u dhaqaaqay halka lagu balansanaa, oo aan sidaas uga sii fogeyn xarunta weyn oo tareenada u kala goosha wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba. Saacadu kolkii ay qiyaastii ahayd ilaa afartii iyo barkii ayaan tegey gurigii lagu kulmi lahaa. Dad badan oo soomaali ah ayaa taagnaa guriga dhinacyadiisa kala duwan. Welina ma aaney bilaaban gelidii hoolka weyn ee kulanku ka dhici doono. Waxaa kaloo isla markiiba ishaydu qabatay ciidamada booliska oo meelo badan ka taagnaa aqalkaas si ay amaanka u sugaan. Waxaa kaloo iyana meesha gaafwareegaayey ciidanka nabadsugida ee iyagu aan qaadan lebiska ciidamada. Waxaa albaaada loo furay aqalkii la geli lahaa. Dadweynihiina saf ayey galeen si nidaam meesha loogu galo. Waxaan dhiibtey warqadeydii casumaada ka dibna waa la i siidaayey. Intii aanan gelin gudaha ayaa waxaa i baaray dhalinyaro loogu tala galay iney hubiyaan inaan dadku siddan wax nabadgelyada khalkhal gelin kara. Waxaan fariistay kursi meel dhexe ah oo ku aadan halka madaxda hadleysaa soo istaagi doonaan. 

Gurigaas looga arimiyo caasumada iswiidhan waa mid u dhisan qaab u eg meelaha qasriyada ah ee boqoradu degaan. Waa guri qadiimi ah  isla markaasna taariikh leh. Waxoogaa aan badneyn kolkii aan
fadhiney ayaa waxaa soo galay madaxweyne C/laahi yusuf ahmed iyo rag kale oo ka tirsan maamulka Istockholm.Waxaana bilaamay qorshihii lagu talo galay.
 
Bilawgii kulanka
 
Kulanku waxaa uu ku bilaamay aayado quraan ah oo uu soo jeediyey Bashiir Amaan oo ka mid ah  culumada sida aadka ah looga yaqaan wadankan iswiidhan. Ka dibna waxaa iyana hadlay dhowr qof oo kale oo ay ka mid yihiin garaad Abshir iyo nin lagu magaacaabo Xasan Giyaajo. Hassan Giyaajo waxaa uu ku nuuxnuuxsaday dhibaatooyinkii horyaalay dowladihii horay looga dhisay soomaaliya. Dhibaatooyinkaas oo sababay iney dowladahaas dhamaantood dhacaan. Garaad abshir  oo ka mid ah garaadada soomaaliya aadka looga yaqaan wuxuu isna sheegay inaan haysano fursad qaali ah oo laga yaabo in aaney mar dame ina soo marin. Waa inaan ka faaiideysanaa fursadaas oo aan dowlada taageeraa ayuu yiri garaadku. Intaas ka dib waxaa makarafoonka lagu soo dhoweeyey koox buraanburta oo ay horseed u tahay Gabar lagu magacaabo Xaawo cali jaamac. Gabadhaasi waxaa ay soo jeedisey buraanbur wadani ah oo aad loola dhacay. Waxaa ka mid ahaa ereyada buraanburkaas iyadoo raga la hadleysa.
 
-Dowlada idinkaa dulmaayee Ragow na daa
- Dhulkii idinkaa dayacay ee ragow na daa
 
Iyadoo xaawo nabada ka hadleysana waxaa ay tiri
 
-Ka daalley dagaal oo nabad baan diyaar u nahay
-ee nabada aan saxiixno dowladu ha sara kacdee.
 
Buraanburkaas ka dib waxaa hadalkii qaatay nin lagu magacaabo Jooy Frans oo ku jira baarlamaanka wadanka Iswiidhan balse asalkiisii kasoo jeeda Wadanka Gaana. Waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay soo dhoweyn uu madaxweynaha ku soo dhoweeyey hoolka la fadhiyey iyo guud ahaan magaalada istockholm. Wuxuu yiri Joy frans: “ Sharaf ayey maanta ii tahay inaan halakan idinla joogo idinkoo ah shicib iyo madaxweyne soomaaliyeed. Gurigaani waa mid qiimo leh, waana guriga lagu bixiyo qeyb ka mid ah biladaha Nobel –ka ee wadanka iswiidhan ay sanadkiiba mar bixiyaan”.Jooy waxaa uu sheegay inuu jecelyahay inuu arko soomaaliya oo markale lugeheeda isku taagta yeelatana qeybihii kala duwanaa ee adeega bulshada. Dowlada iswiidhan waxaa ay aad ugu dadaali doontaa sidii ay uga qeyb qaadan lahayd dhinacyada asaasiga ah ee bulshada ayuu yiri mr  Joy frans. Intaas ka dib waxaa hadalkii la wareegey madaxweyne C/lahi yusuf.
 
Khudbadii madaxweynaha

Abdullahi Yusuf AhmedMadaxweynuhu waxaa uu salaamay dadweynaha isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo magaca golayaasha kala duwan ee dowlada. Salaantaas ka dib waxaa uu ku dheeraaday heerarkii ay soo martay dowladu iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo gudboonaadey. Wuxuu kaloo ka waramay khilaafkii dhexmaray dowlada ku meelgaarka ah. Khilaafkaas oo muddo ragaadiyey howlihii dowlada. Wuxuu madaxweynuhu ka sheekeeyey waxyaalaha la isku haystey iyo dadaakii u isagu u galay in la dhameeyo khilaafkaas.Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday madaxweynuhu inuu maanta khilaafkaasi dhamaaday lana guda galay howlihii kala duwanaa ee golayaasha dowlada. Mar uu ka hadlaayey qorshaha dalka ee dowlada waxaa uu yiri c/lahi yusuf.
 
Amniga
 
“ Waxaa howlahayaga kaalinta kowaad kaga jira amniga wadanka. Waxaan ku guda jirnaa sameynta ciidan qaran oo ka kooban gobolada dalka oo dhan. Waxaanu xeraynay maleeshiyaad aad u badan. Kolkii maleeshiyaadkaas hubka laga dhigo waxaa qaarkood loo jihayn doonaa meherado kale si ay u helaan howl ay qabtaan. Ilaa toddoba kun (7000) oo ciidan ah ayaa la xereeyey loona bilaabay tababar kala duwan. Ciidankaas barkiis waa dhameysteen tababarkodii barkii kalena waa ku guda jiraan”Qorshe loogu magac daray qorshaha nabada iyo xasilida dalka ayaa la diyaariyey waxaana uu horyaalaa baarlamaanka si ay goąan uga gaaraan ayuu yiri  madaxweyne c/lahi yusuf. Qorshahaas kolkii baarlamaanku ansixiyo waxaa loo gudbin doonaa wadamada IGAD oo iyana dersi doona, ka dibna usii gudbin doonaa ururka midowga Afrika. Markii qorshahaan laysla gartona waxaa loo gudbin doonaa Jamciyada quruumaha ka dhexaysa si soomaaliya looga qaado cunaqabataynta hubka. Arintaasi waxay suurto gelineysaa ayuu yiri madaxweynuhu in Soomaaliya ay yimaadaan ciidan nabada ilaaliya. Ciidankaas oo qeybahooda ugu horeeyaa noqon doonaan kuwo ka socda dalalka suudaan iyo Ugaandha. C/lahi yuusuf waxaa uu ku celceliyey inaaney ciidankaasi noqon doonin kuwo soomaalida hub ka dhiga balse ay howshoodu ku ekaan doonaan iney ilaaliyaan dhismayaasha dowlada iyo meelaha dakhliga qaran sida dekedaha iyo garoomada diyaaradaha. Waxaa kale oo ay ciidankaasi ka qeyb qaadan dooonaan tababarista qeybaha kala duwan ee ciidamada soomaaliyeed.
 
Dhisida maamulka gobolada
 
Waxuu kaloo sheegay madaxweynuhu in lagu dhex jiro hawshii maamul u sameynta gobolada kala duwan ee dalka. Gobolo badan ayaa la dhemeeyey kuwo waa lagu guda jiraa kuwa kalena waxaa la qorsheynayaa in laga howl galo
 
Dibudhiska dalka
 
Dhinaca qorshaha dib u dhiska dalka,waxaa uu madaxweynuhu  sheegay in  dalal badan oo ay ka mid tahay iswiidhan ay ka qeybqaadan doonto dib u dhiska wadanka soomaaliya. Waxaa uu sheegay in shir arinkaas ku saasan la qaban doono sanadkan dhamaandkiisa. Shirkaas waxaa marti gelin doona Iswiidhan ama dowlada talyaaniga.
 
Aqoonyahankkii soomaaliyeed xagee ka baxay.
 
Isagoo la hadlaya aqoonyahanka soomaaliyeed waxaa uu yiri  C/lahi yusuf:
 
-Haddii aad tihiin aqoonyahankii soomaaliyeed waa ka tagteen wadankii soomaaliya. Waxaa laga yaabaa inaad u adkeysan weydeen dhibaatadii iyo dagaaladii ka jirey wadanka. Maanta wadankii intiisa badani waa nabad ee kaalaya oo nagala qeybqaata dhibta si aad dheefta wax uga heshaan. Haddii kale raggii ku jabay ee wadanka ka sheqeeyey oo u dulqaatay dhibtii iyo wax walba oo jirey hadhow idin oran maayaan, war hooya kheyrkaan. Lama huraan waa cawska jiilaal ee aqoonyahanow kaalaya oo dhib u dhiska dalka ka qeyqaata, ayuu yiri madaxweynuhu. Wuxuu kaloo intaas raaciyey in ay dowlada iswiidhan ka codsan doonaan in aqoonyahanada soomaaliyeed ee ku nool dalkan ay mushahar u qoraan si ay uga shaqeeyaan dalkii soomaaliya. Waxaa uu kula dardaarmay in aqoonyahanku diyaarsado ( qualification-kiisa) ama heerkiisa aqooneed. Guud ahaan waxaa uu soomaalida reer iswiiidhan kula dardaarmay iney midoobaan oo ay wax ka noqdaan dalkan iswiidhan. Waxaa uu yiri waxaad tihiin safiiro dhamaantiin, haddii aad wanaag sameysaana waa mid dan u ah dadka soomaaliyeed oo dhan. Haddii aad ceeb sameysaana waa mid dhaawacaaya dhamaan magaca soomaaliyeed. Intaas waxaa ku eg khudbadii madaxweynaha oo aad u dheereyd meelo kala duwana taabaneysey.
 
Gebagabo
 
Guud ahaan si wanaagsan  ayuu u dhacay kulankaas lala yeeshay madaxweynaha. Balse waxaa ii muuqday meelo ay ka jireen dhaliilo badan, loona baahan yahay in wax laga qabto mustaqbalka. Dhaliishaas waxaa iska leh raga howlwadeenada ka ah sida arimuhu u dhacayaan. Walow uu yaraa wakhtiga la haystey in la diyaariyo kulanka madaxweynaha iyo dadweynaha, hadana wakhtigaas yar wax badan ayaa la qaban karey haddii loo shaqeyn lahaa si hufan.Tusaale ahaan ma aaney jirin haba yaraatee wax qoraal ah oo ku saabsan sida howluhu u dhacayaan, iyo qorshaha wakhtiga iyo cida hadleysa iwm. Waxaa laga yaabaa in dad badani yiraahdaan howshaas lagama gaarin oo wakhti ma jirin. Taas cudurdaar ma noqon karto, oo xitaa haddii qorshe fiicani jiro waxaa lagu qori karaa kacanta ka dibna waxaa la gelin karaa koobi si looga sameeyo waraaqo badan. Waxaa iyana ka muuqatey ragga madaxweynaha howlwadenada u ah isku dhexdaadsanaan badan, iyadoo aan la garaneynin qofka maamulka howsha gacanta ku haya. Balse ay jireen dareewaliin badan. Arrinkaasina waxaa uu keeni karaa qaladaad badan.
 
Qaabka ay howlwadeenadaasi ula hadlayeen dadweynaha meelaha dhaadheer uga yimid ineydhegeystaan lana kulmaan madaxweynaha ma aaney ahayn mid nimaadsan oo xifad wanaag ku dheehan tahay.Waxaa la doonayaa dadka in la qanciyo oo si wanaagsan loola hadlo, meeshana aan marna laga saarin in madaxweynuhu uu yahay madaxweyne QARAN. Waxaa iyana aan meesha kasoo xaadirin warbaahinta waaweyn ee wadankan iswiidhan. Kolkii aan weydiiyey nin ka mid ah howl wadeenadaasna, ima aanu siin wax jawaab ah oo i qancisa.
 
Qof kasta oo hayo jogo sare sida madaxweyne ama ra,iisul wasaare waxaa howshiisu  ku xiran tahay hadba dadka la shaqeeya kartidooda iyo heerkooda aqooneed. Haddii dadkaas aaney lahayn heerkii maamul ee loo baahnaa ama ay awoodooda si qalad ah u isticmaalaan, waxaa ay arintaasi saameyn weyn ku yeelaneysaa natiijada howsha guud ee shakhsiga madaxda ah. Kolkii ay dhacday dhulgariirkii bada ee aasiya, ayaa la weydiiyey ra'iisul wasaaraha iswiidhan, waxa sababay in go'aano badan oo qalad ah la gaaro ayaamihii dhibaatadu taagnayd. Waxaa uu ku jawaabey Anigu waxaan ku xirahay hadba akhbaarta iyo macluumaadka ay i siiyaan dadka ila shaqeeya ee aan arinkan u xilsaartay. Marka haddii xagooda qalad ka yimaado waxaa ay saameyn ku yeelaneysaa howshaydii.
 
Waxaan tusaalahaas u soo qaatay inaan muujiyo sida ay isugu xiran yihiin howsha ninka madaxda ah iyo tan dadka isaga la shaqeeya.   Guntii iyo gabagabadii waxaan rajeynayaa in dadka la shaqeeya madaxweynaha kolkii uu dibadha maraayo ay muujiyaan  howl wanaagsan oo ay xirfad shaqo ku dheehan tahay. Howl wadeenadu yaaney ilaawin in madaxweynaha loo doortay si qaran, uuna madaxweyne u yahay dadka iyo dalka soomaaliya oo dhan. Walow aanan helin fursad dheer, hadana kulanka dadweynaha ka dib waxa aan ka qeyb qaatay casho loo sameeyey madaxweynaha, kolkaas oo aan salaamay isna dhaafsanay dhowr kalmadood. Waxaan qabaa in haddii la helo rag madaxweynaha la shaqeeya oo leh xirfadii iyo debecsanaantii laga rabey dadka noocaas ah, in wax badan la hagaajin karo.
 
Mahadsanidin
 
C/risaaq Maxamed Xuseen,
Eskilstuna Sweden
habdirisak@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2006


XABSIGA THAILAND:::
»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland
[Dhegeyso]
.Warqado is-Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida

.Soomaalida NewZealand oo Baaq u diray Madaxweynaha DFKMG & DGPL
»
Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

»XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |


Nin dilay Macallin Dugsi Qur’aan oo lagu Qisaasay Muqdisho
»Shariif Xasan “Ra’isul Wasaare Geeddi wax lagu qanci karo..
»Shiikh Xasan Daahir “Ciidamo laga keenay gobol gaar ah ma..
»Xuseen Caydiid oo la filayo in maalinta beri ah uu soo gaaro
»C/llaahi Macallin “Hay’adaha Caalamiga ah waxaan ugu..
»Iska hor imaad shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo…
»Shir ay London ku yeesheen Jaaliyadda Digil & Mirifle
»Dagaallo dhex-maray ciidammada xoreynta & kuwa cadowga
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 3