SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MAY 6, 2006

  • Itoobiya oo safaarad ka furaneysa Magaalada Baydhabo.

  • Indha-Cadde “Mareykanka waxa uu igu yiri Shan Malyan qaado wan ku diidey..

  • Max’ed Dheere “Yuusuf Indha-Cadde waa nin Hormuud u ah in uu Gabaadsiiyo..

  • Dowladaha Yemen, Itoobiya iyo Soomaaliya oo si wadajir ah u codsadey…

  • Faadumo X. Cali “Dhagxaanta iyo ciidda ay wada ku gonayaa may ku shubaan …



Itoobiya oo safaarad ka furaneysa Magaalada Baydhabo.

Warar aanu ka helnay Madaxtoonyada Dowladda Federaalka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in maalmaha soo socda Magaalada Baydhabo ay xafiis safaaradeed ay ka furan doonto Dowladda Itobiya, waxaana furitaanka xafiiskaas ka soo qaybgali doona saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya. Waxaa kalloo furitaanka xafiiskaas ka soo qaybgali doona Danjiraha Dowladda Federaalka u fadhiya Magaalada Adis-Ababa C/kariin Faarax Laqanyo. Furida Safaaraddan ayaa waxay noqoneysaa middii uu horeysay ee Dowladda Itoobiya ka furato Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Max’ed Siyaad, iyadoo dhawaan Magaalada Hargeysa ay Dowladda Itoobiya ka furatay Xafiis taasoo si weyn uga careysiisay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, kuna tilmaamay xafiiskaasi mid ay Dowladda Itoobiya ku kala qaybineyso Bulshada Soomaaliyeed. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyagu si aad ah ugu kala qaybsan furitaanka safaaraddaani, qaarkood waxay sheegeen in Dowladda Itoobiya aysan safaarad ka furan karin gudaha Soomaaliya, waayo ayay yiraahdeen waa dowlad caddow ku ah qaranimada Soomaaliyeed, kuwo kalana waxay soo dhaweeyeen in Itoobiya aya ka furato xafiis Magaalada baydhabo taasoo ay sheegeen in ay wax ka taryso in ay wada shaqeyn dhex martoDowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya, maadaama Dowladda Itoobiya ay ka mid ahayd dowladihii gacanta ka gaysatay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Kenya Madaxweynahana loogu doortay C/llaahi Yuusuf axmed

Indha-Cadde “Mareykanka waxa uu igu yiri Shan Malyan qaado wan ku diidey..

Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde) oo ah guddoomiyaha gobalka Sh/hoose ayaa waxa uu iska fogeeyay in uu wax lug ah ku lahaa dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dagaaladaasi ay u dhexeeyeen midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada balse uu isagu ugu yeeray Isbahaysiga Sheydaanka, mar uu ka jawaabay hadalo ka soo yeeray Max’ed Qanyare oo ahaa in Yuusuf Indha-Cadde uu gabaad siiyo kooxo argagixiso ah, ayaa waxa uu yiri Yuusuf Indha-Cadde “ma jiraan cid aan gabaad siiyo, waxaa wax gabaad siiya, waa Qanyare iyo wax la mid ah”, waxa uuna intaas sii raaciyay “Anigu Mareykanka waan la kulmay waxa uuna igu wargeliyay in aan qaato Shan Milyan oo Doolar, waana ka diiday, Max’ed Qanyarena goob joog ayuu ka ahaa markii aan lacagtaa ku gacanseyrayay, waxaana muuqata in Max’ed Qanyare uu xoogaa lacag ah ka helay Mareykanka”.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u dagaalameen qabiil qabiil, dad baa doonaya in arrimaha Mareykanku wato ay kaga faa’iideystaan waxyaabo kale oo ay ugu horeyso aargoosi qabiil, marka waxan leeyahay Mareykanku waa in uu si toos ah noola soo xiriiro si ay noola ogaadaan xaqiiqda jirta” ayuu yiri Indha-Cadde oo ku daray “Max’ed Qanyare Waa Murusade, aniguna waxaan ahay Cayr, isagoo Murusadaa waxba igama soo dooni karo, isna waxba ka aan dooni karo, waxaan leeyahay beeshiisu ha ka digtoonaato waxyaabaha uu wado Max’ed Qanyare”.

Waxaa kale oo uu sheegay Yuusuf Indha-Cadde in haddii uu Max’ed Qanyare ka waantoobi waayo arrimaha wado ay noqon doonto Inshaa Allaah middii uu ku bixi lahaa.

Ugu dambeyntii mar wax laga weydiiyay bal in uu wali jiro xiriirkii isaga iyo Max’ed Dheere u dhexeeyay, waxa uu yiri “Horta dooni maayo in aan ka hadlo arrimahaasi, balse waxaan aaminsanahay in uu weli jiro xiriirkaasi, gaar ahaan dhinaceyga, hase yeeshee Max’ed Dheere ayaa waxa uu ku eedeeyay Yuusuf Indha-Cadde in uu yahay abaabulaha koowaad ee dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Max’ed Dheere “Yuusuf Indha-Cadde waa nin Hormuud u ah in uu Gabaadsiiyo..

Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo ah guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe ayaa waxa uu sheegay in rag ay ka mid yihiin Yuusuf Indha-Cadde, Xasan Turki, Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Abuukar Cumar Caddaani ay yihiin rag gabaad siiya waxa uu ugu yeeray kooxaha argagixisada oo sheegay in ay dambi ka soo galeen wadama-doodii, waxaa la weydiiyay Max’ed Dheere cidda u xilsaartay in ay argagixiso ka goobaan Soomaaliya, isagoo ka jawaabayana waxa uu yiri “waxaa nagu qasabaya Wadaninimada, iyo Badbaadinta shacabka”, wuxuuna intaa sii raaciyay in raggaasi ay yihiin rag dhaqaale ka hela ragga ay hayaan.

Max’ed Dheere mar waxa laga weydiiyay in uu wali sidiisii u taagan yahay xiriirkii Dowlada iyo isaga, waxa uuna yiri “Sidii ayuu u taagan yahay xiriirkii aan dowladda la lahayn, balse C/llaahi Yuusuf ma ahan nin isku keenaya shacabka Soomaa-liyeed, ee waa nin xitaa isku diraya Beelaha Hawiye.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay in uu wali jiro heshiiskii dhex maray isaga iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/hoose Yuusuf Indha-Cadde waxa uuna yiri “markii aan ogaaday in uu ka mid yahay kooxaha gabaad siiya dambiilayaasha, isla markaana uu hormuud yahay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa anaga iyo Shacabka kalsoonidii kala laabanay Yuusuf Indha-Cadde.

Max’ed Dheere waxa uu sheegay in shirkadaha Isgaarsiinta, kuwa xawaaladaha ay yihiin kuwo garab siiya argagixisada isla markaana ka maaleystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in xitaa la bililiqeystay nambarkii isgaarsiinta ee Qarankii Soomaaliyeed ee 25, wuxuuna ugu dambeyntii uu sheegay in horumarka ay sameyn lahayd Dowladda Federaalka ay caqabad ku noqdeen waxa uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ee ku sugan.

Dowladaha Yemen, Itoobiya iyo Soomaaliya oo si wadajir ah u codsadey…

Waxaa kulan Magaalada Sanca dhawaan ugu dhamaaday Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Itoobiya Yemen iyo Soomaaliya, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii saddexdaa wadan uu iskaashi u dhex mari lahaa.

Soomaaliya waxaa kulankaasi uga qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka, Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil oo ugu baaqay wadamada Itoobiya iyo Yemen in ay sii wadaan gacan siinta Dowladda Federaalka.

Gebagabadii kulankaasi ayaa wadamada Itoobiya iyo Yemen ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in Soomaaliya u diran ciidamo nabad ilaalin ah si ay uga qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda iyo kala dambeyntii.

Waxaa kalloo ay kulankooda ku sheegeen in Qaramada Midoobey looga baahan yahay in Soomaaliya ay ka qaadaan cunaqabteynta si ay u fududaato in Soomaaliya ay galaan ciidamo nabad ilaalin ah.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa dhawaan waxa uu sheegay in Dowladda KMGF ah ay u baahan tahay ciidamo gacan ka siiya dib u soo celinta maamulkii iyo waliba hub ka dhigista kooxaha Maleeshiyooyinka.

Faadumo X. Cali “Dhagxaanta iyo ciidda ay wada ku gonayaa may ku shubaan …

Waxaa Magaalada Muqdisho maalmahan ka socda jid-gooyooyin ay sameynayaan kooxihii dhawaan ku dagaalamay taasoo ujeedadoodu tahay sidii midba midka kale uu isaga difaaci lahaa.

Jid-goooyooyinkaasi waxay dhibaato u keentay dadkii iyo gaadiidkii waana arrin ugub ah oo ku soo koradhay Magaalada Muqdisho, iyadoo la og yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen mudo 16 sano ah dagaalo sokeeye.

Faadumo X. Cali oo ah haweenay aan shalay kula kulmay Isgooska Nambar4 waqtigaas oo aan wada daawaneynay Gawaari sida dhagxaan iyo caro oo wadada lagu goynayo, taasoo aan si aad ah ula yaabnay, Faadumo ayaan weydiiyay sida ay u aragto arrintaan, waxayna tiri “Dadku xoog badanaa markii la yiraah dagaal ha la abaabulo, marka la yiraah nabad ha la abaabulanaya taakdaranaa, war kaarikadan iyo ciidan lagu goynayo wadooyinka, may ku shubaan wadooyinka Burbursan ee Biyo dageynka ah, taasoo ay faa’iido ka helayaan”.

“Haddii aan shacabka Gobalka Banaadir aysan ka hor tagin arrimahaan ku soo kordhay Gobalka Banaadir ee jidgooyada waxaan imaan doonta meel la maro gaadiid iyo dadba” ayay tiri Faafumo X. Cali.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
05 May 2006
 
Ciidammada Itoobiya oo gabadh ku kufsaday Dhagaxbuur.
 
Amnesty Intenational oo Itoobiya canbaareeyay.
 
Meles oo lagu soo daray liiska nacabka saxaafadda.
 
Meles oo lagu soo daray liiska nacabka saxaafadda.
 
Barnaamijkii Xog-warran(Q2aad dhaqalaha itobiya oo hoos usii dhacaya).
 
 ====================== 
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysatada Itoobiya ayaa kufsaday gabadh ka mid ah dad fara badan oo lagu xidhxidhay xabsiga magaalada Dhagaxbuur, waxaana gabadhaas la sheegayaa inuu ka soo dilmay Uur ay lahayd, sidaas waxaan ka soo xiganay bogga Qoraxay Online.
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya ee ilaaliya xabsiga magaalada Dhagaxbuur ayaa seddex habayn oo isku xigta la baxay gabadhaas, isla markaasna u gaystay kufsi iyo jidhdil aad u daran, taasoo keentay inuu ka soo dilmo ilmo ay caloosha ku wadday oo seddex bilood jiray.
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya, oo ay caado u tahay inay dadwaynaha rayadka ah kula kacaan denbiyo aad u foolxun, ayaa la sheegayaa inay gabadhan ka sokow la baxeen gabdho kale oo iyaguna xabsiga Dhagaxbuur ku xidhxidhan. Wuxuu kaloo warku sheegayaa in gabdhaha xabsigaas ku xidhxidhan lagu qasbo inay sheegtaan inay ka tirsan yihiin Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
 
Horrantii bishii Maarso ee sannadkan ayaa xabsiga magaalada Dhagaxbuur lagu soo xidhxidhay dadwayne aad u fara badan oo laga soo qaqabtay magaalada Dhagaxbuur iyo nawaaxigeeda. Dadkaas ayaa wali iska xidhxidhan iyagoon lagu soo oogin wax denbi ah, waxayna ahayd sababta loo xidhxidhay inay taageersan yihiin halganka lagaga soo horjeedo gumaysatada Itoobiya ee ka socda dalka Ogaadeenya.
 
Amnesty Intenational oo Itoobiya canbaareeyay.
 
Ururka xuquuqda aadanaha daneeya ee Amnesty International ayaa xukuumadda Itoobiya ugu baaqay inay sii dayso dad ay tiradoodu gaadhayso 111 qof oo loo haysto denbiyada khiyaamo qaran iyo xasuuq.
 
Maxkamad talaadadii la horkeeni lahaa madaxdii mucaaradka, suxufiyiin iyo dad xuquuqul insaanka u dhaqdhaqaaqa ayaa dib loo dhigay ilaa iyo isniinta soo socota.
 
Ururka Amnsety International ayaa waxaan maan-gal ahayn ku tilmaamay denbiga dadkan lagu soo oogay ee ah xasuuqa, oo lala xidhiidhinayo dad Tigree u dhashay oo waxyeello ka soo gaadhay bannaanbaxyadii kal hore Itoobiya ka dhacay ee ka dhashay musuqmaasuqa doorasho ku sheegtii Itoobiya.
 
Toddobaadkii hore waxaa sidoo kale xukuumadda Itoobiya si wayn u canbaaraysay wakiilka arrimaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey Louise Arbour, oo xukuumadda Meles ka dalabtay inay dadkaas damiin ku sii dayso.
 
Xukuumadda Itoobiya ayaa ku talajirta inay diyaariso caddaymo gacan ku samays ah oo tilmaamaya in dadkani ay ku talajireen inay xukunka Meles afgenbiyaan, iyagoo awood isticmaalaya.
 
Qaar ka mid ah maxaabiistan ayaa sheegay inay dhibatooyin kala duwan loo gaystay intii ay xidhnaayeen.
 
Xukuumadda keligii taliye Meles ayaa xabsiyada ka buuxisau dad kumanaan qof gaadhaya, markii dabayaaqadii kal hore dalkoo dhan laga sameeyay bannaanbaxyo lagu diiddan yahay musuqmaasuqa doorashada. Waxay kaloo ciidammada keligii taliye Meles laayeen dadwayne aad u fara badan oo bannaanbaxyada ka qayb qaadanayay.
 
Meles oo lagu soo daray liiska nacabka saxaafadda.
 
Ururka arrimaha saxaafadda iyo suxufiyiinta daneeya oo lagu magacaabo Ururka Suxufiyiinta aan soohdinta lahayn ayaa warbixin uu soo saaray wuxuu ku sheegay in keligii taliye Meles Zenawi uu ka mid yahay madaxda adduunka ugu horreya dhinaca cabudhinta saxaafadda.
 
Ururku wuxuu warbixintan ku sheegay in Meles Zenawi uu ka mid yahay madaxda adduunka ee nacabka u ah saxaafadda, isagoo awood buuxda isu siiyay inuu xidho, jidhdilo ama dilaba suxufiga qora wax siyaasaddiisa ka soo horjeeda.
 
Ururku wuxuu sheegay in Meles Zenawi uu col la yahay saxaafadda, isla markaana aanuu oggalayn in saxaafadda dalkiisu ay si madaxbannaan u hadasho. Liiska sannadkan laga diyaariyay madaxda saxaafadda colka la ah waxaa ku jira 36 kale.
 
C/llaahi Yuusuf oo Maraykanka eedeeyay.
 
Madaxwaynaha dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dowladda Maraykanka ku eedeeyay inay taageero u fidiso hooggaamiye kooxeedyada kala duwan, halkii ay dowladiisa kaga taageeri lahayd la dagaallanka argagixisada.
 
Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in dowladda Mareykanku ay lacago siiso is-bahaheysiga la baxay is-bahaysiga la dagaallanka argagixisada, si ay ula dagaallamaan maxkamadaha Islaamiga ah, intii ay si toos ah ula soo xidhiidhi lahayd dowaladda ku meelgaadhka ah ee uu madaxda ka yahay.
C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu ayaa warkan siiyay wakaaladda wararka ee AP intii uu joogay dalka Swedan oo uu booqasho labo maalmood ah ku tagay.
 
Dowladda Maraykanka ayaa horay u xaqiijisay inay la kulantay kooxo kala duwan oo ay u kaashanayso la dagaallanka argagixisada, hase yeeshee afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inaanuu waxba kala soconin arrinta uu C/llaahi Yuusuf ka hadlay.
 
Madaxwayne C/llaahi Yuusuf ayaa dowladda Maraykanka ugu baaqay inay hooggaamiye kooxeedyada ku qanciso taageerada dowladda, isagoo tilmaamay in hooggaamiye kooxeedyadu ay yihiin kuwa aan doonaynin inay Soomaliya xasisho oo dawlad qaran ka dhalato, wuxuu sidoo kale tilmaamay in dowladdisu ay xaq u leedahay in iyada si toos ah loogala hadlo wixii ku saabsan arrimaha la dagaallanka argagixisada.
 
05 May 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2006

WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA GOBOLLADII AY ABAARUHU KU DHUFTEEN
Warbixin ku qoran PDF ka ka akhri halkan... Guji... May 5

C/Raxmaan Faroole oo u Waramay Idaacada Australia
Wasiirkii hore ee Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL ayaa shaaca ka qaaday in heshiisyada shidaal baarista ee DGPL uu yahay mid aan waafaqsanayn....
Guji...


XABSIGA THAILAND:::
»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland
[Dhegeyso]
.Warqado is-Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida

.Soomaalida NewZealand oo Baaq u diray Madaxweynaha DFKMG & DGPL
»
Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

»XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

Ogeysiis ku jeeda Soomaalida Minnesota (Midtown Exchange/ Global Market)

 
Soomaalida Minnesota waxaa la ogeysiinayaa in agagaarka Masaajidka cusub ee la gaday ee Abubakar al sidiiq agtiisa laga dhisay guryo la kireysto weliba dadka dan yarta ah qayb loogu talo galay.  Gurigaas oo aad u weyn waxaa uu ku yaalaa 2929 Chicago Ave South Minneapolis  Gurigan waxaa uu ku yaalaa meel u dhaxayso labo masaajid kuwaas oo kala ah Masji Abubakar iyo Masjid al Iimaan.  Waxaa kale oo aan ka dheerayn masaajidyada Umatu Muxammad, Al-towxiid, iyo masjid Cumar iyo labada suuq ee aadka u waaweyn ee Soomaaliyeed Karmal Mall iyo Mallka 24ka.
 
Gurigan dib u habaynta lagu sameeyay waxaa la yiraahdaa Midtown Exchange Apartment.  Ka dib markii la arkay horumarka iyo soo noolaynta ay immigrants ku sameeyeen Lake Street muhaajiriintaas oo u badan Latino iyo Somali ayaa ganacsato kaashanaysa shirkadda weyn ee Allina iyo madaxda magaalda Minneapolis iyo Congressmenka Minnesota oo ay ka mid yihiin Senator Coleman, Senator Dayton, Congressman Sabo waxaa suurtogal noqotay in Midtown Echange dib loo dhiso weliba Global Market uu noqon doona suuq caalami ah marka la furo.
 
Global Market waxaa talada lagu dhisay wax ka lahaa nin Soomaaliyeed oo la yiraahdo Hussein Samatar oo ah madaxa hayada African Development Center. Degaankan waa mid afka Soomaaliga lagu qoray meelkasta maalinta furitaanka  Amiin Caamir ayaa ku soo bandhigi doonaa farshaxan Soomaaliyeed.  Waxaa kale oo ka soo qaybgeli doona madaxda gobolka iyo dadweyne badan.
 
Xafladda furitaanka
 
Midtown Exchange  & Global Market.
 
June 3, 2006    saacada markay tahay 10:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo
 
Kala xiriir Guryaha Midtown Echange 612-823-1104
Global Market business  African Development Center 612-333-4772
 
Waxaa soo tebiyey: Maxamuud Wardheere
mnwardere@yahoo.com