SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Ururka Beer-yaqaanada Soomaaliyeed (SAGRA) oo dhawr gobol gaarsiiyey abuurka Salbukada Filsan 

Ururka Beer-yaqaanada Soomaaliyeed ee magaciisa loo soo gaabiyo SAGRA ayaa wuxuu ku guuleystay inuu gaarsiiyo abuurka Salbukada Filsan magaalooyin badan oo ka tirsan dalkeena Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid tahay magaalada Baydhabo oo haatan xarun KMG ah u ah.

Aqoonyahanada ku jira ururka SAGRA ayaa waxey abuurkaasi Salbukada Filsan gacantooda ku simeen aqoonyahanada Beeraha ee gobolka Baay, oo ay kula kulmeen magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasina ay uga arrinsadeen qaabkii loo ilaalin la’aa inuu lumo abuurka iyo sidii ay aqoonyahanadaasi gacan uga geysan lahaayeen badinta Salbukada Filsan.

Rugcaddaagii wasaaraddii Beeraha ee ay la kulmeen ayaa waxaa ka mid ahaa, Xuseen Macallin Iimaan, Max’ud Max’ed Max’ud, Caddow Aadan Magan iyo Cabdulbaari Cabdullaahi Sheekh oo ka mid ah khubarada waaweyn ee beeraha gobolka Baay.


Xoghayaha_SAGRA_oo_guddoonsiinaya_Cabdibaari

Markii ay arkeen beeraleyda qaar ee ku sugan gobolka Baay waxey la yaabeen, abuurkan Filsan iyagoo markiiba su’aalo ku boobay xubnihii SAGRA ee abuurkaasi waday, iyagoo weydiiyey sida ay ku heleen, Salbukada Filsan, oo ay sheegeen in gobolka Baay ay ugu dambeysay waa sii horreysay, iyagoo caddeeyey in aad looga jeclaa gobolkaasi,  isla mar ahaantaana, dadku ay ku farxi doonaan in dib loo helo abuurkii Filsan, oo tayo ahaan ka badan bey yiraahdeen noocyada Salbukada ee kale.

Qorshaha ururka Beer-yaqaanada Soomaaliyeed ee SAGRA ayaa ahaa sida ay ii sheegeen iney abuurkan gaarsiiyaan, wasaaradda Beeraha maadaama ay ku shaqo leedahay, balse fursadda dhankeeda ay u saamixi weysay, taasoo khasabtay iney ku wareejiyaan dadka u ehelka ah oo ay ula jeedeen beeraleyda.

Horey ayay aqoonyahanada beeraha ee SAGRA u gaarsiiyeen abuurkani meelo badan sida, Hiiraan, Sh/hoose, Sh/dhexe iyo meelo kale, si loogu guuleysto badinta salbukada Filsan.

Markii la abuuray filsan laga soo bilaabo kormeero ayey sameynayeen, ururka Beer-yaqaanada, kaasoo ay kula soconayeen hadba isbadalada min abuuris ilaa goosasho, sida uu ii sheegay Xoghayaha Ururka Beer-yaqaanada Soomaaliyeed ee SAGRA, Mudane Max’ed Muxiyaddiin Max’ud (Caan-Geel).


Xubno_guddoomaya_Salbukada_Filsan

“Abuurka Filsan sida digirta kale wuxuu faa’iido u leeyahay dhulka lagu beero, iyadoo ku reebta nafaqada Neytarojiin, oo ay ka faa’ideysan karaan, dalagyada iyada kaddib lagu beero dhulka iyo kuwa lala beero, sida Firileyda (Galleyda, Masagada Iwm)” ayuu yiri xoghayaha oo aan kula sheekeystay xafiiskiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo uu ii xaqiijiyey in abuurkii ugu horreeyey ee Salbukada Filsan inuu ahaa hal Kiintaal, taasoo lagu guuleystay buu yiri iney beeraleyda waaweyn ee jiidda Afgooye iyo Balcad gaarsiiyaan 1-Tan.

Mar aan wax ka weydiiyey meesha asalkeeda laga keenay Salbukada Filsan wuxuu xoghaye Caana-Geel ii sheegay, in habka xulashada ay ku soo saareen aqoonyahanadii beeraha ee xaruntii tijaabada Boonkaay ee Baydhabo sannadkii 1987-kii, waxaana xiligaasi lagu shaaciyey sida uu ii sheegay beeraleyda yar yar ee gobolka Baay, kaddib markii la arkay, tayada wax soo saarkeeda oo ka sarreeya noocii horey loo beeri jiray, kana deg degsiimo badan xagga bislaanshaha, dhinaca cunistana ay ka dhadhan fiicneyd Salbukadii hore.

Abuukra Filsan xabbadkeeda waa uu ka waaweyn yahay noocii hore, 37% ayeyna ka culus tahay, sida uu sheegay Max’ed Cabdi Baafo, oo ah khabiir dhinaca beeraha ah oo cilmi baaris lagu sameeyey ka qeyb qaatay.


SAGRA_iyo_aqoonayahanada_Beeraha_oo_ka_arrinsanaya_Salbukada_Filsan

Max’ed Muxuddiin Caana-Geel mar aan weydiiyey maadaama ay 1987-kii, aqoonyahano soo saareen, waxa ay iyagu xilligaan dib ugu soo cusbooneysiiyeen abuurka Filsan, wuxuuna yiri, “Xilligii dowlad la’aanta abuurka Filsan, wuxuu ku milmay abuuradii hore, ee gudaha, kaddib ayaa aqoonyahanadii horey uga shaqeyn jiray, mashruucii Boonkaay, waxey ku dadaaleen sidii dib loogu heli lahaa abuurkaasi, oo ay u arkayeen mid qiime badan , waxeyna ugu dambeyntii ka soo qaadeen 20-gram, Bangi ku yaalla Taiwan oo lagu keydiyo abuurada, sannadkii 2002, waxaa kaddib lagu badiyey xarun tijaabo oo ku taalla, Minnesota bishii March ee sannadkii 2004,iyadoo loo soo raray ICRISAT, Machadka Caalamiga ah ee Cilmi Baarista Dalagleyda Dhulalka Qalleyl-u-ekaha Kulaaleyda (International Crops Research Institute for the Sani-Arid), halkaas oo lagu sii badiyey, sidaasina waxaa lagu soo gaarsiiyey dalka, iyadoo cimilada laga taxadarayo, waxaana la soo gaarsiiyey SAGRA oo u sii qeybisey gobollo ay ka mid yihiin Hiiraan, Baay, iyo labada Shabeelle, walina waa ay waddaa qeybintii”.


Abuurka_Salbukada_Filsan

SAGRA, waxey badinta abuurkani la kaashatay urur kale oo la yiraahdo SATG oo ay leeyihiin aqoonyahano Soomaaliyeed oo beeraha ah kuna nool dalka dibaddiisa.

Waxyaabaha kale ee SAGRA uu qabto waxaa ka mid ah inuu ka war haayo xaaladaha ay ku sugan yihiin beeraha iyo beeraleyda Soomaaliyeed, La socodsiinta beeraleyda macluumaadka lagu hormarin karo wax soo saarka beeraha, iyo ka digidda sidii  looga hortagi lahaa aafooyinka iyo dhibaatooyinka ay geystaan dulinada iyo cudurada.

C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}
E-mail: taysiir55@hotmail.com   

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2006
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD