SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MAY 16, 2006

  • Ra’isul  Wasaare Geeddi oo ku hanjabay in xilka ka qaadi doono laba wasiir…
  • Baarlamaanka Federaalka oo lagu wado in uu ka doodo arrimaha wasiirada Hubeysan..

  • C/llaahi Yuusuf: Wasiirada hubeysan ama Dowladda ha isaga baxaan ama ha soo raacaan

  • Musharixiin Xiriirka K/cagta oo xalay is casilay, kaddib shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo..

  • Siyaasi xalay lagu afduubtay Baydhabo..

  • Cali Shide  “Soomaali la soo iibsaday oo aan dadka dhibaatada ka deyneyn…
  • Ciidamo dhinaca badda ah oo ay Sameysanayaan ganacsato Soomaaliyeed oo Dubai ku sugan.

Ra’isul  Wasaare Geeddi oo ku hanjabay in xilka ka qaadi doono laba wasiir…

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Max’ed Geeddi ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay go’aan kama dambeys ah ka qaadan doonto ragga Wasiirada ah ee ku jira Xukuumaddiisa, Ra’siul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Wasiirada Dowladda ka tirsan ee Carqaladaynta ku wada howlaha Dowladda, isla markaana aan diyaar u ahayn howsha Tubta nabadda ee ay Dowladdu ka wado Gudaha dalka.

Ra’isul Wasaare Geeddi wuxuu sheegay in wax iska muuqda ay tahay in Wasiiradaasi ay dagaalo ka sii hurinayaan gudaha dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

“Waa rag markaan u soo jeeda in ay dhiiga shacabka daadiyaan arrintaanina ma ahan mid dowladu iska fiirsan karto, si shacabka  loo badbaadiyana waxay labada Gole ka shiri  doonaan sidii xilka looga qaadi lahaa raggaasi” ayuu yiri Cali Max’ed Geeddi oo si qaasa farta ugu fiiqay Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax iyo Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, waxa uuna sheegay in labadaasi wasiir ay horumuud u yihiin dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka Federaalka oo lagu wado in uu ka doodo arrimaha wasiirada Hubeysan..

Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa lagu wadaa in maanta ay ka arrinsadaan sidii laga yeeli lahaa Wasiirada hubeysan ee Dowladda ku jira, kuna lugta leh Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxa u ku soo beegmay Xili uu Ra’isul Wasaaruhu ka dhawaajiyay in Wasiiro ka tirsan Dowladdiisa oo uu ku tilmaamay dhibaato ku haya shacabka in uu xilka ka qaadi doono, sidoo kalana Madaxweynaha ayaa laftiisu sheegay in aanayn Dowladda ka sii mid ahaan doonin Wasiiradaasi haddii aanay joojin gumaadka ay wadaan.

Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa ajandaha hor yaala ee ku saabsan wasiirada Gadoodsan ee dagaalada kula jira Maxaakiimta Islaamiga ah wuxuu noqon doonaa mid ay dood dheer ka dhalan doonto, Iyadoo la ogaa in Xildhibaanada intii ay socdeen Dagaalada Muqdisho ay ku gaabsanayeen baaq afka oo keliya ku siman. Xildhibaan Axmed Warsame ayaa sheegay in aanay Xildhibaanadu tabar u hayn in ay xakameeyaan xaaladda Muqdisho, taasoo dadka qaar ay u fasirteen in Wasiirada hubeysan aanay warba ka maqleyn Xildhibanada.

C/llaahi Yuusuf: Wasiirada hubeysan ama Dowladda ha isaga baxaan ama ha soo raacaan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee  Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa gaaray shalay gelinkii dambe Magaalada Baydhabo ee fariisinka KMG u ah Dowladdiisa, isagoo ka soo kicitimay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa inta uusan ka soo ambabixin dalka Kenya, mar uu u waramay Idaacadda British Broadcasting Corportaion waxa uu sheegay in Wasiirada hubeysan ee ku jira Dowladda ee Muqdisho kula loolama Maxaakiimta Islaamiga ah ay yihiin kuwo aan rabin Qarannimo, “Wasiirada hubeysan, waa in ay soo raacaan Dowladda ama ay isaga baxaan, Laakiin in ay laayaan shacabka ka ogolaan meyno” ayuu Madaxweynuhu si kulul u yiri, isagoo intaasi raaciyay in argagixiso la diriro in aanayn diidaneyn balse, ay ka soo horjeedan in shacabka la gumaado, “Muqdisho way joogaan Kooxo argagixiso ah, anigu waxaan ahay Madaxweynihii dalka Magaalo walbana waan ka war hayaa, Dukuminti cad baana haynaa in ay Muqdisho joogaan kooxo argagixiso ah” ayuu Madaxweynuhu carabka ku adkeeyay. Mar wax laga weydiiyay sida uu u arko wada shaqeynta Mareykanka uu la leeyahay Wasiirada hubeysan, ayuu sheegay Madaxweynuhu in ay arrintaasi aad uga xun yihiin, isagoo aan soo hadal qaadin in Dowladdiisa iyo Mareykanka ay iska kaashan doonaan arrimaha argagixisada lagaga soo horjeedo. Hadalada Madaxweynaha ayaa u muuqday in iyaga iyo Mareykanku ay ku kala boodsan yihiin arrimaha Muqdisho. 

Musharixiin Xiriirka K/cagta oo xalay is casilay, kaddib shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo..

Musharixiinta Doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo tiradoodu ahayd afar xubnood oo kala ahaa Yaasiin Abuukar Cariif, Bashiir Max’ed Jaamac, C/llaahi Axmed Tarabbi iyo Muxiyadiin Xasan Cali ayaa xalay shir jaraa’id oo ay qabteen C/llaahi Tarabbi iyo Yaasiin Cariif waxa ay sheegeen in ay iska casileen musharaxni-madii Guddoomiyenimo.

Dhinaca ku xigeenada oo 9-mudane ahaa ayaa waxaa isagana caddeeyay in uu iska casilay musharaxnimadiisa Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, dhamaan xubnahani ayaa ku sababeeyay is casilaadooda kaddib markii ay arkeen Dastuurkii oo qabyo ah iyo guddiga Qabanqaabada oo si wanaagsaneyn wax u maamulaya.

Xoghayaha 25-ka kooxood ee leh codka doorashada Max’ed Axmed Wehliye (Ilka-Case) ayaa yiri “Ururada Kooxaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ma laha kalsooni Istaraatiijiyadeed oo fog oo lagu badbaadinayo xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta”, iyadoo uu ku dhaliilay kooxaha in aanay ka fekereyn mustaqbalka dambe ee Isboortiga Soomaaliya.

Arrintaan ayaa ku soo beegan tahay xili maanta loo ballansan yahay in xarunta ADC ay doorashadu ka dhaco, iyadoo lagu waday in ay shalay dhacdo balse loo balse loo baaqday guddiga Kormeerka ee FIFA ka socday oo dib uga dhacay xiligii la sugayay.   

Siyaasi xalay lagu afduubtay Baydhabo..

Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyo ka soo jeeda mid ka mid ah Beelaha Magaalada Baydhabo ay saakay barqaddii afduubteen Siyaasiga Jaamac Max’ed Dheere, ilaa iyo haddana lama garanayo meel ay la aadeen, lama oga sababata loo afduubtay siyaasigaasi  balse warar ayaa waxay sheegayaan in afduubkiisa uu salka ku hayo nin ku hayb ah siyaasigan  oo Gaari uu waday uu qalibmay kaddibna uu ku dhintay ninka diyadiisa loo haysto.

Mar aan la xiriirnay waxgarad ka tirsan beesha maleeshiyada wax afduubatay ayaa waxay noo sheegeen in arrintaasi ay guda galeen iyagoo rajo ka muujiyay in ninkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii deyn doono. 

Cali Shide  “Soomaali la soo iibsaday oo aan dadka dhibaatada ka deyneyn…

Halgame Cali Shide Cabdi oo ka mid ahaa Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayaa mar uu shalay hadal ka jeediyay Munaasabad lagu weyneynayay xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, waxa uu sheegay in 15-kii May ee shalay aanay la mid ahayn munaasabadihii xiliyadii hore loo sameyn jiray ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

“15-kii May, waxaan ku xusi jirnay Nabad, maantase waan murugeysan nahay, waxay ku soo aaday xili uu daadanayo dhiiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Cali Shide isagoo ay ka muuqato sida uu uga xun yahay dagaalada sokeeye ee dib uga soo cusboonaaday dalka.

Sidoo kale Cali Shide Cabdi waxa uu sheegay in ay jiraan rag lacago ku soo qaatay sidii ay u layn lahaayeen shacabka, “Soomaali la soo iibsaday oo aan dadka dhibaatada ka dayneyn  ayaa mas’uul ka ah waxa dhacaya” ayuu yiri Halgame Cali Shide Cabdi.

Munaasabad middaas oo kale ah ayaa lagu qabatay gobolo kala duwan oo dalka ka tirsan, iyadoo Dhallinyaradii iyo mas’uuliyiintii ka qaybgashay munaasabadahaasi ay muujiyeen sidii ay uga xun yihiin dagaaladii ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa dhamaan Munaasaba-dahaasi loogaga tacsiyeeyay Dhallinyarada Soomaaliyeed nasiibdarada ku dhacday.     

Ciidamo dhinaca badda ah oo ay Sameysanayaan ganacsato Soomaaliyeed oo Dubai ku sugan.

Ganacsatada Soomaliyeed ee Wadanka Imaaraadka Carabta oo kaashanaya Ganacsato Ajaadhib ah ayaa waxa ay sheegeen in ay sameysan doonaan ciidamo ilaaliya Gaadiidkooda fududeedaya  Ganacsiga dhinaca Badda sida Doomaha iyo Maraakiibta.

Hadalka ganacsatada ee la xiriira in ay sameysanayaan Ciidamo dhinaca Badda ah ayaa ku soo beegmay xili ay cabsi badan kala kulmayaan rag lagu sheegay burcad badeed oo afduub ugu gaysta xeebaha Soomaalida Maraakiibta iyo Doonyaha isticmaala, haddii ay ahaan lahayd kuwa kalluumeysiga ama ganacsigaba.

Talaabada Ganacsatada ay ku doonayaan in ay ku sameystaan Ciidamo badeed badbaadiya ganacsigooda ayaan la ogeyn waxa ay ka bedeli karto howlgalada burcad badeednimo ee lagu afduubto Maraakiibta iyo Doomaha, iyadoo la og yahay in xiligaan la joogo afduub loo haysto Maraakiib ama Doonyo. 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2006


Warar GooGoos ah: May 15
»Xildhibaan Cabdala Xaaji “Waa in Dowladdu ay go’aan kama
»BuuHoodle: Dagaal dhimasho iyo dhawaac sababay…
»Wabarka Beesha Cayr “Warka uu sheegay Ugaas Cabdi
»Jabhadda Wadaniga Xoreynta oo warbixin ka soo saartay
»Baaqyo fara badan kaddib dagaalkii Muqdisho oo u..
»Baaq iyo soo dhoweyn xabadjoojinta lagu dhawaaqay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 15