SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARAR: MAY 15, 2006

  • Xildhibaan Cabdala Xaaji Cali “Waa in Dowladdu ay go’aan kama dambeys ah ka gaartaa...”

  • Dagaal dhimasho iyo dhawaac sababay oo ka Magaalada BuuHoodle…

  • Wabarka Beesha Cayr “Warka uu sheegay Ugaas Cabdi Daahir waa mid qaarkiis la qariyay”..

  • Jabhadda Wadaniga Xoreynta oo warbixin ka soo saartay dagaaladii ugu dambeeyay ee ay wada galaan..

  • Baaqyo fara badan kaddib dagaalkii Muqdisho oo u muuqanaya mid..

  • Baaq iyo soo dhoweyn xabadjoojinta lagu dhawaaqay Muqdisho.


Xildhibaan Cabdala Xaaji Cali “Waa in Dowladdu ay go’aan kama dambeys ah ka gaartaa...”

Waxaa kulan shalay isugu yimid Magaalada Baydhabo Golaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, waxaana shir-gudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo shirkaasi ajandaha looga hadlay uu ahaa sidii laga yeeli lahaa dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho iyo go’aanka kaga aadan Dowladdu in ay ka qaadato iyo waliba sidii Baarlamaanku gacan uga gaysan lahaa qaboojinta dagaalada ka soo cusboonaday ee Caasimadda Muqdisho. Guddoomiye Shariif Xasan oo ugu horeyntii ka hadlay shirka Baarlamaanka ayaa sheegay in Xubnaha Baarlamaanka looga baahan yahay in doodooda ku saleeyaan mid xasilooni ku dheehan tahay si xal looga gaaro arrinta sii daba dheeraatay ee ka taagan Magaalada Muqdisho loona baajiyo dagaalo mar kale qarxa, waxaa sidoo kale iyana hadalo ka soo jeediyay fadhigii Baarlamaanka ee shalay Xildhibaano iyana soo bandhigay fikirkooda ku aadan xal ka gaarista dagaalada iyo go’aan ka qaadashadooda, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Cabdala Xaaji Cali oo si weyn ugu eedeeyay Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee ku lugta leh Dagaalada ka socda Muqdisho in ay yihiin kuwo aan dooneyn Qaran Soomaaliyeed oo ka hana qaada dalka, “Waa in Dowladdu ay go’aan kama dambeys ah ka soo saarto raggaasi” ayuu yiri Xildhibaan Cabdala Xaaji Cali, Waxa iyana hadal kulul ka jeedisay kulankii Baarlamaanka ee shalay Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdala, iyadoo Dowladda dusha uga tuurtay in ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka socda gudaha dalka, isla markaana Dowladdu u muuqato mid ku guuldareysaneysa in ay talaabo ay amniga wax uga qabaneyso horey u qaado. Kulankii shalay ayaan wax go’aano ah oo la taaban karo aan laga soo saarin, inkastoo Xildhibaanadu qaar ay soo jeediyeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi Xildhibaano ah oo uu horkacayo ay ka degaan Magaalada Muqdisho, halka kuwo kalana ay soo jeediyeen in wafdiga Muqdisho loo dirayo laga dhigo mid isku dhaf ah oo ay ku jiraan Golaha Wasiirada iyo midka Baarlamaanka, Waxayna Wararku sheegayaan in fadhigan midka Xiga loo ballamay Maalinka Talaada ah, iyadoo isla maalinkaana la filayo in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf isna dib ugu soo laabto Magaalada Baydhabo.

Dagaal dhimasho iyo dhawaac sababay oo ka Magaalada BuuHoodle…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buuhoodle ee Gobalka Sool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi dagaal ku dhex maray labo beelood oo halkaasi wada dega, waxaana ku dhintay dagaalkii shalay dhex maray labada beelood ilaa iyo 11-qofood, iyadoo ay ku dhaawacmeen 18 qofood.

Dagaaladaan ayaa wararku waxay sheegayaan in ay ka bilowdeen arrin ku saabsanaa nin la sheegay inuu horey ugu dhintay deegaankaasi, waxaana lagu waramay in ninkaasi uu u dhintay sixir loo adeegsaday, taasoo keentay in beesha uu ka dhashay ninkaasi iyo beel kale oo la degta deegaanka ay dagaalo ka dhex qarxeen, dagaaladaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxay kalloo keeneen khasaarooyin kale, waxaana la sheegay in Odoyaal iyo waxgarad ka kala tirsan labada dhinac ah ay haatan ku howlan yihiin sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi, isla markaana waan waan loo kala dhex dhigi lahaa labada dhinac.

Wabarka Beesha Cayr “Warka uu sheegay Ugaas Cabdi Daahir waa mid qaarkiis la qariyay”..

Wabarka Beesha Cayr Wabar C/llaahi Orey Caraale ayaa ka hadlay hadal dhawaan uu shaaciyay Ugaas Cabdi Daahir kaasoo ku saabsanaa shirkii ay Beesha Cayr kula yeelatay Magaalada Nairobi Dowladda Mareykanka.

Wabar C/llaahi Orey waxa uu ku tilmaamay hadalkaasi mid qaarkiis la qariyay oo aan laga run sheegin.

“Waxa uu soo bandhigay Ugaas Cabdi Daahir ma dhameystirna ee waxbaa ku hoos qarsan waxaana la doonayaa inuu soo bandhigo qoraalkii ay kala qaateen beesha Cayr iyo Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nayroobi, haddii la waayo qoraal laguma qanci karo war afka un looga sheegay miis qado lagu wada cunay”.

Wabar C/llaahi Orey waxa uu beesha Habargidir ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan wararka salka iyo raadka toona lahayn ee lagu marin habaabinayo.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta oo warbixin ka soo saartay dagaaladii ugu dambeeyay ee ay wada galaan..

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo ku caan baxday ka xoreynta Wadanka Soomaali Galbeed Gumeysiga Xabashida ayaa dagaalo culus waxay isaga hor imaadeen Ciidamada Xabashida, waxaana kuwii ugu dambeeyay ka mid ahaa, dagaal ay Jabhaddu kula gashay Xabashida Degmada Bako oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Dhuxun oo ka tirsan Gobalka Nogob, Sagag oo ka tirsan Gobalka Nogob, Galaalshe oo ka tirsan Gobalka Nogob, Gari Go’an oo ka tirsan Gobalka Nogob, Farmadow oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Jugle iyo Maraacato oo ka wada tirsan Gobalka Qoraxay, Dhoobaweyn oo ka tirsan Gobalka Qoraxay, Horo Hawd oo ka tirsan Gobalka Jigjiga, Xaabulay oo ka tirsan Gobalka Nogob, Gabagabo oo ka tirsan Gobalka Qoraxay, Bulaale, Sasabane iyo Gosolalay oo ka wada tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Dheenka oo ka tirsan Gobalka Jigjiga, Baraajisle iyo Miirdanbax oo ka wada tirsan Gobalka Qoraxay, Banbaas oo ka tirsan Gobalka Jigjiga iyo Riiga Galadiid oo ka tirsan Gobalka Qoraxay, waxaana dagaaladaasi ciidamada Xabashida lagu gaarsiiyay khasaaro ba’an, iyadoo isku gaynta Ciidamada Xabashida ah ee ku dhintay ama lagu dilay ay tahay 324 askari, waxaana lagaga dhaawacay 230 askari in ka badan 96 qorina waa laga furtay, waxaana lagaga gubay labo baabuur oo nooca Milatariga ah, waxaana qoraalkaan oo wargeyska la soo gaarsiiyay ku saxiixnaa ku simaha Xafiiska ONLF ee Soomaaliya Mubaarak Shiikh C/llaahi . Warsaxaafadeedk aoo dhan hoos ka akhri...

Baaqyo fara badan kaddib dagaalkii Muqdisho oo u muuqanaya mid..

Iyadoo dagaalo ay ka soconayeen mudo tobaad ah Magaalada Muqdisho kuwasoo u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo soo celinta Nabadda, kuwasoo sababay dhimasha dad rayid ah, dhaawacyo iyo waliba barakac ayaa waxaa u istaagay sidii ay dagaalkaasi u joojin lahaayeen Waxgarad iyo Odoyaal ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwasoo kulan gooni gooni ah la lahaa maalmihii u dagaalku socday, ayaa haatan u muuqda in ay ku guuleysteen wax un in ay ka qabtaan dagaalkasi, iyagoo xabad joojin ku dhawaaqay maalintii shalay ahayd.

Waxgaradka Beesha Mudulood ayaa iyagu kulan mudo socday ku lahaa Hotelka Bin-Ali ee Magaalada Muqdisho iyagoo ka soo saaray qodobo lagu joojinayo dagaalkaasi, waxaana Waxgaradka beesha Mudulood ku taageeray waan waanta ay wadaan Waxgarad iyana ka tirsan Beelaha Habargidir, waxayna u soo jeediyeen waxgaradkaani dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dirita isla markaana wixii khilaaf ah wada hadal ku xaliyaan.

Dhinaca kale waxaa iyana in la joojiyo dagaaladaasi ku baaqay maamulka Gobalka Banaadir iyo Ururada bulshada Rayidka ah.

Dagaalkaan u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa galaaftay nolosha dad gaaraya ilaa iyo 140 qofood, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 280 qofood, waxaa ku barakacay dad aad u fara badan, iyadoo haatan uu dhaqdhaqaaqa dagaalkaasi uu ka soo reynayo sidii hore haatanna ay xaaladdu u muuqato mid degan iyadoo aan wax rasaas waaweyn ah aan la isweydaarsaneyn.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
: amiinkhasaaro@hotmail.com 


 Baaq iyo soo dhoweyn xabadjoojinta lagu dhawaaqay Muqdisho.

14ka May 2006

Ururka SCG waxay soo dhoweynayaan xabadjoojintii ay waxgaradka reer Muqdisho ku guuleysteen maanta iyo dadaalkii ay ka sameeyeen sidii loo joojin lahaa xabadda. SCG waxey ku dhiirigelineysaa waxgaradkii soo abaabulay arrintan inay sii wadaan dadaalkooda si aysan mar kale dib uga bilaaban dagaal magaalada Muqdisho.

Ururka SCG waxay tacsi u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabaddii shacabkii ku geeriyooday dagaalka, waxaana EEBBE uga baryeynaa shaqsiyaadkii ku dhaawacmay inuu u fududeeyo soo kabasho deg-deg ah, siiyana caafimaad waara.

SCG waxey baaq u soo jeedineysaa labada garab ee dagaaladu dhex maray inay si shuruud la'aan ah u joojiyaan, kuna dadaalaan inaan dagaalku soo noqon. Hana ogaadaanno inuu xil ka saaran yahay sidii lagu badbaadin lahaa dhiigga shacabka soomaaliyeed iyo inay mas'uul ka noqdaan dagaalka iyo khasaarahiisaba, sida dhimashada, dhaawaca, barakaca iwm. Hay'adaha civil society iyo aqoon yahannada soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho waa inay cilmi baaris buuxda ku sameeyaan falalka noocan oo kale ah, kana diyaariyaan warbixin dhab ah si looga hortago falal noocan oo kele ah inay soo noq noqdaan.

SCG waxey ka codsaneysaa caalamka inay si deg-deg ah ula soo gaaraan kaalmo magaalada Muqdisho, iyo in caalamku uu faragelin buuxda ku soo sameeyo xaaladda waddanka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Mr Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Guddoomiyaha ururka Somali Concern Group
somali@somaliconcern.org 


Jabhada wadaniga xoraynta ogaadeenya
Xafiiska jwxo ee soomaaliya
Warsaxaafadeed Date:14/5/06 

    Sida aan lawada socono waxaa ka socda wadanka ogaadeenya halgan hubaysan oo ay jwxo kula jirto ciidanka gumaysiga abaasiiniya hadaba bishan aan kujiro

bilowgeedii wuxuu gumaysigu soo qaaday howlgal aad ubalaadhan waxaana howlgalkaa kaqayb qaadanaya ciidamo dhan laba gaas oo ubadan qawmiyada tigreega kaas oo aykudoonaysay marka hore inay ku cabudhiso kuna cabsi galiso shacbaka soomaalida ogaadeenya si ay ugu hogaansamaan maamulkeeda gumaysiga ah waxayna hawlgalkan ku xasuuqday shacab badan oo aan waxba galabsan waxayna gubeen tuulooyin badan .

 
Hadaba howlgalkaas wuxuu gumaysigu kala kulmay jab iyo halaag aad u balaadhan waxaana kamid ah dagaaladii lagu jabiyay ciidamada gumaysiga kuwan hoosku qoran :
 
1 bako oo katirsan g/dhagaxbuur 25/4/06 waxaa halkaa kadhacay dagaal aad uba,an waxaana kaga bakhtiyay ciidanka gumaysiga 43askari waxaana kaga dhaawacmay 50 in kabadan waxaana lagaga furtay 15 qori
 
2 dhuxun oo katirsan G/nogob 6/5/06 waxay jabhadu kuqaaday dagaal mir ah waxaana cadawga soo gaadhay khasaare badhaadhan
 
3 Sagag g/Nogob 6/5/06 dagaal mir ah oo goobtaa kadhacay waxaa cadowga soo gaadhay jab iyo halaag.
 
4 galaalshe oo katirsan g/Nogob 6/5/06 waxaa ciidanka cagajiidka ah ee gumaysiga lagaga dilay 8 askari waxaana lagaga dhaawacay 8 kale.
 
5 gari go,an oo katirsan g/Nogob 6/5/06 waxaa wayaanaha halkaas lagaga dilay 8 askari waxaana lagaga dhaawacay 4 kale
 
6 farmadow G/dhagaxbuur 8/5/06 waxaa ciidanka kaligii taliska malis lagaga dilay 8 askari halka dhaawucuna yahay 8 askari
 
7 jugle iyo maraacato oo kawada tirsan G/qoraxay 8/5/06 waxaa ciidanka dalanbaabiga ah ee wayaanada lagaga dilay inkabadan 25 askari waxaana lagaga dhaawacay in kabadan 40 calooshii ushaqayste
 
8 dhoobawayn oo katirsan G/qoraxay 8/5/06 weerar balaadhan oo ay ciidamada ONLF kuqaadeen halkaas waxay gacanta kudhigeen dhamaan wixii ciidan ahaa ee halkaa kusugnaa ha ahaado boolis, tabaqoodhi, iyo maamulkii dagmada ee u adeegahayay ciidanka gumaysiga waxayna jabhadu kala wareegtay 31 qori iyo raadyihii dagmada
 
9 horo hawd oo katirsan G/jigjiga 9 ilaa 10/5/06 waxaciidanka gumaysiga halkaa kaga bakhtiyay 18 askari waxaana lagaga dhaawacay 10 kale
 
10 xaabulay oo katirsan G/nogob 9/5/06 waxaay jabhadu halkaa ku dishay 10 askari waxayna ku dhaa wacday 10 kale
 
11 gabagabo oo katirsan G/qoraxay 9/5/06 waxaa halkaa ciidanka wayaanaha kaga bakhtiyay 16 askari halka dhaawucuna yahay 11 askari
 
12 bulaale ,sasabane, gosolalay oo kawada tirsan G/dhagaxbuur 10/5/06 dagaalo calculus oo ka dhacay goobahaas waxaa cadawga lagu gaadhsiyay khasaare aad ubalaadhan oo ay kamid yihiin 2 baabuur oo uuraalo ah oo ay saraayeen 60 askari waxaana halkaa ku basbeelay baabuurtii iyo dhamaan wixii saaraa
 
13 dheenka oo katirsan G/jigjiga 10/5/06 waxaa halkaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 10 askari waxaanana lagaga dhaawacay 6 askari
 
14 baraajisle iyo miirdanbas oo kawada tirsan G/qoraxay 10/5/06 waxaa goobahaa kadhacay dagaal aad uba,an waxaana ciidanka gumaysiga lagaga dilay 120 askari waxaana lagaga dhaawacay in kabadan 80 askari 50 qorina waa lagaga furtay dagaalkaa kadib waxay ciidamada gumaysigu xasuuq ba,an ugaysteen dadkii shacabka ahaa waxayna gaadhsiiyeen khasaare balaadhan waxayna gubeen tuulooyinkii sidoo kale waxay isla maalintaa gubeen tuulada kudunbuur oo iyana udhawayd goobaha lagu baabi iyay
 
15 banbaas oo ka tirsan G/jigjiga 10/5/06 waxaa jabhadu halkaa kaga dishay ciidanka itoobiya 8 askari waxayna kaga dhaawacday 13 askari
 
16 riiga galadiid oo katirsan G/qoraxay 11/5/06 ciidanka kumaysigu wuxuu halkaa kudilay 3 nin oo shacab ah oo aanaan wali magacyadooda haynin.
 
Hadaba isu gayndagaaladaas waxaa ciidanka gumaysiga ee wakhtigiisu dhamaaday lagaga dilay 324 askari waxaana lagaga dhaawacay 230 askari in kabadan 96 qorina waa laga furtay waxaana lagaga gubay 2 baabuur oo nooca milatarigu isticmaalo ah (uural)

Khayraadka dabeeciga ah

Dhamaadkii bishii 4aad ee sanadkan ayaa waxay dowlada itoobiya sheegtay in ay qandaraas ku siisay soo saarida shidaalka ogaadenya laba shirkadood oo kala ah dalalka malaysiya iyo hindiya . hadaba waxaa xuasuusin mudan mararbadan oo hore ayay dawlada itoobiya bixisay qndaraasyo noocan oo kale ah waxayna shairkadihii qandaraasyadaa hore qaatay kasoo kala jeedeen dalalka shiinaha, jarmalka, ruushka iyo kuwo kale oo qaarkood bangiga aduunku maal galin hayay kadibna
 
qandaraaskaasi wuu socon waayay sababtoo ah markay jabhada wadaniga xoraynta ogaadeenya ay dignin ku bixisay in ayna shir kadahaasi iska khasaarinin hantidoda taas oo ay jwxo uga digaysay in ayna itoobiya bixin Karin qandaraas lagu soo saarayo shidaalka ogaadeenya isla markaana ayna xukuumada itoobiya damaanad qaadi Karin amniga shir kadahaas cida kali ah ee xaqa uleh bixinta qandaraaska soo saarida shidaalka ogaadeenya ay tahay shacabka soomaalida ogaadeenya
 
Hadaba hamiga dawlada itoobiya ee ah soo saarida shidaalka ogaadeenya isagoo caydhiin in laga qaado ogaadenya laguna sifeeyo warshad ku taala hawaasa oo ogaadeenya aad uga fog shaqaala heeduna uu noqdo kuwo laga keeno maqale iyo meela kale oo kafog cida ka faa iidaysanaysaana ay noqoto cid aan xaq ulahayn, dhulka somalida ogaadeenyana uu noqdo meel dhibka iyo nabaad guurku uni kudhoco dheefteedana aycid kale manaafacaadsato jabhada ONLF waxay mar walba uga digaysaa shirkada ha macdan baadhista ee caalamka in ayna ku soo dag dagin macdan baadhista ogaadeenya itoobiyana ayna marnaba damanad qaadi Karin amniga shirkado macdan baadhis oo ay qandaraas kooda bixiso
 
Hadaba howlgalkan ay hada wadana wuxuu ku wajahan yahay qandaraasyada ay shirkadaha siisay ONLF ay digniinta ka bixisay xaqiiqaduna waa hadalka jabhada wadaniga xoraynta ogaadeenya

                         Midnimo minted iskutashi guul

Ku simaha xafiiska ONLF ee soomaaliya
 

Mubaarak sh c/llaahi

 RadioXoriyo
Muqdisho-Somaliya
raadioxoriyo@yahoo.com

Shir Balaadhan oo Sabtidii 13-05-06 ka dhacay Gobalada dhexe ee UK.
 
Waxaa Maalintii Sabtida ahayd ee 13.05.2006. ka dhacay Magaalada NORHAMPTON ee Cariga Igriiska Shir ay isugu yimaadeen Jaaliyadaha Soomaalidda Ogadeeniya ee ku dhaqan Gobaladda Dhexe ee Wadanka Ingiriiska.
 
Shirkaas oo Ujeedadiisu ahayd Sidii Taageero aan kala hadh lahayn loo la garab istaagi lahaa Geesiyiinta Gobanimadonka Xoreyntan Ogadeeniya, Taas oo ay Caddeyeen Shacabkii shirkas isugu yimid in ay Naf iyo Maal u hurayaa Xoreyta Dalkooda Hooyo.
 
Shirka oo ku soo Beegmay xili ay Ciidamada Guumeeysiga Itoobiya  Ol-ole Gumaad Shacab iyo Duunyo ay ka wadan Dhulka Soomaalida Ogadeeniya.
 
Shirakan oo ay ka soo Qaybgaleen Jaaliyadaha ku nool G/Dexe ee U.K gar ahaan  Magaalooyinka  Bemingham, Manchester, Leeds, Leicster,  Milton Keynes iyo Nothampton oo ahayd Jaaliyaddii Marti galisay shirka. Waxaa jiray Jaaliyaddo  iman kari waayey shirka oo Khadka Telefoonka uga qayb qaatay.
 
Xubno sar-sare oo JWXO kamid ah ayaa shirkaas kasoo qayb galay waxaana kamid ahaa:
1.Dr.Yusuf Cadami
2. Dr. Mukhtaar Dakhare
3. Sheekh Ismaaciil
4. Cabdi wali
5. N/hure Yusuf Carab
6.Maxamed Yusuf
7-Iyo N/Hure Maxamed Cabdi yasiin (Diirane) oo Khadka Telefoonka kaga qaybqaatay wuxuuna shirkaasi dhamaaday xili dambe oo saacda Yurub ahayd 24:00 saqdii dhexe.
 
 
 Go'aanadii Lagu gaadhay shirka waxay ahayeen:-
 
1.In si Buuxda loo Taageero Halganka Xaqa ah ee ay Horseedka ka tahay JWXO.
2.In La gaadhsiiyo Ummadaha Aduunka dhibtaada Joogtada ah ee uu Guumaysigu ku hayo Shacabka Soomaalidda Ogadeeniya.
3.In  La qabto Banaanbaxyo lagu tusayo Guumeysiga itoobiya  Dilka, Dhaca, Kufsiga iyo Barakicinta uu ku hayo Shacabka Soomaalida Ogadeeniya  in lagula xisaabtamidoono.
 

Canbaarayn:-

 
Shirku wuxuu Canbaareeyey Xadgudubka Joogtadda ah ee ay Ciidamada Guumaysigu ku hayo shacabka Soomaalidda Ogadeeniya ayna ugu dambeeyeen kuwan hadda socda oo dad badan oo shacab ah iyo Xoolaba ay ku gumaadeen Cidamada Guumeeysigu.
 

CODSI:-

 
Shirku wuxuu dhamaan Shacabka Somaaliyeed Meelkasta oo ay joogaan ka codsnayaa in ay Taageero hiil iyo Hooba ay sii yaan Walaalahooda Guumeeysigu cunayo.  Sidoo kale Shirku wuxuu Ummadaha Caalamka ee Nabda iyo Horumarka jecel ka codsanayaa in ay Gaar gaar deg deg ah la gaadhaan Shacabka Soomaalidda Ogadeeniya oo aan waligiis yeelan Dawlada wax u qabata.
 
Shirkan oo si wanaagsan ku dhamaaday ah ayaa lagu soo gaba gabeeyey Duco iyo Alla bari loogu duceeyey In ilahay uu Guusha siiyo Ciidamada Jahada Wadaniga Xoreynta Ogadeenya , Xornimo deg deg ahna u soo fududeeyo.
 
 
Radio Xoriyo
Midland -UK
raadioxoriyo@yahoo.com

Warar GooGoos ah::: May 14
»Cabdi Qaybdiid “waan la socdaa ballankii aan qaaday laakiin
»Kulanka Baarlamaanada Adduunka ee Nairobi oo lagu..
»Mareykanka oo warar kala duwan oo la xiriira Soomaaliya..
»Jaamacadda Carabta oo sheegtay in Argagixisada ..
»Madaxweye C/llaahi Yuusuf oo Baaq u soo jeediyay ..
»Maamul u sameynta G/Baay oo la isku maandhaafsan..
»Manhal Speciality Hospital waa cusbitaal casriya oo ..
»DEEQO KALA DUWAN OO LAGU WAREJIYEY G.G.A.S...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 14

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2006