SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ha isku deyin in aad Allaah la dagaalanto.

Ayaan waa tusaale....

qore: Maxamed Ibraahim Calimire
Norway   Oslo 
deeq64_1@hotmail.com
 
Ilaahay waa xaliim(dulqaadbadane) wuxuuna iska daayaa oo uu dhaafaa addoomo fara badan oo intaa ka shaqeeya caasinimadiisa, una taagan hadh iyo habeen in ay dulmiyaan Ilaahay iyo addoomihiisa,lana dagaallamaan diinta Allaah iyo dadkeeda.
 
Dulqaadkaa Rabbi uu dadkaa u leeyahay waa laba mid uun: in uu Allaah doonayo bal qofkaasi in uu toobad keeno oo uu usoo laabto iyo in uu isaga seeto dheereeyo oo uu dembiga siyaadsado oo uu moodo in aanay jirin cid wax ka qabankartaa.
 
Cidda sidan oo kale u dhaqantaa waxay noqon kartaa dawlad xoog is bidday sidii Caad iyo Thamuud ookale ama shakhsi adduunkan meel ka gaadhey sidii Fircoon, Haamaan iyo Qaaruun oo kale.
 
Haddii markaa ay toobad keenaan Ilaahay waa ka aqbalaa oo xooggii iyo sharaftii ay haysteen waa u siyaadiyaa, haddii ay madax adaygaan oo cinaadkaa ku socdaanna Ilaahay mar uun buu qabtaa kamana baxsan karaan, arrinkooduna wuxuu ku dhammaadaa in uu khalqiga ku hor ceebeeyo aakhirana cadaab u dambeeyo.
 
Akhristow arartaydu waxay tahay gabadha la yidhaaho Ayaan Cali Xirsi oo aad wada ogtihiin dagaalka ay diinta Allaah iyo dadkeedaba kula jirto in badannna ku been abuuratay Ilaahay kitaabkiisa iyo muslimiintaba ilaa xad ay xilligii Nebiga ay aflagaadayn jireen loo soo diray Denmark si ay udifaacdo aflagaaddada Rasuuka CSW loo gaystey  ayna ku tilmaantay oo tidhi hadduu maanta Muxammad   noolaan lahaa waxaa lagu xukumi lahaa diktaatoor sida Saddaam Xuseen oo kale ah iyo waxyaale kale oo aanan afkayga soo marin karin hadda
 
Ayaan waxay dagaalka ay Ilaahay iyo addoomihiisa wanaagsan kula jirto ku gaadhey dallacsiin iyo in ay ka mid noqoto baarlamaanka waddanka Holland iyo weliba in magaceeda kor loo qaado oo adduunkoo dhan looga dhigo qof geesiyad ah
 
Hase yeeshee falkeedii xumaa ciqaabkiisii durba maanta ayaynu shaahid u nahay oo kuwii watey ay iska horyimaadeen iyagoo dhammaan warbaahinta ku nashrinaya in ay Ayaan qof beenaale ah tahay oo aan istaahilin in ay xubin ka noqoto baarlamaanka waddanka iyo weliba in ay haysato dhalashada Holland
 
Si kastaba ha ahaatee fadeexadda Ayaan ku timi waa mid ay gacmeheeda ku shaqaysatay oo waataa kuwii ay isku hallaynayseyna tuureen muslimiintiina ay hore uga fallaagowdey.
 
Ugu dambayn waxaan tilmaami lahaa in ay ku tusaale qaataan inta sida Ayaan oo kale u dhaqmaysa ama raadkeeda haysey oo moodaysey in ay meel gaadhey.
 
Ayaanna waxaan usoo jeedin lahaa horaa loo waayey cid Allaah la dagaalanta oo guulaysata ee is daba qabo oo Ilaahay usoo laabo una toobad keen inta aan naftu kaa bixin adoo Ilaahay ka fog cadaabna aadan u mutaysan, jaaniskaana ha iska lumin.
 
Maxamed Ibraahim Calimire
Norway   Oslo 
deeq64_1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2006


Warar GooGoos ah: May 15
»Xildhibaan Cabdala Xaaji “Waa in Dowladdu ay go’aan kama
»BuuHoodle: Dagaal dhimasho iyo dhawaac sababay…
»Wabarka Beesha Cayr “Warka uu sheegay Ugaas Cabdi
»Jabhadda Wadaniga Xoreynta oo warbixin ka soo saartay
»Baaqyo fara badan kaddib dagaalkii Muqdisho oo u..
»Baaq iyo soo dhoweyn xabadjoojinta lagu dhawaaqay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 15