SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: MAY 17, 2006

  • Shariif Xasan oo ka soo horjeestay in laga qaado Muuse iyo Qanyare..

  • Cudur halis ah oo Soomaaliya lagu arkay

  • Khilaaf ka taagan maamul Jubadda dhexe loo..

  • Dhaqdhaqaaq ay Sii-Sii ka wadaan maleeshiyooyin...

  • Xaaladda Jawiil oo shalay degganeyd kadib...

  • Furista waddada Muqdisho iyo Afgooye oo.

  • Deegaanka Ceel-Cirfiid oo laga deyrinayo dhinaca...


Shariif Xasan oo ka soo horjeestay in laga qaado Muuse iyo Qanyare..

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu aad uga soo horjeedo talaabada Ra’isul wasaare Cali Max'ed Geeddi uu ku doonayo  inuu xilalka kaga xayuubiyo wasiiro ka tirsan Dawladdiisa oo uu ku sheegay inay dagaalo ka hurinayaan Magaalada Muqdisho, kaasoo ay kaga soo horjeedaan Maxaakiimta Islaamiga ah ayna ku dhinteen dadka rayid ah oo tiro badan.  Kulankii shalay ee Baarlamaanka ee shalay ayuu Ra’islawasaare Cali Max’ed Geedi miiska soo saarey qorshe ku aaddan in xilalka wasiirnimo uu ka qaadayo wasiirada Amniga Qaranka Iyo Ganacsiga Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi, taasi oo uu u aaneeyey lugta balaaran oo ay ku leeyihiin dagaalada muddada todobada maalmood ka socday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Mas'uuliyiinta ugu sar sareysa ee dowladda ayaa kulamo xiriir ah oo ay habeen hore yeelanayeen gaar ahaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Ra’isalwasaaraha ayaa la sheegay in la isku afgaran waayey ka dib markii Gudoomiyaha Baarlamanka uu soo jeediyey inaan xiligan lagu deg degin xil ka qaadis lagu sameeyo Max’ed Qanyare iyo Muuse Suudi, isagoo ku macneeyey inay tahay arin wax u dhimi karta dadaalka dib u heshiisiinta. Cali Max’ed Geedi ayaa waxaa la sheegayaa in uu ku adeystey go’aanka uu ku doonayo in uu xilalka kaga qaado wasiiradaasi oo uu ku tilmaamey inay gadoodkii xukuumadiisa ay ku darsadeen waa sida hadalka uu u yiriye inay xasuuqaan shacab aan waxba galabsan. Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa waxaa kusii kordhaya cadaadis dheeraad ah oo ku aadan in uu tixgaliyo mooshin ay wataan qaar ka mid ah Xildhibaanada oo lidi ku ah wasiirka Ganacsiga iyo Amniga Qaranka.Xildhibaanno ku sugan magaalada Baydhabo ayaa waxya wadaan mooshinka ka dhanka ah Muuse Suudi iyo Max’ed Qanyare. Magaalada Baydhabo ayaa waxaa saaka ka dhici lahaa kulan la doonayey in looga doodo dagaalada ka dhacay Muqdisho iyo lugta ay ku leeyihiin xubno wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Federaalka, ha yeeshee waxaa la sheegay in kulankaasi uu baajiyey Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku wargaliyey xildhibaanada in xili kale uu dhici doono kulankaasi.

Cudur halis ah oo Soomaaliya lagu arkay

Maamulka Awdal iyo masuuliyiinta caafimaadka gobolkaas ayaa baaq qaylo-dhaan ah ka bixiyey cabsida isa-soo-taraysa ee ka haysa cudurka hargabka shimbiraha oo hadda lagu arkay meel u jirta wax ka yar 25km magaalada Lawyacaddo, oo ku taalla xuduudda ay wadaagaan Gobolada waqooyi ee Soomaaliya iyo dalka Jabbuuti.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Sh. Cabdillaahi Cige iyo Isu-duwaha Caafimaadka Gobolkaa, Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Haddi, ayaa shir-jaraa’id oo ay wadajir shalay u qabteen waxay u soo jeediyeen beesha caalamka, hay’adaha samofalka iyo kuwa caalamiga ah ee gobolka Waqooyi Galbeed ku sugan in ay gacan ka geystaan sidii ay iskaga caabin lahaayeen in xannuunkaasi ka soo gudbo xuduudda aaan la leenahay waddanka Jabbuuti.

Maxamuud Sh. Cabdillaahi, waxa uu sheegay in dhawaaqoodani ka dhashay, kadib markii uu soo gaadhay war ku saabsan in xannuunkaa lagu arkay tuulada Dameer-joog, oo ku taal gudaha xuduudda dalka Jabbuuti. "shalay ayaa taar naloogu soo sheegay in xannuunkaa lagu arkay tuulada Dameer-joog, oo in ka yar 25km u jirta xuduudda aynu Jabbuuti la leenahay. Markaa wuu ina kulaalayaa cudurkii hargabka shimbiraha,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Waxa kale oo Guddoomiyuhu ka dayriyey saamaynta uu cudurkani ku yeelan karo Awdal, maadaama uu gobolku ku yaallo dhul ahaan xuduudda kala qaybisa labada dal, iyada oo uu foodda innagu soo hayo xilligii xaggaaga, oo ay boqollaal qoys oo reer Jabbuuti ahi u soo xaggaa-baxayaan dhinaca gobolada waqooyi ee Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay si fudud ugu soo gudbin karaa gobolka iyo guud ahaanba dalka.

Khilaaf ka taagan maamul Jubadda dhexe loo..

Hadallo is khilaafsan oo ku aaddan maamul u samaynta gobolka Jubbada Dhexe ayaa ka soo baxaya gobolkaas gaar ahaan duqowda iyo wax garadka deegaanka. Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beelaha Absame ayaa sheegay in ay ka biyo diidsan yihiin qorshaha ay waddo dawladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan xubno la sheegay in ay gobolkaas ka socdaan oo uu ka mid yahay ku xigeenka duqa degmada Jilib oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo. Odayaasha beesha Absame qaar kamid ah ayaa intaasi raaciyey in xubnaha ku sugan magaalada Baydhabo aanay ahayn kuwo u dhashay gobolkaas. Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa in ay maamullo ka hir geliso gobollada dalka iyadoo dhowaan la filayo in maamulo cusub lagaga dhawaaqo gobollada Baay iyo Bakool. 

Dhaqdhaqaaq ay Sii-Sii ka wadaan maleeshiyooyin...

Wararka naga soo gaaraya xaafadda Siisii ayaa sheegaya in laga dareemayo deegaanadaasi dhufays qodasho u dhaxaysa dhinacyadii dhawaan halkaasi ku dagaallamay, shalay ayaa deegaanadaasi lagu arkayey gawaari ciid kasoo daabbulaysa duleedka Bari ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo ku rogayay ciiddooda deegaanka Siisii. Gogol nabadeed ayaa maalmahan dambe fidsaneyd taasoo ay wadeen odayaal iyo waxgarad ku sugan Magaalada Muqdisho, si gaar ahna waxaa arrintan uga arrinsanayey Odayaasha Muddulood si loo soo soo afjaro colaadda ka taagan magaalada Muqdisho, iyadoo shalay dhaawac loogu geystay agagaarka Siisii mid ka mid ah odayaashii dhex dhexaadinta ka waday halkaasi, kaddib markii uu Maleeshiyooyin carratuur sameynaya uu damcay inuu kala hadlo. Waxaa jirta dadwayne xaafadohoodii kusoo laabanaya , iyo kuwo wali ka cabsi qaba in dagaal kale ka qarxo xaafadda Siisii ee waqooyiga Muqdisho.

Waxaa weli isku horfadhiya deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen labadeii kooxood oo aan la kala kaxeyn, waxaana isku muuqda mar marka qaarkood gaadiidkooda dagaalka.

Xaaladda Jawiil oo shalay degganeyd kadib...

Xaaladda deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan ayaa shalay degganeyd kadib markii ay qulqulatooyin ka dhaceen galabnimadii dorraad.

Xaaladda deegaankaas ayaa caadi ku soo laabatay dorraad kadib markii ay halkaas gaareen duqa magaalada Beledweyne Aadan Garaase iyo odayaal kale oo ka socday dhinaca magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Deegaanka Jawiil ayaa waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeya beelo deegaankaasi wada dega labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxana haatan loo saaray xallinta ummuurtaas guddi ka kooban 15 xubnood, iyadoo aan la ogeyn sida guddigaasi uu ugu guuleysan karo inuu wax weyn ka qabto shaqaaqadii ka aloosneyd deegaanka Jawiil.

Furista waddada Muqdisho iyo Afgooye oo.

Wadahadaladii ka socday Hoteelka Nabadda ee magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey ee la doonayey in lagu banneeyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, ayna wadeen odayaasha Sacad iyo Saleebaan, ayey wararku sheegayaan in la isku mari waayey kadib markii dhinacyada goobtaasi isku horfadhiya ay ka biyo diideen waan waantii odayaasha.

Sidoo kale waddooyinka waxaa iyana xiran waddada ka tagta Muqdisho ee aadda dhinaca magaalada Marka, taasoo keentay sida warar la isla dhex marayo ay sheegayaan in Yuusuf Indhacadde guddoomiyaha gobolka Sh/hoose laftiisa ay ku adkaatay inuu waddadaasi ku socdaalo.

Cabdi Qeybdiid ayaa mar wax saxaafadda wax ka weydiisay sababta uu ugu hoggaansami waayey codsiga loo soo jeediyey ee ah in la baneeyo waddadaasi isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, ayaa sheegay in taasi aaney ka suuragaleyn, isagoo ku dooday in aanu isaga xitaa aanu tegi karin xaafado isla magaalada Muqdisho ka tirsan.

Dadka deegaankaasi ku dhaqan ayaa ka cabsi qaba in arrinta wadadaasi ay ku soo biyo shubato isku dhac, iyadoo wali dadka magaalada Muqdisho ay dhagahooda ka sii guuxayaan madaafiicdii la isku adeegsaday dagaalada todobada maalmood ka socday Siisii.

Doorashadii Xiriirka K/cagta Soomaaliyeed oo.

Doorashadii Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo si xiiso leh uga dhacday hoolka Shirarka Baarlamaanka ADC ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu doortay guddoomiye, saddex ku xigeen iyo sagaal xubnood oo guddiga fulinta ah.

Waxaa xilka ugu sareeya ee Guddoomiyenimada loo doortay Muxiyadiin Xasan Cali (Darbaweyne), oo noqon doona Guddoomiyaha afarta sano ee soo socota ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, dhinaca ku xigeenada waxaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad Siciid Max’ed Nuur (Mugambe), Guddoomiye ku xigeen labaad Cali Siciid Cali, Guddoomiye ku xigeen saddexaad Salaad Macallin Max’ed (Salaad Gaab), dhinaca xubnaha guddiga Fulinta ee Xiriirka waxaa doorashada ku soo baxay Dr, Amiin Yuusuf Khasaaro, Yaxye Max’ed Caddow, Bashiir Nuur Geesay, Mukli Nuur Muudey, Maxamuud Ibraahim Koonfur Yare, Cali Xuseen Kaariye (Cali Goobe), Yuusuf Gacal Axmed (Gaabshe), Max’ed Muxiyadiin Xuuti iyo C/rahiid Xuseen Caddow.

Doorashadaan ayaa waxaa goob joog ahaa guddi kormeer oo ka kala socday FIFA iyo CAF, waxayna doorashadu ku soo gebgabowday si cadaalad ah.   

Deegaanka Ceel-Cirfiid oo laga deyrinayo dhinaca...

Iyadoo dagaal uu habeen Hore ku dhex maray deegaanka Ceel-Cirfiid Maleeshiyo taabacsan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa deegaankaasi wararka naga soo gaaraya waxay sheegayaan in xaaladda nabadgelyo laga deyrinayo, isla markaaan ay dadka deegaanku ka cabsi qabaan dagaalo ka soo cusboonaada deegaankooda.

“Waxaa laga cabsi qabaa in Maleeshiyada Max’ed Dheere ay duulaan ku soo qaado deegaanka” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo intaa raaciyay in haatan ay farta wadnaha ku hayaan, waxaana la sheegay in Maleeshiyada Maxaakiimtu ay iyagu weereeen fariisimo ay lahaayeen ciidanka Max’ed Dheere oo halkaa yimid kaddib dagaalkii Sii-Sii.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
16 May 2006
 
Ciidammadii Itoobiya oo dhaqdhaqaaqii joojiyay iyo amar Kililka la siiyay.
 
Dagaallo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga.
 
 Dad la jidhdilay iyo kuwo hanti laga boobay.
 
Baaq ay JWXO dadwaynaha u jeedisay.
 
JWXO oo bayaan ka soo saartay ciidammada Itoobiya keentay Ogaadeenya.
 
G/K/xigeenka Gudiga Daryeelka Maxabista Ogadenya Xaaji Maxamed oo ka warbixinaya Maxabistii laga soo fardamiyey xabsiga Hargaysa(Maqal).
 
======================   
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay in ciidammadii weerarka ahaa ee xukuumadda Itoobiya keentay dalka Ogaadeenya ay dhaqdhaqaaqii joojiyeen, dhawrkii maalmood ee u denbeeyayna ayna samaynin wax dhaqdhaqaaq ah.
 
Arrintani waxay ku lug-leedahay shirkii ay saraakiisha hawlgalkan hooggaaminaysa ku yeesheen magaalada Jigjiga intii u dhexaysay 11-13 May 2006. Shirkaasi wuxuu ahaa mid dib loogu qiimaynayay hawlgalkan, waxaana ka qayb galay saraakiisha ciidammada, iyadoo sidoo kale loo yeedhay maamulka Kililka iyo shaqaalaha ilaa iyo heer degmo.
 
Waxay saraakiisha gumaysigu isla qireen inay khalad galeen markii ay hawlgalkan billaabeen iyagoon adeegsanin maamulka Kililka iyo dadka la shaqeeya. Sidaas darteed waxay go’aansadeen in maamulka Kililka iyo shqaalahuba ay si toos ah uga qayb qaataan hawlgalkan. Waxaa maamulka iyo shaqaalahaba lagu amray in qof waliba uu degmadiisii ka hawlgalo, laga billaabo todobaadkan. Qofkii diida inuu hawlgalkan ka qayb galana meeshiisa in lagu toogto ayay go’aamiyeen.
 
Dhinaca kale waxaa sabtidii magaalada Qabridaharre ka dagay Gurey Fidaariyo Khadar Macalin. Toddobaad iyo badh ayaa laga joogaa markii ay ciidammada gumaysiga Itoobiya ee Qabridaharre isugu yeedheen odayaasha Qabridaharre ooy ka dalbeen inay la shaqeeyaan, hase yeeshee ay odayaashu arrintaas ka diideen, taasoo keentay in dadwaynaha magaalada si wayn loogu caga-jugleeyay.
 
Wuxuu kaloo wariyuhu noo soo sheegay in roobab aad u badani ay dalkoo dhan ka da’ayaan. Wuxuu noo sheegay in habaynimadii axaddu soo galaysay oo dhan uu roob aan kala qaadini ka da’ayay dalka Ogaadeenya oo dhan.
 
Dhawaan waxa amagaalada Shaygoosh ku dhuftay roobab duufaan wata, waxayna dumiyeen guryihii magaalada ku yaallay, waxaana duufaankaas ku dhaawacmay labo qof.
 
Dagaallo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah o dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysatada Itoobiya, waxayna dagaalladaasi u dheceen sidatan;
 
12/05/06 dagaal ka dhacay magaalada Farmadow waxaa ciidammada gumaysatada lagaga dilay 9 askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.
13/05/06 Gabagabo dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysatada loogu gaystay khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
 
06/05/06 Barraajisla waxaa lagu gubay baabuur Uuraal ah, waxaana halkaas ku bas-beelay baarbuurkaas iyo wixii saarnaa.
 
Dad la jidhdilay iyo kuwo hanti laga boobay.
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah dhibaatooyin ugu gaystay dadwyane rayad ah oon waxba galabsanin. Ciidammada gumaysatadu waxay jidhdil ba’an u gaysteen dadwayne ku dhaqan degamada Garigo’an, waxayna kala yihiin dadka la jidhdilay;
 
1-    Axmed-Saafi Cismaan
2-    Axmed Muxumed Guuleed
3-    Dayib Shariif Sulub
4-    Cabdi-dhuub Deeq Cumar
5-    Sh Maxamed Macalin Ibraahim
6-    Deeq Maxamed barre
7-    Nuur Xuseen Cumar
8-    C/llaahi Axmed Birdiid
9-    Deeq Xaashi Xuseen
10-  Cabdi-raan Xirsi
11-  Xuseen Good Yoonis iyo
12-  Ismaaciil Siyaad
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya waxay sidoo kale hanti kala duwan ka dhaceen dadwayne rayad ah oo ku dhaqan degmada Garigo’an, waxayna kala yihiin dadka hantida laga dhacay;
1-    Axmed Rooyal oo laga dhacay 2200 oo Bir
2-    Kaltuun Macalin oo iyadana laga dhacay 3600 oo Bir
3-    Axmed yaasiin oo laga dhacay 1 kaatoon oo Baasto ah iyo 1 kaartoon oo Sigaar ah
4-    Saafi Axmed Nuur oo laga dhacay 2 kiish oo Sonkor ah
5-    Nuur Xuseen Cumar oo laga dhacay Rikoodh iyo
6-    Xaliimo Maxamed oo iyadana Dhar badan laga dhacay.
 
Degmada Baka waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya rarteen wixii hanti taallay oo dhan. Waxay sidoo kale hanti badan ka rarteen tuulooyin dhawr ah oo ka tirsan gobolka Doollo.
 
Waxaan hadda ka hor idiinka soo tabinay in ciidammada gumaysatada Itoobiya ay gabadh yar ku kufsadeen magaalada Qabridaharre. Gabadhaas aya alagu magacaabi jiray Umayma Khaalid. 
 
Baaq ay JWXO dadwaynaha u jeedisay.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO, iyadoo ka duulaysa dagaalka ballaadhan ee xukuumadda gumaysatada Itoobiya ka billowday dalka Ogaadeenya, waxay dadwaynaha sharafta leh ee Soomalida Ogadeenya ugu baaqday inay ka feejignaadaan khiyaamooyinka cadowga, isla markaana ay ka dhawrsadaan inay wax gacan ah siiyaan.
 
Waxay kaloo JWXO ugu baaqday dadwaynaha inay ku baraarugsanaadaan inay jiraan ciidammo ka mid ah kuwa gumaysatada Itoobiya oo goosta iyo kuwo kale oo iyaguna ka firxada dagaallada ay iskaga horyimaadaan iyaga kuwa xoreynta Ogaadeenya.
 
Sidaas darteed waxaa dadwyanaha loogu baaqay inay nabadgeliyaan ciidammada baxsadka ah ee Itoobiya ooy u soo dhiibaan ciidammada xoreynta Ogaadeenya, isla markaana ka feejignaadaan kuwa firxadka ah een isu dhiibin.
 
JWXO oo bayaan ka soo saartay ciidammada Itoobiya keentay Ogaadeenya.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa sabtidii bayaan caalami ah ka soo saartay ciidammada faraha badan ee gumaysatada Itoobiya ku soo daabushay dalka Ogaadeenya iyo hawalgalka millatari ee Itoobiya ka fulinayso dalka Ogaadeenya.
 
Bayaankan waxay JWXO beesha caalamka ku baraarujisay in xukuumadda Itoobiya ay kumannaan askar ah ku soo daabushay dalka Ogaadeenya toddobaadyadii u denbeeyay, taasoo caddayn u ah in Itoobiya ay diiddan tahay nabad ku timaada wadaxaajood iyo in xal loo halo isku dhaca dagaal ee gobolka ka jira.
 
Bayaankan waxaa kaloo lagu sheegay in xukuumadda Itoobiya marka la eego ciidammada ay ku soo kordhisay kuwii horay uga joogay dalka Ogaadeenya ay ka dhigan tahay inay u caddasay dadka Soomaalida Ogaadeenya inaanay danaynaynin in dhibaatada Ogaadeenya loo helo xal siyaasadeed iyadoo la adegsanayo wadahadal, iyadoo arrintaas ku baddashay  daandaansi millatari.
 
JWXO waxay beesha caalamka ka codsatay inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan weerarrada ay Itoobiya ku qaadayso dadka Ogaadeenya oo markii horaba dhibaato ka haysatay macaluul ka dhalatay abaarta halkaas ka jirta.
 
JWXO waxay marka kale daboolka ka qaaday inay diyaar u tahay inay maamulka Itoobiya wadaxaajood toos ah la yeelato marka wadaxaajoodyadaas lagu qabto waddan dhexdhexaad ah, isla markaana uu goobjoog ka ahaado dhexdhexaadiye caalami ah, iyadoo labada dhinac midna aanuu wadaxaajooyada shuruudo hordhac ah ku xidhin.
 
16 May 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
 

Warar GooGoos ah: May 15
»Xildhibaan Cabdala Xaaji “Waa in Dowladdu ay go’aan kama
»BuuHoodle: Dagaal dhimasho iyo dhawaac sababay…
»Wabarka Beesha Cayr “Warka uu sheegay Ugaas Cabdi
»Jabhadda Wadaniga Xoreynta oo warbixin ka soo saartay
»Baaqyo fara badan kaddib dagaalkii Muqdisho oo u..
»Baaq iyo soo dhoweyn xabadjoojinta lagu dhawaaqay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 15