SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII MAY 22, 2006
  • Avv. C/llaahi Daahir Barre “Sharciyan Ra’isul Wasaaraha ayaa xaq u leh...”
  • Xiisaddii u dhexeysay Ra’isul Wasaare Geeddi iyo Maamul Gobaleedka Puntland oo..
  • Odoyaal ka soo jeeda Deegaana Toor-Toorow oo ka cosaday Hay’adaha...
  • Dagaalo goos goos oo weli ka socda Magaalada Muqdisho..
  • Guddiga dhex- dhexaadinta oo soo dhaweeyay Tiknikadii loo celiyay Max’ed Dheere..
  • Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegay inay ka hor-imaan doonaan..
  • Tartankii Kubadda Cagta ee xagaaga oo si rasmi ah uga bilowday Helsinki, Finland

Avv. C/llaahi Daahir Barre “Sharciyan Ra’isul Wasaaraha ayaa xaq u leh...”

Waxaa noo suurtagashay in aan wareysi la yeelanayo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre, waxaana wax ka weydiinay cidda xaqa u leh in ay xilka ka qaado Wasiirada Hubeysan ee maalmahan dagaalka ka wada Magaalada Muqdisho, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “waxaa xaq u leh in uu xilalka ka qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, waayo Dowladdiisa ayay ka mid yihiini, xildhibaannimadana waxaa ka qaadi kara Golaha Baarla-maanka”.

“Waa arrin qalad ah in Wasiiro ka tirsan Dowladda ay galaan dagaal aysan ogeyn dowladda federaalka” ayuu yiri Avv C/llaahi Daahir Barre oo sheegay in loo baahan yahay in arrimaha noocaana iyana la ogeysiiyo Maxakamadda sare.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa todobo maalmood u qabtay wasiirada hubeysan ee dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho inay ku soo xaroodaan Magaalada Baydhabo, ilaa iyo haatanna ma jirto wasiir ka hadlay go’aanka Ra’isul Wasaaraha marka laga reebo Muuse Suudi Yalxow oo sheeegay in uusan wax xil ah u hayn dowladda.

Xiisaddii u dhexeysay Ra’isul Wasaare Geeddi iyo Maamul Gobaleedka Puntland oo..

Waxaa maalinba maalinta ka dameysa sii xoogeysanaya xiisaadii u dhexeysay Dowladda Federaalka ee uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed Geeddi iyo Maamul Gobaleedka Puntland taasoo la xiriirta shidaal la doonayo in laga baaro maamulada Puntland.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxaa looga hadlay hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geeddi ee ahaa in aan wax shidaal ah laga qodi karin gobaladaasi, waxyana Wasiiradu gebagabadii shirkooda ku sheegeen in ay kalsoonidii kala laabteen Dowladda Federaalka.

“Inta uu Dowladda Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed Geeddi marnaba lama shaqeyneyo xitaa dowladdiisu kama howlgali doonto maamulka Puntland” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Golaha Wasiirada ee maamul Gobaleedka Puntland.

Maamul Gobaleedku waxa uu sheegay in howsha shidaal qodida ay sii wadi doonaan isla markaana aysan dheg jalaq u siin doonin hadaladii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, iyagoo ku tilmaamay Ra’isul Wasaaraha nin aan dooneyn in dalka horumar uu gaaro.

Warqad uu soo saaray Gen. Cadde Muuse ka akhri halkan....

Odoyaal ka soo jeeda Deegaana Toor-Toorow oo ka cosaday Hay’adaha...

Odoyaasha, Culama’udiinka iyo Waxgaradka ka soo jeeda Deegaanka Toor-Toorow ee Gobalka Sh/hoose ayaa qoraal ay soo gaarsiiyeen Wargeyska waxay ku sheegeen in Deegaano fara badan oo hoos taga Toor-Toorow ka jiraan xaalado adag oo nololeed, taasaoo soo food saartay dadka iyo duunyada ku dhaqan Deegaanadaasi.

Waxgaradku waxay qoraalkooda ku sheegeen in Tuulooyinka kala ah Toor-Toorow, Baadle, Macallimu, Cabdulle Gaabane, Cali Guble, Buulo Kutub, Cambarow, Mooyanow, Bolo Idow, Garas Tolob, Garas Shaare, Fool Gaab, Mareerey, Bangaduud, Dhobey Golol Dheere, Falayley, Iraley, Gaaldhere, Galdhere Yarey, Kowlow iyo Mooro Kuwaar ay ka jiraan biyo la’aan, baad la’aan iyo Dawo la’aan, waxayna waxgaradku ka cosadeen Hay’adaha Deeqda bixiya iyo kuwa samafalka in ay gargaar la soo gaaraan dhamaan tuulooyinkaasi oo ay sheegeen in ay halis ku jiraan sida ICRC oo ay sheegeen in iyadu horey uga qoday deegaanadaasi Waro Biyood. waxaana ka mid ahaa Odoyaasha iyo Culimada ku saxiixnaa qoraalkaan Sh. Cabdi Xaaji Xasan Mad Kadil, Gaabow Bulle Xasan, Aadan Guure Barrow, Xaaji Cadde Xaaji Xaan, Sheekh Ibraahim Cabudle iyo kuwo kale.

Dagaalo goos goos oo weli ka socda Magaalada Muqdisho..

Waxaa deegaanka Sii-Sii weli ka socda dagaalo goos goos ah oo u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxaana dagaalkaasi la sheegay in ay ku dhinteen dhowr ruux dhowr kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ay u badnaayeen dad rayid ah oo ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.

Inkastoo Xabad joojin dhex martay haddana weli sidii ay labada dhinac rasaasta isu weydaarsanayaan hase yeeshee guddiga dhex dhaaxinta labada dhinac ayaa waxay sheegeen in dagaaladaasi gooska gooska ah aysan waxba u dhimeyn heshiiskii xbaad joojinta, waxay kalloo sheegeen in maalmaha soo socda si rasmi ah loo kala qaadi doono ciidamada, hase yeeshee Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo ka mid ah Isbahaysiga ayaa waxa uu sheegay inuusan marnaba xabad joojin la geli doonin waxa uu ugu yeeray kooxaha Argagixisada ah.

Guddiga dhex- dhexaadinta oo soo dhaweeyay Tiknikadii loo celiyay Max’ed Dheere..

Guddiga dhex dhexaadinta dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay Tiknikadii iyo hubkii kale ee dib loogu celiyay Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).

Shirkadda Banaadir ciidamo ka socday ayaa dhawaan waxay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taala deegaanka Maxaay ee Degmada Warsheekh ee Gobalka Sh/dhexe kaddib markii halkaasi dagaalo ku dhex mareen maleeshiyo daacad u ah Max’ed Dheere iyo kuwo ka socday Abuukar Cumar Caddaani kuwasoo Max’ed Dheere kala wareegay gaari Tikniko ah iyo hub fudud, waxayna guddiga dib u celinta hubkaasi ku tilmaameen mid wax ka tareysa isku soo dhawaanshaha dhinacyda ku dagaashan Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegay inay ka hor-imaan doonaan..

Iyadoo Maalintii shalay ahayd Golaha Wasiirada ay isku raaceen in dalka la keeno ciidamo Shisheeye oo ka socda qaar ka mid ah Wadamada IGAD iyo Midowga Afrika ayaa haddana mar aan arrintaani wax ka weydiinay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka sida ay u arkaan go’aankaasi ayaa waxay sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin, waayo ayay yiraahdeen waa mid Soomaali u horseedaya dhibaato iyo dagaalo hor leh.

Caasha Axmed Cabdala oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kana soo horjeeda in dalka la keeno ciidamo shisheeye ayaa waxa sheegtayin Dowladda Federaalka looga baahan in ay dib u uruuriso ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay sheegtay in ay ku filan yihiin nabadgelyada dalka. Qarashka ku baxaya ciidamada Shisheyee, “waxaa haboon in loo weeciyo ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayay tiri Caasha Axmed Cabdala oo sheegtay in ciidamo dalka ay ka horeyso in dalka laga qaado cunaqabateynta hubka.

 Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhawaan mar uu kulamo la yeeshay qaar ka mid ah wadamada IGAD waxa uu ka codsaday in ay u howlgalaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabteynta hubka waayo waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo shisheeye oo hub ka dhigis ku sameeya kooxaha Soomaaliyeed. Haddaba Dowladda Federaalka waxaa looga fadhiyaa sidii go’aanka ay qaateen u marsiin lahaayeen golaha Baarlamaanka oo ah hay’adda ugu sareysa ee ogolaan karta in soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

WAR CAYAARAHA SOOMAALIDA EE HELSINIKI
 
Tartankii Kubadda Cagta ee xagaaga oo si rasmi ah uga bilowday Helsinki, Finland
 
21-May 06 Waxaa Maanta si rasmi ah albaabada loogu furay tartankii kubadda cagta ee xagaaga  oo sanadkiiba mar la qabto, aynaa  soo qaban qaabiyaan Ururada Cayaaraha dhalinyarada Soomaliyeed ee waddankan Finland. 
 
Tartankaani waxaa sanadkan  si wada jira u soo qabanqaabiyay  Ururada kala ah :Ururka Dhaqamada iyo Cayaaraha ee FC-Soomaaliya Iyo Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Kanava. Waxaa ka soo qaybgalay xafladdii furitaanka marti sharaf  iyo Dadwayne aad u fara badan oo ka kala yimid Gobolada dalkan Finland , sidoo kale waxaan iyana goobta ka muuqday  rag ka mid ahaa  ruugcadaagii ciyaaraha Soomaaliya kuwaasoo jagooyin muhiim ah ka soo qabtay arimaha isboortiga Soomaaliyeed  sida  macalin tababare ah ama Xiriiradii kala duwanaa ee Wasaaradii Sportiga iyo dhalinyarada ee Soomaliya .

 
Ugu horayntii waxaa halkaa ka hadlay gudoomiyaha ururka Spoortiga Axmed Imad oo ka hadlay ujeedada kulankan waxaana uu ku wareejiyay makrafoonka Tababare Ibraahim Jumcaale (Buruko)  oo sheegay  in ay muhiim tahay in laga faa’iidaysto ciyaarahan iyo in la ogaado Sportigu macnaha uu xanbaarsan yahay ee uu bulshada ugu fadhiyo gaar ahaan dhalinyarada oo uu gudoomiyuhu carabka ku dhuftay in ay haystaanfursad fiican  oo  wax walba oo isboorti la xiriira ay u dhan yihiin  sida: Garoomada arimaha caafimaadka , qalabkii spoortiga  iyo dhaqaalihii iyo waliba  waxwalba oo qofka cayaartooyga looga baahnaa, waxaana loo baahan yahay ayuu yiri Tababare Buruko  in laga faaiidaysto oo wax  la taro dalkan aanu ku nool nahay iyo dal keeni Hooyo ee lama huraanka  ah. Wuxuuna Ku baraarujiyay in lala yimaado cayaar nadiif ah oo ka farxisa macalimiintooda iyo bulshoweynta daawanaysaba. waana inaad ogaataan buu yiri in macnaha  cayaaruhu yihiin  jir caafimaad qaba oo aan cadwtinimo Lahayn.

Maxamed Diiriye oo isna ka socday (Ururka Soomaali Liito) Ayaa halkaasi Ka hadalay sheegayna In loo baahan yahay in Umaddu isku duubnaato oo wax wada qabsato . Maxamed Diirye oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri :waxaanu joognaa Dal shisheeye waana loo baahan yahay in laysu yimaado oo howalahan oo kale loo horseedo bulshada, lana badiyo kulamada Cayaaraha si ay dhalinyaradu isu bartaan halkii ay ka aadi lahaayeen meelaha xun xun.
 
Sidoo kale waxaa isaguna halkaas ka  hadlay Abdulqaadir M.Elm i(Garsoore) oo isaguna ka waramay  muhiimada Garsoorku leeyahay,waanan ku dadaalaynaa kaalinteena xaga Garsoorida in kastoo Mas’uulku uu la kulmayo eedo haduu saxan yahay iyo hadii uu khaldan yahayba,  ilaahayna waxaan ka baryaynaa ayuu yiri  in uu noo fududeeyo.
Waxaa iyaguna goobtaasi ka hadlay Macallimiinta kala ah Macallin Bashiir iyo Macallin Maxa’ed Cali (Yaanyo) oo ka warbixyay spoortiga iyo faa’iidadiisa.

 
 Intaa  Kadib waxaa la guda galay Cayaarihii ugu horeeyay ee tartankaWaxaa wada cayaaray Maanta oo Sabtiya Afar kooxood oo kala ahaa :-
FC-Golis Iyo FC-Espoo   Iyo Waliba  FC-Soomalia Iyo FC-Salama
Ugu Horayntii waxaa Fooda isdaray FC-Golis iyo FC-Espoo Waxaana  ay guushii raacday kooxdii FC-Espoo oo ku adkaaday 2-0 kadib markii ay  u saxiixeen Saciid iyo Saabid oo labaduba ka cayaarayay Qadka Dhexe.

Sidoo kale waxaa wada cayaaray FC-Somalia Iyo FC-Salama waxaana ay Guushii raacday kooxdii FC-Somalia oo ku adkaatay 4-0 markii loogu Awood sheegtay kooxdii ku cayaaraysay magaca FC-Salama . Kooxda FC-Soomalia Waxaa goolasha u dhaliyay C/salaan Dhuubow oo u saxiixay Sedex Gool halka Goolka Afaraad uu saxiixay Maxamed Yare Cayaarihii shalay  Sidaas ayaa lagu soo gabagabeeyay .



Waxaa maanta oo Axada Wada Cayaaray kooxaha  FC-Safari Iyo FC-Sompel Kuwaasi oo Cayaar aad u wanaagsan u muujiyay  dadwaynihii u soo daawasha tagay , iyadoo ayna aad uga heleen,   jawiguna sidii shalay waa uu kawanaagsanaa oo shalay hawada ayaa yara qaboobayd , roobna waa uu da’ayay.  Ciyaarta qaybteedi danbe ayaa waxaa u suurta gashay kooxdii FC-Sompel ay guushii ku raacday 2 iyo 0 halka kooxda FC-Safri aysan waxba keensan  Waxaana goolasha FC-Sompel u saxiixay cayaar yahn Abshir yare oo qadka dhexe ka cayaara . Runtiina  waxa ay ku soo gabagaboowday jawi aad u qurux badan oo degan oo xaga garsoorkuna aad uu u wanaagsanaa .
 
            Isku aadka Cayaaraha

20.05.06     FC.-Golis                  VS       FC-Espoo
20.05.06     FC-Somalia               VS      FC-Salama
21.05.06     FC-Pikku Huopalah     VS     FC-Turku
21.05.06     FC-Safari                   VS     FC-Sompel
27.05.06     FC-Salama                 VS     FC-Tampe
27.05.06     FC-Turku                   VS     FC-Vaanta
28.05.06     FC-Kanus                   VS     FC-Golis
28.05.06     FC-Shabaab                VS     FC-Safari
03.06.06     FC-Tampera               VS     FC-Somalia
03.06.06     FC-Vantaa                  VS     FC-Piku hu
04.06.06     FC-Espoo                    VS    FC-Kanus
04.06.06     FC-Sompel                   VS   FC-Shabaab
 
17.06------------------------ 18.06.06 Waa is reeb reebkii  8 kooxood ee soo baxda.

Semifaanalka ayaa wuxuu  noqon doonaa  24.06.06 .
Finaalkuna waxa uu noqonayaa 01.07.06 oo ku aadan isku darkii goboladii Soomaaliya  ee Waqooyiga Iyo Koonfurta iyo calansaarkii Jamhuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya  

mseraar dahir | musseseraar77@hotmail.com  | Radio Warsan

Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2006

Shirkadda Terry oo ku Guulaysatey Iska Horkeenidda Geeddi iyo Cadde Muuse
Madaxweynaha DGPL ayaa shaaca ka qaaday in uu kalsoonidii kala laabtay Ra'iisul wasaaraha DFKMG kaddib markii..
Guji....

Ciidammada Gumaysiga oo haweenay ku toogtay magaalada Sagag.
»
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Australia oo shiraray....
»Amnesty International oo Itoobiya ugu baaqay inay..
»Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

XAYAYSII