SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
 
Ciidammada gumaysiga oo haweenay ku toogtay magaalada Sagag.
 
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Waddanka Australia oo shirar wadda.
 
 Amnesty International oo Itoobiya ugu baaqay inay si dayso madaxda mucaaradka.
 
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka Muqdisho.
 
Faalo:Shidaalka Ogadenya(Taariikhdiisa iyo Damaca Waalan ee Gumaysiga Itoobiya).
 
 
======================   
 
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Sagag ayaa sheegaya in ciidammada gumaysiga Itoobiya ay magaalada Sagag ku toogteen haweenay lagu magu magacaabo Sahra Cabdi C/llaahi oo hooyo u ahayd siddeed carruur ah.
 
Alla ha u naxariistee Sahra waxay ka mid ahayd 16 qof oo in muddo ahba ay ciidammada Itoobiya ku hayeen xabsiga magaalada Sagag, kuwaasoo lagu tuhmay inay taageeraan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
 
Ehalada iyo qaraabada dadkaas xabsiga Sagag lagu hayo ayaa ka cabsi qaba in iyagana la toogto, waxaana cabsidaas ku sii kordhiyay iyadoo loo diiday inay dadkaas soo booqdaan. Dadkan ayay ciidammada Itoobiya jidhdil aad u ba’an u gaysteen muddadii ay halkaas ku haysteen.
 
Wararka ka imanaya gobolka Jarar ayaa iyaguna sheegaya in ciidammada gumaysatada Itoobiya ay odayaal 15 gaadhaya ka soo qaqabteen deegaannada ku dhaw Ceelka Bullale, oo dhawaan si wayn loogu jabiyay ciidamada gumaysatada Itoobiya. Odayaashan ayaa lagu eedeeyay inay badbaadin waayeen sargaal caan ah oo ciidammadaas watay, kaasoo kaligii dhinac u fiigay, ka dibna u galay ciidammada xoreynta Ogaadeenya.
 
Dhinaca kale maalintii talaadada ahayd ee bisha May 16-ka ahayd waxaa magaalada Qabridaharre dhexdeeda isku af-dhaafay Ugaas Maxamed Duullane, oo ka mid ah oday dhaqameedyada sida wayn looga qadariyo gobolka Qorraxey, iyo sargaalka xukuma ciidammada gumaysiga Itoobiya ka jooga magaalada Qabridaharre iyo nawaaxigeeda.
 
Murankan ayaa sargaalka gumaystada Itoobiya iyo Ugaaska dhex-maray, ka dib markii uu sargaalkaasi Ugaaska ka dalbay inuu ka qayb qaato hawlo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo  nabadda lagu sugayo, balse uu Ugaasku si geesinimo leh ugu jawaabay sargaalkaas, isla markaana u sheegay in isaga loo xilsaaray sugidda nabadda uu sheegayo, oon loo baahnayn inuu dib ugu soo noqdo dadwaynaha rayadka ah.
 
Sargaalkan ayaa Ugaaska dalabkan u soo jeediyay, ka dib markii dadwaynaha magaalada Qabridaharre ay diideen inay soo xaadiraan shir uu sargaalku ku dhawaaqay in la yimaado oo la xidho dhammaanba maharadaha magaalada ku yaalla, hase yeeshee dadwaynaha ayaa maharadohoodii xidhay, balse ku gacan saydhay in shirkaas yimaadaan.
 
In ka yar labo toddobaad ayaa laga joogaa markii ay ciidammada gumaysatada Itoobiya qasabka ku shiriyeen dadwyanaha magaalada Qabridaharre ee ay ugu hanjabeen inay laynayaan dad badan oo agtooda qiimo ka leh.
 
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Waddanka Australia oo shirar wadda.
 
Wararka naga soo gaadhaya Waddanka Australia ayaa sheegaya in is-abaabul ballaadhan oo shirar ah ay Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Australia ka waddo Gobaladda waddanka Australia, kuwaasoo ay keentat in ay kulmaan si ay uga wadda tashadaan dagaalada ka socda Ogaadeenya ee ay waddo xukuumadda Itoobiya oo dhibaatooyin loogu gaystay dadka rayidka ah ee aan waxba galbsanin.
 
Waxay Jaaliyaduu shir ballaadhan isugu timid 6 May 2006, shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan Jaaliyaadka Ogaadeenya ee waddanka Australia, waxaana shirkaas ka soo gaybgalay aqoonyahano u dhashay Ogaadeenya, Madaxda Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo uu ka mid yahay Gudoomiye ku xigeenka kobaad Dr Mohamed Ismaciil Omar iyo Mohamed Ibrahim oo isaguna xubin ka ah Golaha Dhex ee Jabhadda waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
 
Hawlo badan ayay wadaan Jaaliyaadku oo ay ka wadaan dhamaan Gobalada Waddanka Australia, waxayna shirkii ka dib billaabeen xidhiidho dhan walba ah oo ay ku xoojinayaa waxqabadka iyo ka warhaynta dhulkoodii Hooyo.
 
Waxaa sidoo kale dadaal badan wadda dumarka ka soo jeeda Soomaalida Ogaadeenya waxayna ku bohoobeen Urur, kaasoo hawshiisii si dhab ah u guda-galay.
 
Amnesty International oo Itoobiya ugu baaqay inay si dayso madaxda mucaaradka.
 
Ururka xuquuqda aadanaha daneeya ee Amnesty International ayaa xukuumadda Itoobiya ugu baaqay inay shuruud la’aan sii dayso dad 76 qof gaadhaya oo lagu eedeeyay khiyamo qaran iyo denbiyo kale oo la xidhiidha kacdoonkii ka dhashay doorashadii ay xukuumadda Meles musuqmaasuqday saddankii hore.
 
Ururka Amnesty International ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dadkanoo ay ka mid yihiin madaxdii mucaaradka, suxufiyiin iyo dad xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, ay u xidhan yihiin damiirkooda oo kaliya.
 
Ururka Amnesty International ayaa sheegay inuu shaki wayni kaga jiro ballanqaadka ay xukuumadda Zenawi bixisay ee ah in dadkan la saari doono maxkamad caadil ah.
 
Xukuumadda Itoobiya ayaa dad 129 gaadhaya oo u badan madaxdii xisbiga CUD ku eedaysay denbiyo ay ka mid yihiin khiyaamo qaran iyo isku day afgenbi.
 
Masuuliyiin Maraykan ah ayaa iyaguna xukuumadda Itoobiya ku dhaleeceeyay tallaabadii bahalnimada ahaydee ay ka qaaday dadkii ka gadooday musuqmaasuqii doorashada, waxayna xukuumadda Itoobiya ugu baaqeen inay si degdeg ah u sii dayso dadka faraha badanee ay xabsiyada ka buuxisay.
 
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka Muqdisho.
 
War-saxaafadeed uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho ugu baaqay inay xabad-joojin sameeyaan.

Golaha Ammaanku wuxuu kula taliyay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho inay dagaalka joojiyaan oo oggolaadaan in hawlihii bani’aadamnimada dib looga billaabo aaggaas.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu sheegay inuu si wayn u taageersan yahay dowladda ku mneelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo marba sida u hirgaliso ku dhaqanka dastuurka fadaraalka ah ee soomaalidu ku heshiiyeen.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay taageerada uu u hayo dadaallada nabadeed ee ay wadaan urur goboleedka IGAD, ergayga Qaramada Midoobey u qaabislan arrimaha Soomaaliya iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday dhinacyada kala duwan ee Soomaalida inay gacan siiyaan dadaallada nabadeed ee la wado.

Golaha Ammaanku wuxuu dib u xusuusiyay 19-ka wadan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobey inay adkeeyaan xayiraadda hubka ee Saaran dalka Soomaaliya.
 
19 May 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2006

Ayaan Xirsi oo ka baxday Baarlamaanka Holland Been-abuurkeedii soo shaac baxay awgeed...
waxana ay sheegtay in ay aadeyso.... GUji...

AYAAN XIRSI OO QARKA U SAARAN IN LAGALA NOQDO DHALASHADA HOLLAND
Warbixintii Ibraahim Saalax... Guji....

»Ha isku deyin in aad Allaah la dagaalanto. (Ayaan waa tusaale...)
»
Holland: Shaki iyo muran ka taagan sharciga Ayaan Xirsi