SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA: MAY 24, 2005
  • Cabdi Qaybdiid oo shuruud adag hordhigey guddigii dhex dhexaadinta ee…
  • Waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beesha Qubeys oo sheegay in ay taageersan yihiin...
  • Soomaali ku hor banaanbaxday safaaradda Mareykanku ku leeyahay London..
  • Geeddi oo maanta u ambabaxaya Nairobi..
  • Xafladdii Munaasabada Caleemo Saarka Garaadka oo si weyn oo nabad-gelyo ah uga dhacday Dooxada Geeda qarsey ee Laascaanood
  • Qabridaharre: Niman gumaysiga u adeega oo dadwyanaha u hanjabay.
  • Bosaso: Ururka dhakhaatiirta oo bixiyey mucaawino...

Cabdi Qaybdiid oo shuruud adag hordhigey guddigii dhex dhexaadinta ee…

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Saxafi waxaa kulan ku yeeshay Xubnaha Isbahaysiga la baxay la dagalanka argagixisada uga jira beesha Habargidir iyo Gudiga dhex dhexaadinta dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii loo qaadi lahaa Isbaarooyinkii yiilay Muqdisho iyo Hareeraheeda.

Dood iyo  falaqeyn dheer kaddib ayaa waxaa la sheegay in kulankaasi ku dhamaaday is afgaran waay, kaddib markii Cabdi Qaybdiid oo xubin ka ah Isbahaysiga la dagaalanka uu shuruud ku xiray Guddiga oo ah in isbaaradiisa taala wadada tagta Afgooye uu qaadayo marka la qaado Isbaarada hor taala Wasiiraka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare.

“Anigu waan soo dhaweynaaa wixii nabad, laakiin Isbaarooyinkaas waa in isku saacad la qaadaa” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid, iyadoo guddigii dhex dhexaadinta ay sheegeen in aysan marnaba ka daali doonin sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka daadsan gudaha magaalada iyo banaankeedaba.

Waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beesha Qubeys oo sheegay in ay taageersan yihiin...

Qoraal ay na soo gaarsiiyeen Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Qubeys ayaa waxay si kulul ugu beeniyeen war ku soo baxay wargeyska oo ahaa in Xildhibaan Jeylaani Cali Kediye uu ka baaqsaday Xilkii xildhibaannimo ee uu beesha u yahay, waxayna warkaasi ku tilmaameen mid aan sal iyo raad toona lahayn.

”Beesha Qubeys waxay caddeyneysaa in ay taageersan yihiin lana shaqeynayaan Xildhibaan Jeylaani Cali Kediye” ayaa lagu yiri qoraalkaasi oo intaasi sii raaciyay “Xildhibaan Jeylaani Cali Kediye waxaa doortay beesha Qubeys, raali ayayna ka tahay howlaha uu wado”.

Sidoo kale waxaa qoraalkaasi raaligelin loogu diray Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna sheegeen waxgaradku in gef loo gaystay Gudoomiyaha, ugu dambeyntiina waxay Waxgaradkaasi iyo Odoyaa-shaasi ay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan xildhibaan Jeylaani Cali Kediye, waxaana qoraalka ay beeshu na soo gaarsiisay ku saxiixnaa Yuusuf Dhoore Kheyre, Xuseen Geedi Jimcaale, Muxumad Geedi iyo Maxamuud Max’ed Cali (Madoobe).

Soomaali ku hor banaanbaxday safaaradda Mareykanku ku leeyahay London..

Maalintii shalay ahayd saafarada Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada London isugu soo baxay dad aad u fara badan oo soomaali ah. kuwasoo ka banaabaxayay tageerada Mareykanku uu siiyo qabanqablayaasha dagalka.

“Mareykanku waa in uu joojiyaan lacagaha iyo hubka uu siinayo qabqablayaasha dagaalka oo iyagu mudo shan iyo toban sano ah xasuuq ku yahay Bulshada soomaaliyeed’ ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen dadkii banaanbaxayay oo loo gudbiyay safaaradda Mareykanka, waxaa kaloo Mareykanka laga dalbaday in uu taageero siiyo dowladda Federaalka, isla markaana uu gacan ka gaysto gacan siinta bulshada Soomaaliyeed ee abaaruhu ay halakeeyeen.

Saafaradda oo ay isku hareeyeen ciidamo booliis ah ayaa dadkii banaanbaxayay waxay markii dambe u dhaqaaqeen wadooyinka waaweyn ee magaalada London iyagoo sita boobarar oo kaga soo horjeedaan qabqablayaasha daaalka

Geeddi oo maanta u ambabaxaya Nairobi..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi aya maanta la filayaa in uu ambabaxo magalada Nairobi waxayna tagistiisu ay ku soo beegan tahay xili uu Maanta Baarlamaanku ku sugayo in uu jawaab ka keeno wasiirada hubeysan ee dagaalka ka wada Magaalada Muqdisho kaddib markii uu Ra’isul Wasaaruhu u qabtay todobo maalmood.

Inkastoo aan la faahfaahin sababaha uu ugu baxayo Ra’isul Wasaaruhu Nairobi ayaa warar waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaruhu uu doonayo miisaaniyaddii dowladda lixda bilood ee ka dhiman sanadkaan oo gaareysa 34-Milyan oo Doolar

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
 amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2006


Xafladdii Munaasabada Caleemo Saarka Garaadka oo si weyn oo nabad-gelyo ah uga dhacday Dooxada Geeda qarsey ee Laascaanood

Laas Caano:- Xafladda lagu caleemo saarayo Garaadka 19aad ee Gobolada SSC Garaad Jaamac Garaad Cali oo si weyn looga soo qayb galay ayaa maanta si nabad-gelyo ah uga dhacay dooxada Geeda Qarsey oo ah meeshii lagu caana shubay Garaadadii ka horreeyay Garaadka cusub Sida G/Cali & Garaad C/qani, waxaa runtii lagu arkaayay fardihii ururada dhalinyarada oo sita dharkii hidaha iyo dhaqanka ahaa ee lagu yaqaanay dhaqanka soomaaliyeen xafladdan ayaa waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u tira badan oo u yimi ka qayb galka xafladdan lagu lagu caleemo Saarayo

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si weyn loo soo agaasimay.

xafladdan  ayaa waxaa kasoo qeyb galay  madax sar sare oo ka kala socota Dowlada Puntland, iyo Dowlada FKMG Soomaaliya, Issimo, Nabadoono, abwaano iyo marti sharaf kale oo badan oo isaga yimi daafaha adduunyada iyo dhamaanba dhulka soomaalidu degto min Low yacaddo ilaa Raaskaambooni waana xafladdii dhaqan ee caana shub ee ugu horreysay oo ay dad iyo madax intaa le'eg isugu timaaddo taariikhduna qori doonto.

Xafladan ayaa waxaa khudbado kasoo kala jeediyay Madaxweynaha Puntland Gen Cadde oo u hambalyeeya Garaad Jaamac sheegayna inuu taageersan yahay salaadiin ay ka mid ahaayeen Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo soo dhaweeyay marti sharafta sheegayna in laascaanood  tahay meel amni ah oo la isugu iman karo,

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo u hambalyeeya Garaadka cusub kana codsaday inuu ku shaqeeyo cadaalad dadkana dhex u noqdo,

Suldaan Maxamuud X. Xuseen oo ka socday G/ Togdheer ayaa isna halkaasi khudbad ka jeediyay uu ku taageersan yahay Garaadka uguna duceeyay hawsha culus ee loo igmaday,

Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa isna khudbad ka jeediyay uu ku taageerayo Garaad Jaamac Garaad Cali.

Abwaanka caanka ee Hadraawi  ayaa isna salaan u diray Garaadka cusub kana codsaday inuu dadka cadaalad ku dhaqo.

Ugu dambayn waxaa gaba gabadii khudbad ka jeediyay goobta Garaadka cusub oo ka hadlay muhiimada ay leedahay wada shaqaynta iyo iskaashiga iyo inaan la tix gelin xurgufaha yar yar ee  dadka ka dhexeeya wuxuu sheegay Garadka oo khudbad ay ka muuqato aftahamo balaadhan inuu ay hawshiisa ay sal u tahay Diinta Islaamka dadkana u sheegay ina la furi doono xarun hogaan dhaqameed ay soomaali hogaanadeeda dhaqan isugu yimaaddaan, gabagabdii xafladda ayaa ku soo gaba gabawday si wanaagsan oo habsami leh oo nabad-gelyo ah.

Qoraalkan waxaa noo soo  direy sawiradana sooqaaday """
Subeyr Cismaan Idiris
Laascaanood, Somalia
waxaa faa fiyey
weriyaha somalitalk.
abdirizak ali kaneec
kaneec1@hotmail.com

 

URURKA DHAKHAATIIRTA GOBOLKA BARI OO MUCAAWINO DAAWO AH GAARSIIYEY DADKII KU HOY BEELAY BOQOLKA BUUSH, BOOSAASO

Ururka Takhaatiirta Gobolka Bari ayaa kaalmo daawo ah gaarsiiyey dadkii dhowaan ku guryo beelay kaamka Boqolka Buush ee magaalada Boosaaso.

Ururku wuxuu halkaas u diray shixnad daawo ah iyo takhaatiir baaritaan ku sameysa caafimaadka dadka dhibaateysan ee waxyeeladu soo gaartay.

Boqolaal Hooyo iyo dhalaan ah ayaa si weyn uga faa;iideystay tabaruca ay Ururka dhakhaatiirta Gobolka Bari u fidiyeen dadweynaha ku nool Kaamka Boqolka Buush oo ku yaal coonka Badda Cas ee magaalada Boosaaso.

Boqolka Buush oo ay ku nool yihiin dadweyne soomaaliyeed oo ka barakacay badankoodu Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa inta badan waxaa qabsada dab burburiya hantida iyo guryaha cooshada ah ee ay dadka degani ku nool yihiin.

waxaad halkaan ka daawan kartaa sawirada halgalka Ururka Takhaatiirta Gobolka Bari oo iyagu ku guda jira gurmadkii ay halkaas ku tageen iyo daawadii ay geeyeen.

radiomidnimo@yahoo.com


xildhibaan Bare Hiraale oo la filayo in uu saacadaha soo socda u anbabaxo magaalada Beydhabo ee gobolka Baay
 
May 23, 2006: Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda federaalka ku meel gaarka ah xildhibaan Barre Hiiraale ayaa weli ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.

Wasiirka iyo wefti uu hor kacaya ayaa la filayaa inay  saacadaha soo socda u ambabaxaan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxana la filayaa inay raaci doonaan xildhibaan Seeraar, Xildhibaan Buulle, siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdi shire warsame iyo Xasan Maxamed Nuur Qalaad.

Dib u dhaca ku yimid weftiga wasiirka ee Baydhabo u socda ayaan la garanaynin waxa sababay iyada oo ilaa xalayna ay xarunta isbahaysiga ee Baranwaa ka socotay qabanqaabo diyaargarow bixitaanka wasiirka la xiriirta.

In kasta oo saacadihii dambe ee xalay ilaa maanta ay magaalada Kismaayo roobab ka da'ayeen haddana waxa aan loo aaneyn karin dib u dhaca safarka wasiirka roobabkaas, maadaama la filayay inay xalay baxaan

Madax sarsare oo isbahaysiga oo aan la xiriirnay saaka ayaa waxa ay ku adkeysteen in wasiirku uu bixi doono saacadaha soo socda, waxana ay sheegeen in diyaargarowga safarka ay socotay wixii hadda ka horreeyay, balse hadda la dhammeeyay.

In kasta oo wasiirku u muuqdo inuu waqtiyada soo socda uu ambabixi doono, haddana weli ma cadda saacadda dhabta ah ee uu dhaqaaqayo.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
cabdiqadar84@hotmail.com
kismaayo somaaliya


Barnaamijkii Radio Xoriyo
23 May 2006
 
Dagaallo Ciidamada cadowga Itoobiya lagu jabiyay.
 
Qabridaharre: Niman gumaysiga u adeega oo dadwyanaha u hanjabay.
 
Ciidanka gumysiga oo dadwaynaha Ogaadeenya gabbaad ka dhiganaya.
 
 Wadahadalladii xadka ee Itoobiya iyo Eritereya oo fashilmay.
 
Jaaliydaha Ogadeniya ee Dibadaha oo bilaabey Shirar deg-deg ah oo ay kaga arinsanayaan falagalada Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

 
 
======================   
 
Wariyaha RX uga soo warramag adalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya si wayn loogu naafeeyay. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
12/05/06 ciidammada xoreynta Ogadeenya ayaa weeraray xerada ciidammada gumaysiga ee Birgaydhka oo ku taalla magaalada Dhagaxbuur, waxayna weerarkaas ku dileen 22 skari, 8 kalana way dhaawaceen.
 
Isla 12/05/06 dagaal mir oo lagu qaaday ciidammada gumaysatada Itoobiya ee fadhigoodu yahaya tuulada Galaalshe waxaa lagaga dilay 4 askari.
 
02/05/06 dagaal ka dhacay Dul-hawd, oo ka tirsan gobolka Nogob, waxaa ciidamada gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 4 askai, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
08/05/06 dagaal mir ah oo lagu qaaday ciidmmada gumaysiga ee fadhiya degmada Garasley waxaa lagaga dilay 1 askari, khasaare kalana waa loogu gaystay.
 
13/05/06 dagaal mir ah oo lagu qaaday Dhagax-madow, waxaa cadowga lagaga dilay inta la ogyahay 4 askari.
 
Wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Iimey-bari iyo Iimey-galbeed ayaa iyaguna sheegaya inuu dagaal culus deegaannadaas ku dhexmaray ciidammada xorenyta Ogaadeenya iyo kuwa caga-jiidka ah ee gumaysatada Itoobiya markii ay taariikhdu ahayd 18, May 2006.
 
Dagaalkan wxaa jab wayn loogu gaystay ciidammada dac-darraysan ee gumasiga, oo halkaas lagaga dilay 100 askari oo isugu jira ciidammo Itoobiyaan ah iyo kuwo ah Dabaqoodhi la hawlgalayay. Waxaa sidoo kale halkaas lagaga gubay labo baabuur oo ah nooca Uuraalka loo yaqaano.
 
Qabridaharre: Niman gumaysiga u adeega oo dadwyanaha u hanjabay.
 
Degmooyinka dalka intooda badan waxaa jimcihii gaadhay niman badan oo daacad u ah gumaysatada Itoobiya, kuwaasoo gumaysiga ugu adeega waxa loogu yeedho Kililka Soomaalida.
 
Nimankan waxaa ka mid ah koox gumaysiga u qaabilsan gobollada Qorraxay iyo Doollo,oo magaalada Qabridaharre ka dagay, waxayna kala yihiin; C/llaahi Lugbuur, Daa’uud Diiriye, Bashiir, Khadar Macalin, Cabdi Ileeye, Maxamed Xirsi Geesood, Guray Fidaar, C/llaahi Dheere iyo ninka haysta ciidammada Qoraxay, Doollo iyo Jarar oo lagu magacaabo Woldhe-Duru.
 
Kooxdan cadaadiska dadwaynaha isu bahaysatay ayaa maalintii axadda ahayd shir ku qabatay magaalada Qabridaharre, iyagoo dadwaynaha magaalada si qasab ah ku sii shiriyay.
 
Kooxdani waxay dadwyanihii halkaas isugu yimid u jeediyeen hadal beer-laxawsi iyo hanjabaad isugu jira, waxayna u sheegeen in dalka Ogaadeenya horumar wayn la gaadhsiin doono oo Gaaska la soo saari doono haddii ay dadwaynuhu u guntadaan la dagaallanka JWXO.
 
Waxay dhinaca kale dadwyanaha ugu hanjabeen inay haystaan liiska magacyada dad aad u fara badan oo la layn doono haddii ayna iyagu hadda isa sheegin. Waxay kaloo dadwyanaha u sheegeen in Kililka iyo xukuumadda Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiisyo ay ku sheegeen in nabadda lagu sugayo, sidaas darteed ayna u nixi doonin, masuulna ka noqon doonin ciddii la dilo iyo ciddii la dhaco, haddii ayna ciidammada kala shaqaynin arrimaha ay nabadgalyada ugu yeedheen.
 
Dhinaca kale ciidammada gumaysatada Itoobiya ayaa bililiqaystay  tuulada Goosaley, oo  ka tirsan degmada Dhagaxbuur, waxayna gurteen hanti badan oo dadwaynuhu lahaa. Ciidammada gumaysiga ayaa tuuladan boobay, ka dib markii ay dadwaynuhu dhagaxtuur kala horyimaadeen markii ay tuulada soo galeen.
 
Dadka hantida laga dhacay ee magacyadoodu ay na soo gaadheen waxaa ka mid ah gabadh lagu magacaabo Rooda Maxamed Jaamac oo laga dhacay 2000 oo Bir.
 
Ciidanka gumysiga oo dadwaynaha Ogaadeenya gabbaad ka dhiganaya.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ka hawlgalaya dalka Ogaadeenya ayaa bulshada rayadka ah gabbaad ka dhiganaya, isla markaana ku qasba inay raacaan markii ay meelaha kala duwan u kala gooshayaan.
 
Ciidammada gumaysiga Ioobiya waxay qasab ku kaxaystaan baabuurta dadwayanaha markay doonayaan inay dhaqdhaqaaq sameeyaan, waxayna horay u sii qaataan dadwayne shicib ah oo ay qasbeen, taasoo ay kaga gaashaamanayaan weerarrada ay ciidammada xoraynta Ogaadeenya u gaystaan.
 
Waxay hadda ciidammada Itoobiya ku amreen inay degmooyinkodii ka hawlgalaan dhammaan dadkii u shaqaynayay maamul ku sheegga Kililka, kuwaasoo amar lagu siiyay inay ciidammada la hawlgalaan. Ciidammada Itoobiya ayaa doonaya inay dadkan iyo dadwaynaha caadiga ahba miina-baadh ka dhigtaan oo xabbada isaga horraysiiyaan.
 
Sidaas darteed waxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya dadwaynaha ku dhiirri galinaysaa inay ka fogaadaan ciidammada gumaysiga Itoobiya iyo meelaha ay ku sugan yihiin, isla markaana ayna raacin baabuurta ay afduubtaan. Haddii iyagoo saaran ay afdubtaana ay uga dagaan.
 
Dadka Kilil ku sheegga u shaqeeya ee la geeyay degmooyinka kala duwana waxay Jabhaddu uga digaysaa inay gacan siiyaan ciidammada gumaysiga, waxayna gu baaqaysaa inay raadiyaan qaab kale ooy naftooda ku badbaadiyaan oon ahayn nay gacan siiyaan ciidammada dulmiga ku jooga ciidda Ogaadeenya.
 
Ciidammada gumaysiga ayaa ka caagay inay baburtooda adeegsadaan oo markaas ka dib billaabay inay baabuurta shacabka qasab ku kaxaystaan, ka dib markii ay ciidammada xoreyntu guuldarro wayn badeen.
 
Wadahadalladii xadka ee Itoobiya iyo Eritereya oo fashilmay.
 
Wadahadallo arbacadii magaalada London uga billowday Eritereya iyo Itoobiya ayaa khamiistii lagu kala tagay iyadoon waxba ka soo bixin.
 
Wadahadalladan, oo uu goobjoog ka ahaa guddiga caalamiga ah ee xadka, waxaa la doonayay in xal loogu raadiyo khilaafka xuduudeed ee u dhexeeya Eritereya iyo Itoobiya, hase yeeshee wadahadalladan ayaa lagu kala tagay, ka dib markii ay xukuumadda Itoobiya diiday inay si buuxda ugu hooggaansanto go’aankii guddiga caalamiga ah ee xallinta khilaafka xadka.
 
Xukuumadda Itoobiya yaaa ilaa iyo hadda diiddan inay fuliso xukunkii ka soo baxay guddiga caalamiga ah ee Qaramada Midoobey u xilsaartay xallinta khilaafka soohdineed ee Eritereya iyo Itoobiya, waxayna ku gacan saydhay inay Eritereya ku wareejiso magaalada Bademe oo loo xukumay.
 
Eritereya ayaa iyaduna dhawaan xayiraad ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa ciidammada Qaramada Midoobey ee nabad ilaalinta u jooga xadka labada dal u dhexeeya, arrintaasoo dhibaatooyin waawayn ku keentay hawlaha ay halkaas ka hayso Qaramada Midobey, oo ku fashilantay inay xukuumadda Itoobiya ku qasabto fulinta go’aanka guddiga caalamiga ah ee xadka
 
 
Jaaliydaha Ogadeniya ee Dibadaha oo bilaabey Shirar deg-deg ah oo ay kaga arinsanayaan falagalada Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

Shirarkan oo ah shirar aan caadi ahay oo deg-deg ah ayey Jaaliyaduhu ku dhegaysteen warbixinadii ug dambeyeey ee wadankii hooyo.

Habada, wariyaha Radio Xoriyo ee wadanka Australiya ayaa noo soo tabiyey in maalmahan uu wadankaasi ka socday abaabul balaadhan oo ay Jaaliyadu ku kulmayso waxaana Maalintii Sabtida ee bisha May 20, 2006 shirbalaadhan isugu yimid Jaaliyadda Ogaadeenya ee Degan Gobalka New South Wales ee Magaaladda Sydney, Shirkan oo si aad  ah loo soo agaasimey waxaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha ururada bulshada iyo marti sharaf u dhalatey Jamhuriadda Soomaaliya.
 
Shirkan waxa war bixin dheer ka bixiyey GX 1aad ee JWXO Mudane Mohamed Ismacil Omar iyo Marti sharaf kale oo badan.
 
Waxaa iyaguna Goobtaas ka hadlay dadweynihii ka soo qayb galay shirkan oo goobtaas ka soo jeediyey talooyin iyo tusaale wax ku ool u ah haganka shacabka Ogadeniya, iyaga oo balan qaadey in aysan gacmahodoa kala laaban doonin falgalada guracan ee ay dawladda Itoobiya kula kacayso shacabkooda dulman.

Sidoo kale waxaa Magaalada Toronto ee dalka Canada ka dhacey maalintii Sabtida ee bisha May 20, 2006 shir balaadhan oo uu soo agaasimey Ururka Dahlinayarada Ogadeniya ee Canada, shirkan oo looga arinsaneyey xaalada Murugsan ee ka tagaan Ogadenia, waxaa wabixin ka bixiyey GX 2aad ee Hogaanka Jaaliyadaha Mudane Mohamed Molain, oo ka war bixiyey xaalada ay Ogadeniya ku sugan tahay. Waxaa isna Goobtaas ka hadley Dr Cabdiraxman Yusuf (C/Raxman Dhere) oo ka hadley kaalinta Jaaliyadda kaga aadan iyo doorka ay ka ciyaari karto xadgudubyada ay dawladda Itoobiya ku hayso shacabka Ogadeniya.
 
Dadweynihii Goobtaas isagu yimid ayaa balan qaadey in hiil iyo hoo la garab taaganyihiin wlaalahoda dolman.

Dhica kale, habeenkii Jimcaha ee bisha May 18, 2006 ayaa waxaa Magaalada Doha ee dalka Qadar ka dhacey shir ay soo qaban qabaisay jaaliyada Ogadeniya ee Qadar, shirkan oo lagu falanqeynayey xaalada Ogadeniya iyo tacadiga ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka wadaan, gaar ahaan “Hawlgalkii Jeexdin”, iyo sidii loo garab istaagi lahaa CXO iyo shacabka Ogadeniya.

Shirkan ayaa waxaa Gabayo iyo suugaan halgameed ka soo jeediyey qaar ka mid ah Odey dhaqameedyada Jaaliyada Ogadeniya ee Doha.
Ug dambeytii waxaa iyana jira shir deg-deg ah  isagu timid Jaaliyada Ogadeniya ee Magaalooyinka Minesota iyo St Paul, shirkan oo la mid ah shirarka aan caadiga ahayn ee Jaaliyadaha Ogadeniya ee dibaduhu qabanayaan, ayaa waxaa ka soo qayb galay wafti ka kooban Odey dhaqameedyo u dhashey Ogadeniya oo ka soo kicitimey Gobolka California, Gaar ahaan Magaalada San Diego.

Ujeedada socdaalka Odey dhaqameedyada ayaa ah sidii ay bulsho weynta Ogadeniya ee ku dhaqan cariga Maraykanka ula yeelan lahayaeen kulamo lagu qorfeynayo xaalada Ogadeniya iyo kaalinta ay Jaaliyadu ka qadaan karaan. Odeyadan oo lagu kala magacaabo: UGAAS CUMAR XIIREY, WALI DHOODI  C/QADIR, C/LAHI CUMAR FEEN, AXMED CALI YUSUF iyo YUSUF SHABEELayaa lagu wadaa in ay u socdaal ku mari doonaan Gobolada kala duwan ee dalka Maraynka.
 
Shirkan oo dadweynihii ka soo qayb galay ay aad u qiireysnaayeen, isla markaana ka xumaayeen xalada bani’aaadamnimada ka baxsan ee ay Ciidamada Itoobiya kula kacayso shacka Ogadeniya, ayaa goobtaas ka so jeediyey balan qaadyo ay ku taageerayaan shacabka Ogadeniya ee ay Itoobiya Gumeysato.
 
23 May 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD