SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii May 26, 2006

  • Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-guud ee Qarammadda Middobay oo cambaareeyay Dagaaladda ka soo cusboonaday Muqdishu.

  • Baaq Nabdeed Ku Wajahan Dagaalada Muqdisho 

  • SHIRKADAHA INTERNETKA OO KU SOO BADANAYA MUQDISHO

  • Wefti Ka Socda Shirkadda DAHABSHIIL Oo Ka Qayb-galaya Caleemo-saarka Garaad Jaamac


War Saxaafadeed

Xafiiska Qaramada Midoobey u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya,

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-guud ee Qarammadda Middobay oo cambaareeyay Dagaaladda ka soo cusboonaday Muqdishu.

Danjire Fall wuxuu ugu baaqayaa wasiirada Soomaaliyeed, iyo Qab-bablayaasha dagaalkuba in ay xurmeeyaan rabitaanka ummadda.

Nayroobi 25 May – Wakiilka Gaarka ah ee Xorhayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Francois Lonseny Fall, waxa uu maanta cambaareeyey dib-u-soo noqoshada collaaddii Muqdisho ka taagnayd. Waxaa aad ii dhibey dagaalada dib ugu soo noqdey caasimadda, kuwaas oo baabi’inaaya dadka rayidka ah isla markaasna luminaaya fursadihii dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska dalka loogu sameyn lahaa iyo sida ay u waxyeelenayso dadaaladii dhinaca gargaarka bani’aadanenimada ahaa ee Qaramada Midoobey ay dalka ka wadday kuwaas oo lagu samata bixinayey dadkii ay waxyeeleeyeen abaarihii.

“Dhibaatooyin la xiriira bii’ada iyo fakhrinimo aan la qiyaasi karin ayaaba horey dadka Soomaaliyeed dagaal ugula jireen” ayuu yiri Danjira Fall. Haddaba dalkaan uma baahna in madaxdiisu ay dagaal iskala hor yimaadaan. Sidaas darteed waxa aan dhammaan dhinacyada ay khusayso ugu baaqayaa in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka una xurmeeyaan baahida iyo rabitaanka dadkooda. Hadda waa waqtigii wax la isu soo dhoweyn lahaa ee ma ahan waqtigii wax la kala fogeyn lahaa. Waxa aan ugu baaqayaa hoggaamiyeyaasha kooxaha Muqdisho jooga isla markaasna wasiirro ka ah Dowladda Federalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliyeed in ay joojiyaan xabadda kuna soo biiraan geed-socodka siyaasadeed ee ka socda Baydhabo, taasi oo ay ku jirto danta ummadda.”

Danjire Fall waxa uu intaasi ku daray “Dadka Soomaaliyeed waxa ay si xoog leh ugu soo halgameen dhismaha Hay’adaha Federaaliga ee Kumeelgaarka ah – taasi oo ah astaantii ugu horreysay ee helitaanka dowlad dhexe ee Soomaaliyeed muddadaan shan iyo tobanka sanno ee ay dagaalada sokeeyey socdeen. Waxa kale oo ay ummadda Soomaaliyeed sameysatey Axdiqarameed kumeelgaar ah. Waxaa hadda magaalada Baydhabo ka socda kalfadhigii Baarlamaanka oo looga doodaayo sidii dalka loogu sameyn lahaa Dustuur.

“Gaaritaanka guulahan aan kor ku soo sheegnay ma ahan kuwo yar marka la fiiriyo dhibaatada baaxadda weyn leh ee ka dhacday dalka Soomaaliya muddooyinkaan dambe. ” ayuu yiri Danjire Fall. “Waxaa annaga na dhiirigeliyey dhammaan arrimhaasi. Qaramada Midoobey iyo dhammaan bulshada caalamka waxaa ka go’an in ay sii wadaan taageeradii ay u fidinayeen ummadda Soomaaliyeed. Haseyeeshee, waxa loo baahan yahay dad ay ka go’an tahay in uu badbaadiyo dadaaladaas aan soo sheegney, si markaasi aan tallaabo xoog lihi hore ugu qaadno. Waxaa haddaba muhiim ah in dhammaan qaybaha ay arrintu khusayso ay wada xurmeeyaan in ay dadka Soomaaliyeed helaan arrimaha aasaasiga ee bani’aadeninmada iyo xuquuqul-insaanka ee ay u baahan yihiin, isla markaasina la badbaadiyo dadka ku hawlan gaarsiinta adeegyada bani’aadanimo; si dadka Soomaaliyeed ay arrimahooda uga heshiiyaan, ugana baxaan fakhriga.”

Danjire Fall waxa kale oo uu ku booriyey dhammaan dadka ay khuseyso in dhibaatada maanta ka taagan Muqdisho xalkeeda loo maro sida uu qorayo Axdiga Federalka ee Kumeelgaarka ah. Waxa uu yiri waxa aad ii dhibey wararka sheegaya in maleeshiyooyinka Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysiga Nabad soo celinta iyo ka hortagga Argagaxisada ay baro horleh oo casimadda dhexdeedda ah iyo hareeraheedaba ah ay dhigayaan islamarkaasna hub iyo saanad hor leh u qaybinayaan iyaga oo helaya kaalmo dibadeed oo macnaheedu yahay in si dadban loogu xadgudbaya cunaqabateyntii hubka ee saarnayd dalka. Waxa kale oo aad ii sii murgiyey wararka sheegaya in carruur laga qorayo waddooyinka iyo dugsiyada loona adeegsanayo dagaal ay isku haystaan dad waaweyn oo ujeeddadooduna ay tahay in xukun lagu helo.” Ayuu yiri Danjire Fall. Waxaa sii badanaysa dhimmashada dadka rayidka ah inta ay dalka soo gelayaan qoryo cusub, bambo iyo rasaasba.

Danjire Fall waxa uu yiri Hay’adaha Qaramada Midoobey waxa ka go’an in ay Soomaaliya ka sii shaqeeyaan. “Dhammaan hawlaha Qaramada Midoobey ay hadda dalka ka waddo waxay ku qotomaana fidinta gargaarka degdegga ah.” Ayuu yiri Danjire Fall. “Su’aal kama taagno in aan sii wadanayno hawlaha loogu gargaarayo dadka, sidii aan u soo wadnay dhowr iyo tobankii sannadood ee la soo dhaafeyba. Annaga oo hadba baahida dalka ka jirta ka jawaabayna, haddii ay noqon lahayd cunto gaarsiin, biyo dhaamis, caafimaad, hoy u sameynta dadka. Ha ahaadeen kuwa deeganka degan amba kumannaanka Soomaalida ah ee dalka gudhiisa ay ku barakiciyeen abaaraha dheeraaday, dagaalada iyo daadadkaba webiyaddaba.”

Hase yeeshee Danjire Fall waxa uu yiri dalku maanta kama gudbayo horumar la’aanta ka jirta illaa iyo inta dadka hubka iyo nufuudda siyaasadeedba dalka ku leh ay ka go’aansanayaan in ay xurmeeyaan nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Awood nabad dalka loogu sameeyo iyo isbeddel wannaagsan ee dalka laga heloba waxa ay maanta ku jirtaa gacmaha qabqablayaasha dagaalka, sidaas darteed, waxa aan marka hore ku guubaabinaayaa in ay wada fariistaan kana wada hadlaan sidii lagu heli lahaa aragti qof kasta oo Soomaali ah siineysa fursadda uu dalka ku leeyahay’.

Wixii warar dheeraad ah, fadlan kala soo xiriir Ian Steele, Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nayroobi, Kenya. E-mail: ian.steele@unon.org 


Baaq Nabdeed Ku Wajahan Dagaalada Muqdisho 

Anigoo ah Muwaadiin Somaaliyeed Magaceeyguna yahay-Mudane, Enj-Maxamed Xaashi Xirsi Xubin ka ah Xisbigga Talada Dalkan Haya Shaqaalaha(Lobaur Party),Dalkeeyga iyo Dadkeeygaba laJeceyl nabadgelyo,Horumar iyo Hanashadda Dowlad Wanaagsanoo Sida ku Haboon ugu Adeegta Dadweynaha,Ilaalisa XuquuqddaDalka Iyo Xurmada Saxaafadda Iyo Nidaamka Dowladeedba.  

Anigoo Si weyn uga  Tiiraanyeeysan,Kana Damqanaaya Dhibka,Colaada Iyo Dagaaladda Sokeeye ee Hadda ka Socdda Caasimadda Qaranka Somaaliyeed(Muqdiaho) Xudunta Ummadda Somaaliyeed,waxaan Halkan ka Soo Jeedinaayaa Baaq Nabadeed oo ku SaleeysanAragtida Saxa ah,Dareenka Wadaniyadeed,Qiirada Dal Jaceyl IyoQiimaha Somaalinimadaba Dhabta ah,Baaq ka Turjumaayo Sida Weynoo aan Uga Xumahay Dhiiga Daadanaaya,Khasaaraha Baaxadiisa lehIyo Bara-Kicinta Ra,yidka ah oo aan Waxba Galabsan,Horre ayaaLoo Yirii Dagaal iyo Colaad Wiil kuma Dhashee,Wiil Baa Ku Dhinta,Waa Xaqiiqo Dhabta Iyo Tusaale Cilmiyeed,Hadii DagaaloSokeeye,Colaada,Khilaafyo Siyaasadeed,Muran Hogaamineed Wax Laga Faa,iidaayo Dalkeena Somaaliya ayaa Maanta Ayaa Noqonlahaa Midka Aduunka ugu Horeeya,Laakiin Wax laga Faa,iido ayaaAh Dib u Dhac,Burbur Iyo Khasaare Dhinac Walba ah. 

  Anigoo Garanaayaa ama dareemayaa in Dad Badan oo SomaaliyedQabaan Aragtideeyda oo Kalle,kana Xun Yihiin Dagaalada SokeeyeEe Magaaladda Muqdisho Ka Socda,Waxaan Ummadda Wax-garadka ah,Hogaamiyaasha Bulshadda Ra,yidka ah,Daladaha Haweenka IyoDhalinyarada Iyo Golayaasha Nabadeedba in eey Doorkooda QaatanSida ugu Dhakhsaha Badan u Kala Dhex Galaan Qeybaha DagaalkaWadda,hanaan Nabadeed,Wadda Hadal Iyo Caqli Adeegsina LaguXaliyo Xurgufaha Jirra,Lana Garto Qiimaha Iyo Ahamiyada NabaduLeedahay,Samaantu Leedahay Iyo Qiimaha Qarameed Iyo XurmaddaCaasimadda Muqdisho.  

 Gunaanadka Waxaan Alle ka Rajeeynaayaa in Colaada,DagaalkaIyo Xiisadaha Khilaafeedba Meesha ka Baxaan,Nabadgelyo Waarta,Kalsooni Iyo Hanaan Iskaashi Leh oo Danaha Guud ku SaleeysanAlle Ku Waariyo Ummadda Reer Muqdishi Iyo Guud ahaanba UmmaddaSomaaliyeed,Amiin,Amiin,Amiin.-

Waxaa Baaqan Jeedinaayaa--Enj-Maxamed Xaashi Xirsi--Ka Tirsan Xisbiga Shaqaalaha England-hersiuk@hotmail.co.uk


SHIRKADAHA INTERNETKA OO KU SOO BADANAYA MUQDISHO

Waxaa dhawaan hawada la soo geliyey shirka bixisa adeega internetka iyo telaphone raqiis ah taaso ay suurta gelisey shirkada smarta ee fadhigeedu yahay London oo saldhigyo ka furatey magaalada muqdisho xaafadaha yaaqshiid iyo bakaarha sarta cali dheere iyo wadada howlwadaag agagaarka shirkada amaana hoosteeda iyo suuq bacaad.

Taasoo kaa baahi tireysa adeega guud ee internetka iyo talephonka kana jaban kuwii hore dalka uga jirey .

Agaasimaha shirkada cabdulahi shine ayaa saxaafada u sheegay in internetka uu yahay laba nooc oo kala ah mid 120 saacadood ah uu qiimihiisu yahay bishiiba $10 iyo midka kale oo ah 24 saac onlin ah bishiine uu yahay qiimihiisu $20 IP STRA_KA wuxuu ku sheegay agaasimihu in noqonayo bishiiba $120 .

tani waxey dabooli doontaa baahi weyn oo ay u qabeen dadka reer muqdisho in ay helaan internet service provider (ISP) qiimihisu hooseeyo waxqabadkiisune uu sareeyo .

arintu si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horeesey oo shirkado cusub ay maalgelin ku sameeyaan guud ahaan dalka gaar ahaana magaalada muqdisho waxaana hada howsheeda laga wadaa xaafada gubta shirkad isgaarsiineed oo cusub waxaana laga yaabaa in ay dhawaan howlgasho waana shirkad howsheedu tahay adeega intertnetka iyo telephonada

Waxaa shirkadan lagala xiriiri karaa:
Xarunta weyn 002521265366

Qore: MUUSE MAXAMUUD JISOW | somali39@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2006


Wefti Ka Socda Shirkadda DAHABSHIIL Oo Ka Qayb-galaya Caleemo-saarka Garaad Jaamac
Laascanod,  — 23 May, 2006


Laascaanood - Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Shirkadda DAHABSHIIL, Mr. Maxamed Siciid Ducaale, ayaa shalay gaadhay Magaalada Laascaanood, ee gobolka Sool, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan caleemosaarka Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

Weftigan oo ka kooban lix suldaan iyo wefti ballaadhan oo u badan Saraakiisha shirkadda iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.  Mr. Xasan Xiis, oo ah madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda DAHABSHIIL, oo saxaafadda u warramay waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu ahayd sidii ay uga qaybgeli lahaayeen Caleemo-saarka Garaadka, oo dhici doona Maalinta beri ee Isniinta.

Mr. Xiis, waxa kale oo uu xusay in si ballaadhan loogu soo dhoweeyay Magaalada Laascaanood.

"Qaabilaad layaab leh ayaanu la kulanay, si weyn ayaa naloo soo dhoweeyay xalay iyo shalayba," ayuu yidhi Mr. Xasan Xiis.

Guddoomiyaha DAHABSHIIL, oo weftigan horkacayay, waxa la sheegay in loo soo dhoweeyay sidii boqor oo kale, isla markaana dadweynihii soo dhoweynayay ay kala horyimaadeen sawaxan sacab iyo mushxarad ku lamaan tahay, iyada oo dadweynuhu ku baaqayeen in la tuso oo ay arkaan Mr. Maxamed Siciid Ducaale. 

oo dhoweyntii qiimaha badnayd ee weftigani la kulmay, waxa mahadnaq ballaadhan ka soo jeediyay Guddoomiyaha Dahabshiil, Mr. Maxamed Siciid Ducaale.  Guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminayay waxa ay subaxdii shalay booqasho ku tageen cusbitaalka keliya ee Magaalada Laascaanood, oo lagu daweeyo dad ku dhow ilaa 200 oo qof oo u jiifa Cudurka TB-da.

 

Waxana halkaas warbixin ku siiyay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka, Mr. Bile Maxamuud iyo Dr. CAbdi Maxamed Buraale, oo labaduba ka warramay hawlaha cusbitaalka iyo baahiyaha uu baahan yahay.  Cusbitaalkan oo ah mid qadiimi ah oo wakhtigii Ingiriiska la dhisay, waxa ay sheegeen madaxda Cusbitaalku in baahida ugu weyn ee haysataa ay tahay Waadh Carruureed oo aanu lahayn cusbitaalku, iyo mishiinka dabka oo cidlo ka yaalla, kaas oo qoraxda iyo dabayshu ay hesho.


Baahiyahaas labada ah, waxa kafaalo qaaday in uu ka caawinayo Guddoomiyaha DAHABSHIIL, Mr. Maxamed Siciid Ducaale, waxaana isla shalayba la bilaabay dhagax-dhigga Waadhka Carruurta iyo Qolka Matoorka loogu talogalay.


Mahadnaq aad u ballaadhan ayay madaxdii Cusbitaalka iyo dadweynaha reer Laascaanood u soo gudbiyeen shirkadda DAHABSHIIL.


Waxana marti-sooryo loo sameeyay weftigan loo qalay 2 neef oo geel ah.

Waxaa soo tebiyey:
Jama A A | jama_a_a@hotmail.com

 

Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga Dagaal Qaraar kula wareegay Lambar 4 iyo Hotel Saxafi
Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka culus ayaa saakay subaxnimadii ka bilowday carwadii hore.... Guji... May 25

Agaasimihii Guud ee Range Resources oo is Casiley
iyo Shirkaddaas oo Warqaddii Geeddi ku tilmaantay Wax aan la hubin iyo Guddiga Range Resources oo lagu daray Liibaan Boqor... Akhri..... May 25

Warar GooGoos ah: May 25
»Geeddi oo deg ugu yeeray Wasiirkiisa Maaliyadda.....
»500 oo Booliis ah oo tababar uu uga furmayo xerada..
»Max’ed Dheere oo ganta ku dhigay Gaari siday hub…
»120 qof oo ka kala socday Bulshada rayidka ah oo..
»Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed oo dagaal..
»Dagaalo xoogan oo shalay ka dhacay Muqdisho...
»C/risaaq Xaaji Xuseen oo Tacsi u diray Qoyskii Sucdi Cabdille
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 25

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD