SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII:: MAY 28, 2006

  • Maxaa ka soo baxay kulankii Cusmaan Caato iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah...

  • Wabarka beesha Cayr oo u soo jeediyay Caato in uu la yimaado..

  • Barre Hiiraale “C/llaahi Yuusuf iyo Geedi ayaa ka dambeeyay imaanshaheyga Baydhabo”..

  • Warar ku saabsan dagaalo shalay ka dhacay Muqdisho..

  • C/llaahi Yuusuf oo beri u ambabaxaya Magaalada Nairobi..


Maxaa ka soo baxay kulankii Cusmaan Caato iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah...

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cusmaan Xasan Cali Caato iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii loo joojin lahaa dagaalada dadka faraha badani ay ku dhinteen ee ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, kulankaan oo qaatay mudo saacad ah ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay si weyn isugu afgarteen iyadoo mar uu u waramayay Cusmaan Caato Warbaahinta uu sheegay in kulankaasi looga hadlay sidii nabad loogu soo dabaali magaalada Muqdisho, isla markaana loo kala qaadi lahaa maleeshiyooyinka, wuxuuna sheegay Cusmaan Caato iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay aqbaleen heshiis xabad joojin ah oo ka bilaabanaya maalintii shalay ahayd, sidoo kale waxaa iyana saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta oo sheegay in ay soo dhaweynayaan heshiiska ay wadaan xubnaha Dowladda ee uu horkacayo Cusmaan Xasan Cali Caato, isagoo sheegay in dhinacoodu ay diyaar u yihiin in la wada hadal, wixii khilaafna ahna lagu dhameeyo is afgarad. Maanta ayaa la filayaa in Cusmaan Caato iyo xubnaha la socda ay kulan la yeeshaan xubnaha Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, balse su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay sid aay Isbahaysigu u ogaan doonaan heshiis xabad joojin ah oo ay la galaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, iyadoo intii uu socday wada hadaladii uu Cusmaan Caato la lahaa Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay dhaceen dagaalo qaraar oo ay dad fara badani ku dhinteen kuwaasoo ka kala dhacay agagaarka Kulliyaddii hore iyo deegaanka Kaaraan.

Wabarka beesha Cayr oo u soo jeediyay Caato in uu la yimaado..

“Waxaan ugu baaqayaa guddiga nabadeynta cusub ee uu hogaaminayo Cusmaan Xasan Cali Caato ayna ka mid yihiin Maxamuud Salaad Nuur iyo Cali Calas Qaareey, in ay u guntadaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Muqdisho” sidaa waxaa yiri Wabarka Beesha Cayr Wabar C/llaahi Orey Caraale oo intaa raaciyay “waxaan ugu hambalyeynayaa sida ay ugu soo dhiiradeen in ay nabad ka dhaliyaan Magaalada Muqdisho.

Wabar C/llaahi waxa uu uga digay Cusmaan Caato iyo xubnaha la socda in aysan ku biirin guddigii Nabadeynta ee fashilmay, horeyna u fariisan jiray Hotelka Nabadda kaasoo ahaa mid aan xaaladda dhex dhexaad ka ahayn, isagoo ku tilmaamay in guddigaasi ay ahaayeen kuwo ku shaqeynayay cadaalad daro iyo iska horkeen, ugu dambeyntii waxa uu u rajeeyay Cusmaan Caato iyo Xubnaha ku wehliya nabadeynta in uu Illaah la garab galo arrimaha ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ee nabadeynta ah.

Barre Hiiraale “C/llaahi Yuusuf iyo Geedi ayaa ka dambeeyay imaanshaheyga Baydhabo”..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo gaaray wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), isagoo ka soo duulay Magaalada Kismaayo, waxaana garoonka Diyaara-daha ee Baydhabo ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan xubnaha labada Gole ee Dowladda.

Barre Hiiraale ayaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo gaaro Baydhabo uuna ka qayb-qaato shirarka xubnaha labada gole.

“Madaxweyne C/llaahi, Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa ii yeeray sidaa ayaana ku imid magaalada Baydhabo” ayuu yiri Barrre Hiiraale oo sheegay inuu markii hore ku maqnaa howlo qaran oo la xiriira sidii dib u heshiisiin uu uga dhex sameyn lahaa beelaha ku dagaalamaya qaar ka mida Gobalada Jubbooyinka.

Warar ku saabsan dagaalo shalay ka dhacay Muqdisho..

Dagaalo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa waxay ka dhaceen maalinti shalay ahayd Magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkii ugu cuslaa ka dhacay deegaano ka tirsan Degmada Karaan, waxa uuna dagaalkaasi u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxaana dagaalkaasi la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13-qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr iyo labaatan kale oo la sheegay in ay u badnaayeen maleeshiyooyinkii dagaalamayay.

Sidoo kale dagaal aad u qaraar ayaa isna ka dhacay Kulliyaddii hore ee Jaale Siyaad, waxaana dagaalkaasi la sheegay inay iyana u dhineen ilaa iyo afar qofood, iyadoo madaafiic ka soo dhacday halka uu dagaalku ka socday ay ku dhaceen agagaarka Al-Baraka ay ku dhaawacmeen dhowr qofood.

Deegaanada Sii-Sii iyo Lambar Afar ayaa iyagu shalay deganaa kaddib markii ay horey uga dhaceen dagaalo lagu hoobtay, waxaana haatan socda waan waan la doonayo in lagu dhameeyo dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho, waxaana waan waantaasi wada Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato) iyo xubno kale oo la socda.

Dhinaca kale Ciidamadii Max’ed Dheere ee ku sugnaa deegaanka Ceel-Cirfiid ayaa halkaasi ka baxay lamana garanayo sababihii ay halkaasi uga baxeen.

C/llaahi Yuusuf oo beri u ambabaxaya Magaalada Nairobi..

Waxaa maalintii shalay ahayd magaalada Baydhabo kulan ku yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Odoyaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii maamul loogu sameyn lahaa magaalada Baydhabo.

C/llaahi Yuusuf oo la hadlayay xubnahaasi ayaa waxa uu u soo jeediyay inay kudo 24-saac ah ay maamul ugu sameeyaan magaalada Baydhabo, oo uu sheegay inay tahay Magaalo si weyn ugu baahan maamul.

Maalinta Beri ah waxaan u ambabaxayaa magaalada Nayroobi mudada yare ee aan maqanahay waa in aan Baydhabo ku soo labataa iyadoo uu maamul u sameysan yahay” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Axmed.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2006


Naciimo Cusmaan Sabriye waxay si bini'aadamino ku jirto u codsaneysaa in... Guji...

Warar GooGoos ah::: May 27
»
Maleeshiyooyin taageersan C/Shukri iyo C/Rashiid Ilqeyte oo
»Dagaal u dhexeeya Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo ka..
»Sheekh Shariif “anagu mar kasta diyaar ayaan nahay in..
»Isbahaysiga la dagaalanka "argagixisada" oo ka...
»Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo booqday Marka..
»Beelaha Xawaadle iyo Ujeejeen oo heshiis ku gaaray..
»Ganacsatadii Ogadenya oo dagaalka loo diray & Bandow...
»Baaq: Ardayda Soomaaliyeed ee Maleysiya....
»Baaq: uu soosaaray Cabdi M. Saleiman....
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... May 27
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD