SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai u fadhiyay haddana ah maamulaha Iftin.

Maamulaha shirkadda xawilaada Iftin ayaa waxaan rabaa inaan anoo ku hadlayo magaca dad badan oo lagu dhacay shirkadii hore ee kala yaacday inaan xasuusiyo dhoowr arimood oo kala ah: 

Waxaad aheeyd maamulihi Dalsan u fadhiyay Dubai inteeysan kala yaacin laba bilood ka hor, teeda xigto waxaad ku jirtaa dadka la tuhmayo ineey wax un lunsadeen, waxaa intaa sii dheer in xili dad weeynihii Soomaaliyeed ee laqalin shubtay ay dhagta taagayaan oo ay jiho wareersan yihiin ayaa adiga oo maamulka hayay xili shirkada ay sii liiceyso ayaa waxaad Dubai maamula uga noqotay shirkad cusub oo xiwilaad ah miyeysan meeshu imaani karin in lagugu tuhmo inaad shaarka badalatay waayo sidii laguu tuhmay wax ku bari yeelo maanan arag teeda kale waxanan wali maqal cid dhaheeyso waxii anaga ayeey igu lumeen ee qof walba dhaar ayuu marayaa marka inta uu ka soo baxayo go,aan culimada waxaan qabaa inaad banaanka ka joogto shirkada cusub kaligaana kuguma koobno arinkaa ee haddi ay jiraan askhaas kale oo ayagan la tuhmayo ayaa waxaan walaalaha shirkada cusub wax ku leh ka codsaneynaa in dadkaa ayaga ah aysan xibin ka noqon shirkada inta laga bari yeelayo. 

Ugu dambeeyntii waxaad ogataa markaan sidaan leenahay inaan wax dhibaata ah aanan adiga shakhsi ahaan aanan kula rabin shirkada cusubna warkeeda daaye kaliya waxaan rabnaa inaan isha ku haayno dadka aan tuhunsanahay ineey xaqaayna qabaan taana waa wax aan xaq u leenahay diinta islaamkana ay noo ogoshay inaan xaqayna dalbano anaga oo u mareeyno qaab wanaagsan. 

Afhayeenka qaar kimid ah dadkii Dalsan lagu dhacay

                  Ahmed | haadi30@hotmail.com

Qoraaladii hore ee Axmed-Haadi

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD